Degmada Ayaan-baal oo dhacda Xuduudka Gobolada Hiiraan & Shabeelada Dhexe, maanta waxa heshiis ku kala saxiixday Beelo Walaalo ah oo halkaa dhawaan shir uga furay, horeyna dirir uga dhaxeysay.
Shirkan oo Xarakada Al-shabab gar wadeyn ka aheyd, labadii dhinac ee u dhaxeeyay oo kala ah Beelaha Xawaadle & Abgaal waxay ku gaareen heshiis ka kooban 10 qodob, ayna ugu muhiimsanaayeen Xabad joojin, wixii khilaaf ah ee jirana Shareecada xalkooda loola noqdo, Muddo bil ahna wixii hanti ah la isu celiyo.
Odayaal labada dhinac u hadleyn, dhankooda waxey sheegeen heshiiskan inay soo dhaweynayaan kana shaqeynayaa hirgelintiisa, bogaadina u jeedinayaan Xarakada Al-shabab oo gacan ka geysatey.
Afhayeenka Xarakada Shababul Mujaahidiin, Sh Cali Maxamuud Raage oo xafldii soo xirida shirka heshiiskana labada beelood ku gaareen ka hadley ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan kana qeyb qaadanayaan fulinta heshiiska labada dhinac isla gaareen.
Dhinaca kale, Sh Cali Maxamuud Raage oo Khadka Talephon-ka Saxaafada Shir jaraa’id ugu qabtey isaga oo ku sugan Degmada Aadan-yabaal waxa uu sheegay inay shuruudo ku xirayaan shir dibu heshiisiineed oo Soomaalida loo qabto.
Heshiis & Nabad ka hirgasha geyiga Soomaaliya ayuu sheegay Sh Cali Raage, Shareecada Islaamka oo la dhaqan geliyo inay ugu filan tahey, howshaasna ku guda jiraan.
Waxa kale oo uu intaa ku darey, inaaney dan ka laheyn shirarka dibu heshiisiineed ee dibadaha laga abaabulayo, horeyna u qaadaceen.
Hadalka Afhayeenka Al-shabab, waxa uu ku soo beegmayaa xilli dhawaan Dowlada Liibiya shaacisay Shir dibu heshiisiineed oo u qabaneyso dhinacayada Soomaaliyeed ee iska soo horjeeda, balse ayna wakhti go’an u qaban.
Dhinaca kale waxa uu isla mowqfikoodii hore ka istaagey hadal jawaab celin ah oo ka soo yeeray Madaxda Dowlada Burundi & Uganda oo ku aadanaa weeraro ka dhana Xarumaha Dalalkooda.

Related posts:
waa arin lagu farxo heshiis ay alshabaab dhexdhigeen beelaha abgal iyo xawaadle sdioo kale alshabaabki raaxanwayn waxay maamulka bay iyo bokool udhiibeen beeelaha dega gobolkaas lakin su,aasha waxay tahay alshabaabka daarood ayagu intaas magaranwaaayen maxay ulaayaan dadka wax galka ah sida waldiire daauud diri iyo nabadoonki ciise mahamud ?
yay iska gadaayaan ? misse diinta ayga un baa yaqaano maslada uu gartay abuu mansuur ma garanwaayen misse wuxu waa iska cwaan ?
waxan kula talin lahaa in ay dhibka kadaayaan belaha u badan jubooyinka waa dad nabadda jecel lakin hadi farta sanka laga galiyo way isdifaacayaan sidii gedo ka dhacday oo kale
run ahaantii aad ayaan u soo dhawaynayaa sida ay mujaahidiinta alshabaab ay ugu dadaalayaan dib u hishiisiinta walaalahooda dirirsan ,balse waxaa ay tahay dadka qaar inay iska daayaan qabyaalad laga soo gudbay iyo garawsasho la aantii soomaali meel xun ka tuurtay soomaaliya qabiil way ka gudubtay dib dambana ugu soo noqon mayso