Shil gaadhi oo ayaa maanta ka dhacay meel qiyaastii aan sidaa uga fogeyn oo Tuulada Sinu Jiif oo Magaalada garoowe u jirtay 87 KM, wuxuuna shilkaasi sababay sida la xqiijiyay geerida afar qofood oo 3 ka mid ahi ay dumar ahaayeen.
Goobta uu gaadhigu ku rogmaday ayaa la sheegay in lagu magacaabo Hal iyo Nirig oo ah meel aan sidaa ugu fogeyn Tuulada Sinu Jiif , waxaana sababta shilkaasi lagu sheegay in uu ahaa Darawalkii gaadhiga oo hurdoday .
Dad kale oo ku dhawaacmay rogmashada gaadhiga ayaa la qaaday dhanka magaalada Garoowe , waxaana la dhigay sida ay sheegeen warbaahinta gudaha ee Puntland qaarkood dadka dhaawaca Isbitaalka lagu magacaabo Akram oo ah mid si gaar ah loo leeyahay.
Wali si cad looma oga waxa dhaliyay shilka gaadhigay iyo sidoo kale inta qof ee saareyd ,waxayse wararka qaarkoodi sheegayaa in gaadhiga shilka galayi uu ka yimid dhanka magaalada Boosaaso uuna ahaa mid ku eg Garoowe.
Inta badan wadada isku xidha Magaalooyinka Qardho iyo Garoowe ayaa ahayd mid aad uga shil yar taas oo u noqoneysa wadada oo inta badan ah mid toosan

Related posts: