Fu’aad Max’ud X.Nuur.
Soomaali galbeed waa dhul ballaaran oo ay dagaan dad soomaaliyeed oo farabadan, waa dhul ku hoosjira isticmaar muddo dheer, waxaa sooyaalkiisa mar walba ka dhex muuqanayay halgan loogu jiro in mar uun gobanimo la gaarsiiyo dhulka iyo dadkaba.
Bedka dhulkaas ayaa lagu sheegaa in ka badan 600’000km, waxaa dhulkaas ka hana qaaday saldanado muslim ahaa oo kala danbeeyay, waxay mar walba la hegardamayeen oo gulufyadii ka imaanayay xoogaggii kiristanka ahaa ee ay jaarka ahaayeen iyo kuwa ku nool carro-edeg oo mar walba la soo gaarayay cudud, caqli & calafba.
Soomaali galbeed waxaa lagu sidkay Itoobiyada 1954tii kaddib markii ay xoogaggii reer galbeedka kuwii ugu tugtugta roonaa ay u cuntami wayday inay ogolaadaan yagleelidda Soomaali wayn gaar ahaan Maraykanka iyo Ingiriiska, waxaanse meesha ka marnayn hagardaamo ay gaysteen qaar kamid ah hogaankii siyaasadeed ee Soomaalidii waagaa joogtay.
Soomaaliyadii xorta ahayd marna kama soo doogin dhaawacyadii ka soo gaaray googooyntii isticmaarka ee waxay u halgamayeen inay mar uun arkaan shantii soomaaliya oo mid ah, waana sababta ay soomaalidu u calmadeen inay calnka astaanta u ah ee buluugn inay dhexda kaga xardhaan xiddig shan gees leh.
Raggii suugaanta ee ka warramay tala xumada soomaalida guud ahaa gaar ahaan dayaca haysta Soomaali galbeed waxaa ka mid ahaa Cismaan Yusuf Keenadiid.
Soomaali talaxumo taag looga waayaye
Tabtay horay usoo baratay marna kama tagaysee
Tadbiir kale ma haysee iyadaysku taagane
Istolaysigii gacalo tusi waa Ilaahaye
Iyadaysu tumanaysa teeri iyo billaawe’e
Istaageerid laga waa isu turina maysee
Tabaalaha adduunkiyo taariikh eegi maysee
Waxay tacaddi soo aragtay inay toosto diiddaye
Cilmiga loo tartamayana u tacjiili maysee
Shisheeyaha ku tuman iyo tooda fiirin maysee
Xornimada u timid haatan toodoobi maysee
Diinka tiirinta u baahan waxba uguma taallee
Tiiraanyo kama hayso tafarruqa la galiyee
Si kastoo ad ula talisid teedii uun weeyee
Dalkoodii ragbaa tabiyay iyagayska tuunsane
Ingiriisku tahantiyo toogadiba ka helyaye
Faransna tabkiciyo tiis waa ku haystaye
Inta kale waxaa taabay talyan iyo xabasho’e
Amxaarkana tixgalin iyo turaal lagama eego’e
Tolwaynihii Ogaadeen tuu ku falay la maqalyaye
Gabal toogay qaarkoodna xabsiguu ku tuuraye
Nimankii u talinaayay Tafarraa dhameeyee
Tallan iyo kuwii haray tawal baa dilaayee
Waa ka tubaha soo jiiray Ina Tarabbi keligiye
Isaaqna looga tabar sheegay takhtigii dhulkiisee
Wuxuu tiriyo maalqabey kor u tiigan waayee
Arladii tooxa weyneyd ku tallaabsan waayee
Toban mayl ma dhaafsiisna taaggii hargaysa’e
Majeerteenna laga teed halkuu Toga ku dhaqayaye
Kobtii lagu tammadin jirey laga wada takooryaye
Taxkuumadi ma seejine tunjileecsi weeyee
Toomihii marqaan iyo tagi waaye ceelcade
Teerrage agtiisiyo waa kan tuuran Beyra’e.
Sidoo kale waxaa la soo maray dagaallo lagu doonayay in lagu soo celiyo Soomaali galbeed kuwaas oo uu ugu xoog badnaa kii 1977dii ay soomaalidu la gashay taliskii Mangistu kaas oo ay ku hoobteen dad aad u farabadan saraakiil dadka iyo dalkaba qiimo ugu fadhiday laakiin gaalibgorayayntii dunida kiristanka iyo bisayl li’idii saraakiishii soomaalida ayaa lagu guul darraystay in la soo celiyo soomaali galbeed in kastuu ahaa isku day aad u wanaagsan.
Waxaase yaab noqotay burburkii Soomaaliya kaddib in qabqablayaashii dagaalka iyo qaar kale oo siyaasiin ahi ay u kala dhuunteen taliska Adis-ababa isla markaana ay ugu khudbeeyaan dadka ereyo ay ka mid yihiin walaaleheen Itoobiya walaalkeen Mleze sanawi iyo waxyaabo la halmaala, waxaa kale oo soo if baxay in xitaa la sheego in qabaa’ilka soomaalida iyo Tigreegu ay isku hayb yihiin oo ay marba qolo la isir noqdaan, waxaa kale oo aan qarsoodi ahayn hubka iyo saanadda laysugu dhiibayay dhoohanayaashii dadka horkacayay.
Intaasi waa sahal iyo hooyo subag ku marisay waxayse gun iyo caar bixisay markii Maamullada Somaliland iyo Puntland haba ku kala horreeyaane ay bilaabeen inay taxaabaan dadka ka soo jeeda Soomaali galbeed kaddibna loo dhiibo Taliska Adis-ababa iyadoo la leeyahay waxaa lagu soo taba baray Ereteria, waxay cadaw u yihiin Itoobiya, waa ONLF iyo wax la mid ah.
Haddaba waa yaabee ma saxbaa in sidaas lagu eedeeyo loolana dhaqmo caynkaas? waxay aniga ila tahay maya waayo haddaan mid mid u soo qaado eedaymahaas.
· Ereteria ayaa lagu soo tababaray: haddii dad Isticmaar ku hoosjira ay u halgamaan xaqooda kuna soo tababartaan meel’uun qaanuunkee ayaa ka dhigay danbi? Dhab ahaan waa ma jiro qaanuun xarrimaya, teeda kale miyaan Mleze iyi Afawarqi labaduba ku soo tababaran kulyaddii Jaalle Siyaad? Jawaabtu waa haa haddaba maxaa diiday in ayaguba ay soo tababartaan oo xaqooda u halgamaan? Midda kale inagu ma waxaynu ka jecelnahay Itoobiya Ereteria oo ay dal wada dagaan qaraabana yihiin iyo waliba isku diin? Waxaa ka sii daran dadka meelahaan lagu qabanayo waxay inooka yimaadaan Yeme ama Jabuuti waana ognahay sooyaalka xiriir iyo saaxiibtinimo ee ka dhexeeya itoobiya iyo Yemen haddaba maxaa inaga inaka dhigay Boolis ilaaliya Itoobiya runtii waxaan leeyahay gar waa loo islaane gar ma aha umana dhawa.
· Itoobiya ayay cadaw u yihiin: Itoobiya ciddii cadaw u ah ma anagay cadaw noo tahay? Tan kale ninka raba inuu xoroobo ee aynu wadaagno Diin, af, midab iyo dhulba ma wuxuu inaka mudanyahay inaynu u luqun jibaarno kuu la dirirayay? Dhanka kale goormaa ayaa Itoobiya iyo Soomaaliya nabdeen? Ma waxaa jirta dawlad Soomaaliyeed oo ka tanaasushay dhulka iyo dadka ka maqan Soomaali? Kolley anigu ma ogi, hal waa gar haddaynu niraahno maanta ma awoodno inaan walaaleheen wax tarno ama aan xoraysano dhulkaas hadday saas tahay saw ma ahayn inaynu u ducayno qalbiga ka taageerno mise waxay ahayd inaynu qabqabano oo misana u dhiibno kay la dirirayeen oo ay ka soo carareen.
· ONLF: ururkaasi horta ma urur danbi ahbaa? Ma urur aduunka la ugaartaa? Kolley intaan anigu ogahay waa urur ku leh xafiisyo dalalka reer galbeedka oo dhan sida Marykan, Ingiriiska iyo Jarmalka, haddaba ma inagaa kala saaxiibsan Itoobiya maraykanka iyo Ingiriiska? Taasi dabcan waa maya haddaba niman adduunkoo dhan xafiisyo ku leh oo aan cidina ku aabyoon maxaa inaga inaku kallifay inaan qabqabanno? Runtii waxaan is leeyahay waa adiyad aan marna la ogolaan karin oo ka fog runta iyo maslaxaddaba.
Ugu danbayn dadkaas laga dhigtay caadada in sidaas foosha xun loola dhaqmo waxaa ka dhigtay caado waa dad kooban oo aan is leeyahay ma yaqaanaan maslaxadooda iyo tan dadkooda midna, sidoo kale maxaa saaxiib lagu noqdaa maxaase ah lama taabtaan marna ma aysan garan dadkaasu.
Anigu intaan ogahay Bulsha waynta Soomaaliyeed raalli kama aha kamana noqon doonto arrinkaas, tan kale waxaan is leeyahay baroortu orgiga ka wayn meesha looma socdo wiilasha yaryar ee aan cidina aqoon ee waxaa la rabaa in dadka madaxa laysu gesho oo degaanba degaan cuno, cidiba ay cid saloolato kaddibna waxaba laga dhigto cantuugo qura oo si sahlan loo wada laqo.
Waxaan ilaah ka rajaynayaa in dhagarta cadawga uu inaka kaafiyo inana aynu baraarugno oo aynu u istaagno maslaxaddeen aakhiro iyo tan Adduunba, sidoo kale waxaan ugu baaqayaa Soomaalidii xorta ahaanjirtay iyo tan aan wali xoroobinba inay ka digtoonaadaa dabinka loo dhigayo oo waxgaradku ay dadka u cirbixiyaan.
Aragtida qoraalkan waxaa iska leh qoraaga ku saxiixan

Related posts:
waa arin laga xumaado walaal.
laakiin mid dadka somaliyeed way u cadaatay in somaliland iyo puntland maamulada ka jira ee dadkoodu ku faanaan ay yihiin cadowga somaliya.
xamarta maanlin kasta dadka lagu laayo o ay dadku la yaabanyihiin waa taalada xoriyada soomaaliyeed . reer somali galbedna way ku nastaan xataa lacag ayaa looga arurin jiray.
waa laga bixi tan in sha allaha kuwa sameynayanan la cafin maayo in sha allah
waa wax lala yaabo haday aarintaani mid jirta tahay oo qof soomali ah loo gacangeliyey cdowga aale waana mid aayatiinkeedu noqonkaro cadaab iyo ciqaab ilaahay. reer bontland waxaa lagu yiqiinay xilkasnimo iyo deriswanaag intii muddo ah.markaarrintaas hala hubiyo haday jirtona xukuumada waa in sidegdeg ah looga codsadaa inay is casisho ama ninkaas la soo celiyo.
ASC BAHDA AKHRISA EE SOMALIYEED.
Waxaa dulmi weyn ah, in qof muslim, somali, xigto, marti intaba ah loo dhiibo cadow Alle oo adduunyo lagu iibsado, arrintaasi ceeb weyn ayey ku tahay bulsho weynta reer putland ee lagu yaqaanney xaq dhawrka iyo siyaasad qoddo dheer. Qabiilooyinka dhulkaas daga gabdhahooda ayaa dadka magan galin jirey oo gabadhii ku hagoogata nin dagaal lagu qabtay ama colaad hore loo haysto lagama taaban jirin, haddase dhaqankii waxaa baddalay calooshooda u shaqeystayaal dantoodu tahay oo kaliya lacag.
waxaan leeyahay waa in arrintaan wax laga qabtaa oo qabiilooyinka ku nool putland odoyaashooda iyo culimada putland ku nool ay shir isugu yimaadaan go’aan cadna laga qaataa arrintaan, raali galin weynna laga bixiyaa oo dadkii dhintay magtooda iyo godobtir buuxda la bixiyaa, haddii kale ciqaab Alle iyo dhibaato aan dhammaan putland waa ku habsan.
mahadsanid sh fu,aad Jazaakalaahu khayraa
asc, wr, dhamaan saxaabta somalimirror iyo akhrista yaashiisaba .
horay ayaan u maqli jiray buju +buju = taadhas macnaha waxaan kawadaa puntland + somaliland = mamulka jig jiga.com
hadaan usoo dagao dulucda hadalka shaki kuma jiro in labadan maamul ay soo magacaabeen gumaystaha madoow ee abasiiniya ee daayeer zenaawi.
falkan oo ah fal axmaqnima ah ayaan aan kasuuroobin islaanimada, dhaqan iyo xeerka somaliyeede aan ucuntamayn umadaha cawaanka ah.
markaysaas tahay waxay ubaahan tahay in talaabo cad laga qaado kuwaa waxan ku kacaya ee waliba caadaystay umada islaam ah lagu gado xoogaa dhareer ah.
umada somaliyeed waanu kunaqaanay in ay aydu islaysay , isxirato haba isdulmiseen hadana ay kaxaasho, laakiin nin wax lagu haysto aysan jirin ama danbi ah sidii xoolihii oo kale in saylada xoolaha intii lageeyo ayaar marba mid canjeero xabashi lagu badasho waa wax taariihkda soomaliya mar dhow ku soo biiray aan loo dulqaadan karin.
itoobiya waxay dadaal ugu jirtaa sidii dagaalada ay kula jirto ONLF ee kuda dheeraaday ay ugu weecinlahayd dhinaca somaliland iyo puntland si shucuubtan muslimiinta ah ee walaalaha ah ay colaad horle udhexmarto itoobiyana u nasato rasaatana ay u miisto kii laga yara itaal roonaadaba sida ay somalya kula dhaqmi jirtay waligeedba ayna ka noqoto daawade kursi meel fagaara ah yaala ku dhacdiida.
arintu saad moodeen ma ahan waa shirqool lagu baabi,inayo garaadka iyo awooda somali oodhan ayadoo loo adeegsanayo caada qaate axmaq ah oo waxba u aaba yeelaynin saaxiibu luf luf.
waxaa arintaas cadayn u ah markasta oo falkan uu dhaco foosha xun bal ufiirsada mamulka somaliland iyio puntland isku mar ayuu dhacaa,
iswaydii oo weedha iyo naasa adag maxaa kulmiyay ayaa wiil waal laga hayaa?.
waxaan aad ugu mahad celinayaa culimda udiinka , wax garadka iyo inta kadhiidhinaysa falkan xun ee soo laab laabtay ee puntland ee uu kujiro damiirka aadamaha iyo ka diimeedba ayadoon aan ogaa in hada kahorna sidan oo kale ay 5 nin oo hore ay kasiidaayeen mamulkakan daba dilifka zenawi u ah.
waxaana ku talin lahaa nimanka in laga qaado xilkan baas wax kastoo lagama maar maan ah si loo bad baadiyo jiritaan ka iyo sharafta umadeed iyo tan islaanimo ee reer puntland iyo gabi ahaanba sumcada somaliee waa hore waraa buhu inteedii badnayd cunay.
waa in la fashilyaa sidii loo fashiliayay waxii itoopiyo kkonfur kaga dhaqmi jirtay maxaa yeelay hadaan la fashilin sidii ku wii ashaahada la dirirkii muqdisho, waxaa fashil maydoona teena guud waxaan kawadaa shucuubta hada la rabo in la isku soofeeyo ee ay udeegayaan gacma shisheeye oo inaga inagu yaala laakiinse aan wax dan ah noo wadin dhib iyo khasaara mooyaane
waxaan ka cudur daaranayaa hadaan yara xad gudbay maxaa yeelay caro ayaa iqaaday markaan maqaalka akhriyay anoo kaqiiroooday dadkaygu dalkiisii iyo diintiisii halka ay marayso maalinkasta waxaan arkaa kuwa inkaar iga gurta.
eebbena waxaan uga bar yayaa in uu umadan dayacan ee cadaawuhu halaakeeyay quluubtooda isku soo duma boogtoodana isu dhayo sidii reer aws iyo khaztaj
aaamiin aamiin aaamiiin .
ASC DHAMMAAN
AAWAY SH/MUSTAF?? MEE SH/DIRIR?? CULIMADII BUNT-LAND MEEDAY?? WACDIGA IYO WAX SHEEGIYO WAANADAY DUDUBIYAAN MA DUUL KALAY U WARIYAAN DADKAN MAY U SHEEGAAN?? WAX GARAD KII MAXAA HELAY?? BOQORADII MABAQAYAAN?? BULSHO WAYNTU BAAQ IYO BAROORDIIQ MAY SAMEEYAAN??? WOOOOOOOW hadayna qayb ka ahayn ganacsigan cusub ee dad qalashada/gadashada haka hadleen hana joojiyeen
walaalyaal waxaan wada ognahay in ay tahay arintani arin dhan diineed iyo dhaqanba ku xun hadana kuma dhiiranno in ti toos ah loola hadlo shaqsiyaadka ka danbeeya falkan cadawtinimada dhaafay ee hilbo gadashada ah run ahaantii ma ahan markii koowaad iyo labaadba bal e waa dhacdadii sadexaad tii ugu darayd ugna foosha xumayd waxay dhacday bil kahor oo ahayd in dad islaam ah oo soo ehel mooday GAWRAC QOORTA LOOGA JARAY waxaan odhan lahaa ree bunt-land iyo somali-land ha ka waan tooteen dhaqamadan ugub een horay loo arag waliba labadan gobol dadka dagan uma dhanna arintan waxaa si gaarah falka u fuliya MAJEERTEEN IYO ISAAQ qabiiladani ha is waan sadeen oo ha is waan sadeen
waad mahadsan tahay fuad ninka maqaalka qoray …….
taariikhda sooyaalka ah ee soomaaliyeed ayay galaysaa waana MAXADWEYNE FAROOLE DUMADIISA INTAASINA goor ay noqotaba waa lagula xisaabtami doonaa insha alaah dambigaas inta gaysatay waxaan ilaahay uga baryayaa intaas oo kale ay ku dhacdo iyaga iyo inta ay ugu jecelyihiin AAMIIIIIIIIN ,,,,,,,,,,,,
ururkii DAALIBAAN gadaalkii DOQONTA xooga weyn ee maraykan kusoo qaaday gaalo dhamina ay weheliso wuxuu ka dhashay in gacanta loosoo galiyo USAMA BINULADAEN wey diideen in ay ugacan galiyaan maraykan USAMA BINULADEN ,,,,
taariikhda intiina la socota gaaladu guul kama dheegan ilaa hada dagaalka af-qanistan idiinka sheekayn maayo taas idinka ayan xaadir ah oo indhihiina kula socda waxa ka dhacaya wadankaas ,,,,,,,,,,,,,,,,,,
PUTLAND MAANTA WAXAY dhiibayaan dad nasab tol xigaal qaaro intaba leh oo walaalahood ah bal hadaba is gara dhiga RAGAN PUTLAND MADAXDA KA AH iyo RAGII DIIDAY INAY DHIIBAAN DOWLADNIMADODIINA KU WAAYAY waa DAALIBAANE ,,,,,,
Abaalmale ninkaan eegin taariikhe
Wixii uu amaamuday waad inkiray seene
Asagaa nakala geeyey baad abid tiraah daane
Igmanwayde tuugalay iyo aanadiisiiye
Afwaynaad tiraah deen markuu eelo soohelayee
Abtinimo wuxuu bixiyey iyo ina adeer toona
Midna maanan arag waxaad abid kasheeg teenee
Asruurte geesigu wuxuu aanadiin galaye
Markii uunku kala leexday ee loo itaal sheegtay
Waa taad afgooyiyo tagteen aafihiisaraye
Iswaydii inaad adigu tahay kii arimiseegtay Intaad meel asaagaa katagay aayar guranayso
Ood kiinya iyo xabashi oli kutuugayso
Aar goosi kaagama anfadhiyo aano soo celnee
Intaad kala irdhayntaa wadiyo ooda kala gaynta
Oodkii agatiinaa tagaba oofta goynaso
Dawlad aad astaysaan dhacayn abid intaad joogto
Itaalyari mahaysoo uunku waw marage
Waa kuman uluuf iyo uluuf odayga daaroode
Hayee shee amxaar kuu rabaa inu agjoo gaayee
Abaanowda kama sheexayiyo eraya dii siiye
Asaruure geesigay ahayd inay adee caanee
Islawayni baad uga hadheen uunki oo idile
Hadana waa asaagiin waxaad daba orday saanee
viva walaalaha kablalah iyo Canoole
mujaahidiinta rer soomaali galdeed amaba reer ogaadeeniya annagu waligaya waan garab taagnayn haddaannahay dadka kudhaqan min gaalkacyo ilaa kismaayo 1968 ninkubiiiray ciidanka xoogadalka soomaalia kadibna 1977kii askoo sargaal dhexaa kaqabGAlay biladanku qaatay ayaa kasheekeeyay sababtii uu askarta ugubiiray wuxuuna kumacneeyay inu maqlay gabar reer ogaadeeniya ah oo askari itoobiyan ah uu baynaadku muday markaasna uu go.aansaday inuu itoobiya dadkaaska xoreeyo xattaa qab qablayaasha muqdisha ma ogi inay dhiibeen dad onlf katirsan waxayna sababtay nacaybka itoobiya iyo jacalki aanu uhaynay soomaali galbeed inbalaayo kastaa noogu soodhuumato waxaase layaablahaa inuu shii xasan turki ciidamaduu kuxorayn lahaa ogaadeeniya wulaayo dadkii hiilka iyo hooba lagarabtaagnaa abadkoo WAXAAN LUJAJEDAA MARUU JAWRAN WEERARKA KUQAADAY IYO HADAAY marka meesha dadka muslimiinta ah soomaalida ah maalinkasta laga qafaasho sida sida putland iyo soomalind yiaan dad damiirlihi joogin miyaan wadaada joogin !!!
ASC.
soomalidu waxay u qaybsan tahay degaan iyo gobol mana jirto cid dhulkeeda keliya ku koobnaan karta haddii la dhaho qoloba dhulkeeda qolada kale haka qabqbato waa sidii cadawga ilaahay naga rabay in nalaka waayo laba is aaminta kadibna midba maalin la cuno ee arrintan ilaahay sw halooga baqo intaan aakhiro lagaarina aduunkaa natiijadeeda lagu arkayaa haddaan laga waantoobin sh fuad juzita khyran wsc wr
walahi wa wax laga naxo in dhacdo lakin atarikhu ducid nafsa laba wa mid run ahanti walal kadib marki ay dhacday dowladi somaliya waa la ogyahay wadanku wa mamul ku dhisan qabil fuad haka so qadin walal dowlad hana uga hadlin nidam dowladed ee ugu hadal majer teen ahan iyo isaq wan garankarna fuad hadii adi lagu xidho gobal ka mid ah somaliya ama dhib lagugu gaysto inay majerten kacayan ama cisman maxamud hadan hos kugu dago lakin run aahanti ma rabno inay dhib dhacdo lakin hada way no furan tahay ian intiqam samayno sharciahana way no banantahay marka waxan qaba ina intiqam ay samaystan dadka rer somali galbeed oo lo cadaystay mar walba ina la dulmiyo laga bilabo kan hadlaya iyo cid ad kartaanba
Asc wr wb wb:
Salaantaa ka dib sheekh Fu,aad jazakallah kheyral jazaa taariikhdaa qiimiga badan, mida kale soomaalida waxay tirahdaa waayeel korkii waa wada indho ninka faroole la yiraahdo arrintan isagaa ka dambeeyey sababtoo ahi maalin dhoweyd buu afeeftay oo uu yiri dadka la xirayo dadka ka daba imanaya waa inay joojiyaan ka dama imaanshaha taas oo horudhac u ah in dadka la dhiibo. anigoo ah qof u dhashay beelaha dega Puntland waxaan leeyahay ogaada fidnada ku ekaan mayso inta suubinaysa kaliya idinkana waa idin haleelaysaa hadii aydaan u gurman dhibanaha, gacmahana eeyan qaban kan dulmiga wada, dadkan wax dhiibaya cirka kama eeyan iman culimada inteeda kale oo uu ugu weyn yahay sh c/qaadir Nuur faarax waa in ay si calam ah uga dhiidhiyaan arrintan ee aan si sir ah wax la isugu sheegin sababtoo ah waxay dawo u tahay ummada muslimiinta dhamaan. Kollay ethopia na dayn mayso inta adduunkan aynu ku noolnahaye si kali kali ay yayan noo laasan inta aynu awoodno aynu jac iska dhahno waa waraabe oomane.
asc wr wb
Bal dhuux kalimadaha Cismaan Yusuf Keenadiid. Ninkaasi Alle ha u naxariistee wuxuu mootan yahay mudo ku dhow 150 sano. Hadana markaad dhaliilaha uu Soomaali u soo jeedshay dhuuxdid macnahooda waxaa moodaysaa inuu maanta ka gabyayo.
Duf ku bax Soomaaliyay illayn garaad kuuma kordhee wacdaraha aduunkana wax kuma qaadataane. Awalbaa la yiri taariikhdo waa isku soo noqnoqotaa.
waa sax waayo intay dadka jaajuusaan ayey ka cabanayaan in la jaajuuso
ACWB:Arrintani waa masiibo muslino iyo somalinom iyo ehelnimo meel ay kasoo gashaa ma jirto.
Waxaase haboon in la fahmo oo la kala saaraa Maamulka tigreega u shaqeeya iyo shacabka reer puntland.
Dib u fiiriya taariikhdii waddankeena nidaamkii jiray waxaa uu oron jiray waxaa dalka loo baa’bin jiray in itoobiya ay xukunto oo tuulooyin loo qayb qaybiyo.Waxaa jiray 1986 in somaliya munguste uu u qon deeyay sidan.
1-SSDF Puntland 2-SNM Somaliland 3-USC Banadirland 4-SPM Jubbalnd iyadoo bay iyo bakool la raacinayo jubbaland sababtu maxay ahayd?somalida ayan u daayay
Ta kale Itoobiya iyaduba waa federal system sida ay sheegayso miyay ogashahay in nidaamka waddankeeda loo gacan dhaafo tusale ahaan jabuti ama kenya ay xiriir hoose la samaystaan goboladda dalkeeda maxaa ka qaldan federalka somalidu rabto waxaan u fahmay federalkeenu in uu noqdo tuulooyin qabaa’il u kala go’goan itoobiyana u kala dhuunta kuna faana midba inta uu midka kale kaga dhaw yahay itoobiya waxaa ayaan daro ah in nin islam somali ehel ah kana so cararay itobiya loo gacan galiyo mana filaayo dafiraadda maamulka puntalnd in ay wax ka jiraan sababtoo ah iyagaaba la maamullaa marka maxay diidi karaan?Sidii lala rabay somali waa la gaarsiiyay waliba si ka xun kana ayaan daran ayaan sugayanaa qabiil wa kaase dawadiisa keena.
MAHADASANIDIIN
MAXAA LOO EEDAYAA MAAMAAMULO
AY XABASHI SAMAYSATAY.
MA QOF SHAKI KA QABA BAA JIRA IN XABASHID SAMAYSATAY PL,SL, OO WALIBA RABTAY KUWA KALE
INAY KA SAMAYSATO KOOFURTA OO AY KU FASHILANTAY.
ILAA IYO HADDANA KA RAJO QABTO MID AY KOOFURTA KA SAMAYSATO OO SHARIIF KA WAKIIL YAHAY.
SOW UMA WADA JEEDDAAN IN XATAA GOBOLKII SOOMALIYEED EE BARI AMA MAJEERTEENIYA MAGAC AAN
AF SOMALI AHAYN LOO HUWIYAY, WAA MAGACA PUTLAND EE?
WAA UUN MASA’LAD WAQTI MARKA ITOOBIYA AY ORAN DOONTO WAAN MIDOWNAY INAGA IYO PL IYO SL.
WAXA TAAS HORTAAGAN WAA KACDOONKA KOOFUR KA SOCDA IYO KACDOONKA OGAADEENYA EE WADDANIGAA.
Ina Faroole bal xeerada salkeeda ha soo taabtee maad u yara sugtaan?. Aniga waxay ila tahay inuu khiyaarkiisa ku doortay lugihiisana ku doontay cudurkii dili lahaa. Waxaan u qaatay in uu sidii C/laahi Yuusuf aaminay in ninkii Itoobiya la safantahay sidii uu doono yeeli karo.
Waan qabaa in aan Ogaadeen uga aargoosan Harti falka ina Faroole sameeyay ee ay haddii wuxuu falay ku indha-adaygo isaga uun la farafootamo. Waxaan u arkaa haddaanu ka waantoobin waxa uu wado in uu sida Shariif ku aruuri doono god Itoobiya ama afrikaan kale iridda qori kala fadhiyaan.
w/s
walaahi waa khalad in nin muslmia gaalo loo dhiibo, inay iyagu maxkamadeeyaan ayay ahayd, laakiin kuwan onlf lagu sheegaa sida shabaab ayay qalbiga la,yihiin. waxna iskama celiyaan mana joogsadaan, waxaan ogay dadka commontkaga akhriyaa inay moodayaan inaan khaldanahay, laakiin xaqiiqda layskama indha tiro.
buntland iyo somaliland ethopia iskama celinayaan hadda tamar ahaan, jihaadkuna tabar ayuu u baahanyahay.
buntland iyo somaliland dadku nabad ayay ku cibaadaystaan oo jaarkooda nabad ayay kula noolyihiin, wadaado minbarada ka qalinaya waxaa odhanlahaa sidaasi waa sida koonfur soomaliya rogtay u nasteexeeya dawladiina buntland, soomaliya oo dawlad kaliya noqota oo aad gacmaha is qabsataan oo dagaalada dhexdiina ah daysaan mooyee waxba inoo tarimayso xabishi xabashi haddaynu ku qalqaylino
To abuu asag sxb waad hurudaaye toos markaad rabto in aad cid waxkasheegtana hakatagin xaqiiqa fulaynimadana iskadaa hana kabaqin hoolaalka kore ee etibiya meeshu hada waatigreekaliya alshabaabna wax hakasheegin waamujaahidiin e onlf sidookale daba qoodhina hanoqon oo jahaadka soogal koonfur xabashi way iska saartay hadana ma,ogala waa soomaali dhab,ah dadkana magataan ee iska mayr taariikh mugdiga ah ee iyo ugargaarida cadowga ale iyo kan muslimka iskadhaaf aduunya jacaylka
somalimirrar.com raali ahaada ileen ogaadeenbaad ahaydeen markii aan iri ogaadeen asagaa isu gaystay in sidaan layeelo oo marna la iibsado marna kablalaxoow tolbeelay lagu yiraahdo oo kismaayo lagu raadsado maxaad u tirtirteen ma runtaad diidaysaan sxb yaal.
salamu calaykum
Somalimirror fadlan ha iga reebina dhejinta fikirkeeyga.
Falkan waxaa uu ku tusinayaa qeyr darrada Majeertaanka maanta maamulka Puntland ka taliya.
Issaq maamulkiisa isna ma qarsan sida uu cadow ugu yahay Ogaadeenka Soomalia iyo ka Ogadeeniya ama Somali Galbeed.
Labada maamul waxaa sameystay gaalada Itoobiyanka, marka la yaab maleh falkooda foosha xun.
Waxaa yaab leh Majeerteen oo ay Ogadeen ilmo kabla lax is la yihiin arxsan darrada uu u qabo walaalahooda Ogadeen.
Markii Majeerteen talin jireen waxay tahmiishin jireen Ogadeenka oo isku dayi jireen inay dhulkooda duudsiyaan inay kismaayo iyo jubbooyinka inteeda badan leeyihiin.
Qadiyadda Soomali galbeed dhibka ay iyaga iyo cigaal gaarsiyeen waa la og yahay. Waa duul cadow u ah muslimiinta gaar ahaan Absamaha.
Waxaa yaab leh in Ogadeenka ku soo dhaweeyey Kismaayo, Afmadow, Badhaadhe, Dhoobley markii Darood cararka la dhihi jirey.
Ka gadaalna uu ku soo dhoweeyey Gaarisa, dhadhaab, Wajeer, ijara, Libooya, Lag dheera iyo Nairobi. Wuxuu u jiray oo ku taxay Kibaandhaha Kenya. Iyada oo saa ah ayay haddana Nairobi ka soo abaabuli jireen dagaal iyo dullaan ka dhan ah Ogaadeenka Jubooyinka.
Waa sida SSDF iyo SNM sameeyeen.
Ogadeenka Kenya waxaa uu awoodi karey inuu soo wada tarxiilo laakin duulka meelbaa u danqatey. Waxaan indhaheega ku arkay kuwa majeerteen oo ka shaqeyn jirey Otanga iyo xeryaha qaxootiga oo ogaadenka ka reebaya liisaska bixitaanka oo ku buuxinaya majeerteenka kale.
Waxaa igu maqaal eh markii maereykana ay tageen waxaa soo dhoweyn jirey Ogaadenka deganaa Mereykanka.
Eedda kala gaartey labadan qoys ee wada dhashey waa mid aan la xallin karin. Culimadooda xataa isma aaminaan. Waxaa uu Mj sameeyeen waa wax diinta ka fog iyo Somalinnimo. Waxaan leeyahay wixii wadaad ah kuma jiro. Warkii Sayidka looga hortagey ayaa muuqdaa.
War majeerteenow iyo isaaqow is ceebeysta oo gaalada aad u dhiibaysaan dadka Soomali galbeed joojiya.
war shekhoow waalaguu yabaa hadaa boosaso joogto koleey boosasan kugu ogayee maxaa yeelay arin jirta oo aan wadaadada gobolka loga baran ineey ka hadlaan baad taabatay marka u diyaar garoow in dhib kasoo gaari karto hadalkaas qiimaha badan aad qortay maxaa yeelay gobalkeena lama ogola runta in la isku shego , soona ogoow hadeey dacaayad kugu bilabayaan oo oran donaan waa maamulki dhacay iyo mucaaradnimo .
wadaadada gobalka waxaan leyahay koleey aayado iyo axaadiis idiin soo dareerin maayo oo idinkaa iga badiya lakiin waxaan idin leyahay meeshi la idinak filayay ma joogtaan oo waad ka gabiseen wajibadki idin saarnaa ogoowna qofka madluumka oo loo hiiliyaa ma aha inaad amnigi wax u dhintay bal waxaad sacideysaa in dadka amni ku noolado
arintaan waa mid ceeb ku ah ina farooooole,ilowse hadii ay ka dhiidhin waayan arintaan reer puntland iyagana way raacayaan.siiiiiba shacabka.ogaaaadeeeena hal iyo 2bo la dhibaaa waxba u noqon maaayo ooo ehiopiayaaan dhamayn wayday.
ARINKAAN ARIN QABIIL YAAN LAGA DHIGIN,QABYAALAD
WAA KAN SOOMAALI LOO ADEEGSADAY SI LOO KALA FURFURO OO MIDBA GOONI LOOGU ADEEGTO.
FOOLXUMADA WAXA SAMEEYAY RAG MADAX KU SHEEG AH,
OO MAGAC U YAAL AH, OO MEESHA LA DHIGTAY EE QABIIL MA SAMAYN.
HA LA JOOJIYO WAX KA SHEEGGA QABIILADA SOMAALIYEED EE MAJEERTEEN IYO ISAAQ,OO SI
MIDAYSAN HA LOO WAAJAHO MAAMULADA ISTICMAARKA
U KHIDMEEYA.
HADDII AY SOMALIMIRROR II SAMAXDO ILEEN QORAALADA WAAN BADAY BAL HAL AAN SHEEGO.
NIMANKAN REER BOSNIYA WAXAA WADAADO U AHAA WADAADADA SUUFIYIINTA LOO YAQAAN KA HOR DAGAALADII LAGU UGAARSADAY.
DAGAALKII KA DIB BAAN BOSNIYIIN BADAN ARKAY,
WIILAL DHALIN YARA AH, QAAR WAJIGA ACID LOOGA
SHUBAY OO WAJIGOODU DHINAC BISLAADAY, XATAA
MID WAJIGA NUS MAQAN YAHAY.
MID WIILASHA AAN LA KULMAY KA MIDA BAA MAALIN
I WAYDIIYAY HALKEE KA TIMID?
WAXAAN IRI SOMALIYA. WUXUU YIRI WAA HALKEE?
WAXAAN IRI YAMAN IYO SACUUDIGAAN DARRIS LA NAHAY.
YAMAN MARKUU MAQLAY BUU INTA IGU SOO BOODAY GACANTA IGA DHUNKADAY AMA SHUMIYAY HADBA SAAD U TAQAANAAN.
WAXAAN IRI MAXAA JIRA?
MARKAAS BUU II SHEEKEEYAY SIDAY UGU SOO GURMOODEEN,UGUNA DHINTEEN.
WUXUU YIRI WADAADADAYADA MARKUU DAGAALKA HOR LAHAA BAAN DAMCI JIRNAY INAAN IS DIFAACNO OO
KULLI IS DIYAAR GALINO,WAXAY MAR WALBAA DHIHI JIREEN SABRA,SABRA,SABRA. HA DAGAALAMINA, WAA LA IDINKA TIRA BADAN YAHAY, WAA LA IDINKA XOOG BADAN YAHAY.
WUXUU YIRI WIILASHAN REER YAMAN BAA NOO YIMID,
WAXAY NAGU YIRAHDEEN SABARKA WAA FIICAN YAHEE,
TAN TII SABARKA MAAHA, TIRO BADNE IYO XOOG YARINA MA IDINKA REEBAYSO INAAD IS DIFAACDAAN.
WUXUU II SHEEGAY INAY CUTUBCYO CIIDAN AH, AY ISAGA IYO 17 WIILASHII KA MID AH AY KA GUULAYSTEEN.
WUXUU YIRI HUB YARAAN DARTEED,WAXAY INOO QAYBIYEEN KIS KIS YAR ,OO KIS WALBAA AY CUTUB CIIDAN AH GAASHAANKA U DARUURAYSAY.
WAA MARKAA MARKII AY MARAYKAN YIRAAHDEEN HESHIIS BAAN DHEXDHIGAYNAA.
Cali gurey,
Haddii aan kuu jawaabo oo xaqa iyo runta kuu sheego, waxa markiiba la tirtiri doona qoraalkayga ileyn, adiga iyo kuwa kula midka ahba, waxaad tihiin gar daro garabo og’e.
Cumar,
Markii aan Ogaadeen xaqa iyo runta u sheegay sida qoraalkaaga loo tirtiray ayaa kaygiina loo tirtiray.
Maamulka shabakada,
Haddii aydun doonayn inaanu xaqa iyo runta u sheegno dadkiina habowsan oo wacyigelino oo aydun qabyaalad qaawan iyo eex qayaxan ka doorateen kala shandheynta fikirka akhristayaashiina dee, waa yeelkadiin waayo idinka uu baa ku dhib qaba oo is wax yeelaya oo khalad uun iska dhaadhicinay isuna nacamleynaya, hase yeeshe, marka ay dhabta gaadho oo xaqu soo daahiro, yaab iyo amakaag ayey la kulmi doonoon kuwiinan aad ka hortaagan tihiin in xaqa loo sheego oo loo caqli celiyo.
Guul iyo Gobanimo.
ASC SOOMALIYEY WAXAAN LAYAABANAHAY DADKAN CAADIFADU QAADAY WAXAAN IDIINSHEGAYAA INAY 2 JABHADOOD OO KALA AH SOMALI-GALBEED & JABHADA OGADEEN AYJIRAAN DAGAALKA AYKULAJIRAAN XABASHIDA WAY KUKALA DUWAN YIHIIN ARIMAHA FALSAFADA JABHAD S/G WAXAY AAMINSAN YIHIIN INAY KAMIDYIHIIN SOMALIYA MEELWALBANA WAYJOOGAN LAKIN ONLF WAXAY DOONAYAN INAY XABASHIDA LAWADAAGTO XUKUUMADOODA AMA GOONI U ISTAAGAN MANA DOONAYAN SOOMALI INAY WAXKUDARSADAAN WAANA MIDA KEENTAY IN DHOOBLAY LAGA SAARAY SABABTUNA WAA INAY DOONAYAAN ONLFTU INAY SOOMALIDU SIYAASADOODA XUN KALA SHAQEEYAN LAAKIN PUNTLAN & SOMALIDA KALEBA UMA FIICNO UDHIIBIDA DAD MUSLIM AH GAALO SIIBA XABASHI OO AH DAD NACABKAAGA AH ABID NABADAY.
Halgame
Inaad ii jawaabto mahan. Ogow inay jiraan dad aaminsan runta oo aanan kala jeceleen meesha ay ka timaado hadal dalabsan. Runta ragga kama nixiso. Inta majeerteen iyo Isaq maamulkiisa Soomali kala jareen, diideen ku dhaqanka shareecada, la dagaallameen culimada haddana dabada gashadeen Itoobiya oo isticmaar ku heysta dhulka Soomali galbeed ama Ogaadeniya baad igu sheegaysaa gardarro gardarro u garbinaysa.
saaxiib, u dhiibidda nin Soomali ah xabashida oo ay maamulladdaasi xaaraanta ah sameeyeen waa mid taariiiqda meel xun ka geli doonto.
Nabigu waxaas dhahay u gaar gaar walaalkaa dhaaliman ama madluuman. dhulmi ka celin waa warkeenna.
Midda kale goormaa runta la sheegaa haddii weligeed ashuun lagu idaamo iyada oo oy caddehay gumesyisga oo kabaha loo qaadaa.
Marka laga reebo dhulka Jubbooyinka oo Absamaha u badan Nin Absame eh waxaa loo ugaarsadaa sida ugaartii marka uu tago putnland iyo somaliland. Sabab? Waa neceyb qabyaaladeed, waa diin xumo iyo doqonnimo meel loogu soo gaban.
Culimada rasmiga ee gobolladaa joogta iyo inta damiir diini iyo Soomali ku jirto marnaba ma aqbalaan laakin magacoooda wax lagu fuliyaa.
Haddii uu Ogadeen ka jawaabi lahaa arrintaasi mar hore ayuu xaalkaan mid ka duwan dhici lahaa. Laakiin waxgaradka muslimka shacabweynaha Ogaadeen iyo Absame ee Somali galbeeda iyo jubbooyinka iyo NFD waa ka diin iyo Soomalinno roon yihiin faroole iyo waqooyiga galbeed kuwa gaalada ooga qidmeeyo.
Saaxiib runta liqa haddii aydan calanjin karin. Run ka hadal ma ahan qabyaalad iyo jaahilnimo.
Wadaadkii ka meermeera arrintan ka runsheegi maayo dhibka ku heysto dhulkiisa ama Somali ahaato ama Ogadeen.
Marka saaxiib sidaa garo.
Diidney Dulmi fale u doode
A.C.W.
waxa halkaan laga sheegi karo oo dadka la dhoofiyey ku saabsani waa hadal malagii galay ama iska dheh oo yaan lagaa hoos qaadin oo kale ah, ha yeeshee haddana sidaadsi oo ay tahay ayaan laga aamusi karin , sababtu tahay xaalka oo ah mid aad ay u adag tahay in la dheefshiido ama la aqbalo.
In dawladnimo layska nacaayi waa wax aan suurto gal ka ahayn adduunka intiisa kale oo dhan aan ka ahayn Soomaali haddana waa nala taal oo noo khaasba tahay haddaan nahay isirka Soomaaliyeed , kadaalika nabaddaa ah oo aadanahu jecel yahay halka taas bilcaksigeeda aan annaguna iska nacnay .
Ummad waliba dalkooda waa horumarsadaan , annaguna waa burburinnaa oo tan dambe ayaannu u kala tartannaa .
Ummadaha kale gaal iyo muslinba caddaaladda waa isku dayaan oo jecel yihiin , annagana booskeeda ama makaankeeda waa noo ah aargoosi la aaneeyey
( Aano :- Ereygaan dambe macnihiisa dheegani waa aargoosi , laakiin macnihiisa asalka ahi waa xiriir aqrabinimo , sidaas darteed ayaa qarniyaalo loo isticmaalayey sida aargoosi waayo caddaaladi ma jirin , haddii qof la dilana , kuwii laga dilay waxa ay oran jireen yaa loo aanayn karaa ama si xiriir aqrabinimo ku salaysan looga aari karaa fal dambiyeedkii dhacay ).
Ummad waliba iyagoo dawlad ah ayey og yihiin cadawgooda taariikhiga ah waxayna isku dayaan in ay la looltamaan , annaguse waa u kala tartannaa si aannu dhexdeenna isagu muruq sheeganno ama talada ugu kala boobno , taasina waa abshirta cadaw kasta.
Haddaba , haddii aannu dalkeenni burburinay , dawladnimadeenni ridnay , cadawgeennii la wada saaxiibnay , magaalo madaxdeennii keennay , dadkeennii ku xasuuqnay , xeryihii ciidankeennii xoogga dalka dejinnay , oo maxaan ula yaabayaa khalad weynba ha ahaato-e rag loo dhoofiyey Addisababa oo loo gacan geliyey Tigreega , ma foolxumo ii dhimmanayd, ma yaab kan ka weyn baanan horey u soo arag .
Intani waa licib saqiir marka la hordhigo murugada kasii weyn ee labaatan jirsatey ee Soomaaliya.
SCWW
HORE AYAAN U MAQLAY OGAADEEN WAA QODAX KU MUDDA IYO MID LA ISKAGA SAARO’
horta arintaan waxaa qayb weyn ka ah ogaadeenka oo soo basaasa oo daba socda kuwa ay u arkaan inay itoobiya doonaysay.
mashruucaan waxaa uu sagaashanaadka aakhirkiisii ka socday Muqdisho oo la dhihi jiray oromo safrin iyo ogaadayn layn.
somaliladn iyo puntland maamulada ka jiraa qaa qaldan yihiin taasi been maaha labada shacabna raali kama aha waxa dhacaya….
xalku waxaa uu ku jiraa
1- ogaadeenka iyo inta kale eela degtaa meel wada fadhiisato oo ka wada hadasho mustaqbalka gobolka
2- in onlf ay iska dayso nacaybka reeraha aan ogaadeenka ahayn ee gobolka la dega ama jaarka la ah
3- in meel looga soo wada jeesto kuwa jaajuusinta ah ee waxan ku shaqaysta
4- in odayaasha somaliland iyo puntland arintaan ka hawlgalaan in aan wax dambe ka dhicin maamuladooda.
ugu dambayn 4o sano ku dhawaad ayaa meeshan somalila galbeed xornimo doonka socday maxaa hortaagan daraasada cilmi ah ah lagu sameeyo
scw
asc wr wb.
walaalaha shabakada somalimirror waxan leeyahay jzklahu khayr shaqadaa haysaa laakiin waxaan idinkula talin lahaa fikradaha dadka qaarkood oo xambaarsan erayo aan ku fiicnayn in la akhriyo inaydaan soo gudbin wjkmlhu khayr.
Waryaada Reer ogaadnya Ethiopia intaas oo qoomiyadood ayaa degta adinka iyo eretriya iyo Oromo ayaa dagaal ku jiri jirey.
Ereteriya waa dal taariikh cad leh oo qaran sasagoo ah si dadban oo xaq darro ah loogu wareejiyey dalka itoobiya ayada oo loogu soo gabbaday Magaca Federal.
Labadiinna qolo oo kale ma qoomiyadda aad tihiin iyo diintiinna mise nadaam dawladeed iyo maamul.
Caalamku sidi dawlad walba u aqoonsadey ayaa dhulalkaas inay tihhin dhulweynaha itoobiya.sdadaalki xaq u raadinta dasdkaas ee dawladihi somaliyeed sameeyeenna Laga soo bilaabo Mudane aden cadde waxaa meel walba ka hor yimid Albaab xiran.
ilaa ay ka maarmi weydo dagaallo la galo.
Dagaalladi ayaga ahaa kii ugu rajo fiicnaa waa kii 77 asahgina si toos ah ayaa caalamka looga soo fara geliyey ilaa loogu hanjabay dawladdi somaliyeed ee xilligaas haddi aysan sida ugu dhaqsaha badan oo muddo loo qabtey uga bixin itoobiya in xamar la qaban doono oo itoobiya loo dhiibi doono.taasina ay keentey madaafiicdi iyo hubki inta la daadiyo in wixi gaari ku caratri kareyna ku cararaan wixi lug ku bixi kareyna bilo dhan soo lugeeyeen.
Wax la wadaba maanta Somaliya ayaa la burburiyey itoobiyana xamar aya dhex istaagtey.tabar dasmbe oo somali ku harteyna ma jirto.
Jabhadihi xornimo doonka ahaana labo ayay u kala jabeen.Rag maamulka kililka loo bixiyey ku qanca oo go’aansada inay fikradihi ka go’idda itoobiya iyo xornimadoonka ah ka baxaan oo qomiyad itoobiya ka mid ah noqdaan noloshooda maareeystaan.
iyo qaar weli ku taagan jidki halganka xornimodoonka ahaa.oo ayagina laba u kala jaban.waxaan kale oo aragna qofki kasoo baxa duurka ee cag soo dhiga ama kenya ama somaliya ama jabuuti ama Somali land in laga dhigo mid lasoo dhiibo mid la shiqoolo oo meeshiisa lagu dilo iyo mid toosba looga daba yimaado oo la qafaasho.qaddiyadda xornimada Somalida umadihi taageeri jireyna marki qaranki saomalia burburey waxay kusoo koobmeen keliya dawlada yar oo ayagu itoobiya iskood colaad ugala dhexeeyso haddi colaadaas la xalliyana ayaguba kugu soo jeesanaaya oo aan idinak dhexeyn dhalasho iyo diin midna.
waxaan qabaa dadka somaliyed ee itoobiya gacanta ugu jiraa inay dib isugu tagaan oo dib u tashadaan kana fekeraan stratiijiyad sax ah ee mustaqbalkooda ee xamaasadda ay ka baxaan .