“إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ”
“إن لله ما أخذ وله ما أعطى، وكل شيئ عنده بأجل مسمى”
Ilaahay baa na leh, isaga ayaana u noqonaynaa. Allaah wuxuu leeyahay wuxuu qaato iyo wuxuu bixiyaba, shay kastana agtiisa wuxuu ku leeyahay go’an.
Ishu way ilmaynaysaa, qalbiguna wuu tiiraanyoonayaa, mana oranayno wax Rabbi raalligaliya mooyee wax kale, geeridaadana waan ka murugaysanahay Sheekh C/qaadirow.
Intaa ka dib annaga oo ka murugaysan geerida ku timid walaalkayo Sheekh C/qaadir Maxamed C/laahi waxaan halkaan tacsi uga diraynaa eheladiisa iyo asxaabtiisa, iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, waxaana ugu yeeraynaa samir iyo ajar xisaabsi. Waxaan Sheekha Ilaahay uga baryaynaa in uu dambigiisa dhaafo, jannada Firdawsana siiyo, ehelka iyo asxaabtana uu badal khayr qaba siiyo. Aamiin.
1) Sh. C/qaadir Nuur Faarax
2) Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan
3) Sh. Daahir Aw Cabdi Yuunus
4) Sh. C/naasir Xaaji Axmed
5) Sh. Xasan Xuseen Axmed
6) Sh. Xasan Maxamed Ibraahim
7) Sh. Axmed-daahir Xasan
8) Sh. Axmed C/samad
9) Sh. Fu’aad Maxamuud X. Nuur
10) Sh. Bashiir Jaamac Kite

Related posts:
illhay ha u naxariisto sheekh c/qaadir samir iyo iimaana haka dhamaan dadkii iyo eheladii uu katagay waxaan hada kahor kaqaybgalay muxaadarado oo wadanka gudihisa oo kajeediyey oo kusaabsanayd caqiidada waana nin aan ku aqaano alla kacabsi iyo cilmi
INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
Allaahayow Jannadii Fardowsa Nagula Kulmi Dr ka
Allaahayow Jannadii Fardowsa Nagula Kulmi Dr ka
Allaahayow Jannadii Fardowsa Nagula Kulmi Dr ka
Allaahayow Jannadii Fardowsa Nagula Kulmi Dr ka
Allaahayow Jannadii Fardowsa Nagula Kulmi Dr ka
ALLAAH HAKA DHIGO SHEEKHA MID AH JANADA AY WALAALO BADAN U RAJEYNAYAAN MIDAY U WAAJIBTO SIDA UU RASUULKA SCW U YIRI INTA MAYD LASOO MARSIIYAY MEEL UU JOOGAY ISAGA IYO SAXAABO BADAN OO AY DHAHEEN WAA NIN FIICAN NINKAAS LA SII WADO OO UU NABIGU YIRI “WAJABAT”
inaalellaahi wainaa ilayhi raajicuun.waxaan halkan tacsi uga dirayaa eheladii iyo axbaabtii uu ka geeriyoday walaalkeen sh. c/qaadir gare alaha unaxariisto janatulfirsawsana alaha galiyo samir iyo iimaana alaha naga siiyo aamiin.
asc ilahaay ayaan ugaa bariinayii janadaa fardowasa iyo camal kisaa ilahyii haka ajar siiyo waxuu aduunka uu cilmi ugaa tagyii akhairona hagu bedelo camal wanaag san heliyada uu katagyinaa samiir haka siiyo dhaman teen baa aamiin aamiin
(INNA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.)
Waxaan Alle uwaydiinaynaa inuu u naxariisto Sh Cqaadir Maxamed Claahi, Jannadiisana hoy uga dhigo, intuu ka tagayna samir iyo iimaan buuxa ka siiyo, baddel khayr qabana naga wada siiyo.
Gadaashiina Alle nama fitneeyo, xilli ama waqti fitno ayaa taagane. Amiin Amiin Amiin
Your comment is awaiting moderation.
BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH, WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, ammaa bacdu:
[ ALLAAH BAA LEH WAXUU QAATO , IYO WAXUU BIXIYABA, ASAGAANA NA LEH, ASAGAANA U NOQON DOONAA, XUKUNKIISANA CIDI KAMA DABA HADLI KARTO , AMARKIISANA CIDI KAMA DABA TAGI KARTO, WAA KALI WAA MA BAAHDE WAA MA DHINTE WAA WAYNE WAA SARREEYE WAA MA DAALE WAA NOOLAADE WAA DEEQSI AAN KHASNADIHIISU DHAMMAANIN SUBXAANAH ].
shiikh cabdulqaadir waxuu ahaa nin sabar badan oo ilaa bishaas shacbaan iyo ka badanba u soo sabaray xanuunkaas cualayska badan , ALLAAH danbi dhaaf ha ugu badalo , dhammaan inta muslimiina ee xanuunsanna ha ka qaado xanuunka, wax kasta oo la oran lahaa maanta xisaabtiisii buu haystaa shiikhu , ALLAAHNA SUBXAANAH ha u fududeeyo xisaabta qabriga iyo qiyaamaha , inta ka danbaysana ha ka yeelo kuwo ku cibra qaata dhimashadiisa,
WALLAAHU ACLAM.
binfaqiih@hotmail.com
khaadimul-ISLAAM | Oct 18, 2009 | Reply
inaa lillaahi wa inaa lillaahi raajicuun allaah ha u naxriisto walaalkeen janatul firdowsa allaah ha geliyo inaga oo dhana samir iyo silwaan geerida culimadu waa masiibo ka duwan masiibooyinka geerida dadka caadiga ah,wsc/ww
WAXAAN TACSI U DIREYNAA DHAMMAAN CULUMADA MANHAJKA SALAFIGA U NASAB SHEEGATA MEEL WALBA AY JOOGAANBA ,IYO EHELADII IYO QARAABADII U KA GEERIYOODAY ALLAAHA U NAXARIISTEE DR ABDULQAADIR.
MASAAJIDKA KHALID BIN AL-WALID
TORONTO, CANADA
Asc