Gudoomiyihii hore ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso Dr. C/qaadir Maxamed Cabdalla ayaa saaka 8-dii subaxnimo ku geeriyooday Isbitaalka Djibouti Medical Center ee magaalada Jabuuti, isbitaalkaas oo shalay galinkii dambe la dhigay kadib markii uu wacyigu ka tagay.
Ilo goob joog ah ayaa Somalimirror u xaqiijiyay geerida Dr C/qaadir, waxa ay ilahaahis sheegen in shalay galankii dambe sida uu koomada u galay in markii uu soo miyarsadaba uu Towxiidka ku dhawaaqayay ,isla Ilahaasi waxa ay Somalimirror u xaqiijiyeen in Sheekha la doonayo in galabta lagu aaso Qabuuraha Magalada Jabuuti.
Dr-ku waxa uu bishii Shacbaan aakhirkeedii uu arimo caafimaad u aaday Wadanka Sucuudiga ,baadhitano lagu sameyay ayaana lagu xaqiijiyay in uu Sheekhu qabo cudurka loo yaqaano Beer Qolofow , waxayna Dhakhaatiirtu ku taliyeen in Beerka laga badalo.
Maalinimadii Khamiista ee aynu soo dhaafnay ayaa Dr-ka lagu soo celiyay Dalka Jabuuti si uu Fiiso uga qaato Safaarada Ingiriiska ee Jabuuti si uu u aado Isbitaal ku yaala Ingiriiska oo uu balan ku lahaa 12-ka Bisha November.
Dr C/qaadir Maxamed Cabdalla oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya wuxuu ka mid ahaa Ragii Taariikhda dheer ku lahaa arimaha Dacwada Soomaaliya ,wuxuuna ka mid ahaa Aas aasayaashii Jaamcadda Bariga Afrika ee Gobolada Waqooyi Bari, wuxuuna Madax ka ahaa Jaamacadda mudo Sideed Sano ah.

Related posts:
Bismillah.
Assalamu calaykum warahmatullah.
sheikha Allaha waxaan Alle uga baryeynaa inuu ku irsaaqo janooyinkiisa.
INNAA Lillaahi WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Ilaahow U naxariiso SH C/qaadir Jannadaadaa gee Aamiin
wuxuu Ahaa Sh C/qaadir nin Dabeecad Macaan, oo bashaash ah, aad u qalbi wanaagsan, dad jecel,
dadka wax tara, tawaaduc badan oo aan qofna iska sarreeysiinin,
Maxamed GAboobe
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN NAXARIISTII JANO ILAAHAY HAKAWARAABIYO SHEEKHA WUXUU AHAA SHEIKH UMADEED
innaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.
ilaahay ha u naxariista sabarna hanaga siiya anaga iyo ehelkiisaba.
Dr c\qaadir waxuu ahaa hogaamiya lagu dayan kara tawaaduciisa iyo cilmigiisaba.
INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAAJACUUN.. S C WW WAXAAN AAD IYO AAD UGA XUMAHAY GEERIDII SOO KU TIMI DR.SHEEKH C/QADIR GARLE WAXAAANA ILAAHAY UGA BARYAYAA NAXARIISTII INUU SIIYO GEEYANA JANNADIISA FARDOWSA. WAXAAN KALOO U TACSIYADEYNAYAA REERKII UU KA GEERIYOODAY IYO DHAMMAAN IYO SOOMALIDABA WAAYO NINKAN WAXUU AHAA NIN QARAN EE MA AHAYN NIN QABIIL, ILLAAHAY AJAR HA KASIIYO WAXYAABIHII UU U QABTAY DADKA SOOMALIYEED,GAAR AHAAN GOBOLADA W.BARI EE HADDA UU UGU DAMBEYEY EE UU KA AASAASAY JAAMACADA B.AFRIKA, WAXAAN MAR LABAAD IYO IN BADANBA LEEYAHAY ILAHAY HA KA ABAAL MARIYO WANAAGIISII DAMBIGIISANA ILLAHAY HA U SAAMAXO.
INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN WADAADKA ALLAHA U NAXARIISTO WAXAANAN DADKA ISLAAMKA AH KULA DARDAAR MAYAA IN AY OGAADAAN IN QOFKASTA DHIMANAYO WAXA KA HOREEYANA AY TAHAY WIXII UU HORMARSADAY KHAYR IYO SHAR
Inaa Lillaahi wa innaa Illeyhi raajicuun. Janatul Firdwsa Allaha ku abaal mariyo dhamaan intii u ka tageyna samir iyo iimaan ALLAHA ka siiyo amiin aamiin aamiin
Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun!
Rabbiyow u naxariiso, marxuumka, ehelkiisii iyo ummadda soomaaliyeed beddel kheyr qaba sii, annaga gadaashii hana fitnayn.
inalilaaliwaa ina ileyhi rajucun ilaahay janadii fardoowsa hakawarabiyo marxuunka reerkii iyo qarabadi iyo dhamaan asxabitiisina samiir iyo imaan haka siiyo
inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun
ilaahay ha u naxariisto janadii firdowsana ha ka waraabiyo umada soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo
waa la wada dhimanayaa laakiin dhimashada culimadu dadka lama mid aha
ilaahay bedel khayr qaba ha noogu bedelo
inalilaaliwaa ina ileyhi rajucun ilaahay janadii fardoowsa hakawarabiyo marxuunka reerkii iyo qarabadi iyo dhamaan asxabitiisina samiir iyo imaan haka siiyo amiiin
Inaalillaah wainaa ilayhib raajicuun alle ha u naxariisto janaddii fardawza alle ha oga dhigo hoygiisa alle samir iyo iimaan ha kasiiyo ehelkiisa iyo muslimiintaba aaaaamiin amiiin amiiiiin
inaalillaahi wa inaa ileyhi raajicuun janno iyo naxariis allaha ugu bishaareeyo dr.c/qaadir ehelkiisana allaha ucawido oo baddal khayr qaba allaha ugu badalo.
sheikha ilaahay waxaanu uga baryaynaa inuu janadii fardowsa geeyo ehelkiiyo qaraabadii iyo dadka wax uu barayay ba samir iyo iimaan ka siiyo amiiiiiiiiiiiiiin amiiiiiiiin amiiiiiiiiiiin
Inaalilaahi wa ina ileyhi raajicuu
Allow u naxariiso allow u denbi dhaaf ilaahow anagana gadaashiis hana fidneynin
Dhamaan Eheladii iyo caruurtii uu ka tagay iyo dhamaan uma muslimiinta gaar ahaan somalia sabir Allaha naga wada siiyo
Amiin
Raaxeeye
Mogadishu Somalia
INAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN
ALLAAH HA U NAXARIISTO
Inaa Lilaahi Wa inaa Ileyhi Raajicun, Eebe ha u naxariisto Shiikheena, Janada Fardowsana Haka waraabiyo…
Dr. Abdulkadir Gare, wuxuu ahaa zaciim ruuxi ah oo juhdi badan galiyey dacwada iyo dhisida Jaamcada Bariga Afrika, Waxaan ku xasuusanaba waa kheir iyo duco.
Ehelka sheekha iyo muslimiingta oo idil samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.
Inaalilaahi wa ina ileyhi raajicuun
Inaa Lilaahi Wa inaa Ilayhi Raajicuun
Alle ha uraxmo sheekha Ahelkii, Qaraabadii iyo Umadda Soomaaliyeedba Alle Samir iyo Iimaan ha inaga siiyo
geeridu waa lama huraan waana shay qol walba inuu dhadhamiyo ay waajib tahay Alle inagana ha inaga dhigo kuwii Camal khayrle ka shaqeyya
s/w
waa geeri naxtinleh, qof walbane wuu dhimanayaa, ilaah baan sheekh uga bareyeynaa janadiifirdowsa alaha kawaraabiyo, qooskane sabar iyo iiwaan alaha ka siiyo,Aamin
inaa lilaahi wa inaa ilehi rajicuun! allah waxaan uga baryeynaa janadii firdowsa umadana allah haka sabarsiiyo, khayr ayaan ku naqaaney sheikh cabdulqadir allah maanta ha uga dhigo wax tarkiisii mid u sababta in loo danbi dhaafo sheekha,
anagana gadaashi nama fidneeyo,
Innaa Lillaahi Wa Innaa Illayhi Raajicuun.
Waxaan Dr Sh Cqadir Alle u waydiinaynaa inuu u naxariisto qabrigiisana u waasiciyo, Ehelkii, qaraabadii iyo waliba shacabka Somaaliyeed ee uu ka tagayna samir iyo iimaanba uu ka siiyo.
Ogaadana geeridiisu waa daqar ku dhacay dacwada Soomaaliya iyo culumadeedaba. Allow noogu badel kuwa noociisa oo kale ah. Ammin Amiin.
ilaahey ha u naxariisto Dr Cabdiqaadir in badan baan is naqaanay,waxaan isku baranay dar ilaahey,ilaahay janatul firdoowsa ha galiyo anagana hanugu irzaaqo.amiiiiiiiiiin
Ialahay ha u naxariisto sheekha, ehelkiisiina samir iyo iimaan haka siiyo
Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajucuun
Allaah naxariistii raxmo ha ka waraabiyo sheekh
Ilaahay waxaan u waydiinaynaa fardawsal aclaa
ALALAHUMA AGFIRHU, WARXAMHU, WACAAFIHI, WACFU CANHU, WA AQSALHU BILAA WA SALAJ WALBARAD, WANIQIHI MINAL KHADAAYA KAMA YUNIQI SAWBUL ABYADH MINA DANAS.
BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH, WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu:
[ ALLAAH BAA LEH WAXUU QAATO , IYO WAXUU BIXIYABA, ASAGAANA NA LEH, ASAGAANA U NOQON DOONAA, XUKUNKIISANA CIDI KAMA DABA HADLI KARTO , AMARKIISANA CIDI KAMA DABA TAGI KARTO, WAA KALI WAA MA BAAHDE WAA MA DHINTE WAA WAYNE WAA SARREEYE WAA MA DAALE WAA NOOLAADE WAA DEEQSI AAN KHASNADIHIISU DHAMMAANIN SUBXAANAH ].
shiikh cabdulqaadir waxuu ahaa nin sabar badan oo ilaa bishaas shacbaan iyo ka badanba u soo sabaray xanuunkaas cualayska badan , ALLAAH danbi dhaaf ha ugu badalo , dhammaan inta muslimiina ee xanuunsanna ha ka qaado xanuunka, wax kasta oo la oran lahaa maanta xisaabtiisii buu haystaa shiikhu , ALLAAHNA SUBXAANAH ha u fududeeyo xisaabta qabriga iyo qiyaamaha , inta ka danbaysana ha ka yeelo kuwo ku cibra qaata dhimashadiisa,
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
INNAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.
Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan ardayda wax ka barata iyo kuwa ka qalin jebiyey jaamacada bariga afrika waxaan tacsi u diraynnaa qoyskii iyo qaraabadii uu marxmuumku ka geeriyooday illaahayna waxaan uga baryaynaa inuu janada firdowsa hoygiisa ka dhigo, AAMIIN AAMIIN AAMIIN
INNAA LILAAHI WA INNAA ILAAHI RAAJICUUN. ILAAHAY HA U NAXARIISTO SHEEIKHA EHELADIISANA SAMIR IYO IIMAAN ILAAHAY HA KA SIIYO.