
Ugu yaraan 15 Qofood ayaa ku Geeriyootay in kabadan 60 kalane wey ku dhaawacmeen Duqeymo aad u Xoogan oo ay Ciidamada AMISOM Saaka u geysteen Qeybo kamid ah Magaalada Mudisho gaar ahaan Degmooyinka Hodon, Howl-Wadaag iyo Wardhiigley.
Madaafiiicda BM-ka iyo kuwa ka sii Culus ayey Ciidamada AMISOM si aan kala sooc laheyn ugu Garaaceen Suuqa-Weyn ee Bakaaraha iyo Xaafadaha ku harfeereysan.
Gooboaha Dhibaatooyinka ugu Xoogani ka soo gaareen Dadka Rayidka ah waxaa kamid ah Suuqa Ariga, Masaajidka Biyo Maalow, Suuqa Badarka, Wadada koowaad ee Shirkadaha Hormuud iyo Telcom, Xaafada Siinaay iyo Qeybo kale oo kamid ah Magaalada oo ay u gudbeysay Madaafiicda Goobta ee Sida indha la’aantaha loogu ridayey Goobaha Rayidka.
Dhaawacyada soo gaaray Dadka Rayidka ah ayaa u badan kuwo Halis ah waxaana Dhaawacyada badankood ka muuqaneyey Burbur iyo Dhibaato Xoogan.
Degmada Hodan ayaa waxa mar qura isqabsaday Qiiq, Boodh iyo Qeylo laga maqlayey Dadka ay ku habsadeen Madaafiicdu.
Wadooyinka Suuqa Bakaaraha soo gala, kuwa ku hareereysan iyo kuwa dhexmara ayaa lagu arkayey Dhaawacyo iyo Meydadka Dadka Rayidka ah ee ku waxyeeloobay Duqeymaha Ciidamada AMISOM.
Duqeyta Saaka ayaa aheyd mid kamid kuwii ugu Xooganaa ee loogeysto Suuqa Bakaaraha iyo Deegaanada ku hareereysan.
Majirto hadal ka soo baxay taliska Ciidamada AMISOM iyo Dowkada FKMG ah oo ku aadan Dhibaatada xoogan ee Rayidka u geysteen Madaafiicdii ay ku garaaceen.
Waxa ayna duqeytan ku soo beegantan xilli uu M/weynaha DKMG, Sh Shariif ka dhoofayay Garoonka Muqdisho kuna sii jeeday dhanka Dalka Uganda.

Related posts:
Ragii Dalka Difaaci Lahaa iyagaa kudagaalamaya Kismaayo iyagaana isku jeediyay Qorigii iyaga Ayaana Masuul-ka ah Dhibaatadaasi iyo Dhiciseynta Jihaadkii Cadowha looga soo-horjeday
rayidka ayaa ku le’anaya dagaalada, laakiin Ciidamada AMISOM wax naga qabto waan rabi laheeyn.
ASC BAHDA WAX AKHRISA EE SOMALIYEED.
UMMADDA HANKEEDI OO DHAN NOQDAY KURSI KU DAGAALAMID, QABYAALAD IYO CADOW U SHAQEYN, GOORMA AYEY HORUMAR GAARAYAAN TOLOW?
SHARIIF CADOW AYUU KU FASAXAY DADKIISII, WADAADDADI MACIINKA LA BIDAYEYNA DEGMO KALIYA AYEY KU HESHIIN WAAYEEN OO DHIIGOODII KU BANEYSTEEN, WIILASHII JIDBEYSNAANA LA ISKU JEEDIYEY. WALLE XAL MA DHAWA, DALKANA DHAXALASHADIISII AYAA DHAW.
XASBUNALLAAH WANICMAL WAKIIL.
ILAAHAY haka aargudo gaaladaan foolxumada badan..ILAAHAY ha barakeeyo gacmaha cadaabaya kuwaas ee ayagana xanuunka dareensiinaya.
Waa gaalo waxayna u dagaalamayaan waa SALIIB sidii loo koryeeli lahaa,,,marka insha’allaah ayaga iyo kuwa u adeegaba waa dhamaan doonaan.
ALLOW ISLAAMKA DHIBKA KA DULQAAD MEEL AY JOOGAANBA OO GAALADA IYO INTA LAJIRTABA JABI AAMIIN AAMIIN AAMIIN
Runtii aniga lama yaabani duqeynta amisom,waayo ilaahbaa qur’aankiisa noogu sheegay gaaladu in ay muslimiinta si daran u ciqaabayaan,waxaana ugu baaqayaa shacabka somaliyed,arintaas in ay iimaan idiin kordhiso ma ahane yaanla jilcin iskana celiya kufriga,,,waxaanse la yaabanahay Murtadkaan sharifka la leeyaahy,dadka maanta ku tixgelinaaya islaam nimo,,,,ilaahey gacmaha Mujaahidiinta haku halaago shariif,,marlabad shacabka waxan leeyahay,gaaladii Nabi Ibraahim Dabka u shiday,iskuna dayay in ay ku gubaan iyo kuwa idinla jooga ee amisom waa isku mid,,sidaas u garta ilaahbaa qur’aankiisa noogu sheegay
dagaalba dagaal hadaan lagu darin miyaa debedaa doolar ka imaan,dagaalba dagaal hadaanan ka darin layma doortee ma dantaybaa??
ilaahoow shacabka u gargaar
SHACABKA SOOMAALIYEED EE MOQDISHA DEGGAN WAA INAY TANI DIIDAAN OO AY BANAANBAXYO ISDABA JOOGA KA DHIGAAN AMISOM HORTEEDA.
AAWAY ODAYAAL DHAQAMEEDKA LA SHEEGO,MAY DIIDAAN TAN LAGU HAYO SHACABKA.
MA WAX LA QAADAAN KARAA IN MARKII JABHADDA XABADI KU RIDDO CIIDANKA ISTICMAARKA EE AMISOM IN AY U JAWAABAAN SHACABKA SUUQYADA IYO GURYAHOODA JOOGA.
KUWA AADKA U LIITA EE ISTICMAAR KALKAALKA AH OO
MAREEGTAN IYO KUWA KALABA WAX KU QORA, OO MAR WALBA KA CALAACALA IN LA DILLO ASKARI ITICMAAR AMA MID DABADHILIF U AH, KUWAASI, MAY DHIBSADAAN
IN AMISOM BAR TILMAAMEED KA DHIGATAY SHACABKA .
KACDOON SHACBI AH BAA LOO BAAHAN YAHAY LAGU BIXIYO CIIDANKAN AMISOM EE XALAASHADAY DHIIGGA SHACABKA SOOMAALIYEED.
WALAALAHA SOOMAAALIMIRROR, IYO WAR BAAHINTA KALEBA WAXAAN KULA TALIN LAHAA , INAANAY KU KADSOOMIN MAGACA GAALADU SOO HUWISEY KUWAN DADKA SAAN U GUMAADAYA , EE ANIGU AAN U AQAAN GAALOMADAWGA GUMAYSIGA UYIMID, WAXAAN JECLAAN LAHAA MAGACAAS IYO KUWO KA HABOON IN SAXAAFADDA LOOGA GOOBO , LOOGUNA YEERO.
yaa u ahaa sabab in la duqayo bakaaraha ?
idinka ayaan idin waydinayaa
nacaskii shariif ma waxa uu kuwiirsanayaa dhiiga dadkiisa ee ay daadinayaan saaxiibadiisa kiristaanka muxu mar qudha u odhan waayay waar shacabka hayga laynina ee nimanka iga soo horgeeda ila raadiya ,
ilaaahayoo khaatumada hana seejin si shariif
Dadkaan ilaahay ha u naxariisto laakiin waxaan layaa banahay Qolooyinkaan wxaan weerar ku qaadnay shariif oo dhoofaya maxay soo kordhiyeen shariif waa dhoofay balse waxaa dhacay waxaan oo mashaqo ah waxaa taas kasii daran qofkii kooxahaan daniista yaashaa shaki uga jiro Balfiiriya waxa ay magaalada Kismaayo kawadaan ilaa shalay Birtadheer dagaal ayaa ka socda Bal maxaa dadka loo baa binayaa ma anaa ku xukumaya kaliyahaa? Anigi Amison waxaan u arkaa kuwa aan arxan lahayn laakiin waxaa ka sii arxan daran kuwa diinta sheeganaya oo xitaa Odaygii Xasan turki weerarka ku haya .
aad ayaan ugu faraxsanahay waxa ku dhacay waayo dadkaasi waxay caadeysteen xumaan oo dhan sideedaba ilaahay cidna ma dulmiyo ee waxa ku dhacaya r muqdisho waa wixii ay beerayeen qof kasta oo cunugiisa dhib islaam ku dhiiri galiyay isna rabi ayaa ka jaa’isaynaya ta nina waa mirihii ay beerteen 19 sano ma aanaan arkin dalkii iyo dakiibaiyagaa xoog ku haystay intay laayeen mooyee intii kale
ilaahay haka qabto gaalada laynaysa dadka
muslimka ah ee waliba wadankooda jooga ee
la laayey
waxaa masuuliyada qaadaya mujrimiina cimaamada isku duubay idinkana soomali mirror ilaah ka cabsada ee runta sheega meeshan diin looma dagaalamaye ee shacabka ha qayaanina
Tani waxay marqaati cad u tahay in gaalada noo haynin naxaris waxa naga dhexeeyana iyaga iyo gaal raaca la socdo waa jihaad ee Xisbiga Islaamkow ha jabina hana liicina.
Wallaahi shacabka miskiinka ee maalin walba lagu tumanaayo idin cafin maayo haddaad weligiin aqoonsataan shariifka iyo gaalada uu wato.
Shabab sida muuqata waa galbadeen ee ilaahow Xisbiga islaamka guulee.
danbiga waxa wada leh ragan isku magacabay amisom iyo raga ay u adegaan oo dhinaca iyo raga bakaraha ka dhigay xarun ciidan o ka tuura madafiicda oo aan waxa shacabkooda garaya aan dan ka lahayn dadki bakarahana kama hadli karan waxan laga dhex tuurayo oo ninki ka hadla naftiisa u maqan alow kuwan dadkan islamka ah ay ka nolan la yahiin ka qabo dhamantood
haddii ladiidey in nabad lagu wadanoolaado xabadna lagu kalareyn waayey xagee xal loodoonaa? waxyar oo tusaale ah ina qaybdiid iyo shariifku 2sano ka hor see isku ahaayeen maalin aan fogeyn waxaad arkidoontaan aweys iyo shariifka oo is marxabeynaya idinkana ciyaalkiina ayaa lagubayaa walaalayaal dib isku fiirsha oo barta siyaasadda qabqablayaasha somaliyeed
SCW
Waar waxa khurunka ah, halayska celiyo.
Dadkeen maalin walba xasuuqaya.
Eebow gaalo iyo gaalo raac jebi.
Muslimiintana u gargaar.AAmiin
Sheik Sharif Sheik Amisom yaa ka Masuul ah
Sadaxda qolo alshabaab, xisbul’Islam iyo Sheik Amisom.
Maxad ku diideen GOAANKA GUDIDA CULIMADA SOMAIYEED ??
xaya calal jihaad….
kacoo dhidibka rida waa intaasood dhimanba waydaan…
waxan fili waa jawaab xanuunka ay mujaahidiintu ugaysteen..laakiin sabir ayaa la gudboon dadka muslimiinta ah…..mujaahidiintana ilaahay ha ka baqaan oo sufuuftooda ha mideeyaan hana ka tanaasulaan waxbadan li ajli danta ummadda ,jihaadka iyo masiirka ummada…
culimadu waa inay hadlaan marka mujaahidiintu khalad sameeyaanba waa naqdiyaane ummaddan la baabi’inayo maanay ummaddoodii ahayn?
somaligalbeed waad ogtihiin…waar culimooy ummadda dawrkiinnii way la’dahay ka kaca oo ilaay masuuliyadduu idin saaray garta….
salaama
Waa wax laga xumaado, Dowladnimadu ma sidaasbaa? ALSHABAAB,ALSHABAAB,ALSHABAAB,ALSHABAAB,ALSHABAAB,ALSHABAAB, xal kale dalku malaha ee hala raaco nimankaas
Waxay u muuqataa in ay nolosha ruuxa Soomaaliga ah ay baryahan noqotay wax aan qiimo lahayn. Todobaatan iyo shan (75) qof ayaa dhimasho iyo dhaawac ku habsaday. Arrintaaasi, cidna ma danqayso shacab weynaha Soomaaliyeed guud ahaan, dowlada Federaalk iyo kooxaha fallaagada gaar ahaan midkoodna.
Aduunyada idaacadaheeda waxaa la soo gudbiya hal qof dhimashadiisa iyo shil baabuur. Ilaa Desembar 2006 waxaa qur baxay Soomaali tiradeedu haabanayso 16,000+ oo ayan cidna hadalkooda soo qaadin warkoodana hayn.
Bal sida wax u khaldan yihiin u fiirso kuwa ganacsatada sheeganaya ee ku gabanaya guryaha shubka ee Suuqa Bakaaraha inta madaafiicdu ka istaagayso. Waa wax lala yaabo in qof fakaryaa ama xis leh uu lacag iyo kharash ku hamiyo meel lagu xasuuqay 75 qof.
Aad ayay wax u murugsan yihiin, Soomaalidana garaadkii, arxankii iyo damqashadii aadamiga way ay ka dhamaatay.
inta nagadhimatay waa shuhaadaa in shaa Alaah cadaw gaala ah oo kaxaqdaran ayaa dilay dhamaan umada soomaaliyeed waxaan ugubaaqaa in ay udiyaargaroobaan dagaal si ay iskaga xoreeyaan cadaw saliibiyiintaa ee kusooduulay dalkeenka ayna is cafiyaan hal oday ayaan kasoojeednaa waa maxay habaarka nugudhacay
Somalida waxaa dila dhib ay indhaha ka qabsadaan.
siduu usii kordhaayo ayuu galaaftaa umadda dhan.
Arrintaan joogtada ka noqotey Suuqa Bakaaraha teer iyo maalinti cabdulahi yusuf soo galay xamar. waa arrin aan sidaan lagu fiirsan karin.
Waa in shacabka iyo ganacsatada ay ka tashadaan sidi laga yeeli lahaa arrimahaan.
In Suuqa looga guuro si kumeel gaar ah maadaama uu noqday yoolka kowaad ee ay beegsadaan ciidamada shisheeye.
2.in laga codsado xoogagga hubaysan in aysan soo galin suuqa iyo hareerihiisa oo ay meeshu noqoto meel hub iyo dagaalba ka caaggan. dad guddi ah oo madax bannan loo soo diro in ay hubiyaan in suuqu uusan yahay meel hub iyo ciidanba ka caaggan aan ka ahayn ciidan security oo kambani leeyahaylana diiwaan geliyey ganacsatudana bixiso qarashkooda.
Cid kasta oo suuqaas soo aadeysana ay hubkeeda meel kale kusoo dhaafato maaddaama suuqu yahay meel u ah laf dhabar noloshi iyo isku xirka ganacsiga dalkaiyo shacabka.
Suurto gal ma aha in halki meel oo nolosha dadka halbowlaha u ahayd ay noqoto yool dabrid.suurto galna ma aha in madfac laga tuuro agagaarka suuqa oo aan la filan in madfac jawaab ah lagu soo rido.
Ninki dagaal raba meel kasta oo xamar ah dagaal haka qaado.ninki wax duqaynayana ha eego meesha ay duqaynayso inay tahay suuq dalki somaliya dhan badeecooyinkiisa debedda kasoo dega inta ugu badan lagu kala wareejisto oo ganacsato iyo shacbba ay dhoobanyihiin.waa arxan darro baniaadminimada ka baxsan in la bartilmaameedsado.
waxaan ka codsanayaa in shacabka,guddiga ganacsata,odayaasha dhaqanka,culumada,ururrada mucaaradka ee diimeed,dawladda kumeel gaarka ah iyo amisomba la isaga dab qaadio sidi suuqa looga saari lahaa saaxada dagaalka.si shacabka iyo noloshooda loo badbaadiyo.
BISMILLAAH,ALXAMDU LILLAAH,WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH.
ammaa badu: shuhadada muslimiinta ah ee adduunka oo dhan meelkasta ha joogeene khaas ahaanna kuwa soomaaliya ee gaaladu sida bareerka ah u laynayso kaafiriintuna u sacabinayso shariifkuna u mashxaradaynayo munaafiqiintuna hoos ka farxayaan .
muuminiintuna murugo la seexan la yihiin, waase xaal aduunyoo muslim iyo kaafir waxaa ka dhaxayn jiray [ seef iyo dagaal], INSHAA ALLAAHUYE si dagdga ayaa loogu aari doonaa,
ALLAAH ha ka abaal mariyo dhimashadoodba iyo dhaawacoodaba hana u naxariisto dhammaantood, waxaana idin leeyahay [sabaran jamiilan]iyo [dahuuran] ilmihiinana ALLAAH ha ka kaafiyo barya bani aadam, hana u hiiliyo inta ay adduunka joogaan hana xifdiyo.
WALLAAHU ACALAM.
binfaqiih@hotmail.com
ILLAAHOOW UMMADDAAN DHIBKA KA SAAR ADIGAA AWOOD LEHE KHAYRNA U DANBAYSII YAA RABBI
Asc dhamaantiin
Duqeentaan waxay cadeen u tahay cadaawada Amisom kufaarta madmadow ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimkaa, waxaase kasii yaab badan ninka madaxweynaha sheeganaya dadkii uu lahaa madaxweynan u ahayna ka door biday in boqolaal Somalia ah loo xasuuqo markuu Airporka ka dhoofayo & markuu ka soo dagayo si dadka loo mashquuliyo kaaga darane waliba u sii dhoofaya kufaartii soo dirsatay ciidamadan dalkoodii.
Waxay ila tahay shacabka Soomaaliyeed inay fahmeen Amisom iyo itoobiya inaysan waxba is doorin.
Inaalillaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahayow adoomadooda muslimiinta ka qabo gaalada iyo munaafiqiinta ilaahayow hanagu dhowranin intaa kabadan ilaahayow nooga agaar yaa rabi waxaa nahay masaakiin ay gaalo dulaysatay adigana ma ogolid in adoomadaada kurumeeyay laduleeyo ee rabow mujaahidiintaada xooji oo shacabka muqdisho toosi si ay oola garab dagaalamaan ragaa mujaahidiinta ah, rabow waan oganahay dambiga annagaa iska leh oo gacmaheena kugu kasbanay kuguna caasinay markaan nabadda haysanay allow waad naga arrgudatay adoonyada dhexdeeda balse allow aakhira hanoogu darin allow adaa cafis badan oo adaa dulqaad badan oo adaa shadiid badane ah oo adaa qafuuru raxiim ah allow waan ogahay inaad noo caraysantahay alllow caradaada nagayareey allow nacafi oo noo dambi dhaaf allow quluubteena isu soo dum allow wixii mijaahidiinta kalawada qabo allow xaqaaga cadeey allow waa lawareerey oo waa lawaashay oo waalabaaba ay allow naxariistaada soo dadaji allow umadaa uu cadawgaaga baabi inayana allow shuhadaaada kudar aamiin aamiin waxaan kaloo umada soomaali ogaysiinayaa ama jeclaada ama hajeclaanina cadawga xabada laga joojinmaayo ilaa aan ubaa ba no sidii asxaabul ukhduud hadaba dadka beerlaxawsanayow maxaad gaalada wax oogu tuurteen ogaada inay inka joojinaynin amisom duqayn waxaad ogtihiin iyadoo dagaal jirin inay shacabka iska duqaynayeen hadaba walaalayaalow soo inooma haboona inaan garabka iswada qabsano oo dhamaanteen mujaahidiiidn wada noqono ilaahow hamigaas idin gale shacabka reer muqdishow aamiin
asc waxaan tacsitiiraanyo leh udiraayaah shacabka soomaaliyeed ee gardarada lagu xasuuqay waxaan aad uga tiiraanaysanahey geerida joogtada ah ee lagu haayo shacabkeena masaakiintaa ee aan waxba galabsan kuwii ukeeney dhibkaan dalkeena ilaahey duli hadulsaaro ilaahow umadaada u gargaar illahow intii dhimatey janadii fardowsa gee kuwii danbigaan dalkeena iyo dadkeena iyo diinteena kagaley gubayaga
aswr
waxaan uga tacsiyadaynaynaa ummada muslimka ah xasuqaas ay ugeeysatay AMISOM Alaah naarta haka waraabiyee..
sidoo kale waxaan ugu tahniyadaynaynaa MADAXWAYNAHA SHEEG SHARIIF xasuuqaas oo ana leeyahay inaad shir waxa uu yahay an la ogayn aad ka qayb agasho waxa ay istaahishaa dilka iyo xasuuqa shacabkaas abriyada ah!!
haday taas tahay madaxwaynimada waa khasaaro
to:xasan ciise diiriya , waxa sabab u ahaa in suuqa bakaaraha la duqeeyo dawlada km ku sheega iyo sheikh sharif oo ciidamada gaalada cadawga ah u yeedhay si uu xukun iyo wax lamid ah ugu doorsado dhiiga shacabka somaliyeed
AS-WR-WB
WAXAN U TACSIYAYNAYAA EHELADII, QARAABDII, UMADA SOOMAALIYEED IYO DHAMAANBA MUSLIMIINTA XARSUUQII LOO GAYSTAY SHACABKA MASAAKIINTAA?
WAXA IS WAYDIIN LEH HADII UU BAKHTIYO QOF GAALA MAXAA LOOGA WADA QAYLYAA HADII LAXARSUUQO DAD MUSLIMANA LOOGU TIIQ TIIQSADAA???
JAWAABTA WAXA WEEYI KALA QAYBSANAANTA MUSLIMIINTA MID NIMO LA’AANTA
HORAA LOO YIDHI FARKALIYI FOOL MA DHAQDO
WAAR WAXAN IDIN LEEHAY INTIINA GARAADKA LEH INTII WAX DAMQAYAAN INTIINA KA BAQAYSA IN LOO QABSADO DHIIGA MUSLINKA EE SIDA DHIBTA YAR LOO DAADINAYO MAXAAD UGU GARGAARI WAYDAY MAXAAD UGA DHIIDHIIYI WAYDAY
DIBADAN IYO GUDABA HALA MIDOOBO HALAYS KAASHADO HALA WADA TOOBAD KEENO HALAYS GARABSADO DIINTA ALLAH HA LOO NOQDO HALOO GUNTADO DANAHA DIINTA , DADKA IYO DALKABA INTA AAN MEESHA LAGA TIRIN DULIGA AAN ISKA DUL QAADNO HADAAN QULUUBTEEN MIDAYNO WAXA INOO DANA AAN GARANO SIDA ILAAHAY RAALI GALANIYSA AAN U SOCONO WAXA XAQIIQO AH INAAN GUULAYSANAYNO.
WABILAAHI TAWFIIQ