Daaliban oo sheegatey weerar Saaka lala beegsadey xarun Q.M, Kabul ku leedahey.

Published on October 28, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

QaraxWeeraro isqarxin iyo kuwo toos ahba isugu jira ayaa saaka lala beegsadey Xarun Qaramada Midoobay ku leedahey Caasimada Dalka Afganistan ee Kabul waxaana jira khasaare ka dhashey oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Muuqaalka Xarunta Q.M oo Qiiq & Holac qariyay

Muuqaalka Xarunta Q.M oo Qiiq & Holac qariyay

Weerarkan oo Xarakada Daliban sheegatay, khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira waxa uu u geystay xubno Q.M ka tirsan oo xilliga weerarku dhacayay ku sugnaa xarunta, halka xubno kalena kooxdii weerarka fulisay ku qabsadeen isla xarunta oo gudaha u galeen.

Warfidiyeenku waxey sheegayaan xarunta weerarka lala beegsadey iyo agagaarkeeda inuu qiiq badan qariyay, Saxaafadana loo diiyay inay goobta ka ag dhawaato, waxaana jiray iska hor’imaadyo dhex marayay Ciidamada Amaanka & kooxdii weerarka fulisay oo xarunta gudaha u galey.

Weerarkan waxa uu ku soo beegmayaa xilli Xarakada Daaliban horay u shaacisay inay qaadeyso weeraro uga soo horjeedo doorashada Dalka oo dib loogu celinayo horaanta Bisha November ee soo socota.

Goobta weerarka lala beegsadey waxaa saaran sida caadada ah ilaalo xoogan oo xilli walba ah, basle kooxdii weerarka fulisay durba waxey ka takhaluseen ilaaladii, arintaas oo u sahashey inay gudaha xarunta u galaan kana dhex fuliyaan weeraro isqarxin iyo kuwo toosba isugu jira, xilli Shaqaalaha Q.M ee goobta ku sugnaa hurdayeen.

Afhayeen u Hadley Q.M, waxa uu qiray xubno shaqaalahooda ka tirsan oo gaaraya 6 qof inay weerarka ku dhinteen 9 kalena dhaawacyo soo gaareen, balse faahfaahin kama aanu bixin xubanaha gudaha xarunta lagu heysto.

Dhinaca kale waxaa jira madaafiic dhowr oo isla saaka lagu weerarey Hotel Xarunta Madaxtooyada ku dhow oo ay degenaayeen Ajaanib, waxaana la arkayay Shaqaalihii Hotelka iyo Ajaanibtii degeneed oo u sii dhaadhacaya god hoose, lamana soo sheegin khasaare ka dhashey.

Xogasho: Aljazeera.net



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Weerar gaadmo ah oo caawa lala beegsadey ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah
  2. Daliban oo sheegatey 11 Madfac oo Kabul Saaka lagu garaacay.
  3. weerar Bam Baano oo lala Beegsadey Ciidanka DKMG ah
  4. Weerar Isqarxin ah oo lala Beegsaday Saldhiga NATO ee Kabul.
  5. Weerar Ciidamada AMSIOM lala Beegsadey

Readers Comments (4)

  1. kaligiijabhad says:

    jiifka iyo hurdada u diida gaalada iyo gaala raacaba

  2. SIILAANYO XAMAR says:

    war kuwan day war uma hayana in ay ku geeriyoodeen 93 qofood oo aan waxba galabsan oo dada islaam ah, hal gaal xitaa kuma jira, idinkana waxad dhadeen waxa alala beegsaday xarunta qaramada midoobe,
    allahu akbar,
    ilaahoow faraj fur.

  3. najmo says:

    allahuma damir caduwaka wacaduwanaaaaa yaa raba al_caalimiin .allahuma unsur ikhwaanunaa al_mujaahidiin fii saiilika fii kuli makaaaaan .fii somaal ,wal ciraaaaq ,wa afgaanistaaaaan ,wafalastiiiiiiiiiiiin ,wafii kuli makaaaaaaan aaamiiin yaaraba al_caalamiiiiiin..
    wbw.

  4. abuu fatima says:

    hooshka inaan kuqaadnaa
    hawsheena wee yaan
    halbawlaha an goynaa
    hawsheena wee yaan
    kahuleelo gaaladu
    hawsheena wee yaan
    hayb inaan wadaag naa
    hawsheena maa hayn
    hooy inaan ku kulanaa
    hawsheena maa hayn
    huuraale gaalada
    inuu naga hulee laa
    hawsheena wee yaan
    hubka inan kafuranaa
    hawsheena wee yaan
    inuu hoogo kuligiis
    hawsheena wee yaan
    dacay inaan ku hiig naa
    hawsheena wee yaan
    haamaha an saa raa
    haqsheena wee yaa
    hareeraha dhulkeenii
    markii aan kahubinoo
    kuli hee gan galinoo
    hanti wixii an leenahay
    hadimada ka dhawraa
    hirgalintii shareecadu
    hawsheena wee yaan
    kahadlaa minhaajkiyo
    muniguna hogaan shaa
    rawduhu habee yaa
    majmuucuna hanuun shaa
    shaaficiyo hadaanahay
    hawsheena weeyaan
    hadalada an soo xulay
    ruuxii halqura dura
    haye kaalay iisheeg




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Weerar gaadmo ah oo caawa lala beegsadey ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah
  2. Daliban oo sheegatey 11 Madfac oo Kabul Saaka lagu garaacay.
  3. weerar Bam Baano oo lala Beegsadey Ciidanka DKMG ah
  4. Weerar Isqarxin ah oo lala Beegsaday Saldhiga NATO ee Kabul.
  5. Weerar Ciidamada AMSIOM lala Beegsadey

Latest Headlines