Roobab Xalay ka Da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Published on October 14, 2009 by   ·   4 Comments   ·   print

Roobab aad u Xoogan oo si wanaagsan loogu diirsaday isla markaana watay Gugac iyo Hilaac badan ayaa Xalay ka da’ay inta badan Gobolada Koonfureed ee Dalka Soomaaliya kuwaas oo Goobaha qaar ku raabey Saameyn kala gedisan.

Gobolada ay ka da’een Roobabkan mahiigaanka ah ayaa waxa kamid ah Banaadir, Shabellada Dhexe, Shabeelada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo waliba Qeybo kamid ah Gobolka NFD.

Dadka ku dhaqan dhamaan gobolada ay Roobabka lagu Diirsaday ka da’een ayaa aad ugu farxay Nimcada loobaahnaa ee uu Alla siiyey iyagoona siweyn u soo dhaweeyey Barwaaqada ay heleen.

Roobabka ayaa Gobolada qaar ku Dilay Xoolo ay Abaaruhu horey u naafeeyeen kuwaas oo u adkeysan waayey Dhibicda Roobka.

Deegaanada ay u Barakaceen Dadka ka cararay Dagaalada iyo duqeymaha ka jira Magaalada Muqdisho ee kunool Guryaha Bacaha iyo Cooshadaha ka samestay ee Duleedka Magaalada ayaa Xalay Qaarkood Roobabku ku Dulda’eed kadib markii ay Daadad ka qaadeen Bacihii ay ku noolaayeen.

Lama Sheegin Wax khasaare ah oo ay Dadka ka soogaaray Roobabkaas.

Isku soo wada duuboo Roobabka ayaa Imaanaya Xili ay Abaaro Xoogan oo Dadka iyo Duunyadaba Saameeyey ka jireen Guud ahaan Gobolada Dalka Soomaaliya.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Readers Comments (4)

  1. Cabdulwahab says:

    Fadlan soo tabiya waxa dhabta ah ee ka jira somaliya

  2. Faysal says:

    ALXAMDULILLAAAAAAAAAAAH.

    ILAAHOOW ADOOMAHAAGA IYO DHULKAAGA WARAABI OO ILAAHOOW ABAARTA IYO QALAYLKA KA DUL QAAD.

    ILAAHOOW KAYMAHA IYO WABIYADA IYO DHULBEEREEDKA UGU SHUB OO ILAAHOOW QABOOJI KULEYLKA JIRA.

    ILAAHOOW ADOOMAHAAGII QAAR KAMID AH AYAA HUNGURIGII NAGU CIILAY OO RABA INAAD AYAGA KA BARINO..EE ILAAHOOW ADIGAAN KAA BARYAYNAA.

  3. CAWIL says:

    ALLOW NOOBADI OO NOO BARAKEE. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

  4. Allaale says:

    Alxamdu Lilaah..




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

Latest Headlines