7 Askari oo Mareykan ah oo saacadihii ugu Dambeeyey lagu Dilay Afqanistan.

 

meyd-mareykan11Ciidamada Mareykanka ayaa Shalay Shaaciyey in 3 kamid ah Askartooda lagu Dilay Qaraxyo kala duwan oo loogu geystay Koonfurta iyo Bariga Afqanistan taas oo Gaarsiineysa 7 Askarta Mareykanka 24-kii saac ee la soo dhaafay gudohood laga Dilay.

 

Isbaheysiga NATO ayaa bayaan ka soo baxay ku sheegay in 2 Askari ku dhinteen Qarax ka dhashay Miino loogu aasay Meel Wadada dhinaceeda ah Bariga Afqanistan, halka kan sedexaadna lagu Dilay qarax kale oo ka dhacay Koonfurta.

 

Laguma Xusin bayaanka Faahfaahin intaa dhaafsiisan iyo hadii ay jiraan dhaawacyo kale oo saagaaray Ciidamada Mareykanka.

 

Shaacinta Dhimashada Askartan ayaa ku soo beegmeysa waxyar kadib markii Ciidamada Mareykanku Xaqiijiyeen Goor hore Dilka 4 Askari oo Ciidamadooda kamid ah kuwaas oo miino loogu dhigay Koonfurta Afqanistan.

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamda Mareykanka ayaa Sheegay in 2 kamid ah afarta Askari ay ku dhinteen Halkii lagu qarxiyey, halka labada kalane ay u dhinteen Dhaawac daran oo qaraxa ka soo gaaray.

 

Waqtiyadii Dambe waxaa isa soo tarayey Weeararada Xarakada Daalibaan ku qaadeysay Ciidamada Isbaheysiga NATO ee Xooga ku jooga Afqanistan.

 

Maalmo ka hor ayaa 8 Askari oo mareykan ah iyo 2 Afqaniyiin ah ku dhinteen Kamiin ay Xarakada Daalibaan u dhigtay Bariga Afqantan taas kamid noqotay Qasaarooyinka ugu Xoogan ee Mar qura Mareykanka Soo gaarto.

 

28 Askari ayaa Mareykanka kaligiis looga Dilay Afqanistan Intii bishan kala barka ah ay socotay.

 

Waxa marba marka ka dambeyso sii kordhaayey tirade Dhimashada Askarta Mareykanka Sanadkan waxaana ladiiwaangaliyey inay ka dhinteen Mareykanku:

May 2009 waxaa laga dilay 12 Askari.

June 2009 waxaa laga dilay 25 Askari.

July 2009 waxaa laga dilay 45 Askari.

Aug 2009 waxaa laga dilay 52 Askari.

Sept 2009 waxaa laga dilay 39 Askari. 

Oct 2009 oo kala bar ah       28 Askari ayey dhimashadu mareysaa.

 

Intaa waxa sii dheer qasaarooyinka kale ee soo gaaraya Ciidamda Isbaheysiga NATO oo tiradoodu ka badan tahay 100,000 oo Askari badankoodna uu mareykanku leeyahay.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

9 Comment(s)

  1. alxamdu;lilaahi alaahu akbar

    c/fatax, dh, | Oct 18, 2009 | Reply

  2. ALLAAAAHU AKBAR

    Kuwii isku sheegay inay awooda ugu weyn dunida yihiin sow maha waxa sidii sakaarada loo ugaarsanayo..Waa ILAAHAY mahadiis.

    Waxaan oo idil waxay kaloo calaamad u yihiin in Raga Daalibaan iyo Alqacida ee halkaas ka halgamaya yihiin ( Daa’ifa Mansuura )iyagoo awoodooda inta ay la egtahay lawada ogsoonyahay ayay khasaaraha sidan u baaxada weyn gaarsiinayaan Gaalada is bahaysatay ee ka kooban in ka badan 30 dowladood oo Saliibi ah!!.

    Waxay kaloo calaamad u tahay in kuwa Muslimiinta sheegta ee ku andacooda inaan gaalo la iska dhicin karin ay yihiin ( Muthabidiin iyo murjifiin)…waxa kaliya ee ka hadashiinayana ay tahay ( XUBU DUNYAA WA KARAAHIYATUL MOWT)..ADUUN JACAYL & GEERI NACAYB.

    FG. GAALADU JABKOODA WAA QARINAYAAN MARKAY 10 ASKARI IN LAGA DILAY SHEEGATO MACNEHEEDU WAA IN LAGA DILAY UGU YARAAN 100 ASKARI, MARKA ILAAHAY HA BARAKEEYO GACMAHA DAALIBAAN IYO ALQAACIDA IYO DHAMAAN MUJAAHIDIINTA XAQA WADA EE CID WALBA INAY XAGATO ISKU DEYEYSO….MARQAATINA WAXAAN IDINKAGA DHIGAA INAAN IYAGA LA JIRO ADUUN IYO AAKHIRO( INTA AY XAQA KU TAAGANYIHIIN).

    Faysal | Oct 18, 2009 | Reply

  3. Ilaahow gaalo iyo kuwa gaalada u adeega jebi meel kasta oo ay muslimiinta kula dagaalamayaan inagana xaqa nagu sug

    RAAXEEYE | Oct 18, 2009 | Reply

  4. gacantaa gumaa dee
    goo goysay gaalada
    guu loow hagoynine
    gaar siin natii jada
    galabta ay umuhadeen
    inta gaal kal kaashana
    guuldaro an dhaa fayn
    gogo shoo da ugu gee
    gabre iyo midkii jecel
    gafuura xun amxaariyo
    goolkaa maraykana
    alow maanta gaar sii
    waxaan gaag karee bayn
    geesiyada halgamayana
    gobanimo xaragaliyo
    guul barkhada iyo
    gocoshada ay taa haan
    gacalkoodu jecel yahay
    alow maanta gaar sii
    kii gadaal ka ee gee
    geeri doo doo nana
    godka naarta uu galo
    waa gaala raacaan
    garanayn wixii saxe

    abu fatima | Oct 18, 2009 | Reply

  5. gAALO IYO GAALO RAAC WAA DHIMANAYAAN SIDA AYAX LA SUMEEYAY INTA GOORI GOOR TAHAY KITAABKA ALLE IYO SUNNADA ILAAH HA LA ISU DHIIBO OO XUKUNKA RABI HALOOD HIIBO.

    Muhsin | Oct 18, 2009 | Reply

  6. WAA RUN WAY QARIYAAN TIRADA LAGA DILLAY.

    Afghanistan waa dhul muslin oo waligii ay
    gaaladu maagto.

    farah | Oct 18, 2009 | Reply

  7. Asaga wadaad yare ma qandheysan yahay? Waatii tacliiqaat uu bixin jiraye !! Aaway maanta ?

    MUKACAB AL-HIIRAANI | Oct 18, 2009 | Reply

  8. BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, WALAA CUDWAANA ILLAA CALADDAALIMIIN, ammaa bacdu.

    jahannama u qulqula kuna bishaaraysta cadaab xanuun badan inay idinka danbayso , qofkasta oo u haysta inuusan askari gaala oo maraykana uusan dhiman karin ha ogaado in taasi been noqontay , ee filimada been abuurka ah ee maraykanku dacaayad ahaan uga faafiyay ciidamadiisa , waxuu dadka u tusay in askariga maraykanka ah ay adagtahay sida looga adkaado, haddana dadku cabsi darteed bay ka baqaan gaalada uu maraykanku ugu horeeyo , walaalayaal [ ALLAAH SUBXAANAH BAA KA ADKAAN DOONA WAX KASTA OO KA HORYIMAADA ALLAAH SUBXAANAH ], muuminiintuna waligood way ka adkaan doonaan gaalada maadaama ay ku taagan yihiin dariiqa saxda ah ee ah kitaabka iyo sunnada saxiixa ah.

    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Oct 19, 2009 | Reply

  9. BISMILLAAH,WALXAMDU LILLAAH WASSALAATU WASSALAAMU CALAA RASUULILLAAH, WALAA CUDWAANA ILLAA CALADDAALIMIIN, ammaa bacdu.

    jahannama u qulqula kuna bishaaraysta cadaab xanuun badan inay idinka danbayso , qofkasta oo u haysta inuusan askari gaala oo maraykana uusan dhiman karin ha ogaado in taasi been noqontay , ee filimada been abuurka ah ee maraykanku dacaayad ahaan uga faafiyay ciidamadiisa , waxuu dadka u tusay in askariga maraykanka ah ay adagtahay sida looga adkaado, haddana dadku cabsi darteed bay ka baqaan gaalada uu maraykanku ugu horeeyo , walaalayaal [ ALLAAH SUBXAANAH BAA KA ADKAAN DOONA WAX KASTA OO KA HORYIMAADA ALLAAH SUBXAANAH ], muuminiintuna waligood way ka adkaan doonaan gaalada maadaama ay ku taagan yihiin dariiqa saxda ah ee ah kitaabka iyo sunnada saxiixa ah.
    WALLAAHU ACLAM.

    khaadimul-ISLAAM | Oct 19, 2009 | Reply

    khaadimul-ISLAAM | Oct 19, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo