Waraysi :- Maareeyaha Warshada Kalluunka Laasqoray “sanadkana waxaanu rajeynaynaa Inshaa’alaahu Tacaalaa in faa’iido ay ku farxaan dadkii maal gashaday oo aduunka daafihiisa kala jooga in aan xajiiqino Ilaahay idankii”
By SomaliMirror on 27 Oct, 2009 6:30 PM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shabakadda Somalimirror waxa ay idiin soo gudbineysaa Waraysi ay la yeelatay Maareeyaha Warshada Kaluunka Laas Qoray , wuxuuna Maareeyuhu oo faah faafin ka bixinayaa qaabkii lagu aas aasay Warshada heerarkii ay soo martay iyo hormarka ay gaadhay intii ay jirtay wuxuuna waraysigii u dhacay sidan:-

- Maareeyaha Warshadda Kallunka Laasqoray C/raxmaan Maxamed C/laahi
Somalimirror :- Assalaamu Calaykum Waraxmatuhlaahi Wabarkaatuh ku soo dhawowo Somalimirror.
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- Wacalaykumu Salaam Waraxmatulaahi Wa barakaatuh Alxamdulilaahi Rabil caalamiin thuma Salaatu wa Salaamu calaa ashrafil Anbiyaa’i Wal Mursaliin Sayidinaa Muxamadin wa Calaa Ahli wa Wa saxbihii Ajamaciin , ahlan waan dhawahay.
Somalimirror:- waxaad ka warantaa Warashada Kaluunka ee Laas qoray sidii aad ku aas aasteen iyo sidii aad ku bilowdeen?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :-Bismilaah Warshadda Kaluunka Laasqoray waxaa la aas aasay labadii kun (2000) waxaana aas aasay dhalinyaro ganacsato ah oo dalka dibadiisa ku nooleyd xiligaa oo ay u suura gashay in ay soo saaran wax soo saar runtii ay gaadhsiiyeen daafa caalamka oo dhan arintaas oo u ahayd dhiiri galin iyo faan Umadda Soomaaliyeed kuligeedba .
Somalimirror :-Maxay tahay Asbaabta ama ujeedooyinka keenay in la Aas aaso Warashadda?
C/raxmaan Maxamed :- sidaan ogsoonahay Soomaaliya waxa ay ku jirtaa ama ay tahay dalka ugu xeeb dheer Afrika sidaas darteed kheyraadka badda oo aan tira koob lahayd ka faa’iideysigiisu wuxuu soo galayaa waxyaabaha Owlawiyaadka ah oo dhaqaalaha dalka lagu kabi karo ,runtii Warshadda Kaluunka Laasqoray waxa ay ku taalaa meel loo asteeyay oo caan ku ah helitaanka Kaluunka ,waliba leh dabaa’ic gaar ah oo dadka badda yaqaanaa ay yaqaanaan oo kaluunku ka helo cuntadiisa waxaana Warshadan ka horeeyay Warshad ay dhistay Dowladii dhexe ee burburtay oo ay gacan ka siin jireen Talyaaniga(Italy) iyo Ruuska(Rusia) oo u kala dambeeyay , marka goobta warashada la dhigay waxa ay ahayd meel u astaysan in looga faa’iidaysan karo kheyraadka , tan labaad Mujtamaca Soomaaliyeed wakhti uu burbur ku jiray ayay ahayd waxa ugu muhiimsanaa oo ay dhalinyaradaa ganacsatada ah ku fakarayeen waxa ay ahayd ka sokow in ay iyagu dhaqaalo ka tacbaan iyo faa’iido waxa uga muhiimsanaa in ay shaqo ugu abuuraan dad tiro badan oo Soomaali ahaa oo danyar ahaa oo runtii u noqoneysay meel ay noloshooda ka dabaraaan wa ficlan arintaana way dhacday marka ay Warshadu istaadheydna(shaqeynaysay) waxaa gudaheeda ka howl galayay dad tiro badan oo nin waliba ku sii xidhan yahay qoys ama qaraabo iyaguna tiro ahaan aan ka yareyn shan qo,f cel celiska dadka sida tooska ah iyo sida aan tooska ahayn ugu tiirsan waxaa lagu qiyaasi karaa in au kor u dhaafayaan shan kun oo qof.
Somalimirror:-taas waynu u soo laaban doonaa shaqada iyo howshooda lakin aynu galo qaabka aad wax u soo saartaan muxuu yahay ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- Warashada Kaluunka Laasqoray runtii waxay soo saartaa ilaa hadda kaluumo gasacadeysan nooca loo yaqaano Tuunada oo labo nooc ah oo labo Saays(size) ah oo la yidhaahdo tuu wan wan (211) iyo Tirii siro saban(307) oo garaamka ku jiraa kala badan yahay oo xajmigooduna kala weyn yahay,waxaa kaloo sanadkii dhawaa ku guuleysanay in aan soo saaro kaluun la yidhaahdo Marakel (Mackerel)iyo Saradin(Sardine) oo runtii caalamka aad looga yaqaano kaluunkaas oo tayo ahaan ka tayo fiicanTuunada, lakin aqoonta ay dadkeena Soomaaliyeed ay u leeyihiin ay koobneyd, suuq geyn fiican oo aan u sameynay iyo dadkii oo bartay darteed hadda kaluunkaa Saradinka iyo Makarel-ku suuqiisu aadbuu u fican yahay , waxaa kaloo oo aanu soo saaray si tijaabo ah kaluumo aanu qalajinay oo bacaysan oo garaamkoodu labo boqol (200Gm) oo garam yahay isaguna wuxuu ahaa tijaabo kaliya sanadkan ayaan ku tala galay inaan si dhameystir ah u soo saaro ,Kaluunkaas bacaysan ilaa sadex nooc ayuu noqon doonaa runtiina waxa uu noqon doonaa kaluun kaafiya dadka tabarta daran ama dhaqaalohoodu liito kaluun ay iibsan karaan oo ay ka heli karaan wixii kaluun laga heli jiray lacag jabana ay ku helaan, markaa waxaa kaloo ay warashadu soo saartaa oo ay ka gacansataa kaluumada aan Tuunada ahayn oo ay ka mid yihiin Kaluun cadka sida Taraaqadda kaluumada la midka ah ee kaluun cadka la yidhaahdo ayadana noocyo kala duduwan ayaa loogu suuq geeyaa caalamka, waxaa kaloo warashadu ka gacansataa oo ayna si dhameystir ah wali u soo saarin oo ay heer beremetif ah ku soo saartay Cunada la yidhaado Fiish Meel-ka ,waxaa la yidhaahdaa qashinka ka soo hadha kaluunka boroseeska la mariyo asagana caalamka ayaa loo suuq geeyaa sida khaasatan Jayna(China ) aya qaata ,waxaa kaloo munaasabada aan ku xusi lahaa wax aan anagu warshad ahaan kheyraadka badda uga faa’iidaysanay ma ka noqon karaan badda waxa ku jira kama noqon karaan 50 % wajiyada aan anagu hadda wax ku soo saaro iyo kheyraadka badda ku jira waxaad moodaa in ka badan 80% in ay inaka maqan tahay.
Somalimirror :- waxaad tilmaantay in Kuluun cadka aad u suuq geysaan wadamada dibada ah wadamadaas wax ma nooga tilmaami kartaa?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- koley anigu intaan shaqada hayay waxaa ugu fogeyd meeshaan wax u suuq gaynay Yaman lakin wakhtiyadii aniga iga horeeyay kaluunkaan waxaa la gaadhsiin jiray Imaaraadka Carabta sidoo kale Bariga Afrika waa loo iib geyn jiray markaa kaluunkaan gasacadeysan Soomaali meel ay joogto oo aanu gaadhin ma, jiro inta badan Ilaa Owsatareeliya (Australia) waa gaadhay wayna arkeen ayaan filayaa .
Somalimirror :- qaabka aad wax u suuq geysaan waa side ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- runtii suuq geyntayadu waxaa la yidhi ninba ceesantii ceel keen lakin kaluunka aan hadda soo saaro Tayo ahaan waa kaluun ka tayo badan kaluumada kale ee aan fareeshka lagu qaban anagu maadaama awoodayadu xadidneyd kaluunkanu helaa wakhtigaanu helaa ayunbaan sameynaa sidaa ayuu fareesh ku noqdaa, waxaa kale oo uu heystaa sumcad sare oo dadka muwaadiniinta ah ee Soomaalida ahi meesha ay isaga ku arkaan ayna mid kale ku gadan runtiina aadbaan arintaa ugu mahadcelineynaa mujamaca(Bulshada) Soomaaliyeed oo muwaadiniinta ah , waxaa xusid mudan waxyaabahaan baraarujin lahaa waxaa ka mid ah waxaa dhici kartaa mararka qaar in kaluunka aan soo saaray in uu wax uu dheeraado kaluunka kale oo Taylaan (Thailand ) laga keenay marka su’aasho waxa ay tahay Kaluunka Taylaan laga keenay kartoonka ninka dalka keenay waxaa laga yaabaa dilalad hal doolar ama labo doolar ah in ay ugu jirto lakin lacagta inta kale marka laga soo qaado in uu afartan(40 Dollar) ama afaran iyo labo dadka ka siiyo laga soo qaado,waxaa laga yaabaa labada Doolar kaliya in ay isaga galayso afartanka doolar ee kale waxa ay dib ugu noqdaan Dalka dibadiisa, meesha anaga shilinka ugu horeeya ilaa kan ugu dambeeya uu galayo dad Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ha u galee , mid badda kaluun ka soo qabtay , mid Shidaal keenay , mid ka shaqeeyay , mid dilaalay oo dib u gaday ,mid gaadhi saaray ,arintaas waxaan aad u baraarujinayaa hadii doolar ama labo ay dheeraato inaan la odhan il ribix arkaysaa rixin ma daydo lakin loo fahmo waxaa kaloo iyadna xusid mudan kaluunka dalka la keeno waa kaluunka laga tuugeystay ama boobka lagaga dhacay Dalkeena Maraakiibaa lagu boobay waa la soo warshadeeyay dibaa naloogu keenay, waxaa nasiib daro ah in aan inagu ka qeyb qaadano dhiiri galintiisa suuq u sii sameyno oo ayno Market(suuq) u noqono wixii la inaga xaday laftiisii ,markaa suuq geyntayadu way fiican tahay sumcadaasna wuu heystaa Ajansiyaal (wakiilo ) ayaa noogu kala filiqsan Soomaaliya daafaheedana waa joogaan Muqdisho Ajansi ayaa noo jooga Hargeysana Ajansi ayaa noo jooga Boosaasana Ajansi ayaa noo jooga ajansiyadaas wadanka gudihiisa ayay ka shaqeeyaan,waxaan hadda rabnaa in aan sameyno dalka dibadiisa Ajansiyaashii ahaa Insha’allahu Tacaalaa .
Somalimirror :- Kaluunka ay Warshadiinu soo saarto waxaa si sahlan loogu arkaa Wadamada dariska ah sida Kenya Itoobiya iyo Jabuuti qaabkee ayaad dhihi kartaa wuu ku gaadhay Wadamadaas ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- waaba dhow yihiin Itoobiya, Jabuuuti iyo Kenya Kaluunkeena waxaa lagu arkaa dabcan dadka hadda maqaalkan akhrin doona (waraysiga) ay arki karaan Ostareeliyo(Australia) ayaa laga cunaa waana arin aan uga mahad celineyno muwaadiniinta Soomaaliyeed oo aad u jecel arintaa in ay wax soo saarkooda gudbiyaan.
Somalimirror :- warshadu waxa ay shaqeynaysaa ku dhawaad sagaal sano waxaana jirtay in ay Warashdu shaqo joojin ama caqabado la soo darteen caqabadahaas sideebaad uga gudubteen,maxaadse ku xaliseen?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- waad mahadsan tahay runtii jawaabtaas dadku way u baahan yihiin in ay fahmaan , shirkaddu waxa ay ahayd shirkad ganacsato ah Ibni aadankana waxaa weeye is fahanka iyo is qabadka iyo is fahan la’aantu waa wax ka suurtooba marka runtii walaalihii Warshadda hore u aas aasay oo abaal badan dabcan anigu aan u hayo umadda Soomaaliyeedna abaal badan ku leh waxaa soo dhex galay wax uun is faham waa ah , kadibna waxa ay door bideen in ay mulkiga Warshadda iska wareejiyaan oo ay ganacsato kale oo muwaadiniin ah ku wareejiyaan marka Sanadki 2007 ayay gacansato kale oo Soomaali ah oo muwaadiniin ah lagu wareejiyay warshadda oo laga gaday,waa dhici kartaa hantiilayaashii markii hore Warshadda maamulkeeda gacanta ku hayay dhaqaalahoodii in wax kaga hadhsan yahiin oo uu u shaqeeyo laakiin maamulkii iyo lahaanshihii warashadda way iska wareejiyeen arintaa waxay ku xalismatay sidaa ,haatana Warshadu hormar fiican ayay gaadhay oo intii hadda wakhtigaa ka dambeysay waxaa la laba jibaaray wax soo saarkeeda meeshii ay Labaantan tan ka ahana jirtay waxaa laga dhigay afartan tan in ay maalintii ka shaqeyn karto , waxyaabaha kale ee xusidda mudan waxaa ka mid ah warhshadu waxaa la odhan karaa Warshadaha Soomaaliya yaala waxay soo gali kartaa warshadaha ugu waa wayn hadayban noqon tan ugu weyn saas darteed dhaqaalaha ama hantida ay u baahantahay in lagu maal galiyaa waxaan dhihi karaa 20 % wali laguma maal galin waayo waxa ay ku wajahan tahay oo ah khayraadka dalka oo aad u balaadhan ayay iyadu inta ay haatan ka isticmaashaa (warshadu) xadidan tahay marka hadii dhaqaalo badan la galiyo waxaa la isticmaali karaa ri soorsiga dalkeena yaala ee la boobayo ayaa si balaadhan looga faa’iidaysan karaa ,arintaa oo wax badan ka tari karta daganaanshaha dalka iyo dhaqaalihiisa labadaba intaas laftigeedu in niyadda lagu hayo weeye walow aan dareemayo dabeecadda dadka Soomaalida ah ee gacansatada ah ama gadisleyda ah nooca ganacsiga ay barteen waxa uu yahay nooca gadiska oo lacagta dhow ah oo inta shey la gato dibna loo sii gado lacag laga sameeeyo si fudud oo aanay u tababeyn in la maal gashado mu’asasaad sidan oo kale ah oo lacagtu kaa raagi karto oo faa’iido dhow aanu kuu sameyn karin arintaa aad uguma dhiiradaan waxaana laga yaabaa in ay fududahay in ay yidhaahdaan ninkii boqol ama labo boqol oo kun (Dollar )ay kaga jirto inuu yidhaahdo labadaa boqol ha igaga jirto wax dambana tabar uma hayo oo mashrucaa balaadhitiisa oomateed badan aanu u helin arintaana waa mid laga bixi doono oo Insha’allahu mustaqbalka dhow jareynayno in natiijooyin fiic fiican laga sameeyo dadka aragtidooda iyo caqliyadooda laga sameeyo oo waasac ay noqdaan .
Somalimirror:- waxa ma nooga sheegi kartaa faa’iidooyinkii ay shirkaddu gaadhay sanadihii u dambeeyay ama ka maamul ahaan intii wax laga badalay?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- aadbaan ugu faraxsanahay inaad su’aashaa I waydiisoo aniguna shakhsiyan waxaan ahay dadka markii hore xisaabaadka ka shaqeyn jiray waxaana u malaynayaa hadii aan dadka xoga faa’iidada iyo khasaaraha loo soo gudbin kalsoonidu inay lumeyso anigu hadda hal sano ayaan maamulka shirkadda gacanta ku hayay ,sanadkaa oo aan ku jiray xili diyaarin iyo isku dubarid waxaan odhan karaa xili shaqeedkaas waxaanu shaqeynay konton iyo labo maalmood iyadoo warshaddu noo fureyd todobo bilood saas oo ay ku tahay waxaanu nimi birifikal booynti waxa la yidhaahdo oo khasaare iyo faa’iido midna aanan sameyn oo aanu badbaadnay arintaas runtii waxay dhiiri galin u tahay dadka mashruucan daneynaya , ha noqdaan kuwa maal gashaday ama ha noqdaan kuwo rajada ka qaba oo yacni ku yididooloonaya in ay mashruucan horu koco waxaana muuqaneysa in mashruucan uu yahay mid is wadi karaya hadii caqabadaha aan haddda xuseynay oo ay ka mid tahay kaluunka helitaankiisa iyo waxyaabaha ku xidhnaan kara mashruucan inuu yahay mashruuc aad iyo aad isu wadi karaya dadka maal gashadayna Inshaa’allahu Tacaalaa ay wax ka heli karaan ,Ummadda ku nool uu nolosha ka sameynaysaana ay nolol ka heli karaan marka sanadkayagii hore saas ayuu ahaa , sanadkana waxaanu rajeynaynaa Inshaa’alaahu Tacaalaa in faa’iido ay ku farxaan dadkii maal gashaday oo aduunka daafihiisa kala jooga in aan xajiiqino Ilaahay idankii .
Somalimirror :- aynu u laabano dhanka Shaqaalaha oo aad si fudud wax uga tilmaantay ,bal shaqaalaha habka ay u qeybsan yihiin iyo wixii Soomaali ah iyo wixii Ajinabi ah wax nooga sheeg ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- su’aal fiiican weeye hadda dadka warshadda ku howlan oo shaqadeeda gacanta ku haya waxay u badan yihiin dad Soomaali ah marka laga reebo tiro kooban oo dad ah oo farsamo yaqaano ah oo ka kala yimaada wadamada Taylaan (Thailand ) iyo Sirilaanka (Sri lanka)iyo Keenya(Kenya) dadkaas waxay hayaan shaqooyinka farsamada ah oo waa weyn lakin tirada badan ee warshadda ka howl gashaa waa dad Soomaali ah dhamaan waaxyaheedana iyagaa gacanta ku haya ,waaxyaha ay warashadu ka kooban tahayna waxay la mid tahay waaxyaha ay warshad ka koobnaan karto, Waaxda Farsamada, Waaxda wax soo sarka , Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha , Waaxda Xisaabaadka iyo maamulka iyo faraca badda oo ay gaar kala noqon karto warshadaha kale , dhamaan dadkaas badidood waa Soomaali marka laga reebo tiradaa yar , tiro ahaan waxay isla badashaa tirada shaqaalaha warshadda ka howl gala xajmiga Kaluunka shaqadiisa gacanta lagu hayo waxaa dhici karta in shaqada gudaha Shaqaalaha gali kara ay kor u dhaafto ilaa sideed boqol oo qof iyada oo inta badda ku howlan oo gaadiid kaga shaqeysanaya ay dhacdo , Rikoodhkii ugu dambeeyay sanadkii dhawaa 85 gaadiid ah ayaa badda ku howlanaa oo ugu yaraan kiiba ay saaran tahay 3 qof ayaa ku howlanaa ,tiradaa dadka ah waa kuwa aan dhihi karto toos ayay warshadda ugu xidhan yihiin ,waxaa kaloo shaqo ka abuuran kara intaa intii Fisilatiga u sameynaysay Muqaaxi ha furaan ama adeeg ha u fidiyaan ama gaadiid ha ka kiraystaan ama gaadiidkooda wixii ay ku shaqeysan lahaayeen ha keenaan dhammaan dadkaas oo dhan waa dad aan dhihi karo waxay toos ugu xidhan yihiin shaqada warshadda , marka shaqaale fara badan ayaa ka howl gala Warshadda oo gaadhi karaya tirada intaa la eg.
Somalimirror :- wax tababaro ah oo aad siisan Shaqaalaha ma jiraan ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- nimanka farsamo yaqaanada ee Ajinabiga ah waxa kaliya ee dalka ay u joogaan waa in ay tababaro siiyaan farsamo yaqaanada Soomaalida iyagaana gacanta ku haya ,waxanaa ay siiyaan tababaradu way kala duwan yihiin waxay siiyaan nooca ugu fiican oo la yidhaahdo (Job training ) shaqada gudaheeda ayayna tababarka ku siiyaan waxaana rajeynaynaa Insha’allahu Tacaalaa inaan mudo dhow ka maarano dadka Ajinabiga ah wax uun istishaarad ah mooyaane inaanu ka maarano ayaan rajeynayaa .
Somalimirror :- aynu u laabano caqabadaha xagga dibada idinka soo food saara ama xagga kaluumeysiga, caqabada mudooyinkan dambe ka jira xagga badda budhcad badeeda iyo Quwadaha shisheeye ?
C/raxmaan Maxamed C/laahi :- Su’aal aad u muhiim ah weeye caqabada waan kala qaad qaadi karaa , caqabado waxaan kala simanahay masaanicda ama warshadaha dalka gudihisa la keenay waa caqabad infestimenti oo xidhiidh la leh arintii aan hadda sharaxayay oo ah caqliyada dadka Soomaalida ah oo wax maal gashadaa in ay aad u kooban tahay runtiina aanay ku tababareyn in ay mashaariicda wakhti dheer wax laga sugayo ay sugaan taasi waa caqabad, lakin waxaa iyadana caqabad ah badaan aan anagu hadda kheyraadkeeda aan isticmaalo oo aan warshadeyno col badan baa ku jira oo waliba u badan nimanka kaluunka dalka ugu boobaya sida aan sharciga ahayn nimankaasi runtii caqabad xoog ah ayay nagu hayaan waxayna kaliftaa in anagoo diyaar ah oo wax soo saarka dhinacyadiisii oo dhan u diyaar garownay in aan weyno kaluunkii iyadana ay sabab ka tahay boobka ay ku yahaan nimankaa budhcadda bada boobeysa ah ee Ajinabiga ah oo waliba gaadiidka xooga weheshanaya isticmaalaya taasi waa caqabad aan la inkiri karin , iyadana waxaan iyana la diidi karin dhibaatada ay budhcadu lafteedu sameyneyso iyada oo lumisa in si xoriyad ah gaadiidkii warashada oo si xor ah wax u soo qaadaya aysan mararka qaar suura gal ahayn in ay meesha yimaadaan oo ay kaluun keenan iyadana caqabadaha ayay ka mid tahay , waxaa kaloo budhcadu ay sahashay niman dhalinyaro ah oo shaqeysan kari lahaa oo xoogooda maali lahaa in ay lacagtan dhow arkeen oo ay markaa u soo rogan waayeen shaqadan adag oo Warshada dhexdeeda ka socota ama kaluunka raadintiisa shaqo ka dhigtaan oo si sahlan oo markaa lacagtan dhow ee budhcadda laga helayo ugu luga duwdaan iyadana caqabad la xusi karo weeye, caqabadaha waxaa ka mid ah dalka aan inaga warshada ka sameynay dal burbursan weeye dhinacyo badan , dhiniciisa hormarineed bukuug (bangiyo ) ma leh , ma laha goobo waa weyn oo qalab warshadeed lagu gado markaa waxaa dhinaca Loojistikada marar badan kugu imanaya in dalka dibadiisa mar walba aad uga baahato wixii kugu yimaado oo cilad ah oo qalabka aan ku shaqeyneyno ah waxaa dhici karta in ay baahi dibadeed noo qabato ,waxaa kaloon iyadana ka yareyn oo caqabadaha ka mid kaluumeysatada Soomaaliyeed ma ahan kaluumaysato leh xirfad kaluumaysi waa dad dani badda galisay oo aan lahayn xirfad kaluumaysi , sidoo kale ma haystaan qalab kaluumaysi oo casriyaysan waxaa laga yaabaa lixdan sano ka hor sidii loo kaluumaysan jiray in ay u kaluumaysanayaan taasina waxa ay sababtaa in ay sahlanaan waydo in ay kaluun helaan kadibna waa niyad jabaan sidaas ayayna badda uga baxaan iyadana caqabadaha la xusi karo ayay ka mid tahay , arimahaas oo dhan waa arimo la dhihi karayo waxa ay noqon karaan caqabad , haba ugu daraato mida khuseysa tuugada badda ku jirta ee guraneysa kheyraadkii badda ee aan anagu isticmaali lahayn.
Somalimirror :- waad mahadsan tahay kaasi waxa uu aha Maamulaha Warshadda Kaluunka Laasqoray C/raxmaan Maxamed Axmed
C/raxmaan Maxamed Axmed :- idinkaa mudan Wa salaamu Calaykum waraxmatulaahi wa barkaatuh
Daabaco

Asalaamu Calaykum kadib
Waraysiga waa mid aad u qiima badan walalka masuulka ahna waxa uu ka hadlay waxyaabo badan oo runtii aan la ogeyn waxaanse ku faanayaa in warshadeenu ay noqotay mid dad badan ka yaabisa gaar ahaan qurba jooga intaa kadib
runtii qoraalka si fiican ayaan u dhuxay hadda waxaad moodaa inaan aad u sii jeclaystay hormarka ay warashadu gaadhay oo dhinacyo badan taabanaya waxaana ugu mahadcelinayaa maamulkaas in ay walalahooda somaaliyeed ee danyarta ahaa ay shaqooyin u abuureen waliba ay ku faanayaan in ay warshadu tahay warshad soomaaliyeed
midka kale ee aan yara dhibsaday waa farsmo yaqaanada dibadda taasna waan ka qancay oo jawaabta ayuuba maamuluhu ku daray ilahaybaa mahad leh.
caqabada xagga badda idinka soo food saartay waa mid iska jirta waxaana la idiinka baahan yahay inaad warbaahinta dibada iyo gudaha ka hadashaan cadeysana in kalluunkii la boobaya kaad idinku sameysaan waa kii aad xaqa u lahaydeen hadaad aamustaana nin aamusay hooyadiina wax masiisaa horey loo yidhi .
intaa kadib hadaan dhinac kale ka eeg waxaan aad u jeclaan lahaa in muuqaalo ama warbixino kale ay Somalimirror ka sameyso warshadaha Dalka ku yaala qaabkooda iyo sida ay u shaqeeyaan micnaha waxsoo saarkooda.
haji | Oct 27, 2009 | Reply
haddaan wadaado danbe isku qabqabsanaynin way hor maraysaa warshadu. ragii horay warshadaan u asaasay ayaa meeshaan dhigaye xagee maanta tiigsan lahayd!!
cumar | Oct 27, 2009 | Reply
SHAQO WANAAGSAN BAAD QABATEEN, MABRUUK.
WAXAA LA DOONAYAA IN WABIYADANA LAGA FAA’IIDAYSTO, OO WAX SOOSAARKA BEERAHA LAGAGA
XOROOBO DEEQ CUNTO OO DIBADDA LAGA SUGAA.
farah | Oct 27, 2009 | Reply
ILAAHAY WUXUU KA MARQAATI YAHAY INAY JIRAAN
NIMAN WADAADDADABA AAN LA TUSIN,XATAA HADDAY
SHAQO WAX SOO SAAR KU MASHQUULSAN YIHIIN.
farah | Oct 27, 2009 | Reply
Warshadii Qaranka ee Laasqoray ayaa wadaado si gooni ah u iibsadeen, walaahi Soomaali tagtay. Laakiin waxayba ku roon yihiin kuwaan inay weli warshadii la hayo oo aan la bililiqeesan sida Koofurta Soomaliya ay caan ku tahay, haddey dad gaar ahna manfac ka helaan waa wax aan xumeyn laakiin waa in degaanka oo dhan ay ka faa’iidaan haddii kale waxay noqon wax la isku qabqabsado sidii hore u dhacday.
Cawaale | Oct 28, 2009 | Reply
runtii waa wax lugu daydaa in dalkeena la maalgashado waynu ownahay in dalkeena khayraadkiisa aan laga faaiidaystan oo dhalinta ku dhamaatay badda loo abuuro shaqo waxaa qalalaaso kajira dalkeena waxaa keenay camal la aanta markaa waxaan ku guubaabinayaa dadka lacagta haysta in ay hamaalgashdeen dalkeen oo ku daydeen sidaa dhalintaa
berberberaawi | Oct 28, 2009 | Reply
As c/kum
Waa wax aad loogu farxo Huramarka ay warshaddu si tartiib tarbiib ah ugu talaabsanayso Sababtuna waa M/mulka wanaagsan bacda taalulada rabi
Sida aan maqlay Wershedii hore Ragani ma taaban ee waa wershed cusub oo ay lacagtooda ku maalgashadeen
Runtii Khayraadka Badda ilaa hadda Soomaali waa ka ooman tahay Waxaana khayraadkaas lagu qiyaasay inuu ka badan yahay Shidaalka Sucuudiga Markaa waxaa ku Mahadinayaa dadka isu xilqaamay ianay lacagtoioda Geliyaan mashruucan oo ah mid ay Shaqo kahelikaaraan kumanaan Soomali ah MABRUUK MAAMULKA LAASQARAY
Badeena Waxaa iska guranayey Daw;ado Shisheeye si xaalufin ahna kaluun u dabanayey haddana waxaa u soo dhiilo dhaan saday Quwadihii waaweyna oo Maraakiib dagaal iyo kuwo kaluumaysi isku wata , mashruuca Budhcad badeeduna waa mashruuca dhaqaale raadin
Halaga fikiro sidii badda loo difaaci lahaa
Halka shaqaysto dadka lacagtooda dadka Shaqada u abuurayana hadalada Deelqaafka ah halaga daay
Mahadsanidin
C/raxmaan
Cabdi cali | Oct 28, 2009 | Reply