Sh. Xasan Daahir Aweys “Sh. C/qadir Garre…Diinta Fahamkeeda & waliba Caqiidada Tasxiixinteeda Dadka aadka & aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa”
By Somalimirror on 20 Oct, 2009 9:27 AM in Main, Wararka, Wareysiyada
Shabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo gudbinaysaa Waraysi aanu la yeelanay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay Saaxiibo ahaayeen Sheekh C/Qaadir Maxamed C/llaahi Garre oo ay 1973 isla soo Bilaabeen Dacwada Maanta si wacan ugu Baahday Soomaaliya Afarteeda jiho.
Waraysigana wuxuu u dhacay sida tan:-
Somalimirror: – Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Wajazaakallaahu Kheyran.
Sheekh Xasan Daahir Aweys:- Wacalaykumusalaam Waraxmatullaahi wabarakaatuu.
Somalimirror:- Sheekh Xasan, Maxaad ka Xasuusataa Taariikhdii Sheekh, Dr. C/qaadir Maxamed Cabdullaahi Garre?.
Sh. Xasan Daahir:- Bismilaahi Raxmaani Raxiim, horta ilaahay SW waxaan ka rajeynaynaa C/qaadir Maxamed Cabdullaahi oo ku geeriyooday Magaaladda Djibouti sida la sheegay ayaan marka hore waxaan leenahay Umaddii uu ka tagay iyo Dadkiisii iyo Qaraabadiisii iyo Asxaabtiisii ayaan u tacsiyaynayaa, ilaahayna waxaan uga baryaynaa inuu Dabigiisa Dhaafo janadiisana uu Fardowso ka raadiyo, Midda labaadna koleey wuxuu ahaa Nin aan Dacwadii isla soo Bilownay ayuu ku jiray, Jamaacaadkii Islaamiga raggii wax ka Aas-Aasay ayuu ahaa, ka dibna Dacwada Meel Wayn uga jiray, allaha Barakeeyo, ka dibna raggii Sucuudiga u tagay inay wax ka bartaan oo Dacwada ku soo bartaan ayuu ahaa, illaa uu Dr(PHD) ka gaaro ka dibna Jaamacadda Boosaaso ku taala Raggii Aas Aasay oo howl-galiyay ayuu uu ka mid ahaa, Runtii Nin Edeb wanaagsan, Diin wanaagsan iyo Cilmi Wanaagsan aan ku naqaano ayuu ahaa, Runtii Taariikhda Xarakaatka Islaamiga ah khaasatan Itixaadkii, Jamaaca Al-islaamiya iyo Ictisaamkii kuli raggii Mu’asisiinta ee Mar walba Hormuudka ahaa ayuu ku jiray, ilaahay SW ayaan u barinaynaa in wixii Kheyr ahaa ee uu soo qabtay inuu Ajar ka siiyo, wixii Danbi ahna ilaahay uu u dhaafo, Umadana Samir ha ka siiyo Badal Kheyr qaba ha ka siiyo.
Somalimirror:- Goorma ayaad isla Bilowdeen Sheekh Dr. C/qaadir Maxamed Cabdullaahi Garre Dacwada Islaamiga ee Soomaaliya?
Sh. Xasan Daahir:- Dacwada Sideeda waxaa lagu Bilaabaa Rag yar, 1973 raggii Jamaacaddii Ehelka soo bilaabay buu ka mid ahaa, Rag yar bay sida Badanba ku Bilaabataa, Sheekh Maxamed Macallin Alaha ha u naxariistee raggii kitaabkii u akhrin jiray ka Asaasmay aan wada ahayn intaasna Dacwada ayuu ku soo dhex jiray sidaas ayuuna wuxuu ku tari karay ku daray, wixii khalad ahna ee uu ka Celin karayna uu ka celinayay, Marar Badan oo ay Bidco nagu furmeen sidii Takfiirkii oo kale Waxyaabaha noocaas oo kale ah raggii aadka iyo aadka isku hortaagay ayaan ka wada mid ahayn, Shuuciyadii iyo Balaayadii Waagii Wadaada la dilay iyo wixii ka danbeeyay raggii aadka iyo aadka is hor taagay ayaan ka wada mid ahayn, waxyaabihii intaas ka danbeeyayna sidii Caqiidada Dadka loogu sixi lahaa Dowlad Islaamna loogu soo celin lahaa wadanka Insha allaahu Tacaalaa ayaan ka wada mid ahayn, Nin walbana intii uu ka geysan karay ilaahay ajar ha ka siiyo Insha Allaah Tacaallaa inta ka danbeysana ilaahay Ma fidneeyo Insha Allaahu Tacaalaa.
Somalimirror: – Ma jirtaa Dhibaatooyin idinka soo gaaray Dacwada intii aad wadeen ?
Sh. Xasan Daahir:- Badanaaba Dadku marka ay yaryihiin, hadana Dowlad Jaa’ir ah ama Dadkii Gaalnimo ku Hogaaminayso oo Shuuciyo iyo Balaayo marka lagu dhex jiro waxyaalaha aadka iyo aadka Cajaaibta u leh waxaa ka mid ah markii ay yiraahdeen Shuuciyo ayaan Qaadanay oo Dhaxalkii ku tunteen oo Dowladaha Qaar sida Masar oo kale oo xataa iyaga laftooda Shuuciyo Qaatay ay ixtiraami jireen oo Aayaadkii Qur’aanka oo Calam Islaami oo dhan laga Ixtiraami jiray ay nasakheen, runtii raggii aad iyo aadka u hor istaagay oo markaas wadaadii Tobanka ahaa lagu dilay oo raggii Sheekh Maxamed Macallin ee Dacwadda waday la xidh-xidhay oo raggii kale ee Wasaarada joogay ee Sheekh C/Qani oo isna Ayaan dhaweyd Dhintay la xidhay, ragas oo dhan ee Dacwadii la kala eryay oo raggii Mas’uuliyiinta ahaa ee Islaamka u Boodayay oo dhan la kala eryay Qaarna la xidh- xidhay, runtii Raggii is hortaagay baan ka wada jirnay, Tusaale, waxaa jirtay in la yiri 5 Qof meel iskuguma Imaan karto, markaasaa waxaan Sameyn jirnay 4 Qof baan Meel iskugu imaanaynaa Guri oo kale, si aan Danbigiina uga fakano, waxayagiina noogu hirgalaan, hal qof ayaan ka tagaynaa, Qofkaas ayaa loo Akhrinayaa Kitaab, 4-taas Qof waxaa la rabaa 4 kale in Nin walba uu u akhriyo si aysan Dacwadii ku dhumin, arimahaas raggii aan isla soo marnay ayay mid ahayd, markii danbe Raggii Banaanka u baxay oo Banaanka intaan u saarnay niri wax ha soo barteen oo Dacwadii wax ha u soo barteen buu ku jiray, Ciddii ugu horeysay ee Jaamacadaas la yiraahdo Umu Quraa galay buu ku jiray markaa ka dibna Wadankii marna ku soo noqonayay marna Tacliintooda ku noqonayay ayuu ka mid ahaa, waxyaalahaas oo dhan ragii ku soo wada jiray baan ahayn.
Dowladii Shuuciga ahayd waxay sameysteen Qaanuun la yiraahdo “54” “Ka faa’iidaysi Urur Diimeed Waa Dil” Saas ayay ahayd Ragayagii waxa lagu xukumay ee 9 ka ahaa, laakiin aan ilaahay u qorin in la laayo, laakiin isagu wuxuu ka mid ahaa raggii Tacliinta ku Maqnaa oo laakiin Dacwada halkaa ka waday oo halkaas aad iyo aad uga Taageeri jiray.
Somalimirror: – Geerida ku timid Sh. C/qadir Garre Saameyn intee la eg ayaad is leedahay wuu ku yeelan karaa Saxwadii Islaamiga ahayd ee aad isla soo Bilowdeen?.
Sh. Xasan Daahir:- Runtii Gidaar weyn baa Dacwada ka dumay, laakiin Dabeecadda Ilaahay waxaa ka mid ah in Haddii Nin tago inuu nin yimaado oo ilaahay baa keensada, Qofkii dhintana Qof baa badalaya, Qofkii isagu hadda isagu ka tago oo Dacwada isaga taga Dad baa Badalaya isaga ka badan, marka Insha allaahu waxaan Rajeynaynaa Umuurtiisa ha ahaato ama Muslimiinta kale ha ahaato maanta Dacwada Meel aad iyo aad u Cajiib badan bay maraysaa oo Nasrigii ay rabeen ay ku dhawdahay, Dacwadii Towxiidka iyo Sunadda oon faafin jirnayna ay hadda Qaali ku tahay Soomaaliya Al-Xamdulilaah xataa dadkii Reer Baadiyaha ahaa ay qaali ku tahay waa Ilaahay Mahadii, Nasrigii Weynaa ee aan Dhowraynayna waa Dhadhaw yahay insha allaah, Rag gaarsiiyana waa la helayaa Insha Allaahu Tacalaa, Marka Badiil Kheyr qaba ilaahay ha na siiyo, isagana Ajarkiisa alaha ha weyneeyo.
Somalimirror: – Sheekh Xasan Maxaad ka xasuusataa Dabeecadihii uu Sheekh C/qaadir lahaa intii aad tiqiinay?
Sh. Xasan Daahir:- aad iyo aad Dadka aan la heli Karin buu ahaa oo Dabcigiisa aan la heli Karin oo Dad wadkana ku fiican, Diintana ku fiican, iyo Fahamkeeda, ra’yigana ku fiican, in badan buu Mas’uul nooga ahaa Dalalkaas Khaliijka oo dhan, ayuu Mas’uul inooga ahaa, Marka Dadka aadka Dad wadka u leh oo Dabciga Fiican oo xanaaqa yar oo mararka Qaarkood rayiga wanaagsan ku adag ayuu ahaa, runtii Dadka Naadirka ah ayuu ahaa, khaas ahaan Diinta Fahamkeeda iyo waliba Caqiidada Tasxiixinteeda dadka aadka iyo aadka ugu Xeelta dheer ayuu ahaa si fiicana u Yaqaano oo illaa DR. (PHD) ku qaatay.
Somalimirror: – Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu, Wajazaakallaahu Kheyran.
Sheekh Xasan Daahir Aweys:- Wacalaykumusalaam Waraxmatullaahi wabarakaatuu, Wajazaakumullaahi Kheyran.
Daabaco

SHEEKH XASAN AWAYS;
TACSI AAD U QIIMO BADAN BAAD DIRTAY, OO TAARIIKH
KU SALAYSAN.
ILAAHAY HA U NAXARIISTO MU’MINIINTA.
farah | Oct 20, 2009 | Reply
ALAAH HA U NAXARIISTO NINKAA SHAQAYSTAY ILAA MAALINTAAN MAQLAY GEERIDIISA WAXAAN ARKAY WAX TACSI KA BADAN OO DUCO KA BADAN RUNTII BAAN ODHANKARAA YAAN NINKAA MEELAHA WAX LAGU QORO GAAR AHAAN SOMALIMIRROR KU ARKAY INKASTOO XASANYIDHI WAA GIDAAR DUMAY BEDELKANA ALAAHBAA KEENA HADANA ILAAHAY INOO WAYDIIYA MUSLINKOO IDILOOW BEDELKIISA NINKANI WAA HALYEEYBAXAYE,
INTA DIINTA U BANAANBAXDIYO BELEDA KIIRAADSHA,
NINWALIBA ARDAYGA UU WAX BARO YAA U BUUNTUME, BARTA UU KU JIREY SHIIKHAKANI BINADII UU TAAGAY, MARNA YAAN KUFRIGA BALAGTALIHI IIGA SOO BIXINE,
BEDELKIISA EEBOOW NA SII WAA HALYEEY BAXAYE.
AAMIIN AAMIAN ALAAHU MA AMIIM
jaamacroob | Oct 20, 2009 | Reply
A.C.W.W
ALAAH AYAA MAHAD LEH
WAXA HOBOON IN DARSI LAGA QAATO WAAYA ARAGNIMADII DR QADIR GARRE .
ABDALLA MAKKI | Oct 20, 2009 | Reply
ilaahay ha u naxariisto sheekh annagana gadaashi nama fidneeyo . tankale tacsi wixiinu waadhaafeen ee waasiyaaxah waana mam nuuc diiniyan baabuuniska intaas eg iyo kucel celiska faanka qof caadi ah ee ilaahay kabaqqa!!
fiiirsade | Oct 20, 2009 | Reply
SHIIKH XASSAN U TUR OO KA HADAL IN SHACABKA MUSLIMIINTA DHIBKA IYO DAGAAL JOOGTA AH LAGA DAAYO. WAAYO CULIMADDA MUSLIMIINTA AH WAXAY SOO JEEDIYEEN IN DHIIGAAS LA JOOJIYO.CIDII KURSI ADDUNYO DOONAYSANA LOO DAAYO DADKA CILMIGA U LEH INAY KALA XAAJOODAAN.
khayre | Oct 20, 2009 | Reply
w/s
ilaahay sheikha ha unaxariisto iyo culmada diinta wadda oo dhan,
waanay inay waanadooda maqalaa intay noolyihiin e ragaa wanaagaa leh kama khayr badna dhaliinayradda aan cilmi iyo cilmi barashada lagu aqoon.
culiimtii ay ina bareena kamaynaan faa,idaysan mar hadaynaan muslimiinta dhiigooda ixtiraamayn iyagana daba dhilifyo u bixino
abu abas | Oct 20, 2009 | Reply
ALLAH swc ayaan jannada fardoowsa ka baryeeynaa inuu galiyo Sheekh Dr C/Qaadir Garre…Raxiimullah baan leeyahay..
Sheekheena Xassan Dahir Aways Xafidullahu isagana waxaan Alle ugu baryi inuu xaafidiyo oo ufududeeyo howlaha Islam ku soo celinta dalkeena Somalia. Xarakaatyada Islamiyiinta kuli Shabaab wa Xisbul Mujahideen Alle haa idin gargaaro..riyaaxul nasri haa idin siiyo AMIIN…Shacabka Islamka fii kuli makaan sabra ayaan leeyahay..guusha way dhowdahay..isku xirnaada..Midnimo ayaa guusha lagu heelaayee…
Inshallahu dowlatul Islami fi Somal mardhow ayaan arki donnaa Inshallahu Tacaalaa iyo Gaalo jabtay..sidii Axmed gureey aan Xabashada ulayn donnaa Inshallahu
Magan | Oct 20, 2009 | Reply
asww.Sheekh A/Qadir oo aan Allha awooda leh uga baryeyno, in uu janatul farduus aclaa ka warabiyo,anagoo sidoo kale samir & iiman uwaydiinayna ilaahay eheladii sii ikhyartiisii, ay aad ka isugu dhawayeyn, ayan hadana umuda islaamka oo dhan ugu rajeynaynaa samir iyo iiman naga wada siiyo badiil khayrlahna noogu badelo.wt
Ahmedkhayr | Oct 20, 2009 | Reply
Sh. Xasan Daahir wuxuu dhahay
“Runtii Gidaar weyn baa Dacwada ka dumay, laakiin -Dabeecadda Ilaahay- waxaa ka mid ah in Haddii Nin tago inuu nin yimaado oo ilaahay baa keensada”
“Dabeedda Ilaahay” qowlkaas meeluu diinta kaga qoran yahah ma la ii sheegi karaa?
Cali Guure | Oct 20, 2009 | Reply
Asc wr wb
http://www.somalimirror.com waxaan ka codsanayaa in aanay xannibin oo ay ii ogolaadaan Fahamka aan ka qaatay Waraysiga Sh. Xasan.
Hadalka sh. xasan waxa ku jirta haddaad si fiican u akhrido qoraalka “Marar Badan oo ay Bidco nagu furmeen sidii Takfiirkii oo kale Waxyaabaha noocaas oo kale ah raggii aadka iyo aadka isku hortaagay ayaan ka wada mid ahayn”
Marka aad dhuuxdo hadalkaa waxa kuu soo baxaya in Sh.C/qaadir uu aad uga soo hor jeeday Takfiirka iyo Gaalaysiinta Muslimka isla markaana uu Sh. Xasan ku raacsanaa fikirakaas, haddaba miyaan la odhan karin Sh, Xasan Daahir Mawqifkii uu ka taagnaa Takfiirka waxbaa iska bedelay amaba wuu qaatay Fikradda Takfiirka mar haddii uu hadda Dad Muslimiin ah ku xukumay in ay Gaalo yihiin, Takfiirkii uu markii hore ka soo hor jeeday sow hadda kumuu biirin.
Waxaan sheekh xasan weydiin lahaa in uu kala caddeeyo in Takfiirkii uu ka soo hor jeeday uu ka saxsanaa iyo in uu isagu is bedelay oo Addilo kale oo markaa ka dhinnaa aanu hayn uu hadda helay taas oo bannaynaysa in qofku Diinta kaga bixi karo waxa uu hadda aaminsanyahay.
xog-ogaal | Oct 21, 2009 | Reply
XOG-OGAL,
SHEEKH XASAN MA AHA QOFKA YIRI SHARIIF WAA GAAL.
LAAKIIN BAL ADIG DOON XOGTA WAXA UU QURAANKA KA YIRI QOFKA GAALADA DHINACOODA KA SOO JEESTA EE LA SAFTA OO WALI KA DHIGTA?.
MAAD XASUUSAN TAHAY WAXAY AAYADDA KA TIRI?.
farah | Oct 21, 2009 | Reply
Swrma
Allaha u naxariisto,Shiikh A/qaadir Garre, inta aan ka maqley, waa nin daaci ahaa, diintana wax badan ku soo jirey. Janatul firdowsa Allaha ka waraabiyo aamin.
Mida kale, Somalimirror, waxaan la yaabey in aad Xasan Dahir, oo aan ognahey inta uu hada dhib u geysanayo acmaasha diinta lagu horamrinayo inta noo soo fariisiseen aad ka waraysanaysaa Shiiqa Axwaashiisa, isagan markuu wanaaga Shiiqa qirayana uu raacayo (Anaa ka mitluh) in uu isaga kula jiray wanaagaa iyo qeyrkaasi oo dhan.
La yaabe, Xasanow waxaan ku leeyahey is xisaabi inta aan lagu xisaabin, Diintii qeyrka badneyd iyo ku dhaqankeedii oo umada sida, xijaabkii oo la laasimey, barashada culumteeda, Masaajidii oo buuxsamey, dadkii caamada ahaa oo diintii wax badan ka bartey, iyo madaariis waa weyn oo furmehy, intaasi oo dhan waxay muujineysaa laa Ikraan fii Diin, inta diintan ay nabad iyo isu naseexeyn ku horumartey waxaa hubaal iyo dhiig iyo xabad aysan ku hormari karin. aan ka eegno dhinaca danta diinta oo kaliya.
Waxaa na siib daro, ah muqdi weyna taariiqda kaa galineysa in aad huramarkaas aad adiga iyo kuwa salfudeydka ah, oo danaha gaarka wata in aad dib noogu celineysan meeshii aan ka joogney fahamka diinta 30 sano ka hor.
Warninyahow, Illaahey ha ku soo hanuuniyo, waxaa muuqato koley in cilmigaaga barashada diinta in uusan umadan qeyr badan u soo kordhin.
Cidii si kale, u aragto arimahan aan shaqsiyan uga haldeyna, si aad u raad raaca inta aadan ku jalboon, Diinta inta ay nabad iyo islaanimo, naseexeyn ku gaadhey umadeena iyo inta ay dagaal ku gaari karto, oo waliba shacab masaakiin ah, aan xitaa loo fiirsan dagaalka markaas la galayo iyo qasaaro dadkaas muslimka ah loo geysanayo, iyadoo la oranayo, sabra. Wali lama hayo, hadal macquul ah oo ay umadan dhibaata haysato u sheegaan aan ka ahey, hala samro, iyadoo caruurtoodii ay dibada u joogaan waliba. Allow amuurta noo fududee
Abdullaahi
Cadaalad Alloo noo Keen | Oct 21, 2009 | Reply
muslinka suu rabo ha isu saxo..laakiin ninka brundiga iyo ugandese iyo shariifeyn la safan ..ashahaada beenloow!! .. waxaad u qiil smaynayso .. oo ku gabanayso (dhiiga muslinka) .. waa kelmed xaq ah oo baadil loola jeedo.. taana ILLAAHAYna nama oran..anna ma ogolaan karo.
cali | Oct 21, 2009 | Reply
NINKA LA BAXAY CADAALAD ALLOO NOO KEEN,
WAA YAHEE XIJAABKA LA XIRTAY IYO MASAAJIDDA LA BUUXSHAY YAA KUGU ILAALINAYA?
MA AMISOM BAAD U WAKIILATAY?
WALAAHI WAA YAAB, RAG BAA ISTICMAAR INUU INA HAYSTO KU RAALLI AH?
farah | Oct 22, 2009 | Reply
ACW RANADAAN KARIIM
ABDI FATAH IBRAHIN ALI | Aug 19, 2010 | Reply