Mas’uul Mareykana kana howl-galayey Afganistan oo iscasiley.

Published on October 27, 2009 by   ·   8 Comments   ·   print

mareykan111Siblomasi Mareykan ah laguna magacaabo Matthew Hoh kana tirsan Saraakiisha Dalka Afganistan ka howl gasha ayaa is casilay, waxa uuna iscasilaadiisa sabab uga dhigey Dagaalka Afganistan ka socda, Sarkaalkan waxa uu noqonayaa kii ugu sareeyay uguna horeeyay oo iscasilada, sida Washington Post baahisay.

 

Matthew oo ka mida Saraakiisha ka howl gasha Gobolka Zabul oo ka mida Gobolada fariisimada ugu muhiimsan ku leeyihiin Daliban waxa uu noqonayaa Sarkaalkii ugu sareeyay oo shaqadiisa ka taga.

 

Hoh oo ka mida xubnaha sida weyn ula dhacsanaa Siyaasada Madaxweynaha Barack Obama ee ku aadan Dagaalka Afganistan ayaa fikirkiisa wax ka badan wixii ka danbeeyay bishii September.

 

Matthew Hoh ayaa warqadii iscasilaada ku yiri:“Shaki iyo cabsi ayaan ka qabanaa Istaraatiijideena xilligan ee ku aadan Dalka Afganistan iyo mida mustaqbalka ee aynu dajisaney, taa daraadeed ayna noqoneysaa sababta iscasilaada igu kaliftay, mana ahana inaan wadada dagaalka ee aynu heyno ka soo horjeedo, basle maxey noqoneysaa natiijada dhamaadka ee aynu sugeyno”

 

Richard Holbrooke oo ah Wakiilka Mareykanka ugu qaabilsan Dalalka Bakistan iyo Afganistan ayaa sheegay in Matthew Hoh uu ahaa mid howshiisa si waangsan u guta kana rajeynayay inuu halkeeda ka sii wado, basle waxa uu sheegay bataatanba rayigiisii inuu wax ka badelay.

 

Is casilaada Matthew Hoh waxay imaaneysaa xilli Mas’uuliyiinta Mareykanku ka fikirayaan sidii ciidamo dheeri ah Dalka Afganistan ugu diri lahaayeen.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. German:“Ma jirto sabab ciidamo & dhaqaale dheeraad ah ugu sii bixino howl-galada Afganistan ka socda”.
  2. 6 Askarta Talyaniga ah & 2 Ingiris ah oo Afganistan lagu diley.
  3. New-Zealand oo Ciidamada Afganistan ka jooga kordhineysa & Daliban oo weeraro ka fuliyay duleedka Kabul.
  4. Tirada dhimasho ee Askarta Ingiriiska ee Afganistan oo sii kordhaya.
  5. 2 Askir oo Mareykan ah & mid Talyaani ah oo Afganistan lagu Dilay.

Readers Comments (8)

  1. warsame says:

    allaahu akbar wal cisatu lilaah
    walaalayaal dadka islaamkoow baraaruga oo sida walaaladeen daalibaan gaalada uugfa cabaadsiiya idinkuna ha isku jeed sanina

  2. Osmaan says:

    Iscasilaada saraakiisha maraykanka ee ka shaqaynaysa dalka afgaanistaan waxay cadaynaysaa inay maraykanku ku jabeen dagalkii afgaanistaan

  3. Abu Muxsin says:

    Ascwrwb,
    Waa bilowgii jabka mareykanka iyo xulufadooda, Maalinba maalinta ka dambeysay dagaalku wuu ku cuslaanayaa waa arin mucjiso ah in ciidamo ka badan boqol kun oo la dagaalamaya ciidan yar oo aan heysan hubkooda iyo qalabkooda oo kale waana suno lagu yaqaano inta xaqa u hiiliso, Raboow guul sii inta xaqa u hiiliso, Aamiin Yaa Allaah. ascwrwb

  4. farah says:

    RICHARD HOLBROOK, NINKA IMMIKA U QAABILSAN MARAYKANKA AFGHANISTAN IYO PAKISTAN WAA JAZAARKII WAYNAA OO KOR KA MAAMULAYAY MADBAXADDII QARRACANKA LAHAYD EE LAGU QALAY
    DADKA REER BOSNIYA.

    NINKAA WAA NIN YAHUUDIYA OO KU ABTIRSADA YAHUUDIGII WAYNAA EE KARL MAKIS,ODAGII SHUYUUCIYADDA.

    WAA NIN JECEL INUU DAADIYO DHIIGGA MUSLIMIINTA.

    WAA NIN MEESHUU GALOBA DADKA WALIBA SI FOOL XUN
    OO ARGAGAX LEH LOOGU QASHO.

    WAA SHAYDDAAN MUUQ BANI’AADAM LEH.

  5. farah says:

    ILAAHAY HADDUUSAN U BIXIN WAQTIGAA ADDOOMIHIISA
    AY KA MID YIHIIN AYATULLAH KHUMAYNI IYO WIILAL
    REER YAMAN AH OO USAMA BIN LADIN SOO DIRRAY,
    NINKAN RICHARD HOLBROOK AH QORSHAHA UGUMA JIRRIN IN HAL NIN OO REER BOSNIYA AH NAF KU HARTO.

    WAXAA AYAAN DARRO AH QUWADAH RUNTII QALANAYAY
    REER BOSNIYA OO UU NINKA RICHARD HOLBROOK HOGAANKA U HAYAY, IN LOO EKAYSIIYAY INAY XAL WADEEN OO HIILO U AHAAYEEN REER BOSNIYA, IYADOO
    AY RUN AHAANTII AHAAYEEN RAGGA SIDA TOOSKA AH GACMAHA UGULA JIRAY MADBAXADAAS FOOSHA XUN.

    MUSLINKU MA BARRAN WALI DADKA QALANAYAA YEEY YIHIIN.

  6. farah says:

    BAL HA IS WAYDDIIYEENE, WAXAN LA HADLAYAA NIMANKA DABADHILIFKAA OO MASKAXDA LAGA XADAY……. MAXAA DADKA REER BOSNIYA LOO QASHAY?

    MA ISLAAMIYIIN BAY AHAAYEEN? MA XAG JIR BAY AHAAYEEN?

    SHACABKAAS MAGACA MUSLIN AY XAMBAARSAN YIHIIN
    KALIYA LOO DILLAY, WAXAY AHAAYEEN DAD KHAMRIGA
    ISKA CABBA, KA GUURSADA GAALADA, OO WADA NOOLAASHO BUUXDA LA LEH.

    HADDANA RICHARD HOLBROOK IWM BAA QASHAY.

    KUWA INAGA MID AH EE KU DOODAYA MUSLIN NOOC
    QAAS AH BAY GAALADU RAADSANAYSAA EE KULLI
    MA AHA, KUWAAS HA OGAADAAN KALIYA INAY NABAD YIHIIN INTA MUSLINKA GAALADU KU SHEEGTO XAGJIRKA AY JIRAAN AY NOOL YIHIIN.

    WIILKII WALAALKII LOO XIIROW, SO QOYSO.

  7. cabdi yare says:

    Waxaa muhiim ah in aan ogaano in Richard Holbrook hooyadii aabihii iyo naagtiisuba ay yihiin YUHUUD oo aan cayaar loogu dooran booskan xasuuqa MUSLIMIINTA ee pakistan iyo Afganistan,hore CIRAAQ iyo BOSNIYANA dib u raac, waxa uu ka geysteyna la soco…. Taas oo u baahan in la wajahaa hawl badan…..

  8. farah says:

    CABDI YARE,

    YAHUUD CAADIYA MA AHA, OO WAXAA
    UU KU ABTIRSADAA YAHUUDIGII WAYNAA EE
    ODAGA KARL MARKIS AH.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. German:“Ma jirto sabab ciidamo & dhaqaale dheeraad ah ugu sii bixino howl-galada Afganistan ka socda”.
  2. 6 Askarta Talyaniga ah & 2 Ingiris ah oo Afganistan lagu diley.
  3. New-Zealand oo Ciidamada Afganistan ka jooga kordhineysa & Daliban oo weeraro ka fuliyay duleedka Kabul.
  4. Tirada dhimasho ee Askarta Ingiriiska ee Afganistan oo sii kordhaya.
  5. 2 Askir oo Mareykan ah & mid Talyaani ah oo Afganistan lagu Dilay.

Latest Headlines