Waxaa sii kordhaya khasaaraha rayid ee ka dhashey duqeyn ciidamada AMISOM saaka intii u dhaxeysay 05:00am ilaa 11:00am ku wadeen qeybo ka mida Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Inta la diiwaan geliyay waxaa duqeyntan ku dhintay 5 qof 15 kalena dhaawacyo kale duwan ayaa ka soo gaartay, waxa ayna dadkan u badnaayeen maato madaafiicdu guryahooda ugu tagtey.
Ciidamada AMISOM oo gaadiidka gaashaamaan ku hubeysan ayaa saaka isku baahiyay wadooyin dhowr ah, si ay u adkeeyaan Amaanka Sh Shariif Sh Axmed, Madaxweynaha DKMG ah oo soo degeyay.
Waxaa la arkayay taangiyada ciidamada AMISOM oo wadooyinka goostay si arxan daro ah oo aan kala joogsi laheyn madaafiicda ugu qufaya Xaafadaha Degmooyinka Hodan & H/wadaag, gaar ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha oo maanta intiisa badan aanu wax dhaq-dhaqaaq ganacsi ka jirin.
Saraakiil u kala hadashey Ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah waxa ay iska duween eeda khasaaraha rayid ee ka dhashey duqeyntooda, mana aha markii ugu horeysay oo hadalo noocan oo kale ah ka soo yeeraan.
Dhinaca kale waxaa jiray dagaal kooban oo ka dhacey agagaarka Taleex, Sarkaal ka tirsan Al-shabab oo nala soo xariireyna waxa uu sheegay dagaalkaas Ciidamada DKMG ah inay uga dileen sarkaal uu magaciisa ku sheegay Col. Yaasiin Xasan Cilmi(Yaasiin Aflow), balse dhinaca DKMG ah ma jiro war ka soo baxey oo dhimashada sarkaalkan ku aadan.
Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamada AMISOM duqeyn noocan oo kale ah u geystaan Shacabka ayna ka soo gaarto khasaare naf iyo maalba leh, balse 22 Oct, 2009 ayey aheyd xilli uu Sh Shariif & wafdigiisu ka dhoofayeen garoonka Muqdisho duqeyn ay geysteen dhalisay 75 qof oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Related posts:
asc. waa wax la yaabo ah dhameynta masaakiinta maxaa loo leynayaa muslimkaan waa la xisaabtamo doonaa unisom, lakiin al sheydaankaan jihaadka ka been sheegaayo amxey shacbka dhexdiisa madfaca uga tuuraan ileyn NABI MUXAMD NNKH, wuxuu dhahay farganka gaalada aan ku dhaceynin yaana laga tuurin muslimka dhexdiisa.
al sheydaan , xizbu sheydaan waxaan u sheegeynaa hadii ey dagaal rabaan banaaka hala aadaan madaafiicad maato lama ogola in laga dhex jihaado yaa dad yahoow aan diinta si fician u aqaanin taageerna dowlada sheikh shariif waa dowlad silaami ah sheikh shariif XAFIDAHULLAAH
gaalada afrikaanta ah ee leyneysa walaalahen somaaliyeed kun iyo kow jeer waan ka xumahay laakiin axmaqiintaan madaafiicda ka dhex tuuraayo ayaan la yaabanahaya dadkaasna ayaga alaayey maxa yeelay hadii ey dagaalka banaanka geysan lahaayeen qiiilka dhameynta iyo duqeynta wuu yaraan lahaa markaas hadii ey dadka afrikaantaan gaalada ah madfaca ku sii wadaan suuqa bakaaraha iyo muqdisah shacbka ayaa kici laha waana la bixin lahaa sida ethiopianka oo kale la sheydaan al habaab iyo xizbu sheydaan alaahs wt hanaga qabo
wa wax aad loola yaabo ninkii sheeganayay madax weynaha wadanka marka uu ka dhoofayo wadanka waxa uu shacabka ku macasalaameeyaa madaafi marka uu soo dagayana waxa uu ku salaamaa madaafiic
waxaad moodaa in uu uyahay madaxweyne shacab wadan kale degan
Ma waxaad ku andacoonaysaan GAALADA maxaa loogu ridayaa xabada ,ma dalka ayay nala leeyihiin? ma kuwii 6 da bilood taangiyada iyo diyaaradaha nagu so weeraray ayaa danteena wada ? ma waxay idinla tahay inaay naga taga isaga tagayaan? markii culimada islaaxa hadleen waxaa daqiiqado ka dib hadlay KUFAARKA la yiraa baharija bahuku waxa uu yiri waa iska hadleen. iyagub hadii ay rnta sheegayaan banaanka ha u baxaan AMISON iyaga iyo tangiyadooda,,,,,,,,,,,,,,,,,, mowduucaas intaad iska daysiin ka hadla gabdhaha muslimiinta ah ee Soomaliyeed ee ay wacalada ka dhalayaan inta xoogaa lacag siiyaan WAA LA WERARARYAA HABEEN IYO MALIN , calool jileeca iska daaya ninkii gumeeysi doonaya iyaga hasoo raaco ALAAAAAAAAAAHU AKBAR
AMISON BANAANKA HA USOO BAXDO MAXAY GURYAHA SHUBKA AH ISUGU AADINAYAAN?
asalama Alaykum Wa Raxmatulaahi wa barakaatahu .
waa arin la yaab le balse anigu lama yaabin waayo shariif marka hore ma fahan sanyahay waaxaa uu yahay xilka uu umada u hayo mise ma fahansana jawaabtu waa cadahay in uu u haysto inuu Amison u yahay madaxweyne shacabkanina yahay cadawgiisa umada waxaa u eeg oo kaliya in loo duceeyo in allah ka saaro dhibkan, shariif na taariikhdiisa ayaa inoo qeexaysa waxa uu yahay saxiibkiisi shalay ninka aay mudo gaaban intaa kala durkeen ma aha shaqsi jira
Wacalaykum ma salaam
Asalama calaykum? Horta waxaad ogaataan walaaliyaal dadka ay gaaladu baabi,inayso waa wax bilowaadnimada kabaxsan loomana dulqaadankaro laakiin suaasha iswaydiintalahi maxaytahay? Islaamka maxaa Hakka dhigay in maatadeenii sodas loo xasuuqo oo ay naan dofaacankarin,awood la,aanta muslimiinta haysata maxaytahay ? 4000 ,ooafricaana oo uyimid inay diintoo sarayso diinta ilahayna hood ahaato miyey iska celinwaayeey umada Islam ah oo lagu quyaaso inay yihiin 10 malyan oo qof xageebay saladu iska qaban la,dahay(rasuulkaa s.c.w. Sii sheegay waana xubu dunyaa wakaraahiyatul most
)aduunyo jacayl aakhiro naxayb, waxaa kaloo inaga maqan caligii iyo midnimadii ,waxaa intaasoo dhan igala muhiimsan hub cadowgeena kaafiya oo aynaan haysan, helimayno iib iyo deeq toona eewaa inaynu sanmaysanaa gacmaheena ku baahi baxnaa hadaynu taas ku guulaysano gaalo ka adkaanay hadii kale sidaas baa shacbiga loogumaadayaa adna aadciill udhimanaysaa!!
hadalkayga nuxurkiisu waa udiyaargaroyga cadowga maanta iyo berito awood kaafida oo maskaxdeena kasoofusha iyo muruqeena inagoo illaahay talo saaranayna !!.. Wabillahi towfiiq..
waxaa layaab leh in somalimirrir ay san marna kahadlin duqayntii takfiirku ugaystay xaafaha garoonka aan u dhawayn mise taas waad ku taageer santihiin in takfiirku dadka xasuuqaan waxaa ceeb ah in aad iska dhigtiin dad muslim u naxaya adingoo dhanka kale jid kadhigaya in ay banaan taahay in qolo shacabka xasuuqdo qolada kalena xaaraan katahay war maxaa kasocda Kismaayo maxaa Baladwayn madaxa la iskugu soo duubanayaa , dhinaca kale maxaa gaalada jaajuusiintaa hilibka iyo caanaha luugu daldalayaa wiil yar oo soomaali ahna loo leeyahay cia ayuu u shaqeeyaa.
muslimiinta alaha kala qaboojiyo
Ninkan Shariifka ah wax aan ridid iyo dagaal ahayn malaham waa sidii uu sheykh osama u sheegay.
Shariif marka uu baxayo waxaa u dhintay Dad ay gaalo disho marka uu soogelayana sidoo kale.
Cajib wallee waa wax lalayaabo shariifow sidaan dan makuu tahay
sabran reer muqdisho, nasiibka ayaa dhigay inay somalida kale dusha idinka daawato.OO AYAY NOQDAAN WAX LA CAADAYSO DHIMADAH IYO DHAACA KA JIRA WALAAEHEEN MUQDISHO, MARKII UU II KUU DHAWAAN KU IIBSADAY, MAXAAD U MALAYNAASAA , MID GOBOLKA JOOGA.ILLAHAY AYAA KUU MAQAN. AMISOM WAAN IN LAGU JIHAADO SIDII XABSHIIDII.ILAHAY UMMDAD HA KA QABTO NINKANI KITAAB XOORAKA. EE INKAARTO KU DHACAY
JAALE TIMO DAHAB LABA AAN IS FUULIN KALA DAA.
MARKA HORE SHARIIF AAN TAAGEERSANAHAY .MARKA XIGANA DAGAALKA WAAN TAAGEERSANAHAY . MIDA KALE HADAAD DAGAALKA FIDNO U ARAGTID FIKIRKAAGA WAX KA BEDEL OO SHARIIFKABA FIDNADA AYUU QEEB KA YAHAY SIDA AAD UGU SHEEGTAY KOOXDA KA SOO HORJEEDA KHAWAARIDKA DADKA DHEXDOODA FARGANKA AAN GAALADA WAX UU U GEESANEENOO KALE MADAAFIICDA KA DHIGTAY . TA XIGTA FIDNADAAN HADAADAN QABOOJIN KARIN CARABKAAGA IYO QORAARKAAGA IYO DHAQAALAHAAGA INTABA KA CESHO OO U BAQ AAKHIRADAADA HADII KALE NOQO LABA WAJIILE WAREEREY SIDA .DAD BADAN KU SIFOOBEYN..
ANIGA WAXAAN QABAA QALBIGA SALIIMKA AH OO AYSAN XAMAASAD IYO DHIILO KA BUUXIN IN UU ARKO RUNTA WAXA SOOMAALIYA KA JIRA.