Warbixin:- Xabsiyada Zambia oo Hoy u Noqotay Somali Tahriibayaal ah
By Somalimirror on 25 Oct, 2009 9:22 AM in Main, Wararka, Warbixinnada
Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa warbixin ka hadlaysa Dhibaatooyinka Soomaalida u Tahriibasa Wadanka Sauth Africa ku haysta Xabsiyadda Wadanka Zambia.
Waxaa bilihii ugu dambeeyay buux dhaafiyay jeelasha Zambia Somali aad u tira badan oo u Tahriibaya Wadanka Sauth Africa, Dadkaas oo Sanadkaan Tiradoodu Xad Dhaaf noqotay Qabashadooduna ay tira beeshay oo ay Adkaatay inuu ka badbaado Qof kasta oo Sharci daro ku socda , dadkaas oo dhibaatooyin aad u badan kala kulma Xabsiga iyo Mukhalasiin Somali ah oo Tahriibiya laakiin inta badan markay lacagaha ay wataan ka furtaan ku hubsada gacanta laamaha socdaalka ee wadankaan.
Safiirka DKMG ee Zambia Dr. Maxamuud Cumar Umal oo asagu ah u Qaabilsanaha Arimaha Soomalida ee Wadamada Bartamaha iyo konfurta Afrika oo aan ka waraysanay arimahaas ayaa noo xaqiijiyay in xudoodaha Zambia ay dadku si Sharci daro ah ku soo galaan, waxaana dadka inta badan hoosaasiya Mukhalasiin dhiig miirata ah oo dadka si arxan daro ah ula dhaqma, wuxuuna yiri “hadda maalin dhawayd waxaan xuduuda Zambia iyo Botswana ka soo daayay oo aan anigu ugu tagay halkaas 15 Qof oo ay niman Mukhalasiin ah ay halkaas uga dhuunteen”.
Waxaana u muurahaan Qaylo dhaan ka soo diray Jaaliyada soomaaliyeed ee Zambia oo ayagu laf dhabar u ah hawla samata bixinta Maxaabiistaas, laakiin aad moodid mudooyinkaan dambe inuu daal badan ka muuqdo sababa la xiriira Dadkii oo aad u tira batay iyo arintii oo noqotay wax Asbuuc kasta taagan.
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaliyeed ee Zambia Xasan Mataan, ayaa Arintaan si caro leh uga jawaabay wuxuuna yiri “Dadkaas waa dhiban yihiin waxaana dhibka ugu badan ku haya Mukhalasiin ka ganacsada Dadkaas oo ayagu Soomaali nimo ku beerlaxawsada ka dibna ayagu dhibka u soo jiida ka dib markay is dacweeyaan”.
Xaaji Maxamuud Xaashi(Qub Qac) oo asagu 600Km u jaray inuu wax ka soo Furdaamiyo Qayb maxaabiista ka mid ah oo 96 Qof ah.
Qaar ka mid ahna lagu Xukumay 2sano oo xarig ah iyo Shaqooyin Adag, wuxuu nooga waramay Xaalada ay ku suganyihiin Maxaabiistaas, wuxuuna Yiri “Dadkaas waa dhibanyihiin niman Mukhalsiin ah ayaa ku yiri Sauth Africa ayaan idin Gaynaynaa Zambia markay soo galiyeen ayay ka dhuunteen hadana qaar ka mid ah ayaa la xukumay oo subaxdii ayaa beeraha lagu falaa iyo shaqooyin kale oo ka adag”.
Khadar Saalax Ismaaciil oo asaguna ah Nin Dhalinyara ah oo aad ugu fir fircoon Hawlaha u adeega Maxaabiistaas oo aan ka Waraystay Dadka hada xiran ayaa ii sheegay in Dadka hadda Jeelasha ku jira ay kor u dhaafayaan 130 Qof lagana sii daayay ilaa 75 qof oo la Tarxiilay, wuxuuna Yiri “Dadkii aad bay u bateen kala joogsina ma leh arintuna gacantayada way ka baxaday jaaliaydiina arintaan aad bay uga daashay Dawlada Zambiana runtii dadka Qaxooti nimo way u Tixgalisaa laakiin Dadku inta badan Dukumiintyo bug ah ayay wataan oo ay xarig ku mutaysanayaan iyo ayagoo wadanka si sharci daro ah ku soo galaya”.
Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu sii raaciyay Jaaliyada Soomaaliyyed ee Zambia ALLAAH ha ka abaal mariyo Sanadkii lacag kor u dhaafaysa 10, 000$ ayay ku bixiyaan samata bixinta dadkaas xir xiran oo aysan ku jirin u adeegooda gaarka ah.
Waxaa Xusid mudan in jeelasha Zambia ay Soomaalidu u taqaan Taako taako taas oo ay ka wadaan ciriiriga iyo dhibka ay kala kulmaan, wuxuuna noo sheegay Maxbuus hore oo la sii daayay in marka aad seexanaysid habeenkii aad hal dhinac u seexanaysid ka dib 2 Qof dhinacyada lagaaga qabanayo oo geesaha laga soo garaacayo si aad isugu dheganaataan, markaasna ay noqonayso in habeenkii oo dhan aad hal dhinac u jiiftid, ama dhacdo in jiifkaas laftiigsa la waayo oo aad fadhi ama aad kadaloob ku seexatid.
isku soo wada suuboo Dadkaas maxaabiista ah oo maanta Zambia ku xiran markaad la sheekaysatid mid walba wuxuu kuu sheegaya inuu wadama badan soo maray oo uu dhib baaxad leh kala kulmay.
Daabaco

Rasaasta iyo hoobiyaalka lagu garaacayo Muqdisho iyo meelo kale ayaa sabab u ah.
DKMG ayaa saxiixday in Itobiya iyo AMISOM dadka madaafiic ku ridaan si taageero beesha caalamka loo helo. Haddii dagaalka istaago taageerada waa laga goosan DKMG,soo maha? maxaa kaagalay! kharajkana waxaa bixinaya ameerika iyo UNta iyo yurubta iyo Hayadaha taabacsan.
musa | Oct 25, 2009 | Reply
A/c walaalayal .Allaahka xishooda dadki somaliyeed waxay noqden waxlagu bahdilo aduunyada oodhan sida aan sheeko kumaqlay dadka yeman waxay fuulijiren dameerada balse hada waxay fuulaan somalida tahriibka wax lagu xasuuqo xamar walaalayaal tashada Allaah wuu idin weydiinaya aqri nicmada u idinsiysy od ka dooraten qax .xabad.xabsi shisheeye. Alshabaab waxaan usheegaya walaalayal waxaalaga yaba wiilasha aad gacmaha kajartan in aynoqonl lahayeen kuwo dadka diinta dalkaba bad baadiya. Malihi waan huba balse haduu Allaah lamaago wabilaahi towfiiq salaamucaleykum
muslima | Oct 25, 2009 | Reply
ILAAHAY IRSIQ IDIINMA WAAYIN OO WAA IDIN ARSUQAY. BADAHIINII KHAYR BAA KA BUUXA OO GAALADU MASHRIQ IYO MAQRIB UGA IMANAYSO SI AY
U GURATO,IDINA WAXAAD DOOR BIDDEEN INAAD DHULKIINII KU CAASISAAN,OO AAD QURBAHA KU BAHDILOWDAAN.
SOMALIYA DAGAAL KAMA WADA SOCDO, XATAA HADDII MASUULIYADDII XORAYNTA WADDANKA AY RAG DHABARKA U RITEEN, MA WAXAAD AWOODI WAYDIIN INAAD BADDAA
IYO WABIYADA IRSAQ KA RAADSATAAN?.
farah | Oct 25, 2009 | Reply
MUSLIMA,
MAGACA IYO HADAL JILAYCA WAAD ISKU QARINAYSAA SIDA AAN DADKA QAAR UGA BARANAY HALKAN.
INTA WALAALAYAAL YIRAAHDAAN,OO SHICAARAAT ISLAAMI AH DABA DHIGAAN, BAY FIKIRKOODA GURRACAN
DABA QABADSIIYAAN.
MAXAAD TIRI, RAGGA GACMAHA SHABAAB KA JIREEN BAA
WAX SOO SAARI LAHAA OO INA QUUDIN LAHAA MALAHA?.
WAAN KU GARRANAY MEESHAAD HADALKA U WADDO.
farah | Oct 25, 2009 | Reply
ascw . aniga waxaa dhihi karaa waa mid ka mid ah masiibooyinka aduunka mida hada haysata soomaaliya , umadaa soomaliyeedna allah u gargaaro, aniga waan aqaanaa wadada laga bilaabo kanya ilaa s.africa .waa meel aad u dhib badan. dadka jaaliyadaha ee joogana ama dadka ,dadka ka horeeya ee meelahaa dagana waa dad aad u dhib badan,waxayba ku siisan hal qado ah. inkastoo ay jiraan rag akhyaar ah hadana badanaa mukhalas diin ma laha .lacagtana wuu qaataa meel cidla ahana dadka uu wado ayuu kaga tagaa, balse insha alaah way imaan wakhti lala xisaabtamo. nin soo gatay beer ,guri,ama neefaf xoolaha ,oo meel uu ku laabto oo danbe lahayn ninkii ka qaata oo meel cidla ah kaga taga isagana wax baa ku maqan, ascw
ali u daar | Oct 25, 2009 | Reply
waxaan leeyahay qofka somaliga ah ee katahriibaya dalkiisa asaga oo raadinaya nolol iyo nabad kamahelayodalshisheeye ee waxaa uu mudan waxa ayhadda mudan yihiin waxayna lamidyihiin lo?dii ceelka biyaha kasoowayday markay kasoo laabatay aragtay lo?kale oo ceelkii u aroor ah oo usheegtay biya la.anta Hadana tiri waan kugula soo sabrayaa oo ceelkii saaka ay biyaha kawayday kula noqotay waxaan layahay dalkiina wax kajooga cadowga kadifaacda oo asaga kudhinta gaajo iyo dharagba
c/qani | Oct 25, 2009 | Reply
Ilaahay bey leeyihiin masaakiintaas lagu xad gudbey. Masuulna waxa ka ah alshaydan oo umadii dhamaysey, intii so hadhayna baro-kicisey! Dadkayga waxa dibada u qixiyey cidna kama qarsona ilaa jaahil mooyee. Ninki la yaaban dadka tahriibaya ogoow inad xayawan caloshiisa la ciyaar ah tahay. Badaha iyo beriga waxa lagu manafacaadsan kara marka ad amaan heysato, hadiise dab kugu shidan yahay naftada ayad la carari. soomaalida afrika dhex degana waxa lo yaqan suju, intoda u badana wa ma naxayaal an cid u gargarin. ninki tahribi rabow noqo buur ama buur ku tiirsanow, hadii kale tan ad kor ka akhridey iyo ka badan aya meel walba taagan. ogaadana in alsheydan ay mar dhow heli abaal-marinta qaxa, dilka iyo dhibta joogtada ah ey umada ku hayso. alsheydan ifkana wa u hoog aakhirana wa u halaag, ee intiina wanaga jecelow ugu yaran niyada ka naca. ninki raba daliilka dulinimada alsheydan ha ila so xidhiidho, quran iyo xadiisba anaa ku haye.. soomaali weyn ha midoowdo. maslax04@hotmail.com
ismail | Oct 26, 2009 | Reply
kanlaleyahay. farah war alaahkabac aniga ma anlahayn cidbaa qaldan iyo cidba xun lkiin waanada ma mamnuucaa? walaalow muslimiinta dhixdoda maslaxadka shaqee aad ajar hashid akhiro iyo aduun bi idnilaah
muslima | Oct 29, 2009 | Reply
alaah ka. baq warkana markas ta ku fasiro wanaag. walaasha muslima
muslima | Oct 29, 2009 | Reply
Dhalin yarada somaliyed mel kasta o ay u tahribayan sidas aya logu dhiba marka dhalinyarada somaliyed waxan kula talin lahaa in ay dalkoda cadowga ku so dulay ka difacan wadankenana wa wadan kheyrad badan e wadanka halagu so labto e cadawga halaga difaca by ismail ali
Ismail ali | Mar 4, 2010 | Reply
Kooxda Al-shabaab sheegta laakiin runtii ah Al-shayaadiin, Xisbul-xasuuq iyo Shariif Af-guud oo ah Farac ka go’ay iyaga ayaa Masuul ka ah maanta dhiiga umadda Soomaaliyeed ee ku daadanaaya koonfurta. Waa qoom daalimiin ah oo ku gabanaaya Diinta Islaamka. laakiin Diin-laawe-yaala.
shar-maqabe | May 8, 2010 | Reply