Gogol Nabadeed oo Beelo Walaalo uga furantay Deegaanka Aadan Yabaal.

Published on October 24, 2009 by   ·   5 Comments   ·   print

Deegaanka Aadan Yabaal oo dhaca xuduudka Gobolada Hiiraan & Shabeelada Dhexe waxaa ka furmay googol nabadeed oo Xarakada Shababul Mujaahidiin u dhigtey Beelo Walaalo ah oo dirir hore ka dhaxeyso.

 

Shirka Nabadeed ee Maanta ka furmay Deegaanka Aadan Yabaal waxaa lagu wadaa ilaa bari inuu gaaro, waxaana goob joog ka ah Odayaal dhaqan oo ka kala socda Beelahada gogosha nabadeed loo dhigay.

 

Beelahan oo kala ah Abgaal & Xawaad oo deegaanka isla degay ayaa lagu wada in Shirka Nabadeed ee maanta u furmay ku dhameystaan wixii horey u kala dhex marey.

 

Shirkan oo abaabulkiisa Xarakada AL-shabab laheyd ayaa ka qeyn ka noqonaya shir sidan oo kale maalmo ka hor ugu soo dhameysay Degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeelada Hoose beelo walaalo oo horey colaadi u dhex martey.

 

Xoogaga Islaamiyiinta ayaa u muuqda juhdi xoogan inay ku bixinayaan sidii  Beelahada Walaalada ah ee deegaanaduna ka dhaxeeyaan u dhameyn lahaayeen xargufaha soo jireenka ah ee ka dhaxeeya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  2. Heshiis Beelo Walaalo ah la dhex dhigey oo Bay & Bakool laga taageeray
  3. Maamulka Al-shabab ee Bay & Bakool oo hashiis dhex-dhigey Beelo Walaalo ah
  4. Beelo Walaalo ah oo Nawaaxiga Deg. Bardaale ku Dagaalamey.
  5. Kulan lagu Heshiisiinayo Beelo Walaala ah oo ka furmay Walaweyn.

Readers Comments (5)

  1. xasandeeq says:

    ilaahow noo adkee dawlad iyagaa dalka iyo dadkaba u ahe,dawlad laguma sheegi karo qolyo uqaybsan qaar xuduudaha taagtaagan oo marba meel kasoo weeraraya dalka iyo qaar ku dhuumaalaysanaya qaybo caasimadda kamid ah oo gaalo madaw ku ilaalinayso.
    waa aakhiro zamaan xaqi ayaa baadil noqday baadilkina xaq baa lagaaga dhigayaa,ilaahae xaqa xaqnimo nootus raacidiisana nagu aszaaq,baadilkana baadilnimo noo tus sikastoo loo qurxiyo looguna ciidan badiyo,inaan ka dheeraanana nagu arzaaq.AAAmiiin.

  2. Faysal says:

    Maasha’allaaaaaaaaaaaaah.

    Waxaa cid walba oo waxgarad ah u muuqan kara sida ay Mujaahidiintu ugu degdegayaan wax walba oo nafci u leh ummada Islaamka ah….ASH-SHABAAB wuxuu ILaahay guulaha isdabajooga ah ku siinayo waa wanaagan aan cidina inkiri karaynin ee ay har iyo habeen la taaganyihiin…Waxaan leenahay sii wada Allaha idin barakeeyee.

  3. c/lla says:

    a/s haaaaaaa
    waa lagu yaqan mujaahidiinta waaa shaqadooda arimahaan oo kale marka waxay ay qabteen waa shaqadooda qofna shaqadiisa loo masheego kuwo kuxabisan villa somaliya waa ay yaqaanaaaaaan shaqadooda haadii ay fursad uhelilahaayeen waxay isbaaaro dhiginlahaaaaanyeen wadoonyonka oo dhan ileen waa shaqadoodeeeeeeee
    wb.

  4. C/fatah abu ayub says:

    Masha allah alla ha idinka ajir siyo Amiiiin

  5. abu fatima says:

    Midbaan oran lahaa
    Odoyada
    Inaad aarankiin dishaan
    Aduunka awlaad li,iyo
    Aaniyo eed sokeeye dhaha
    Aakhirada ood naara iyo
    abaalgud dhibadan kudhaha
    Abaabul dagaalkan wade
    Haduu geed aara yahay
    Amxaarada aad walaal
    Inbadan oo dhulkeenaa ah
    Ayagaa waa hore dhecee
    Kadaa eebada walaal
    Adeer iyo ina abtiyo
    Awoowiyo oday layaal
    Seedigu waa udub dhexaad
    Intaa soo aafa balo
    Kabadan baan soo arkaye
    Awoowayaal eega taa
    Ikhyaartii shabaabka eeg
    Waxay noo abaa buleen
    Aamanada soo dumeen
    Islaanimo noo wadaan
    Israaca dalkeena iyo
    Gaalada ka adkaan shadaa




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Heshiis la dhex dhigay Beelo Walaalo ah.
  2. Heshiis Beelo Walaalo ah la dhex dhigey oo Bay & Bakool laga taageeray
  3. Maamulka Al-shabab ee Bay & Bakool oo hashiis dhex-dhigey Beelo Walaalo ah
  4. Beelo Walaalo ah oo Nawaaxiga Deg. Bardaale ku Dagaalamey.
  5. Kulan lagu Heshiisiinayo Beelo Walaala ah oo ka furmay Walaweyn.

Latest Headlines