Taariikh nololeedkii Dr. Cabdulqaadir Maxamad Cabdullaahi

Published on October 18, 2009 by   ·   32 Comments   ·   print

Alle ha u naxariistee Dr. Cabdulqaadir wuxuu ku dhashay magaalada gaalkacyo qiyaastii 1949kii, wuxuuna ku barbaaray dagmada eyl ee gobolka nugaal,waxbarashadii dugsiga hoose dhexe wuxuu ku qaatay, dugsiga hoose dhexe ee xamar, ka dibna wuxuu ka baxay mahadka kalkaalinta caafimaadka, wakhti koobanna wuxuu ku shaqeeyay kalkaaliyanimo.

 

Dugsiga sare ee 15may ayuu 1974kii ka qalanjabiyay, wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaradii xilli hore la jaanqaadday saxwada islaamga ah, wuxuuna 1976kii u baxdsaday dhinaca Kenya ka dib markii kacaanku olole xirxirid ah ku qaaday dhallinyaradii dacwada.

 

Diktoorku wuxuu arday ka noqday 1977kii jaamacadda umulquraa oo xilligaas loo yaqaannay jaamacadda malik Cabdil Casiis, gaarahaan kulliyadda shreecada qeybteeda dacwada, diraasaadkiisii sare sheekhu wuxuu ku dhammeystay isla jaamacadda ummulquraa ilaa uu ka qaatay shahaadaha diktooraada(PHD) wuxuuna ku takahasusay cilmiga caqiidada.

 

Sheekhu intii uu deganaa magaalada makka wuxuu hoy lagu soo hirto u ahaa dhammaanba dadka ducaadda ah oo gurigiisa soo tammadin jiray.

Sheekhu wuxuu sucuudiga ka soo noqday taariikhdu markii ay aheyd 1999kii xilligaas oo ay aasaaseen isaga iyo Dr. axmad xaaji C/raxmaan jaamacadda bariga afrika,waxaana loo doortay inuu madax ka noqdo jaamacadda, wuxuuna hogaaminayay ilaa sideed sanadood,xilliganna wuxuu madax u ahaa golaha aasaasayaasha jaamacadda.

 

Dr.Cabdulqaadir wuxuu ifka kaga tagay afar xaas iyo 15 carruur ah oo uu isagu dhalay oo ay 5 ka mid ah wiilal yihiin tobanka kalena ay gabdho yihiin, sidoo kale wuxuu sheekhu ka tagay 24 carruur ah oo uu awoowe u yahay oo ay carruurtiisu dhaleen.

 

Sheekh Cabdul qaadir wuxuu kaalin lama illaawaan ah ka qaatay faafinta dacwada waddanka gudihiisa iyo dibaddiisaba, gaar ahaan waddanka sucuudiga o uu u badnaa isaga oo laf dhabar u ahaa ducaada soomaaliyeed ee ku sugnaa waddankaas, wuxuu sidoo kale si gaar ah dowr ballaadhan ugu lahaa caawinta dacwadii ka socotay waddanka soomaaliya gudihiisa.

 

Maalinimadii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa Dr-ka lagu soo celiyay Dalka Jabuuti si uu Fiiso uga qaato Safaarada Ingiriiska ee Jabuuti si uu u aado Isbitaal ku yaala Ingiriiska oo uu balan ku lahaa 12-ka Bisha November.

 

Sheekh Cabdulqaadir dadka yaqaanney waxey ku xusuustaan sifaad badan oo wanaagsan oo uu ka mid yahay xishood siyaado ah, tawaaduc,laabxaadhnaan,deeqsinimo,shaqo aamus lagu qabto, in loo adeego dadka musliminta ah iyo hammi dacwadeed oo aan damin

 

alle ha u naxariisto Dr c/qaadir Axmed Cabdalla raxmad waasic ahna ha siiyo ,waxaana ilahay uga baryaynaa in  uu Ahlu Jano ka dhigo Amiin amiin

 

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Taariikh Nololeedkii halgamaagii Sh Ibraahim C/La Maxamad, Gudoomiyihii Hore ee Ururka ONLF
  2. Taariikh Nololeedka Sh.Shariif
  3. Sheekh Axmed C/samed C/lle oo caawa Nadwada Masjirka Rowda ee M Boosaaso uga hadlay ” fara galinta shisheeye ee arimaha Soomaliya taariikh ahaan iyo Saameyn ahaan”
  4. Musharaxiinta Madaxtinimada DKMG ah oo loogu baaqay in ay si deg deg ah u soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda iyo wax qabadkooda
  5. Dr. maxamad siraad doolaal oo la sheegayo in lagu dilay deegaanka shinnile ee degmada dhanaan

Readers Comments (32)

  1. osman husain osman says:

    a/s inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun
    ilaahay ha u naxariisto ninka sifaadkaas leh oo dhan ilaahay waxaan ka baryaynaa inoow naxriis iyo nabad galyo ku siiyo daarta aw la doontay anagana ilaahay waxaan ka baryaynaa inoow taariikhdaas oo kale inugu sugo wassalaamu calaykum

  2. Shaakir says:

    Allaha u naxariisto dr ka qof kasta o muslim ah oo yaqaaaney dr c/qaadir wuu ka naxay geeridiisa laakiin waa xaq geeridu ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

  3. sayid xanafi says:

    inaa ilalaahi wa inaa ilayhi raa jicuun alla ha u naxariisto d. cabdulqadir wuxuu ahaa qof daaci ah oo cibaado badan dadkana u dabacsan is la markaana aad u qadariya ani waxaan ka mid ahaa ardadiisa waxaan xasuustaa markaan salaamayo xataa in uu noo is taagi jiray isagoo qaddarinaya ardadiisa shakhsi aad u wanaagsan dadkuna ay jecel yihiin buu ahaa alla ha u naxariisto raxmad waasac ah anana ilaah samir ha naga siiyo aamiin

  4. c/laahi axmed aaden says:

    aamiin aamiin aamiin

  5. c/xakiim says:

    Inaa lilaahi wa inaa rajicuun, waxaan taci u dirayaa dhamaan umada muslimka ee ka geeriyooday, gaar ahaan soomalida iyo ehelkiisa oodhan. Allahaa ka waraabiyo jadaull fardawsa, waa maalin muruga badan, way adag tahay sheekhan sidan u qiimha badan inaanu helno, ilaahay waxaan karajeenaya in badalkiisa nookeeno amiin. Allahaa ka jazaa siiyo dacwadaadii aad umada u haysay miisankaaga xasanaadka Allahaa kuugu diro amiin

  6. Mahamed.adan says:

    ??????? ?????? ??????????.??????? ????????? ?????? ilahay waxan shekha uga baryaynaa in uu ilahay janadii fardawsa kawarabiyo eheladiisina samir iyo iman kasiiyo ?

  7. ahmed A.M. says:

    Asalaamu claykum

    “?? ??? ?? ??? ??? ?? ????? ??? ??? ???? ???? ????”

    Ilaahay baa na leh, isaga ayaana u noqonaynaa. Allaah wuxuu leeyahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba, shay kastana agtiisa wuxuu ku leeyahay go’an.

    alleh waxaan sheekha uga baryayayaa in janadii fardawsa ahayd uu uga dhigo jar Rasuulkeenii subanaa SCWS, ehelkiisa, qaraabadiisa, iyo Muslimiintana samir iyo Iiman ka siiyo,

  8. ABDALLA MAKKI says:

    Allaah ayaa mahad leh
    Allaaha wayn waxaan ka baryayna in u naxariisto adoonkiisa Sh c/qaadir samir ka siiyo intuu ka tagay
    bahada Somali mirror ma ay soo tabin taariikh nololeeedkii uu dacwada u qabtay sh, C/qaadir ee fadaln siiiya xaqiisa wuxuu noo ahaa calan rerr Makka wa salaam Abdalla makki

  9. Ismail Said says:

    Inaa Lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

    Waxaan ilaahay uga baryayaa dr Abdulqaadir in janadiisa fardawsa uu ku casumo,acmaashii uu islaamka u qabtayna alle ka aqbalo awlaadiisa iyo waxay dhaleena alle ugu xifdiyo.(Aamiin)

    Duriyadiisa iyo dacwadii iyo axbaabtiina ilaahay sabir iyo iimaan ka siiyo.

  10. cali says:

    innaa lillaahi wa inna ileyhi raajicuun
    allaah waxaan ugu baryeynaa inu jannada firdowsa geliyo siiyo aclaa darjaadkeeda oo gurigiisa u waa siciyo ehelkiisii iyo ummadda somaliyeedna samir ka siiyo aaaamiiin
    aaaaamiiiin allaahayo aaaamiiin

  11. Eng. Ahmed haji Abdullah says:

    bismilaahi, aswawab
    inaalilaahi wainaa ileeyhi raajicuun, alla ha u naxariisto walaalkeen dr, abdulqaadir .
    eheladiisii iyo asxaabtiisiina alla samir ha siiyyo , alla ha u naxariisto waxuu ahaa sadiiq oo aan ku bartay kheyr jeceyl waqti ka badan 35sanadood , allow u naxariiso walaalkeen .

  12. khaadimul-ISLAAM says:

    Your comment is awaiting moderation.
    BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH, WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu:

    [ ALLAAH BAA LEH WAXUU QAATO , IYO WAXUU BIXIYABA, ASAGAANA NA LEH, ASAGAANA U NOQON DOONAA, XUKUNKIISANA CIDI KAMA DABA HADLI KARTO , AMARKIISANA CIDI KAMA DABA TAGI KARTO, WAA KALI WAA MA BAAHDE WAA MA DHINTE WAA WAYNE WAA SARREEYE WAA MA DAALE WAA NOOLAADE WAA DEEQSI AAN KHASNADIHIISU DHAMMAANIN SUBXAANAH ].

    shiikh cabdulqaadir waxuu ahaa nin sabar badan oo ilaa bishaas shacbaan iyo ka badanba u soo sabaray xanuunkaas cualayska badan , ALLAAH danbi dhaaf ha ugu badalo , dhammaan inta muslimiina ee xanuunsanna ha ka qaado xanuunka, wax kasta oo la oran lahaa maanta xisaabtiisii buu haystaa shiikhu , ALLAAHNA SUBXAANAH ha u fududeeyo xisaabta qabriga iyo qiyaamaha , inta ka danbaysana ha ka yeelo kuwo ku cibra qaata dhimashadiisa,

    WALLAAHU ACLAM.

    binfaqiih@hotmail.com

    khaadimul-ISLAAM | Oct 18, 2009 | Reply

  13. omar Bihi says:

    ilaahay shiikha waxaan uga baryeynaa naxariis eebbe iyo firdowsa. eheladii shiikha waxaan u gudbinaynaa samir iyo iimaan.
    shiikhu wuxuu ka mid ahaa ducaadii halganka dheer u soo gashay dacwadan toosan e salka ku haysa manhajka salafka ilaahay abaalkaas ha ugu badelo jannatul firdowsa.

  14. Cali Guure says:

    “Ilaahay baa na leh, isaga ayaana u noqonaynaa. Allaah wuxuu leeyahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba, shay kastana agtiisa wuxuu ku leeyahay go’an”.

    Allaah ha u naxariisto Sh. Cabduqaadir Cabdalla eheladiisana sabir ha ka siiyo.

    innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

  15. Abukar says:

    Innaa Lillaahi Wa innaa Ileyhi Raajicuun. Allaah ha u naxariisto Marxuumka, Jannadii Firdowsa ahaydna Eebbe ha ka waraabiyo (Aamiin). Samir & Iimaan Allaah ha ka siiyo Eheladii, Asxaabtii & Dhammaan Ummadda Islaamkaba. Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajicuun.

  16. axmed says:

    inaa li laahi wa inaa ilayhi raajicuun (kulu nafsin daa iqatul mawt thuma ilaynaa turjacuun) Dr. Cabdulqaadir Maxamad Cabdullaahi ilaahay subxaanahu watacaalaa naxariistii jano ha ka waraabiyo dhamaana eheladiisii iyo qaraabadiisii iyo intii la saaxiibtay iyo intii taqaanayna samir iyo iimaan ha ka siiyo waxaan ahay dadka sida yar u yaqaanay 3.5 buu macalinkaygii ahaa in badana waan ka faaiidaystay ilaahay misaankiisa xasanaadka ha ugu daro runtii sifaadka lagu sheegey iyo kuwa badan oo ka cajab badanba waan ku arkay afgaabni adeeg hufan ixtiraam yar iyo wayn farxad marwalbaa qosol aan la maqal ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyo amiin amiin

  17. muslima says:

    innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. wanaagsana marka aad dhimato oo wanaag lagu sheego haada nicmah ebow anaga na noo kas aamiin

  18. Abdisamad says:

    ilaah ha u naxariisto shiikheena,,,,,,,
    anaga cibro qaadasho hanooga dhigo…..

  19. Ahmed weli says:

    innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

    waa geeri naxdin leh, waana xaq oo qof kastaa waa y sugaysaa,

    waxaan halkaan tacsi uga dirayaa dhamaan eheladii,asxaabtii iyo gaar ahaan ardeydii iyo maamulkii jaamaca bariga afrika waxaan leeyahay geerida ku timid DR Abdi qaadir samir iyo iimaan allaha naga siiyo isagana insh alaahu allaa u naxariisto.

    Ahmed wseli

  20. hhhhhhhhhhhh says:

    ilaahay ha u naxaeiisto shiikha innagana samir iyo imaan allaha naga siiyo
    Ahmed weli

  21. Tacsi says:

    inaa lilaahi wa inaa ileehi raajicuun (kulu nafsin daaiqatul mawt) ilahay waxaan uga baryayaa inuu u naxariisto samir iyo iimaan kasiiyo eheledii uu ka geeriyooday Dr ku
    naf wali waxay leedahay waxa ay shaqaysato dr wax uu caan ku ahaa taageerida Diinta Allah
    ilahayn haka aqbalo janada ha geeyo
    dhaman waxaa tacasida soo diray reer sool meel kasta oo ay joogaan

  22. M Saalix says:

    Innaa Lillaahi Wa’innaa Ileyhi Raajicuun,

    Sheekheenna waxaan Alle uga baryayaa inuu Janada fardowso hoy sareeyo ka siiyo, Maca Rafiiqal Acllaa ayaan Alle uga baryayaa.

    Intaa kadib, Soomaaliya Alle ayaa u maqan Culimadii waataa oo way naga sii yaraanayaan caamadiina way soo badaneysaa, go’aan fudeyd kuwa Alle uu ku imtixaamay ayaa taladeena u tartamaya Allahayow na amaanso.

    Sh. Dr. C/qaadir waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa dhammaan muslimiinta gaar ahaan Soomaaliya iyo qaraabada uu ka baxay.

    Allahayow Sheekheena abaalkiisa ka dhig inuu Nabageenna CSW janada kula kulmo oo uu kula rafiiqo, annagana Allahayow nasiibkaas noo yeel nagana dhig kuwii gadaashiisa aan fitnoobin

    Aamiin Aamiin Aamiin

  23. A/weli Sh. Axmed Abdulle says:

    Innaa lillaah wa innaa ileyhi raajicuun.
    allaha u naxariisto Dr. abdulqaadir. waan la shaqeeyey markuu ahaa Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika. waxaa uu ahaa nin xabiib ah oo macaan.wuxuu ahaa nin taqwa badan, mar-kastana faraxsan.runtii aad baan uga naxay geeridiisa. samir iyo iimaan allaha ka siiyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday. Aamiim Aamiin

  24. Maxamed Abdi Aadam says:

    ??? ??? ? ??? ???? ??????
    dhamaan bahda Jaamacadda Bariga Afrika – Maamul, Macalimiin, Shaqaale iyo Ardaydba waxay Ilaah uga baryayaan Dr. Abdulqaadir Maxamed Abdalla (Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika)naxariis iyo janno. waxaan leenahay qabrigiisa Allaha nuuriyo.wuxuu ahaa nin aad looga jecelyahay jaamacadda iyo dhamaan degaanka, oo ah aqoonyahan ah. samir iyo iimaan allaha ka siiyo qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday.
    Aamiim Aamiin

  25. sh.hassan takar says:

    Dr. A/qaadir aad iyo aad ayaanu saaxiibo u ahayn wax badanna waanu isnaqaanay, Allaah subxaanah watacaalaa ayaan ka baryayaa inuu u naxariisto Sh A/qaadir oo jannatu alfirdows galiyo cadaab la’aan iyo xisaab la’aan. aammiin aammiin aammiin.

  26. Faysal says:

    ILAAHAY HA U NAXARIISTO SHEEKHA…QABRIGIISANA HA U WAASICIYO…JANADIISANA DAAQAD HA UGA FURO.

  27. cismaan shire maxamed says:

    inaa lillaahi wa inaa lillahi raajicuun ina lillaahi ma akhada walahu ma acdaa wa kulishey,in bi ajaalin musama allaah ha u naxariisto sheekha samir iyo iimaan allaah ha naga siiyo isgana allah ha u naxariisto eheladiina bedel khayr qaba allah ha siiyo wsc/ww

  28. abdinasir sh ahmed says:

    : ??? ??? ???? ???? ??????

    waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa ugu horeayn qoyskii sheekhu ka geeriyooday; sida caruurtii uu dhalay – xaasaskiisii- iyo ehelkiisii kale,
    waxaana leeyahay:
    ?? ??? ?? ??? ??? ?? ???? ??? ??? ???? ???? ????
    ikhwaanii wa akhwaati alaah ha inagu arzaaqo sabir, geeridaa naxdin taleh oo inagu wada dhacday sheekhana alaah waxaan uga baryaynaa in naxariis waasac ah siiyo iyo dambi dhaaf…
    DR:SH:C/QAADIR kama dhiman idinka kaliya wuxuu ka dhintay dhamaantayo – ducaada aqoonyahanka- iyo in badan oo dhalin yarro ah oo uu wax soo baray oo aan aniguba ka mid ahay..runtiina in dhawayd geeri ugama nixin sidaan SH:C/QAADIR M.C/LAAHI uganaxay
    waxaan kaloo u tacsiyaynayaa dhamaan maamulka – macalimiinta – shaqaalaha-iyo ardayda JAAMACADDA BARIGA AFRIKA… OO SHEEKHU AHAA ASAASEHEEDII IYO LAFDHABRTII AY KU TAAGNAYD|||

  29. Mohamed Ahmed Yuusuf iyo C/Raxmaan Maxamed Axmed says:

    Inaa lilaahi wa inaa eleehi raajicuun,
    waxaan halkaan Tacsi Tiiraanyo leh uga direynaa Qoyskii, Eheladii, Ummada Islaamka oo dhan, Gaar ahaan Soomaalida, in ilaahay Samir iyo iimaan ka siiyo, Dr. Sheekh Cabdulqaadir Axmed Cabdala,Sheekh si fiican ayaan u naqaanay, sifaadkiisina halkaan kuma soo koobi karo, waxaan mar labaad ugu tacsiyeynayaa Dhamaan, Xaasaskii, Ubadkii iyo ubadkii ay sii dhalleen inuu ilaaha samir iyo iimaan ka siiyo.

    Aamiin aamiin

  30. abul xasan says:

    Inna lillahi wa innaa ilayhi raajicuun. Inna lillahi ma akhad walahu ma acdaa, wa kullu shay’in cindaho bimiqdar. Raximaka allah yaa sheikh cabdul qadir wa adkhalakal firdaws. Allahuma aamin. Sabran yaa ahla somaal

  31. shucayb haaruun says:

    aabaha ducaada buu ahaa sheekh cabdulkhaadir maba ka hadli kareeeeeeee ilaahay ha unaxariisto nin umadu islaamka ah ay mid utahay buu ahaa inaa lillaahi wa inaa ilaahi raajicuun

  32. c/laahi bader xabib says:

    inaa lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun,alla yarxamux dr c/qadir maxamed c/llaahi,ilaahay waxan ooga baryeennaa in ilaahay unaxariisto sheekha wax kale oo aan uqaban karnaayi majirto,sheekhu waxa uu ahaa xubin muhiima oo mujtmaca islaamka uu waayay guud ahaan,gaar ahaan mujtamaca soomaaliyeed,shekha ninki yaqaan baa yaqaan,anigu kolba aad ayeey murugo iigu yeelatay sheekha,ilaahay waxaan ooga baryeennaa in ilaahay qabriga uwasiciyo wixii ilaahay uu karajaynayayna ilaahay uu ukaso,
    aamiin aamiin aamiin.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Taariikh Nololeedkii halgamaagii Sh Ibraahim C/La Maxamad, Gudoomiyihii Hore ee Ururka ONLF
  2. Taariikh Nololeedka Sh.Shariif
  3. Sheekh Axmed C/samed C/lle oo caawa Nadwada Masjirka Rowda ee M Boosaaso uga hadlay ” fara galinta shisheeye ee arimaha Soomaliya taariikh ahaan iyo Saameyn ahaan”
  4. Musharaxiinta Madaxtinimada DKMG ah oo loogu baaqay in ay si deg deg ah u soo gudbiyaan taariikh nololeedkooda iyo wax qabadkooda
  5. Dr. maxamad siraad doolaal oo la sheegayo in lagu dilay deegaanka shinnile ee degmada dhanaan

Latest Headlines