Muxaadaraadkii ugu danbeeyay ee ka baxey Nadwada Boorama

Akhristayaasha waxaan halkan idinku soo gudbineynaa qoraalo kooban oo ku saabsan labo Muxaadaro oo ka baxey Nadwo ka socota Masjidka Jaamaca Qadiimka ee Magaalada Boorama, waxaana kala jeediyay Sh Cilmi Ismaaciil Maxamed iyo Sh Xasan Khery Dirir.

Muxaadarada Sh Cilmi oo ku saabsaneyd Icjaazka Qur’aanka ayaa u dhigan sidan:

Mawduuca Muxaadarada:Icjaazul Alquraan

إعجاز القراءن الكريم

الشيخ علمي اسماعيل محمد

Waxaa muxaadarda soo jeediyaya Sh |cilmi Ismaaciil Muxumed

Sheekhu: Waxa uu ka hadlay sida ay ugu koobnayd mucjisadii anbiyadii hore sabankoodii laakiim mucjisada Nabi Max’ed (SAW)ay tahay mucjiso khaalid ah oo waaraysa taas oo ah quraanka kariimka ah.

Waxa kale oo uu Sheekhu: uu ishaaray in ilaahay uu ugu goodiyay in qureeshi  ama cid walba  ay la yimaadaan 10 suuradood oo la mid ah quraanka, waxa kale oo la yidhi la yimaada suurad ka mid ah quraanka.waanay la iman kari waayeen.

Waxa uu Sheekhu: tilmaamay in ay carabtu aad ugu xeel dheerayd xaga fasaaxada laakiin ay u suuro gali wayday in ay la yimaadaan wax quraanka oo kale ah

·        Waxa uu Sheekhu:  tilmaamay wajiyada u leeyahay icjaazka Quraanka oo uu Sheekhu tilmaamay in ay ugu wayn tahay icjaazka Quraanka dhinaca ku saabsan icjaazulka.

·        Sh. Waxaa uu sheegay saamaynt uu quraanku ku leeyahay qullubta dadka gaar ahaan gaalad isaga oo soo qaatay tusaalooyin, sida gaalkii waynaa ee Waliid Ibnu Muqiira,

·        Waxaa uu si aad u qota dheer ugu fogaaday mucjisada quraanka ee xaga balaaqada isaga oo sheegay sida uu u koobsanayo dhamaan qaybaha ay u kala baxdo  balaaqada.

·        Sh. Waxaa uu tusaalayaa badan ka bixiyay sida ay ubadantahay xikmada quraanka ee xaga luuqada.

·        Sh. Waxaa uu ku fogaaday macnaha ayaada quraanka ee (ولكم في القصاص حيات……) 

·        Isaga oo sheegay sida aayadaasi u macna balaadhantahay isaga oo soo qaatay sida ay u koobantahay iyo macnaha ku jira.

·         Sidoo kale Sheekhu Waxaa uuna meesha ka saarin sida qisaska ku jira quraan ee tirada badab sida ay mujis u yihiin.

·         Sheeku waxaa uu sheegay sida uu Quraanku uga waramay taariikhdii hore, iyo taariikhda soo socota.

·         Quraanku waxaa uu ka waramay sida ay gaaladu nabiga u mareegayasay in ay RCSW dil iyo dhibaatooyin, ILLAAHAYNA uu ugu waramayay

Quraanku waxaa uu aad ugu fogaaday tilmamid sayniska

1.      Xadka udhexeeya bada iyo wabiga isaga oo soo qaatay aayadaha ka hadlaya arintaas (sida ay u kala soocanyihiin xayawaanka bada iyo kuwa wabigu iyo sida ayna biyuhu isku dhax galayn

2.      Madawga ka jira badwaynta

3.      Aragtida dulka samaysnkiisa

4.      Dareenka ku jira dubka

5.      Cadaadiska jawiga

6.      Farqiga udhexeeya sanadka shamsiga iyo ka qamariga

7.      Tirade soo noqnoqodka xuuruufta quruunka (tusaala ahaan xuruufta googo’an 14 xaraf, waxayna badhka yihiin xuruufta carabiga)

8.      Sida ay xuruufta ukala badanyihiin tusaala ahaan suurada Al-baqara xuruufta ay ku bilaabantay  alif = 4592 laamka = 3204 miimka = 2195

9.      Tirada erayada   dunyaa iyo  aakhira = 115

10. Al xayaat iyo al mawt = 145

11. Saalixaat iyo sayi’aat = 167

12. Rajul iyo imra ah  24

13. Isticaada Shaydaanka iyo kaydka shaydaanka =  11

14. Sanad iyo caam = 7

15. Erayada Jahri iyo calaaniya = 16

16. Erayad al- Rusul anaas 241

17. Alkaafiruun iyo al naar = 154

18. Erayad Qul iyu qaaluu 323

19. Samaawaat 7/7

20. Al samaawaat 7

21. Sana = 12 =shahri waxaa lagu sheegay 12

22. Bishu waxay la mid tahay 30 maalmood AL AYAAM = 30

23. Alyoom 365

24. Albri wal baxri 13,  32 %(71.1111,28.88888)

25. Salaat 5 (SALAADA MUSLIMIINTA ).

 

 

 

Muxaadarada Sh Xasan Kheyr Dirir oo ku saabsaneyd lab furnaanta ayaa iyana u dhigan sidatan:

سلامة الصدر

الشيخ حسن خيره درر

Sheekhu waxaa uu ka waramay sida ilaahay uu u sifeeyay laabta Nabi Maxamed (SCW), isaga oo soo qaatay qisadii uu Malakul Jibriil ku qalay laabtiisa isaga oo yar uuna ka saaray wixii xumaa isaga oo ka buuxiyay laabtii naxariis.

Sidoo kale waa uu ka hadlay sida Nabigu(scw) uu ugu naxariisanyay asxaabtiisi isaga oo Illahay uga dalbayay dambi dhaaf ugu dalbayay had iyo jeer .

Sheekhu waxaa uu ka hadlay sida uu dadka Nabigu (csw) ugu dulqaadanay isaga oo arintaa axaadiis badan u soo qaatay.

Sheekhu waxaa uu ka hdlay dida Nibigeenu (csw) uu u diidayay in agtiisa laga waramo ceebaha dadka kale.

Waxaa uu soo qaatay qisooyin badaan sida qisadii markii ay labda asxaabi ka hoR yimaadeen isaga oo la socda mid kamid ah haweenkiisa  sidii uu ugu sheegay  arintaasi Nabigu(csw) waxa uu arintaa ka rabay in aanay laabtooda wax ugalin.

Sheeku waxaa uu aad ugu dheeraday sida uu xasadku u burburiyo acmaasha iyo xasanaadka, isaga oo arintaasi u keenay axaadiis aad ubadan, waxana uu sheegay in qofka xaasidka ah aanu waligii bogsanayn.

Waxaana uu sheegay in uu xasadku yahay danbigii ugu horeeyay ee laa sameeyay ( markii uu Ibliis xaasiday Aadam oo uu diiday in uu u sujuudo) waana dambigii ugu horeeyay ee aduunka dushiisa lagu sameeyay( labadii walaalah ahaa ee  ilma aadam Haabiil iyo Qaabiil), waxaana uu sheegay in xasadka ka ugu xun uu yahay ka kadhexeeya dadka cilmiga leh(culumada).

Waxaa uu culumadaa u soojeediyay in ay Masaajida ka daayaan ixtikaarka(xanibaada) oo ay u ogolaadaan culumada dadka u faa’iidaynaya.

Waxaa uu dadkii dhagaysanay muxaadarada ku booriyay in ay dadka ceebahooda iska daayaan oo ay tooda u fiirsadaa si ay isu xisaabiyaan oo aakhiro u xasuustaan, waayo waxaa ka mid ah calaamadaha ehlu naarka in la baadhbaado ceebaha dadka kale.

Waxaa uu ka waramay sidii ay asxaabtii Nabi Muxamad (scw) ay iskaga ilaalinayeen xanta , xasadka iyo moronk madhalayska ah.

Waxaan uu sheegay in muranku  leeyahay shuruudo hadii la waayana uu noqonayo wax aan banaanayn, isaga oo tusaala yaal badan u soo qaatay muranka banaan oo ah kii Anbiyada iyo madaxdii islaamku ay ku baahinayeen diinta islaamka .

Waxaa uu sheekhu ku dheraday sida ay muhiim utahy in la istoosiyo

Waxaa uu ka waramay sheekhu taariikhda uu leeyahy iyo sida loogu baahanyahay in dood sax ah oo wadata shuruudeheega labaahiyo.

Sheekhu isga oo waqtiga ka cudur daaranay waxaa uu soo ururiyay waxyaabaha qofka laabtiisa dila.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

10 Comment(s)

  1. Culumadaa rer puntland iyo somaliland waxaan ku dhihii lahaa shaqada aad wadaaan aad bey u ficantahay, lakiin wali waxaan ini kasugayaa inaad jihaadka iclaamisaan oo dacwada aad wadiin si sax ah eeey banaanka u timaadoo.
    marka rajadu ha igu siiweeynatee ee bal muxadarooyin nocaas ah bilabaa haddiu wax kale aad awoodiweydeen

    Maxamad Cali | Oct 28, 2009 | Reply

  2. maansha alaah

    axmed yasiin | Oct 29, 2009 | Reply

  3. jihaadkee jira soomaali waa wada muslin qolooyin gaalo ah maad meel ku og tahay (sub xaana laah )
    xukunka doonka iyo diinta hala kala saaro
    waxaa lagu jiraa sabanul aakhir ilaahoow tawfiiqda na waafaji (Aamiin)

    jaamac | Oct 29, 2009 | Reply

  4. maashaa Allaah tabaaraka, “Alle ruuxii uu kheyr ladoonaa wuxuu fahansiiyaa diintiisa” ee Jihaad ay dan gaar ahi ku hoosjirto ummadda laguma halaajiyo sida nimankaan magacyada labaxay sida Xisbul-Xasuuq iyo Al-sharaar iyo Ahlu Sita. war Alle halaga baqo Subxaanah

    waano | Oct 29, 2009 | Reply

  5. maashaa Allaah tabaaraka, “Alle ruuxii uu kheyr ladoonaa wuxuu fahansiiyaa diintiisa” ee Jihaad ay dan gaar ahi ku hoosjirto ummadda laguma halaajiyo sida nimankaan magacyada labaxay sida Xisbul-Xasuuq iyo Al-sharaar iyo Ahlu Sita. war Alle halaga baqo Subxaanah

    waano | Oct 29, 2009 | Reply

  6. aad ayay uwanagsan tahay culimada khayr alaah hadiiyo yayna ka gaban xaqa alaah sida uu yahay qofna ayyana uga gaban

    C/shakuur | Oct 29, 2009 | Reply

  7. Subxaanallaah…
    Walaalkeey Jaamc ma waadan u jeedin gaalada dalkeena joogta ee maalin waliba sabab la`aanta dadkeenii u layneysa ma kuwaas iyo waxa wataba baan mudnayn in lala jihaado…
    Ilaahey xaqa ha kuu iftiinsho walaalkey Jaamcoow…

    Shiiqa | Oct 29, 2009 | Reply

  8. waxaa sawaabka xaqa ah qofka muslinka ah oo qalbigiisa iyo indhihiisu wada arkaan tubta toosan ficila ugu hanuuna Ujeedadaydu waa dadkeena qaarkamid ah oo aan marna lasoomarinkarin hororka gaalo oo dhulkeenii kuhabsadey gumaadaayana dadkii Aanna cidna hanbeyneyn caruur,wayeel,kuwojiran,kuwofayow,dhismo,bad,beri xaqa Allaha inatuso Amiin

    Maxamed c/dir | Oct 29, 2009 | Reply

  9. ilaahayooow diintada ugargaar ilaahayoow diintada ugargaar hadii musli iyo gaalo lookala saf naan lahaa dhib madhaceen laakiin waxaa dhibka keenay muslimiintii ayaa shan markii loqeewiyo afar waa ewar maanta yahuud waxa eey diinta kadhiktaan ineey isku xukumaan waalloo ogolyahay nasaarana waa loo ogolyahay xataa kuwa sanabka cabudaan hadeey dhahaan kanaanootalinaayo waaloo ogolyahay citfaragilineeyso malahan ayaga haa oociidan kordhooweeysoo laakiin kitaabkeena muqadaska ah car hala ogolaado shanta far ayey nalasoogalaayaan laakiin gaalada iyo gaalaraaca kitaabkaneeysan aqoonin iyo meesha uusalka kuhaayo barashaa ugu laaban ushaqeeya gaalada ama ha ushaqeeynina kitaabkaan alaah subxaana watacaalaa ayaa gacantiisa kumaamula cid hor istaagi kartana malahan caimrigiinaa idiindhamaani waat uundhimaneysaan asga waabaqi aaqirana xisaab alaataalo

    nasrullaahi | Oct 30, 2009 | Reply

  10. A/s

    khayr ayaa dhulkeenii ka dilaacay maashallah awalba soomaali waxweyn ayaan dheerayn diinta uun baa inaga yarayd hadana Allah ayaa isukeen daray waxaan idinku waaninayaa inaydaan qaadan firqooyinkan koonfur waashay ee magacyada badan diinta iyo nabada iyo caafimaad ka wax ka qaalisay intaba Allaah ha inoogu gargaaro
    wabilaahi tawfiiq
    as

    muslima | Oct 31, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo