Ardeyad dhigata Jaamacada Azhar oo loo Jirdilay indhashareerkeeda

Published on October 25, 2009 by   ·   12 Comments   ·   print

Waxaa Dib uga Soo Cusboonaaday Masar la Dagaalanka Niqaabka ay xirtaan Gabdhaha Muslimaadka ahi, Haweenayda Madaxda ka ah Kuliyadda Diraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Azhar Dr’s Cafaaf Al-Najaar ayaa Fal xad gudub ahi kula kacday Gabar Dhiganaysay Kuliyadaasi, way garaacday, waxayna Ciidanka Amaanka hortiisa kaga jeex jeexday Indhashareerkii ay wadatay.

Gabdha la yiraahdo Shiihaan Maxamed ayaa si kadis ahi Tacadigaasi ula kulantay markii ay soo gashay kuliyadeedii, mid ka mid ah Waardiyayaasha Amaanka Kuliyadda ayaa ku amray inay Faydo Wajigeeda si uu wajigeeda u arko..

Shiihaan ayaa sheegtay inuu si jees – jees ahi Askarigaasi uga amray inay u siibto Indha shareerka isaga oo mar-mar siinyo ka dhiganaya inuusan ku kalsoonayn waxay tahay iyo Magaceedaba, ka dibna wuxuu Bilaabay Askarigaas inuu si xoog ahi ugu jiido Gabadha dhinaca Horjoogaha kuliyadeeda.

Gabadha oo u warantay Websitka Ikhwanonline ayaa tiri “ intaa ka dib waxaa ii yimid Taliyihi Waardiyayaasha isaga oo ay la socdaan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Kuliyadda gacanta ayay iga jiideen waxayna xoog igu galiyeen Xafiiska Dr’s Kuliyadda, waxayna igu amartay iyadana inaan siibo indha shareeka Askarta hortooda anigana waan ka diiday illaa uu iga baxo Taliyaha Ciidamada Waardiyayaasha”.

Waxay intaa sii raacisay “si kadis ah ayay Dr’s iiga garaacday Madaxa iyo xabadka, waxayna iga jeex jeexday indha shareerkii, waxayna igu tiri Niqaabku ma aha Waajib iyo Diin Islaam Midna”.

Markaasi ka dib Gabadha Shahiin waxay ku hor ooyday Dr’s, waxaana amar lagu siiyay Taliyihii Waardiyaasha iyo Shaqaalihii Kuliyadaba inay Xafiiska xoog uga saaraan ka dib markii indhashareerkii laga soo rifay lana soo jidh dilay lana soo ihaanaystay.

Habdhaqanka Haweenayda Gudoomiyaha ka ah Kuliyada waxay ka caraysiisay Tobanaan ka tirsan Ardeyda Jaamacadda waxayna sheegeen inay Dalban doonaan in lala xisaabtamo Dr’s-adda, waxayna ku eedeeyeen inaysan ahayn markii ugu horeysay oo ay sidaas oo kale ugu Xad-gudubta Gabdhaha Kuliyada ee sida gaar ah u Asturan.

Ardeydu waxay ku goodiyeen inay Dacwo ka dhan ah Haweenaydaasi u gudbinayaan Maxkamada ka dib markii ay joojin weyday ku Tacadiga Gabdhaha.

Dhibaatadani ayaa salka ku haysa ka dib markii Gudoomiyaha Jaamacadda Azhar Dr. Dandaawi uu sheegay in Indhashareerku caado yahay oo uusan islaamka raad ku lahayn mar hore iyo mar danbe toona, sidoo kalana uu Wasiirka Tacliinta Sarrre ee Masar soo saaray Amar ah in Indha shareerka aan lagu dhigan Karin Jaamacadaha Masar.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Jabhadda culimada azhar oo weerartay go’aankii Dr. dandaawi ee niqaabka
  2. Denmark: Tiro carruur muslimiin ah oo dhigata iskuullada lagu barto diinta Kirishtaanka
  3. Golaha Sare ee Al-Azhar oo kulan Degdeg ah ka yeelanaya Mamnuucida indha Shareerka.
  4. Jaamacada Carabta oo dalbatey in la taageero DKMG ahi & AMISOM.
  5. Shil Gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Jaamacada ee duleedka Magaalada Muqdisho

Readers Comments (12)

  1. Dalmar says:

    waligeed waal arkayay dad magacyadooda islaam yahay oo hadana islaamka weerar ku ah

    sh danmdaawi isga waa shiikhu dowlee waxuu caawa ku riyoodo M xusni mubaarak ayuu ka sheegaa R-tv

  2. Faysal says:

    Su,aashu waxay tahay…MASAR waxaa buuxa gabdho qaaqaawan oo magaalada ku wareega Funaanad iyo Surwaal ku dhegan..kuwaas cid la hadasha malaha weliba waa sharfanyihiin oo la tixgeliyaa.

    Hadaba waxa gabdhaha Muxajabaadka ah loo ugaarsanayo loona ihaaneynayo Raga hortooda sow Ashahaado la dirirnimo maaha ?!!.

    Inta Mujaahidiinta ah Allaha garab galo si ay daalimiinta u ciribtiraan.

  3. farah says:

    MA SHAKI BAA IDIINKA JIRA IN DAGAAL NOOCYO BADAN
    OO WAJIYO BADAN LEH LAGULA JIRO ISLAAMKA.

    MID CASKARI AH, MID DHAQAALE,MID BULSHO,MID DHAQAN, IYO MID SIYAASADEED, IYO MID NAFSIYA.

    INTAAS OO ISKU MAR LA FULINAYO.

  4. nimco says:

    waa yaaaaaaaaaaaaaaaab masar maxaa daba dhigay xijaabka magaalay u adeegayaan mise waaa lakala baxayaa xaq iyo baadil daris ma ahaan doonaan diyaar garoob raga xijaabka shaqada ka dhigtayoow waa inoo cidii raysa qudusna ma yuhuudbaa dhex degtay adna ma dumarkaagaad ku mash quushay xijaab kooda waa yaab mana yara

  5. Allemagan says:

    Jaamacadu xaq waxay u leedahay mar walba inay go’aamiso labiska iyo hab dhaqanka lagu soo dhex geli karo kaambuskeeda. Meeshaan cidna ma oran ayaan la xijaaban ee waxa halka la isku haystaa waa niqaab iyo qof wajigiisa qariyay.

    Hadii la diidan yahay in niqaab la dhigo sidee loo ogaanaya aqoonsiga dhabta aha ee ruuxa indha shareeran?. Mida labaad markay dumarka muslimka ah ay u dhoofaan dunida, madaarada waxay tagaan ayagoo waji faydan hadii ay gaari wadaana waa khasab in askariga traafikada ah uu arko qofka gaariga wada wajigiisa.

    Tan labaad, aayadaha xijaabka laftigooda waxay ku soo hoobtaan “wa qirna fii buyuutihina” oo macnaheedu yahay dumarku guryahooda ha ku ekaadaan ee maxaa taas laga yeelin? Ma waxaa la oran dumarku guryaha meela uma dhaafi karaan sidii ruux fadhiid ah? Ma waxaa taa ku xigin hablaha dugsi looma diri karo?

    Bal qolooyinka arrintan niqaabka maanta uga jira xamlada waxaan ka codsanayaa inay noo bayaamiyaan sida arrintaas iyo niqaabka ay ayagu wataan (ma aha xijaabka) la isku waafijan karo. Diinta eebe waa sahlay ee ha adkaynina

  6. farah says:

    SISA WAQTIGA ISUGU SOO AADO, IYADII OO
    AL-AQSA YAHUUDDU KU XADGUBAYSO, IYO TANOO
    AZHAR KA DHACAYSA.

    SOW MA ARAGNO INAY IS KAASHANAYAAN YAHUUDDA
    MASAR XUKUNTA IYO KUWA FALASTIIN HAYSTA.

  7. mustafe says:

    asc all muslimiinta meel kasta ay joogaan teeda labaad dandaawi maba ahan sheekh li,ana sheekh waxaa la dhahaa ninkii cilmigana leh kuna dhaqma marka kani sheekh ma aha maxaa yeelay hada kahor shir lagu kulmay ayaa wuxuu salaamay ninka madaxweynaha u ah dowlada sihyuuniga ah ee israel shiimoon berez markaas ayaa saxaafada weydiisay maxaad usalaantay shiimoon markaas ayuu been sheegayoo uuu yiri maba ogeen in uu yahay madaxweynaha israel markaas ayaa lagu yiri ninka beeraleyda masaarida ahna waa uu yaqaan marka ninkaas maa sheikh ah ilaahay islaamka haka qabto dadka noocaas aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiin

  8. AnasAlsomal says:

    Arintan ay sameynayan dowlada Masar waxey ila tahay in ay dowladaha yurub iyo Mareykanka u gogol xarayaan sidi Muslimka xijaabka loogu diidi laha ee ku nool dhulkooda si loo yirahdo inaga kaliya ma aha sheekada ee dowlada islamka ayaba xijaabka diidan in lagu dhigto jamacadaha sida Masar iyo turki… Sharif axmed na wuxu sahlay sidi Masjidyada loo weerari laha

  9. deeqo-Gaal neceb says:

    asc/wr/wb/ Gabdhaha reer masar iyo kuwa islaamka kuligeenba waa in aan samirnaa xaqu wuu soo dahirayaaye inshaa allaah kuwa muslimka sheeganaya hadan Gaaladana u adeega shalayti baa u danbeeysa inshaa allaah wabillahi towfiiq

  10. Allemagan says:

    Soomalimirror waxaad go’aansateen qofkii aan idiin jiibin sida aad wax u qorteen inaad araadooda caburisaan. Sidee wax loo kale faa’iidin hadii aad runti Eebe cadeeyay qarinaysaan oo aad taageeraysaan dad dagaal iyo hoog iyo ba’ wada?. Alle ka cabsada.

    Your comment is awaiting moderation.
    Jaamacadu xaq waxay u leedahay mar walba inay go’aamiso labiska iyo hab dhaqanka lagu soo dhex geli karo kaambuskeeda. Meeshaan cidna ma oran ayaan la xijaaban ee waxa halka la isku haystaa waa niqaab iyo qof wajigiisa qariyay.

    Hadii la diidan yahay in niqaab la dhigo sidee loo ogaanaya aqoonsiga dhabta aha ee ruuxa indha shareeran?. Mida labaad markay dumarka muslimka ah ay u dhoofaan dunida, madaarada waxay tagaan ayagoo waji faydan hadii ay gaari wadaana waa khasab in askariga traafikada ah uu arko qofka gaariga wada wajigiisa.

    Tan labaad, aayadaha xijaabka laftigooda waxay ku soo hoobtaan “wa qirna fii buyuutihina” oo macnaheedu yahay dumarku guryahooda ha ku ekaadaan ee maxaa taas laga yeelin? Ma waxaa la oran dumarku guryaha meela uma dhaafi karaan sidii ruux fadhiid ah? Ma waxaa taa ku xigin hablaha dugsi looma diri karo?

    Bal qolooyinka arrintan niqaabka maanta uga jira xamlada waxaan ka codsanayaa inay noo bayaamiyaan sida arrintaas iyo niqaabka ay ayagu wataan (ma aha xijaabka) la isku waafijan karo. Diinta eebe waa sahlay ee ha adkaynina

  11. khaadimul-ISLAAM says:

    BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH, WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu,

    U G U H O R A Y N

    ku: [Allemagan], marka hore quraanka ha ku qorin farta laatiiniga , midda labaadna haddaadba ku qortay ha baddalin quraanka , midda seddexaad haddaadan quraanka aqoon ka gaabso waxaadan cilmi u lahayn, marka la kaasho qof yaqaan quraanka oo ka cudurdaaro sida aad u qortay aayadda [33] ee suuradda [AL-AXZAAB] u qoray sidan [ “wa qirna fii buyuutihina” ],marka ha iskalifin oo waxaadan aqoon u lahayn ka gaabso waana iga naseexo ee diinta ciyaar ma gasho ee is ilaali , midda kale maxaad ku difaacaysaa qof la dagaalaya xijaabka iyo asturnaanta dumarka , horaan uga hadlay arinkaas ee dib u akhri maqaalkii ugu horeeyay ee dandaawi uu ku hadaaqay saan ugu radiyay adna aan kuu soo abbaar qoray .

    WALLAAHU ACLAM.

    binfaqiih@hotmail.com

  12. mustafe cabdilaahi kaahiye somalia says:

    waxaan halkan kaleehay waa in laiska ilaaliyo waxyaabaha diinteena lagareebay yaana lafaragalin hablaha muslinka ah xijaabkooda iyo niqaam kooda wabilaahi tawfiiq




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Jabhadda culimada azhar oo weerartay go’aankii Dr. dandaawi ee niqaabka
  2. Denmark: Tiro carruur muslimiin ah oo dhigata iskuullada lagu barto diinta Kirishtaanka
  3. Golaha Sare ee Al-Azhar oo kulan Degdeg ah ka yeelanaya Mamnuucida indha Shareerka.
  4. Jaamacada Carabta oo dalbatey in la taageero DKMG ahi & AMISOM.
  5. Shil Gaadhi oo ka dhacay Deegaanka Jaamacada ee duleedka Magaalada Muqdisho

Latest Headlines