Warbixin :- Xarunta Golis Telecom ee Magaalada Laascaanood oo Sanad jirtsaday hormar-na xaqiijisay

Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbineysaa warbixin ay ka diyaariysay Xarunta Shirkadda Isgaandhiista ee Golis oo sanad jirstay ,waxaabihii ay xaqiijiysay intii ay jirtay ,sida ay dadku ula qabsadeen adeega shirkadda iyo yoolka ay shirkadu higsaneyso in ay xaqiijiso  waxayna warbixintu u qoran tahay sidan :- (Sawiro)

 

 

Aas aaska Xarunta Golis ee Laascaanood

 

Aas aaska Xarunta Shirkadda Golis ee Magaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxa ay ku timid baahi xagga isgaadhsiinta ah oo ka jirtay iyo sidoo kale baahinta Adeega Isgaadhisiineed ee Golis kaas oo aan gaadhin wali Gobolka Sool wixii ka horeeyay Aas aaskeeda.

 

Xarunta Golis waxaa la Aas aasay 27-9- 2008 waxayna xiligaasi ahayd markii ay si toos ah u howl gashay Xarunta Shirkadu iyadoo Matalaysa Magaca Golis ee Sool waxaana la xusi karaa in aas aaska iyo qalaba isku duba ridkiisu uu ka horeeyay taariikhdaa aynu xusnay.

 

Waxa ay tilmaan ahaan la dhihi karaa waxa ay aas aasku xaruntani ku timid sahlid iyo fududeyn xagga adeega is gaadhisiinta ah, waxayna xaruntu ay haqab tirday baahi bulshada ku dhaqan gobolka Sool ka heystay in ay la xidhiidhaan deegaanada Puntland walow xiligan aysan Laascaanood ka tirsanayn Maamul Goboleedka Puntland haddana waxaa muuqaneysa in ay Xarunta Laascaanood la dhihi karaa waxa ay Bulshasha u sahashay in ay helaan Adeega Golis markii ugu horeyay taas oo ka maqneyd mudo badan.

 

Adeegyada ay bixiso Xaruntu

 

Xaruntu sida uu waraysi ay Somalimirror la yeelatay Maareeyaha Xarunta Golis ee Laascaanood Sheekh Aadam Cali nuur ku sheegay waxaa mid ku kooban  adeega GSM-ka ama Taleefanada Gacanta (Mobiles) oo kaliya ,waxaana Xaruntu aysan lahayn Adeega guud ee lagu yaqaano Golis xarumaheeda  kale sida Internet-ka Taleefanada Guryaha (Land Line) waxayna xaruntu ku han weyn tahay sida uu Sheekh Aadam sheegay in ay Shirkadu soo kordhiso adeegyada dhiman si macmiilka Golis meel kasta oo uu joogaa uga helo adeegii uu yaqaanay oo dhameys tiran waliba casriyaysan.

 

Adeega xaruntu waxa uu ahaa sida uu Maareeyuhu sheegay mid si aad ah u soo jiitay dadka deegaanka taasina ay keentay in ay si dhakhso leh dadku ula qabsadaan isticmaalka adeega Golis kaas oo ay ka heleen ayuu yidhi maareyuhu daboolida baahi badan oo ay u qabeen kuwaas oo uu ka xusay.

 

1-      isticmaalka Adeega Mobile-ka oo qiimo jaban

2-      is wicitaanka oo aad u qiima jaban daqiiqadiina ay noqoneyso wax ka yar labo kun oo Shilin

3-      adeega SMS-ka (fariimaha Qoraalka ah) oo bilaash ah

4-      adeegyada Mobile-ka oo casri ah

5-      Adeega E-Voucher oo sahlaya in macmiilku uu ka maarmo Kaarar hadalka ee qorashada ahaa si sahlana ay Accoun-kiisa ugu galayso lacagtii uu rabay

6-      Lacag ku shubashada Mobile-ada oo ay hoos u dhigeen una sahleen hadba qof walbaa inta uu awoodo in uu ku shubto sida hal Dollar , Nus Doolar iyo wixii ka yar sida 25 Cent.

7-      Adeega Prepaid-ka

8-      Adeega Postpaid –ka

 

Suuq geynta Guud Iyo korodhka Istilcmaalka Adeega Golis

 

Adeega suuq geytu waa wadada lagu ogaado hormarka iyo korodhka isticmaalka  adeegga shirkadeed micnaha taasi waxaa weeye hadii suuq geyta iyo isticmaalka adeeggaadu uu yar yahay waxa ay ka dhigan tahay wali ma aadan gaadhin yoolkii aad higsaneysay waxaadna u baahan tahay in sare u qaadis iyo wax ka badal aad ku sameyso adeegaada , Maareeyaha Shirkadu waxa uu sheegay in shirkado  badan ay la joogaan Magaalada hadana ay kaalinta labaad kaga jiraan Shirkadahaas waliba iyagoo aad u da’ yar marka la fiiriyo mudada ay shaqeynayaan wuxuuna xusay in ay leeyihiin suuq geyn wanaagsan isagoo tusaale u soo qaatay xarumaha kaararka lagu iibiyo in ay yihiin kuwo maalinba maalinta ka dambeysa sii badana taasina ay cadeyn u tahay in adeegoodu uu sii kordhayo kalsoonina uu galinayo in ay sii laba jirabaaraan adeegooda iyo balaadhintiisaba.

 

Waxa uu Maareyuhu xusay in aysan wax caqabad ah kala kulmin dhanka suuq geynta guud ee Xaruntoooda  sidoo kalena ayay xaruntoodu ay tahay mid wali iska bilow ah hadana khibrada guud ee ay Shirkadu leedahay ay dhaxalisisay in ay ka gaashaantaan caqabado soo food saari lahaa oo uu sheegay in ay si sahlan ugu gudbeen.

 

Waxa uu xusay Maareeyuhu in wax badan ay ku dadaali doonaan in ay soo badhigaan adeeg soo jiita Macaamiishooda sidoo kalena ay sii balaandhin doonaan adeegooda ayna so dhameystiri doonaan adeegyada dhiman sida ugu suura galsan haduu Alle SW saamaxo.

 

Deegaanada ay Golis ka joogto Gobolka Sool & meelaha dhiman

1-      Laascaanood

2-      Taleex

3-      Boocame

4-      Karin dabeyl weyn

5-      Godaaro

 

Meelaha aysan wali gadhsiin Shirkadu adeegeeda balse ay ku rajo weyn tahay aya waxaa ka mid ah

1-      Tuka rag oo qabyo ah una baahan dhameystir iyo xoojin

2-      Kala beydh

3-      Howd

4-       

Waxa uu Maareeyuhu u sheegay in ay ku rajo weyn yihiin waliba si deg deg ah in ay meelaha aysan adeegdooda gaadhsiin ay gaadhsiiyaan sidoo kale ay kaabaan dhica Shabakadda “Antenna”.

 

Waxa uu sidoo kale Maareeyuhu waa  Sheekh Aadam Cali Nuur e uu xusay  jiraan caqabad aan sidaa u weyneyn oo xagga Shabakadda ah taasina ay kaabi doonaan ayna xoojin iyo badanba ku  sameyn doonaan goobaha ay Shabakaddoodu joogto is Macmiilkooda marka uusan u waayin Adeegooda si uu ugu guto baahidiisa isgaadhsiineed ee uu tabanayo

 

Faraqa u dhaxeeeya is wicitaanka Golis laascaanood iyo Xarumaha Kale ee Golis

 

Waxa uu Sheekh Aadam Cali uu sheegay in jiro faraq xaga isticmaalka adeega Mobile Golis ee Laascaanood iyo Xarumaha kale gaar ahaan is wicitaanka guud ee Golis oo dhan wuxuuna Sheekh Cali bidhaamiyay in macmiilka sidaa Mobileka Golis ee Laasaanood Taleefan kale oo Golis ah daqiiqadii ku hadlayo qiimo dhan (0.036 Dollar) halka Xarumaha kale ee  Golis ay qiimo intaa ka hooseeya                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                    

 

Faraqaas ayuu ku sheegay in uu yahay heshiis guud oo kala dhaxeeya Shirkadaha  kula sugan Magaalada Laascaanood gaar ahaan Shirkada Telesom , wuxuuna xusay mar ay Somalimirror weydiisay waxa keenay faraqaasi in uu u dhaxeeyo Golis dhexdeeda ayuu ku sheegay in ay qiimaha la simi karaan Xarumaha kale balse loo baahan yahay in la xaq dhowro Shirkada uga soo horeeyay iyo heshiiskaba si uusan isku dhex yaac uga iman dhinaca suuq geynta shiraduhu una imaan loolan ayay noqotay in la mideeyo adeega iyadoo shirkad walibaa ay u madax banaan tahay adeegeeda

  

Maxay Xaqiijiysay Xaruntu intii ay jirtay?

 

1-      baahinta Adeega Golis gaar ahaan GSM-ka

2-      haqab tirida baahida is gadahisineed ee ay qabeen bulshada ku dhaqan gobolka Sool deegaanadiisa kala duwan

3-      kasbashada macaamiil badan

4-      haqab tirida baahida macmiilka Golis

 

in kasta oo aan la soo koobi karin yoolalka ay xaqiijiysay Xaruntu intii ay jiray hadda waxaan qodobaad afarta ah ku soo kobnay intii ugu muhiimsaneyd waxaana jiri karo qodobo kale oo muhiim u ahaa Xarunta oo ay xaqiijiysay balse kama foga in ay la xidhiidhaan qodobaad aynu xusnay .

 

Heshiiska kala dhaxeeya Golis Shirkada Kale ee ay ku wada sugan Yihin Gobolka

 

Shirkadaha Isgaadhiinta ah ee ka wada howl gala Laacaanood waaa afar Sharikadood oo kala ah:-

1-      Golis Telecom

2-      Telesom

3-      Telcom

4-      Africa Online

 

Waxaa jira heshiis dhinacyo badan leh oo  Xarunta Golis ee Laascaanood kala dhaxeeya shirkadahaas kale kaas oo ah wax wada qabsi iyo is kaashi la xidhiidha adeegooda ,waxaana la xusi karaa in si gooni ah uu heshiis uga dhaxeeyo Telesom iyo Golis kaas oo in macaamiishoodu ay is wici karaan qiimuhuna uu yahay mid isku mid ah dhinac walba, Macmiilka sitaa Golis waxa uu macmiilka Telesom ku wacayaa Daqiiqadii (0.036 Dollar) halka kan Telesom sitaana uu intaa in la eg ku wacayo macmiilka Golis .

 

Waxa uu sheegay Maareeyuhu in dhinacyo badan ay iska kaashadaan shirkada kale si ay uga hortagaan caqabada la soo darsa , sidoo kalena ay uga kala faa’iideysataan khibradaha ay u leeyihiin mashaakilka la soo darsa hadii ayba jiraan.

 

Heshiskaasi waa mid ku saabsan howlaha shaqo shirkaduhuna wax badan ayay iska kaashanayaan , in kasta oo ayaan la qeexi karin heshiiskaasi hadana waa mid ku dhisan marka aynu soo aruurino sidii la isku xidhmi lahaa loona wada shaqeyn lahaa iyadoo shirkad walbaa ay qawaaniinta u dagsani la gaar tahay.

 

Dadku sida ay ula qabsadeen Golis intii ay shaqeynaysay

 

 

Bulshada ku dhaqan Laascaanood ama guud ahaanba Gobolka Sool waxa ay caqabad ka heysan jirtay marka ay la hadlayan deegaanada Puntland caqabadaas oo jirta ayay Xaruntani shaqo bilowday si baahdaas jira loo owdo intii la awoodo , la qabsiga dadkuna waxa uu ahaa mid si wacan u soo jiiday habka ay shirkadu ula macaamishay macaamiisheeda cusub taas oo ah in ay raqiisisay Sim Cards ka ay shirkadu ku shaqeyso waxayna taasi macaamiisha u sahashay in ay ku dhiiradaan isticmaalkeeda .

 

In kasta oo aan la dhihi karin waa shirkada ugu macaamiisha badan Marka la joogo Laascaanood  hadana shirkadani waxa ay si aad ah u kasbatay macaamiil badan oo markii hore ku xidhnaa meelo kale ,waxayna tasi keenay in dadku ay si aad ah ula qabsadaan adeega ay bixiso Xaruntu.

 

Sida uu Maareeyuhu sheegay waxaa jirta in dadku ay si aad ah ugu xidhan yihiin shirkadooda korodhka macamiishoodu uu yahay mid sii koraya taasina waxa uu ku micneeyay in ay tahay adeegooda oo soo jiitay Macaamiishooda .

 

Maareeyuhu waxa uu xusay in dadka ku dhaqan Laascaanood ama magaalooyinka kale ee gobolka Sool ay Kaarkooda ku isticmaali karaan guud ahaan Soomaaliya oo dhan taas oo ka qeyb ka ah adeega guud ee Shirkada Golis wuxuuna tibaaxay in qofka ku sugan Burco ama Garoowe uu labada u shaqeynayo Kaarkooda walow kan Burco ku sugan uu u galayo khad kale balse uusan lumineyn astaantii Shirkadooda iyo adeegeediiba isagoon wax caqabad ah kala kulmin .

 

Gaba gabo

Waxaynu soo xusnay in badan in shirkadani ay tahay mid meelo  badan ka howl gasha hadana xarumaheedu kuma koobna oo kaliya Gobolka Sool ee waa mid ku baahsan Deegaanada loo yaqaan Waqooyi Bari (Puntland) waxaana xusid mudan in Shirkadu ay tahay mid leh adeegyo badan ayna mar walba ku guda jirto sii balaadhintiisa.

 

Marka aynu si guud u bidhaamino Shirkadu waa mid hadafkeedu uu yahay baahinta Adeega isgaadhsiineed intii hadba la awoodu waxayna shirkadu sida ay mas’uuliyiinteedu sheegeen ay leedahay khibar kor u dhaafaysa 10 sano taasina ay dhaxalsiisay in adeegoodu u sii baaho iyadoo ay jiraan shirkado kale oo ku howlan adeega isgaadhsiinta .

 

 

Maareeyaha Xarunta Aadam Cali Nuur

Maareeyaha Xarunta Aadam Cali Nuur

Xarunta oo shaqeynaysa

Xarunta oo shaqeynaysa

Boodhka Shirkadda

Boodhka Shirkadda

Muuqaalka guud ee Xarunta

Muuqaalka guud ee Xarunta

 

 

 

 

 

 mareyaha Golis laascaanod





www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

1 Comment(s)

  1. ASC.

    First I want to send a big great to the hardworkers. I live in Norway but I used to live in Las-Anod many years. I work for mobile company in Norway with admistration. We know that we can not recive sms from Somalia and we can not send to Somalia. We was wondering if u could talk about how we could make that possible. I want especially talk to Abdirashid Dhabayaco or Mohamed Duale Gaadh.

    Best regards: Mohamed Abdilahi

    Mohamed Sh.Abdilahi | Feb 12, 2010 | Reply

Fikrad ka dhiibo