Wabixin:- Markaska dacwada ee Khadiija Binti Khuweylid ee magaalada Galdogob
By Somalimirror on 24 Oct, 2009 5:33 PM in Main, Wararka, Warbixinnada
Magaalooyinka waaweyn ee dalka waxaa laga hirgaliyay maraakis badan oo dacwadeed, ha ahaadeen kuwo guud ama kuwo dumarka u gaar ahe. Maraaksistaas waxay qeyb libaax ka qaadatay waxbarista iyo wacyigalinta bulshada, waxayna ku soo kordhisay dacwada dalka ka socota wax la taaban karo dhinaca tirada iyo dhinaca tayadaba. Waxyaabaha maraakistaas ay soo kordhiyeen waxaa ka mid ah koorsooyinka cilmiga ah, kuwa wacyigalinta ah, tababarada xirfadeed, farbarista dadka waaweyn, koorsooyinka cilmiga ah ee waqtiyaysan iwm.
Iyada oo laga ambaqaadayo fikraddii iyo tajribadii markaskii Ibnu Baaz ee dacwada iyo hanuuninta ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga hirgaliyey xaafadaha kala duwan ee magaalada Xamar iyo magaalooyinka kale ee dalkaba maraakis dacwadeed oo u gaar ah dumarka, kuwaas oo fursad u siiyey kumanyaal gabdhood inay bartaan diintooda, ayna horumar ka gaaraan dhinacyo badan oo khusaysa noloshooda iyo nolosha dadka ku xiran.
Magaalada Galdogob iyo maraakista dacwada
Magaalada Galdogob waxay ka mid ahayd magaalooyinka laga hirgaliyey maraakista dacwada xilli hore, waxaana sannadkii 2005kii laga furay markaskii Al-Imaam Al-Bukhaari ee dacwada iyo hanuuninta, kaas oo dhismihiisa ay isu kaashadeen dadweynaha magaaladu rag iyo dumarba. Markaskaas wuxuu ahaa mid guud oo rag, dumar iyo dhallinyaraba ka wada faa’iidaystaan, waxaase dhismihiisii lagu wareejiyey Mac-hadka Imaam Al-Bukhaari ee culuumta shareecada iyo luqada carabiga oo isaga la aasaasay sannadkii aynu soo dhaafnay.
Arrintaan waxay keentay in laga fakaro sidii dumarka loogu heli lahaa xarumo dacwo iyo kuwo waxbarasho oo dheeraad ah. Waxaa magaalada ka furan afar dugsi Qur’aan oo dumarka u gaar ah iyo shan kale oo lala wadaago, kuwaas oo seddex ka mid ah gabdho macallimiin ka yihiin. Waxaa kale oo la aasaasay mac-hadka Ruknuddiin oo dumarku si gaar ah wax ugu bartaan, ka dibna waxaa loo baahday xarun weyn oo ku taal bartamaha magaalada, dumarkuna ka wada faa’iidaysan karaan; sidaa darteed waxaa la dhisay markaskaan cusub ee Khadiija Binti Khuweylid oo isagu ku yaal xaafadda Dal-bila, waxaana dhulkiisa waqaftay Saynab Maxamed Xasan (Af-dhuub), dhismihiisana waxaa ka qeybqaatay dadweynaha magaalada rag iyo dumarba. Waxaa kale oo uu kaalmo ka helay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska.
Ujeedooyinka markaska
Ujeeddada loo aasaasay xaruntaan dacwo ee cusub waa in sare loo qaado aqoonta diineed, wacyi iyo xirfadeed ee dumarka, waxaana lagu barayaa qoraalka iyo akhriska (carabiga iyo soomaaliga), Qur’aanka, kutubta cilmiga, xisaabta iyo xirfado ay ka mid yihiin: caafimaadka, cunto karinta, dumaystikada. Waxay kale oo gabdhuhu ku qaadanayaan markaska koorsooyin ku saabsan maamulka qoyska iyo tarbiyada ubadka.
Xafladdii furitaanka Markaska iyo dadkii ka soo qeybgalay
Xafladdii furitaanka Markaska waxaa ka soo qeybgalay dad farabadan oo isugu jira culumo, maamulka dacwada, bahda waxbarashada, odayaasha dhaqanka, dumarka iyo marti sharaf kale. Waxaa ka hadlay goobta: guddoomiyaha guddiga maamulka Mac-hadka Imaamu Bukhaari Macallin Siciid Maxamuud Nuur, Sheekha magaalada Sh. Mahad C/laahi, maamulaha dugsiga aasaasiga/sare ee Galdogob Ustaad C/salaam Yuusuf Xaaji, Macallin Xasan Daahir, Sh. C/risaaq Abuu cubeyda iyo nabadoon Maxamed Cabdille Shire.
Marti sharafta golaha ka hadashay waxay u mahadceliyeen guud ahaan gabdhaha, gaar ahaana gabadha ku deeqday booska, waxayna gabdhaha ku amaaneen dadaalka ay sameeyeen, waxayna ku dhiirrigaliyeen inay dadaalkooda sii wadaan, siina hormariyaan waxqabadkooda, waxayna ugu bishaareeyeen in raggu mar walba ku garabtaagan yahay wanaagga iyo khayrka ay wadaan. Waxaa kale oo si gaar ah loogu boorriyey gabdhaha inay xoogga saaraan aqoonta, xarumaha dacwadana si wanaagsan ay uga maradhaliyaan. Sheekh Mahad ayaa isagu sheegay inay gabdhuhu imtixaankii Mac-hadka Bukhaari noqdeen afarta qof ee ugu sarreeyay, taas oo gabdhaha u ahayd bishaaro iyo dhiirrigalin.
Qoraal gabdhuhu u soo gudbiyeen xafladdana waxay u mahadceliyeen dhammaan dadkii kala qeybqaatay dhismaha markaska, gaar ahaan Saynab Af-dhuub oo booska ugu tabarrucday iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska, waxayna codsadeen in lagu caawiyo wax kasta oo ka qeybqaadanaya sidii markasku hawshiisa u gudan lahaa.
FG: wixii faahfaahin ah waxaa laga la xiriirayaa guddoomiyaha Markaska Asmaa’ Maxamed Gurraase, mob: 0025290761141
Daabaco

Asalaamu calaykum
Salaan ka dib first Mahad oo dhan ALLE ha weyn bay u sugnaatay second waxaan u mahad celinayaa Gabadha ku deeq day booska waxaan leeyahay ILAAH jana fardowsa ha ku geeyo adiga iyo waalidkaa iyo ubadkaagaba iyo waliba gabdhihii kale oo ka qaybqaatay arintan furitaanka machad ay gabdhaha muslimaad ka ah ee reer Galdogob wax ka bartaan
AAMIIN kulligeen
Third waxaan u mahadcelinayaa Hawl wadeenada iyo wariyayaasha Shabakadda SOMALI MIRROR sida wanaagsan ee ay mar walba u soo bandhigaan akhbaaraadka dhammaan gobolada iyo degmooyinka somaliya iyo waliba barnaamijyada Diineed ee ay soo gudbiyaan.
Ugu dambayn ALLAAH ha u siyaadiyee degmada Galdogob waa magaalo ay ku nool yihiin dad kheyrka iyo diinta aad u jecel waxaana jecelnahay in magaalooyinka soomaaliya ay sidaas oo kale abaabulaan maraakista barashada diinta iyo la dagaalanka jahliga iyo bidcada dadka caamada dhagaha loogu shubayo ee la leeyahay kitaab hebel bay taallaa aan sal iyo raad lahayn ((tusaale ahaan kitaabka axaadiith ta aadka u tiro badan ku yaalaan)) ayna runta u qaadanayaan sababtoo ah siduu u eg yahayba ma yaqaanaan
ALLAAH dambigeena iyo dambiga waalidkeen iyo dambiga muslimiintaba ha dhaafo
Waxaan ku soo koobayaa faalladan
GALDOGOB WAA GURIGEENA
MACAAHIDDU WAA GARABKEENA
NABADUNA WAA GOGOSHEENA
?????? ???????
Cabdulaahi | Oct 24, 2009 | Reply
Asalaamu calaykum
Salaan ka dib first Mahad oo dhan ALLE ha weyn bay u sugnaatay second waxaan u mahad celinayaa Gabadha ku deeq day booska waxaan leeyahay ILAAH jana fardowsa ha ku geeyo adiga iyo waalidkaa iyo ubadkaagaba iyo waliba gabdhihii kale oo ka qaybqaatay arintan furitaanka machad ay gabdhaha muslimaad ka ah ee reer Galdogob wax ka bartaan
AAMIIN kulligeen
Third waxaan u mahadcelinayaa Hawl wadeenada iyo wariyayaasha Shabakadda SOMALI MIRROR sida wanaagsan ee ay mar walba u soo bandhigaan akhbaaraadka dhammaan gobolada iyo degmooyinka somaliya iyo waliba barnaamijyada Diineed ee ay soo gudbiyaan.
Ugu dambayn ALLAAH ha u siyaadiyee degmada Galdogob waa magaalo ay ku nool yihiin dad kheyrka iyo diinta aad u jecel waxaana jecelnahay in magaalooyinka soomaaliya ay sidaas oo kale abaabulaan maraakista barashada diinta iyo la dagaalanka jahliga iyo bidcada dadka caamada dhagaha loogu shubayo ee la leeyahay kitaab hebel bay taallaa aan sal iyo raad lahayn ((tusaale ahaan kitaabka axaadiith ta aadka u tiro badan ku yaalaan)) ayna runta u qaadanayaan sababtoo ah siduu u eg yahayba ma yaqaanaan
ALLAAH dambigeena iyo dambiga waalidkeen iyo dambiga muslimiintaba ha dhaafo
Waxaan ku soo koobayaa faalladan
GALDOGOB WAA GURIGEENA
MACAAHIDDU WAA GARABKEENA
NABADUNA WAA GOGOSHEENA
wabillaahi towfiiq
Cabdulaahi | Oct 24, 2009 | Reply
runtii marka ugu horaysa waxaan u mahad celinayaah bahda somalimirror sida wanagsan oo ay ula socoto had iyo jeer hurmarka ka socda magalada gldgb ayna u soo bandhigan bulshada somaliyeed sidii ay ugu dayanlahayeen hurmarkas ay gareen walalahooda reer galdogb…
sidoo kale waxan leeyahay reer galdgb hanbalyo ilahay ha idinla garabgalo wanaga aad samaynaysaan
hanad | Oct 24, 2009 | Reply
Mucaskar baa ka dhiman galdogob maraakis wey ka dharagtay xiniinyo ayaa la iska rabaa
Geedi | Oct 24, 2009 | Reply
Asalaama calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu .walaalayaalow allaha idiinbarakeeyo dadaalka sad wadaan .had iyo jeer waxaa idinka soo yeera wax aad iyo aad uwanaagsan oo dadkoodhamina la yaabaan fikrada saliimkeeda . (soomaalidu waxay ku maahmaahdaa dibiga doolood dhegtiisu waxsan bay maqashaa mase aragto) fikradihii horey aad ukeenteen soda kan agoonta oo kale AMA kan xifdinta quraanka AMA machadya mudada gaaban wax lagu barto intaba waxaa ka faa’iidaystay walina ay u shaqeeyaan waxaa ka mid
dhulbahantaha ,majeerteenka Marka walaalayaalow AMA isku tashada saad wax u wadi kartaan wax u wada AMA maalinwalba fikir aad soo saartaan yaan lagu dilinejoojiya fikradahaan.(dhuloow dhaxal).
Goley trucking inc | Oct 25, 2009 | Reply
Warbaahintu waxay soo gudbisaa hadba waxa dhacaya oo bulshada khuseeya. Dadka qalabka warbaaihinta haysta iyaguna waxay ka soo qaataan wararka inta ay danaynayaan. Somalimirror waxaa muuqata inay wararka faraha badan ee jira ka doorato intii diinta iyo danta ummaddu ku jirto. Way ku mahadsanyihiin.
Nuur Case | Oct 25, 2009 | Reply
A/C.
Salaan kadib, Marka hore Allaah haka abaal mariyo intii ka qaybqaadatay fIkarka iyo dhismaha MarkazkaN, gaar ahaan gabadha ku deeqday booska. Waxaan shaki ku jirin wax barashadu in ay tahay waxa kaliya ee ay umadi ku hormarto, waxaan kaloo shaki ku jirin wax barashada islaamiga ah in ay tahay tan ay umadi sharaf aduun iyo mid aakhiraba ku gaarto, waxaan kale oo shaki ku jirin in gabdhuhu yihiin aasaaska umadda. Hadaba markiskaan maanta hadii sidii loogu talagay uu usocdo, waxaan rajayn in anfac dhaxal gal ahi ka soo bixi doono.
Waxaanse leeyahay, in Markaz ladhisaa waa fududahay, laakiin in Markaz tayo lihi socdaa waa arin cilmi iyo dadaal u bahan, ee dadka howshaan wadow haw daymo la’aanina qodobkaas.
Kaftamba ha’iga ahaatee, rag badan baa u hanqaltaagay gabdhaha kasoobixidoona Markazkaan oo kulansan doona xirfadihii kala duwanaa ee qoraalku sheegay.
W/C.
Abdiwahab | Oct 25, 2009 | Reply
ASALAAMU CALAYKUM dhamaan akhrista yaasha sharaftale
walaal waa alxamdu lilaah,
ilaahay mahadi in maanta Dumar iyo Rag yar iyo wayn ubaratamaan barashada diinteena islaamka iyo fidinteeda
ilaahay khayr hasiiyo GABADHA ku deeqday dhulka MAC-HADKA Saynab Maxamed Xasan (Afdhuub) iyo gudoonka MAC-HADKA Asmaa maxamed guraase iyo Dhamaan gabdhaha reer GALDOGOB
Runtii Galdogob waa meel khayr ee Dumarkeedu uusan lamid ahayn dumarka kunool GOBOLADA KALE
waa muxajabaad dhamaan waxyar maahee
waxay leeyihiin suuq ugaar ah
laguma yaqaan in ay maraan shaaraca uu kubadan yahay Ragu
Suuqa ay daganyihiin hadaa dhexmarto inshaadu qaban mayso wax xun
male buuq iyo qaylo sida suuqyada kale
waxay dhagaystaan IDAACADKA QUR,AANKA KARIIMKA AH EE AL-XIKMAH oo magaaladu ku liibaantay
oo kala socdaan kitaabada ka socda iyo muxaadaraadka
galdogob mayimaadaan HAY,ADO wax usheega haweenka oo duufsada,… cid aan diin sheegayna wax kama dhagaystaan
nuuradiin maxamud cabdi (fiqi) | Oct 26, 2009 | Reply