Cali Cabdalla Saalax oo ku celiyay mar kale in ay taageerayaan dadaalada dib u heshiisiinta Soomaaliya

Published on October 27, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Madaxweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax ayaa mar kale dib uga soo cusbooneysiisay  in ay Dolwadiisu garab ay ka qeyb qaadaneyso dadaalada lagu xaqiijinayo Xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya wuxuuna carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay tahay mid aan kala qeybsanmi karin qeybna ka ah Amniga Yemen iyo kan Dowlaha Gobolka si guud.

 

Hadalkan ayuu Cali Cabdalla Saalax ayuu sheegay kadib markii uu qaabilay dhigiisa DKMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayay kuwaas oo Yemen booqasho ku tagay wuxuuna yidhi “Yemen kama gabineyso in ay dadaal caawin ah ku bixiso Soomaaliya” wuxuuna Beesha Caalamka ,Wadamada Carabta iyo wadamada dariska la ah ugu baaqay si gaar ah in ay dadaalo laba jibaaran ku bixiyaan dadaalada lagu taageerayo amniga , xasiloonida iyo midnimada Soomaaliyeed.

 

Hadalka ka soo baxay Mas’uulka ugu sareeya Dowladda Yemen ayaa ku soo beegmaya xili Madaxda ugu sareysa DKMG ah ay ku sugan yihiin Yemen ayna kulamo kala duwan la leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Dalka ay Martida u yihiin .

 Dowlada Yemen ayaa marar badan horay u shaacisay in ay garab taagan tahay dadaalada dib u heshiisiinta ee Soomaaliya sidoo kalena ay ka shaqeynayo isku soo dhaweynta dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya .

 

Isha Warka Sabanews.net



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Wada hadalo dhanka teleefanka ah oo dhex maray Cali Cabdalla Saalax & C/laahi Yuusuf
  2. Cali C/lla saalax oo qeylo dhaan xoogan ka muujiyey arinta Soomaaliya
  3. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  4. Axmadu Weled Cabdalla oo sheegay in Badda Soomaaliya loo Isticmaalo Qashinqunka Haraadiga Nuclearka
  5. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya

Readers Comments (3)

  1. farah says:

    MAXAA BAAN LA ISUGU SHEEGAA!!

    sHARIIF MIYAA KALIMAD KA GO’DAA?

    HADDUU HESHIIS OGOLAAN KARO, OO UUSAN KA BAQAYN
    RAGGA SOO ADEEGSADAY, MA DAHIR AWEESKII SHALAY
    MADAX UGA DHIGAY MAXKAMADIHII ISLAAMIGA BUUSAN
    GARANAYN SI LAGU HELO TELEFOONKIISA.

    MISE AFSOOMALIGII BUU ILOOBAY SHARIIF??

  2. mohamed says:

    Farxaan ilaahay ka cabso ee beenta jooji taariiqda maxkamadaha inaad wax ka aqoon ayaad noo cadaysay.Midowga maxkamadaha marki shiikh shariif loo magacaabayay xasan daahir dhuuso mareeb oow joogay,tan kale hogaamiya kooxeedki marki lala dagaalayay shiikh shariif oow ahaa ninka hogaaminayay,xasan daahirna dhuusamareeb ayoow ku raaxaysanaya,guusha markay timid ayuu xasan daahir xamar yimid,jagada shuurada in loo dhiibana waxaa codsaday xaaji abuukar cadaani oy saaxibo ahaayeen xasan daahir,marka halganka midowga maxkamadaha been haka sheegin faarax.

  3. farah says:

    MOHAMAD,

    HORTA DHUUSAMAREEB IN RAAXAYSI LOO TAGO MA MOODAYN. HADDAN WAX AQOON,TAASAANAN AQOONTEEDA
    LAHAYN.

    WAAD KU MAHADSAN TAHAY AQOONTA AAD II KORDHISAY.

    :) .




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Wada hadalo dhanka teleefanka ah oo dhex maray Cali Cabdalla Saalax & C/laahi Yuusuf
  2. Cali C/lla saalax oo qeylo dhaan xoogan ka muujiyey arinta Soomaaliya
  3. Walad Cabdalla “ Soomaaliya waxay khatar ku ahayd, kuna tahay Maraykanka iyo Wadamada Deriska ah”
  4. Axmadu Weled Cabdalla oo sheegay in Badda Soomaaliya loo Isticmaalo Qashinqunka Haraadiga Nuclearka
  5. Baraket Simon oo Beeniyay in ciidamadooda ay mar kale ay dib u galeen Soomaaliya

Latest Headlines