Salaam Somali Bank & Ganacsato ku kulmay Muqdisho.

Published on October 29, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print

salaam BankSalaam Somali Bank ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kulan balaaran oo uu ku soo bandhigey adeegyadiisa iyo ujeedooyinkiisa kula  yeeshay Qeybo kamid ah Ganacsatada Gobolka Banaadir (Sawiro).

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Salaam Somali Banki ayaa ugu horeyntiiba kulanka ka hadashay kuwaas oo si faahfaahsan Sharaxaad uga bixiyey waxqabadkooda waxayna Sheegeen in Shaqadoodu ku saleysan tahay Abuuritaanka Dhaqaale  Salbalaaran oo ku saleysan Shareecada Islaamka isla markaana ay bulshada u iftiimin doonaan Baahida Ganacsi ee jirta.

 

Mas’uuluyiinta u hadashay Salaam Somali Banki ayaa sidoo kale soo bandhigay Fursadaha iyo adeegyada Casriga ah ee ay uga Faa’ideyn doonaan Shacabka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ganacsatada, iyagoona Shaaciyey inay Dadka ka haqab tiri doonaan adeegyada Bank ee loo baahan yahay.

 

Raga u hadalay Salaam Somali Bank ayaa sidoo kale Shaaciyey inay keeneen adeegyo ay kamid tahay Lacagta Electronic ah, Credit Card-ka iyo adigoo mobilkaaga ka isticmaali kara lacagaha Bankiga kuuyaal iyo adeegyo kale.

 

Sidoo kale Salam Bank waxa uu Cadeeyey inuu Maalgalin ku sameyn doono waxsoosaarka Dalka sida Xoolaha iyo wixii lamid ah.

 

Ganacsatadii ka soo qeyb gashay kulanka ayaa aad ugu riyaaqay isla markaana soo dhaweeyey adeegyado uu soo bandhigay Salaam Somali Bank iyagoona Sheegay inay u bahnaayeen Cid u qabata howlahaas kana faa’ideysan Doonaan fursadaha iyo waxqabadka Bangigan Islaamiga ah.

 

Boorarka lagu sharaxay Goobta kulanku ka dhacayey ayaa waxa ku xardhanaa Halheyso waxqabadkooda ku aadan oo ay kamid ahaayeen:

1.      dhaqaale Abuurid waa faqsan Shareecada Islaamka.

2.      Iftiiminta Baahida Ganacsi.

3.      Ribo la’aan, Maalgalin, latalin’ LC Furid.

4.      iyo Qodobo kale.

 

Qoraar kooban oo ku saabsan Waxqabadka Salaam Bank oo lagu soo bandhigay kulankana waxa kamid ahaa:

 

 

Profile of the Bank

Macluumaadka  Bangiga oo Kooban.

 

Magaca: SALAAM Somali Bank

Nooca: Islamic

Goobta: Mogadishu – Somalia        

 

ARAGTIDA

 

 SALAAM Somali Bank  Wuxuu  tiigsanayaa in uu noqdo hogaamiyaha, soo bandhigaha Mashaariicda,Maalgalinta & adeegyada Islaamiga ah  ee ka caaggan ribada ama dulsaarka taasoo uu  ka hir galinayo dalka Soomaaliya  إن شاء الله

 

ADEEGYADA GUUD EE SALAAM SOMALI BANK

 

Xisaabta socota          (Current Account )

Xisaabta Keeydka      (Saving Account )

Koonto Maalgashi      (InvestmentAccount)

Keeydka Xajka           (Hajj Savings Account)

      Keeydka Guurka  (Marriage Savings Account)

      Kala soco dhaq dhaqaqa A/C (Mobile banking)

 

·        Bangigu wuxuu kuu  furayaa (LC) si uu kuugu fududeeyo Ganacsigaaga  dhoofinta & soo dejinta (Documentary Credit)

·        Bangigu wuxuu kusiinayaa warqadda Damaanad ah. Letter of guarantee (LG) 

·        Lacag Dirid deg deg ah dhamaan Bangiyada aduunga    (Swift)

·        Telefoonka Gacanta oo aad kala soconeeyso dhaq dhaqaaqa xisaabtaada Mobile ,,,,….banking  

 

 

Bank Services

Adeegyada Bangiga

 

Adeegayada Guud ee SALAAM Somali Bank Waxaa ka mid ah.

 

·         Adeega ZAAD- ama-  eWallet  waa   adeeg Lacageed oo aad ka isticmaaleyso Mobile kaaga sida (Kaash /  iibsasho / Udirid Lacag ruux kale)

      MEEL WALBA/ WAQTI WALBA

adoo isticmaalaya Mobile kaaga

 

Waa Service ama adeeg kuu ogalaanaya  kuuna saamaxaya in aad ku qaadato Cash lacageed ama aad wax ku gadato/ ama aad ku iibsato/ ama aad ruux kale lacag ugu dirto adoo isticmaalaya Moobeyl kaaga

     

·        Koontada/Xisaabta Isticmaalkeedu Socdo (Current Account) Lehna Buug Jeega, Kaararka Caalamiga ah Sida MasterCards

·        Koontada/Xisaabta wax kaydsiga

    (Saving Account)Xisaabtaas oo leh Buuga keydka

·     Koontada/Xisaabta Maal-Gashiga 

      (Investment  Account)

Xisaabta maal-gashiga waa mid ku saleysan heshiis ganacsi oo u dhaxeeya Bankiga iyo Macaamiika kuna cadahay waxa la maal-galinayo & faaiido qeybsiga oo waa faqsan shareecada islaamka sida Muraabaxa مرابحة

 

Objectives

Ujeedoonyinka Bangiga

 

Ujeedooyinka ugu waaweeyn ee

  SALAAM Somali Bank waxaa ka mid ah

 

·        In uu sameeyo dhammaan  shaqooyinka & adeegyada Bangiyada aduunka oo dhan ay sameeyaan isagoo marwalba raacaya dariiqa ama jidka shareecada islaamka

·        In uu u iftiimiyo tusana hantiilayaasha soomaaliyeed  mashaariic maalgashi oo naajix ah,  Mashaariicdaas  oo waafaqsan  shareecada sida Dhismayaasha/Guryaha/ Beeraha/ Kaluumeysiga/Xoolaha

·        In uu siiyo kulana taliyo dhammaan         Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee daggan dalka dibaddiisa habka ama sida ugu    fiican ee aay u maalgashan karaan       waddankooda hooyo

·        In uu   Macamiishiisa u soo bandhigo mar walba maalgashi daraasadeysan      lana lafa guray & waliba adeegyo ay ku horumarsan karaan ganacsigooda/ maalgashigooda/

·        In uu ka qeybqaato dhaqaalaha        Hor marka dalka iftiimiyana fursadaha jiri kara

·        In uu kor u qaado aqoonta shaqaalaha barana habka loo maamulo bangiyo Islaami ah oo casri ah  siiyana wacyigalin umadda Somaaliyeed-  sida ama habka loola macaamilo Bangi Islaami ah.

Fadiga Kulanka

Fadiga Kulanka

C/raxmaan Ibraahim (Ookiyaalo) oo kamid ah Mas'uuliyiinta Salaam Bank oo Kulanka ka hadlaya

C/raxmaan Ibraahim (Ookiyaalo) oo kamid ah Mas'uuliyiinta Salaam Bank oo Kulanka ka hadlaya

Muuqaalka Guud ee Fadhiga

Muuqaalka Guud ee Fadhiga

Qeyb kamid ah ganacsatada ka soo qeybkashay kulanka

Qeyb kamid ah ganacsatada ka soo qeybkashay kulanka

Mas'uul ka tirsana Madaxda Bangiga Salaam

Mas'uul ka tirsana Madaxda Bangiga Salaam

muuqaalka Fadhiga

muuqaalka Fadhiga

Qeybo kamid ah Ganacsatada kulanka ka soo xaadirtay

Qeybo kamid ah Ganacsatada kulanka ka soo xaadirtay

Sheekh Cali oo ganacsatada kamid ah kulnkana ka hadlaya

Sheekh Cali oo ganacsatada kamid ah kulnkana ka hadlaya

kasoo qeybgalayaasha Xaflada

kasoo qeybgalayaasha Xaflada

Muuqaalka kore ee Dhismaha Xarunta Bakaaraha ee Salaam Somali bank

Muuqaalka kore ee Dhismaha Xarunta Bakaaraha ee Salaam Somali bank

Al-baabka Hore ee Dhismaha Salaam Somali Bank

Al-baabka Hore ee Dhismaha Salaam Somali Bank

Qeyb kamad ah Gudaha Xarunta baniga

Qeyb kamad ah Gudaha Xarunta baniga

Qalabka lagala Socda Sarifka lacaga qalaad oo Xarunta ku dhex rakiban

Qalabka lagala Socda Sarifka lacaga qalaad oo Xarunta ku dhex rakiban

Qeybta Soodhaweynta Salaam Somali Bank

Qeybta Soodhaweynta Salaam Somali Bank

Waaxda Amniga ee Salaam Somali Bank

Waaxda Amniga ee Salaam Somali Bank

Cinwaanka Bangiga

Bank Address:

Sakhawadiin Street , Xamarweyne.

Tel. +2521-654820  Fax. 654345

Tel. +2521-216060 / +2525- 920400

H/Wadaag Street, Bakaaro, Market

Tel: +2521-653085    Fax: +2521-654345

Mogadishu, Somalia

E-Mail: info@salaamsombank.com

Website: www.salaamsombank.com



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (9)

  1. Osman Ali says:

    Maashaa allah , waa arin ay aad iyo aad ugu baahan yihiin dadka somaliyeed. Congratulation to Somali Somali Bank.

  2. gawaafe says:

    allaah ha barakeeyo waa camal lagu farxaa maashaa allaah.

  3. dr c/raxmaan says:

    masha allaah waa wax aad loogu farxo waana soo dhaweynaynaa hadii aan nahay shacabka somaliyeed waana adeeg aan horey oga jirin somalia

  4. dhaaifatul manzuura says:

    maashaa allaah WALAALKA AAS AASAY ILAAHAY HA UBARAKEEYO AKHII HANA ILOOBIN SAKADA IYO SADAQADA KUNA BIXI JIHAADKA FIISABIILILLAAH JZKUMULLAAH QAYR

  5. xudayfa says:

    Asc dhaman walaalaha waa arin aad loogu farxo in maanta somalia Gaar ahaaneed mUqdsho oo dagaal ka socda Rag isku xilqamayn inay Bank islami furaan uguna faaidayaan ganacsatada si ay lacgtooda ugu badbaadaan iyagoo meel amaana dhiganyaa hadane kala soconaya mobilekoda waa arin aad u fiican ,..

  6. A/fatah mohomad abdi says:

    waxaan aaminsanahy in bankiga loo baahnaa inu xiligaan kia shaqeeyo somaliya wana idinakga mahd celinaa waan idinku dhiirinaa wxaan rajynynaa inaan ka noqdo xisaabiyo yaasha bankiga hada waxaan ahay arday dhigta machdka simad mahdsanidiin

  7. muhudin says:

    s/c waxaan aad ugu faraxsanahay shaqada aad noo qabateen haddaannahay muslimiinta soomaliyeed waxaan jeclaan lahaa in aad horumarisiin maal gashiga waddanka gudihiisa sida xoolaha beeraha macdanta iwm
    qaybahaasi waa u muhim dhaqaalaha waddanka iyo kor u qaadida nolosha dadka
    waxaan idiin rajaynaa shaqo wacan

  8. Mahmud says:

    Mashaa allah.
    Xaqiiqatan waa adeeg muhiim ah baahiweyna loo qabay Umada somaliyeedna meel waliba ay joogaana ka faa’iideysandoonaan, waa hormar shacabka soomaliyeed kusiitilaabsanayaan maant. waxaana xusid mudan mahadu hakagaartee walaalehen ka danbeeyey aas’aaska & fikrada nidaamkan casriga ah oo kucusub Somalia, waa hormar wanaagsan oo ku faraxsanahay
    Hormar wanagsan
    Shaqo wacan.

  9. maxamed maslax nuux says:

    biismilaahi raxmaani raxiim waxan dagaahay magalada hargeisa soomaliland waxan ahay qoy jecel hore uumarka bank waxana accoun ku leeyahay banka qeebta hargeisa fikirkeyga waa inlaga dhiga intertional accoun sii aan qofkasto uu kala biixi kara bilaa sharuud macsaalma




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines