3 Dumar ah ayaa ku geeriyootay 8 Kalana waa ay ku dhaawacmeen Madaafiic ay Ciidamada AMISOM si arxan daro ahi ula dhacday Suuqa Khudaarta ah ee Degmada Hodan, xili ay Wali Tangiyada AMISOM oo kor u dhaafaya 10 ay ku soo fooraraan Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyo Nawaaxigiisa.

Dadka Dhintay iyo kuwa Dhaawacmayba waxaa la sheegayaa in loo tagi waayay oo ay suuro gali waysay in ay Dadka Rayidka ahi iyo Gaadiidka Gurmadkaba soo qaadaan Madaafiicda aan Joogsiga lahayn ee ay Ciidamada AMISOM ula dhacayaan Halkaasi.
Dhanka kale Haweenay Xaamilo ah ayay Ciidamada DKMG ahi si bareer ahi ugu dileen Xaafadda Taleex Gaar ahaan Nawaaxiga Masjidka Ramadaan ka dib markii ay kala soo baxeen Gurigeeda, arintaasna waxaa Shabakadda Somalimirror u xaqiijiyay Qof Ehelkeedii la xiriiray.
Duqeynta AMISOM oo Saaka Waabarigii Bilaabatay ayaa illaa iyo hadda Socoto, lamana garanayo ujeedka Rasmiga ah ee ay u xasuuqayso Shacabka Rayidka ah ee aan waxba galabsan.
Ma jirto Cid ka tirsan Waxgaradka Soomaaliyeed oo illaa iyo hadda ka hadashay Xasuuqani oo u Muuqda inuu Baryahan danbe sii labo kaclaynayo.
Madaafiicda Qaarkood ayay Ciidamada AMISOM la fiirsanayaan Goobaha ay dadka sida gaar ahi ugu Badanyihiin.

Related posts:
ASC
MUSLIMIINTA SOOMALIYEED INTA DAMIIRKA LEH EE DANQANTA.
KUWII GAALAGU NAAGEYSATAY OO HORAY UGU AQAL GALAY ISKA DAAYEE , KUWIII AXMAARTA LA DAGAALAMI JIRAY EE ISKU SHEEGI JIRAY AAWAY MUQAAAWAMA EE AAN WAXBA LA HARI JIRIN.
waa musiiibo kuwaaan.
maanta o kale ninkii dhinta ayaa ka fiican kan nool maalin kasa gaal dadkii ha laayo
kkkkkk maria dhulka hawiye hawiye baa lehe halooga leexdo saaas bay rabaane, soo ma aragtit culimadii hawiye iyo odaaashoodii inay aamusanyihiin, somali kale haduu yimado muqdisho umaadan dhalan baa u taale ee dadka nimcada armaad kaqasaysaa???!!!!
Muqaawaamdii iyagaa is-heysta Kismaayo ayay isku Hor Fadhiyaan Waxayna isu Badaleen Qab-Qablayaal Dagaal Hadaba ummada-Soomaaliyeed Waxay Ubaahan-tahay Muqaawamo-Dhab ah oo,aan Kursi iyo Maal Midna Raadin heyn Balse Diinta iyo Dalka difaaca Waa in Fadhiga Lagagacaa
Sh Shariif Sh Hasan Yacquub Sh Axmed Madoobe Dhamaan Tood Waa Ragii Looyaqaan Muqaa-wamada Maantana iyagaa haysta Cakuuuuuuuuuuuu
ciidamada amisom waxay iloobeen nabad ilaalintii lagu sheegay inay dalka u yimaadeen , waxayna badhtanka u galeen colaada ka dhexaysa dadka muslimiinta ah ee somalida ah iyo dalka eithiopia iyo maraykanka , waxayna dawlada uganda isu aragtaa inay wax fiican uqabatay maraykanka iyo ethiopia oo iyagu ku guuldaraystay dagaalka somaliya sidaas darteed haday dagaalka somalia ku guulaysato waxay u arkaan kasokow inay caawimaad ka helaan maraykana iyo reeryurub sidoo kalena inay sharaf usoo hoyatay tahay uganda oo somali oo loo taag waayey ay iyagu ka adkaadeen. taas waxaa kuu cadaynaya kala duwananshaha habdhaqanka ciidamada ugandha iyo burundi . balse waxay iloobeen inay somalidu ka rumaysantahay inay yihiin afrikan foolxun , sanweyn oo uu raranayaa maraykanku oo gashaan u ah ciidama maraykanka cadcad