Dr C/qaasid oo ka hadley xiriiro uu horey ula kala sameeyay Sh Xasan Daahir & Sh Shariif.

Published on October 29, 2009 by   ·   10 Comments   ·   print

Dr C/qaasim Salaad Xasan, Madaxweynihii Dowladii Carta oo la hadley Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa ka warbixiyay xiriiro uu horey uu kala sameeyay Sh Xasan Daahir Aweys iyo Sh Shariif oo ku aadan dajinta Xaalada Soomaaliya.

 

 

Dr C/qaasim waxa uu sheegay inuu labada dhinac horey xiriiro ula kala sameeyay kalana hadley sidii Xaalada taagan wax uga badali lahaayeen, waxna meel isla dhigeen xilligaas balse aanu jawaab danbe ka helin, sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu dhinaca kale sheegay inuu xiriir la sameeyay Madaxweynaha Dalka Liibiya Col. Mucamar Qadaafi kulana taliyay inuu arinta Soomaaliya xal u raadiyo isaga oo adeegsanaya magaca Midowga Afrika iyo kan Carabta, taladaasna uu ka dhashey Shirka dibu heshiisiineed ee dhawaan Dowlada Liibiya ugu baaqdey dhinacyada Soomaalida.

 

C/qaasim waxa uu sheegay inkastoo uu doorbidayo musaalaxo laga dhex sameeyo Soomaalida inay ka dhacdo Dalka gudahiisa, hadana dhinaca kale uu soo dhaweynayo tan Dowladaha Soomaaliya la olaga ah isku howlayaan ka dibna gudaha Dalka lagu sii dhameystiro.

 

Dr C/qaadir, Dhinaca kale waxa uu cambaareeyay duqeymihii ugu danbeeyay ee ciidamada AMISOM Magaalada Muqdisho ka geysteen, shacabka badanina ku baaba’een, waxa uuna ku baaqey in arintaa DKMG ah wax ka tiraahdo.

 

Maaha markii ugu horeysay oo hadalo noocan ah kuna aadan dhex dhexaadin uu C/qaasim ka dhex wado Sh Xasan Daahir & DKMG ah ka soo yeeraan, inkastoo diidmo ku aadan dhinacyada qaar horey iyana uga soo yeertay. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh Xasan Daahir oo isna ka Hadley Hadalkii Sh Usama Bin Ladin
  2. Sh Xasan Daahir oo ka hadley arimo Xasaasi ah oo ku aadan Soomaaliya.
  3. Sh Xasan Daahir oo Shir Jaraa’id oo uu Qabtey uga Hadley arimo badan
  4. Sh Xasan Daahir oo Shacabka kula hadley Deegaanka Ceelasha Biyaha, weerareyna Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya.
  5. Sh Shariif oo Sh Xasan Daahir & Eritrea Eedeyna u jeediyay.

Readers Comments (10)

  1. libaan says:

    waa fiicantahay hadii c/qaasim xasan daahir ku qancin karo in uu shabaab kaharo oo awalba jago ayuu rabaye jagadiisa khaato kadibna wixii dhiig muslim iyo maato uu laayay ilaahay lahor tago laakiin waxaan u malaynayaa in arintaan shabaabku ay gaashaanka ku dhufun doonaan oo xasan daahir meesha kasaari doonaan!

  2. Cali Yare says:

    Diktoorka kheyr allaha siiyo waa nin wax tar weyn u leh bulshada waxaanan ku xasuustaa inuu markii xabashi dalka xasuuqa ka waday uu wariye weydiiyay madaxweyne maxaadan dalka uga bixin wuxuuna ugu jawaabay dadkeyga 5 malyanka ah gaaraya ee dhibaateysan ayaa dhibka la qaybsanayaa.

  3. QABYAALAD DIID says:

    C/qaasim Waa oday soomaaliyeed oo wanaagsan dowladiisii tabarta darneydna waxaa lagu xasuusan karaa sidii ay uga dhiidhin jirtay fara galinta itoobiya & sida ay oga fogaatay dagaal sokeeye

  4. Ubu salman says:

    Dictorku wuu riyoonaya miyaa dadka aduunka kunool somaliya dawlad kama raban

  5. abubakar says:

    ac/aniga oo aan kadayrinayn hadana waxaa aan umalaynayaa inaan ragaas uu kamid yahay abdiqaasim maanta arinkoodu aad ushaqaynanayn waana isaga cali mahdi cabdilaahi yuusuf waayo markii ay midida daabkeeda hayeenba waxba way qabanwaayeen

  6. jamal Ahmed Abdille says:

    EEBE ayan kabaryeynaa in u xal soomaliya ukeeno oo dhibatadan kabixiyo,cit kasta oo nabada kashaqeysa ILLAHEY ha garabgalo sida Dr abdiQassim oo u dhex dhaxaadin kawado dowlada iyo mucaaradka,NABAD AYA NAS LANUUGA LEH; ayey dhahan soomaalida.Dadka leyska dilaaya hala daaya.YUHUUD AYA NAGA FAIDEYSANEYSO, HURDADA HALAGA KACA……….

  7. Bashiir indhagaduud. says:

    C/qaasim meesha hadal cidlo ah buu ku hayaa xiligii war laga maqli jiray siyaasiyiintii hore ee soomaaliya hadda ma joogto nimanka hadda jooga wixii ay rabaan bay sameesanayaan cidna war kama yeelayaan ee yuusan isdaalin dalkaan Allaa u maqane, Dowlad iyo Mucaarad midna dan uma wado dalkeena hooyo sida aniga ii muuqata.

    mahadsanidiin,

  8. Dowladraac says:

    Ilaahay baan kugu dhaarshaye in nabadda(islam=nabad) la qaado baa ka fiican dagaal,fitno oo kursi lagu doonaya.

  9. Khawla says:

    shirqoolkii usa usoo dhiibtay jaamacada carabta A.K.A “masar” iyagana isaga wareejiyeen DR abdiqasim xasan wuu dhicisoobay sababta dowlada beenada soomaliyeed iyo xizbul islam waxaa ka awood badan alshabaabul mujaahidiin iyaga wey ka foojigan yihiin dabinka gaalo soo maleegeysa.xoogaagii u ka qaatay baa u darneyd.msar haday muslim kale wax u qabaneyso walalaha falastiin uu sahay looga gelin lahaa wadankooda kuma aysan celiyeen xuduudooda. marka maba aaminsani inay soomaliya u nixi lahaayeen. waxaan guul u rajenayaa mujaahideenta soomaliyeed ee jihaadku daacad la yahay sida alshabaabul mujaahideenta. ilaaheey nasriga ha siiyo. aameen wabilaahil towfiiq!

  10. abuu fatima says:

    dowladraac waxaad maraysaa inaad dadka ugu dhaariso ilaahooda qasdigaaga qaloocan kajoog adiga maahee ninba maalinbuu mshriic layimaadaa
    mujaahidiintuna ma ogola waxaad soo dhoodhoobaysan ee beenta iyo hunguri doonkaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh Xasan Daahir oo isna ka Hadley Hadalkii Sh Usama Bin Ladin
  2. Sh Xasan Daahir oo ka hadley arimo Xasaasi ah oo ku aadan Soomaaliya.
  3. Sh Xasan Daahir oo Shir Jaraa’id oo uu Qabtey uga Hadley arimo badan
  4. Sh Xasan Daahir oo Shacabka kula hadley Deegaanka Ceelasha Biyaha, weerareyna Siyaasada Mareykanka ee Soomaaliya.
  5. Sh Shariif oo Sh Xasan Daahir & Eritrea Eedeyna u jeediyay.

Latest Headlines