Sh. Xasan Yacquub“Imiraada Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo… in la Difaaco waa Diini”

Published on September 30, 2009 by   ·   40 Comments   ·   print

Af-hayeenka Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa ku Dhawaaqey inay Difaacayaan Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo kana Difaacayaan Axmed Madoobe, wuxuuna Xisbul Islaam ugu Baaqey inay ka Bari qaataan.

Sheekh Xasan Yacquub oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Imiraada Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ka dhisnayd, walina waa ay ka dhisantahay, waajib Diini ah waaye in la Difaaco Dulmi kasta oo ku soo Xad gudbo… in la Difaaco waa Diini, anagu Diini ahaan baan u Ictiqaadsanahay in la Difaaco Axmed Madoobana laga Difaaco, Damaciisa Shaqsiyadeed iyo Midkiisa Qabaliga ah laga Difaaco Al-Imaara Al-Islaamiyah fii Kismaayo, taas oo hal Sano soo dhaaftay, wanaageeda iyo Manfaceedana Umadda Muslimka ah ay heleen”.

Xisbul Islaam ayuu ugu Baaqey inaysan Axmed Madoobe Dusha Marsan, Difaacin, kana Bari Qaataan, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yiri“Waxaan leeyahay Xisbul Islaam, Axmed Madoobe Wakhti Dusha la marsado waa ka weyn yahay, arinkiisan waa ka weynyahay Arinka isaga ah ee Meelo badan baan ka wada jihaatanaa oo aan Camalka ka wada wadnaa, laakiin Axmed Madoobe hadaad Maanta Kilkisha Qabsataan arinkiisana intaas waa ka weynyahay waxaan idin leenahay Ilaahay uga Baqa arinka Dadka Muslimiinta, Haddii aad Difaacataan anagu Col baa naga Dhaxeeya, Hadaad ka Baraa’a Qaadataana oo Banaanka ka martaana waxaa weeyaan Camalkayaga iyo Wanaagayaga Halkii weeyaan guud ahaan, marka waxaan leenahay Arinkaas isaga ah ilaahay ooga Baqa, Arinkaas sidaad kuwadaan ma aha si ay anfici doonto Camalkan Meel walba ka socda ee aan wada joogno oo aan wada jirno”.

Afahayeenka ayaa Sheegay in Magaalada Kismaayo ay ku soo kordheen Habeenadii ugu Danbeeyay Falal Amaan daro ah, wuxuuna Dusha u saaray Ciidankii soo Cusub ee soo galay Magaalada oo uu ku tilmaamay inay Dulmi ku yimaadeen “Magaaladayadii waxaa ku soo korartay Habeenadaan danbe Amaandaro iyo Dhac iyo Waliba Naf in la gooyo oo la dilo, taas hal Sano ka hor baa ugu Danbeysay, arinkaas isaga ahna waxaa sababay:- 1- Ciidankii soo duulay ee Dulmiga ku yimid ee soo galay Magaalada Kismaayo, markay yimaadeen ku dhawaaqay Imaaraadii Islaamiga ahayd ee ka jirtay Magaalada Kismaayo inaysan Jirin, mar alle Markii Xumaan wadihii Tuugii kii Dhiiga Dadka Daadinaayay eraygaas isaga ah markay maqleen waxay ku dhaqaaqeen in ay Falkii Xumaa ee Hal sano ka hor ugu danbeysay inay ku dhaqaaqaan, Hablihii la Amray Xijaabka inay Xijaabkii Tuuraan, Tuugii uu Dhiirado, Kii Munkarka Dhagaysanayay Munkarka Wadada la soo fariisto, kii Wax Halayn rabay wax Halayntiisa inuu la soo baxo, arinkaas ayaa dhacay, taasna waxaa sabab u ah ninka soo duulay ee Magaalada Soo galay”.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Axmed Madoobe balse xiriir aanu la sameynay Mas’uuliyiin Al-Xisbul Islaami ka tirsan oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa sheegay inaysan Rajeynayn Dagaal Magaalada ka Dhaca.

Magaalada Kismaayo ayay Dadka Deegaanka oo aanu la xiriirnay ku sheegeen mid kacsan oo dhaq-dhaqaaq ciidani uu ka jiro.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh. Xasan Yacquub “Khilaafka haddii uu Muuqdo waa miduu Axmed sameeyay”
  2. Afahayeenka Maamulka Kismaayo Sh. Xasan Yacquub oo si kulul uga hadlay Dagaalkii Dhexmaray Xoogaga Islaamiyiinta Jubooyinka iyo Jabhadda ONLF
  3. Xasan Yacquub “Dowladii ay Ummaddan ku taameysay iyada oo aan dhalan Jihaadkaan istaag maayo”
  4. Sh.Axmed Madoobe oo Galabta ka khudbeeyay Beerta Xrriyadda ee Magaalada Kismaayo
  5. Sh Xasan Yacquub oo weerarey soo jeedinta Q.M ee khadka cagaaran

Readers Comments (40)

  1. Abu Wac Wac says:

    War wadaadkan ya la hadla?

  2. waayeel says:

    asc wr wb

    ku sh xasan yacquub

    walaal ALLE ka baq DHIB IYO

    FITANA ha abuurin una hogaansan

    shareecada islaamka ninkaan

    {axmed madoobe wuxuu sheegay inuu

    u hogaansamayo shareecada islamka

    ee maxaad adigu ku diidan tahay

    shareecada islaamka in lagu kala

    baxo {fa’in tanaazactum fii

    shay’in faruduu ilallaahi

    warasuulihi} anagu hadalkiisa

    waxaan ka xukumaynaa daahirka

    wixii qarsoona ALLE ayaan u talo

    saaranaynaa ee walaalow islaamka

    miday hana kala gayn tafaraaruqna

    ha abuurin insha ALLAAH

    khayr ayaan idiiin rajaynayaa

    dhammaan mujaahidiinta

    iyo wixii muslixiin ah oo dhan

    waa fikirkii walaalkiin ALLE u

    baahne waayeel

    asc wr wb

  3. abuxafza says:

    Kala saar danta gaarka ah iyo diinta
    Waxaan maleynayaa diinta islamka in ay tahay firqo badan laakiin waxaa yaba danta iyo diinta maxaa isu keenay walaahaan diin meesha ooline waa dan maalmo ayuu arkay nimco taal Kismayo waxa uu ku lee yahay waan difaacayaa war Ninkan sidee wax ka yihiin maanta ma waxaa haddana gaal ah ama leyska difaacayaa ninkii shalay balanta aad la gashay uga baxday somilida wexey tidhaa (BALAN LAAWAA DIIN LAAWE AH) marka balanka adaa ka baxay haddana waxbaa difaaceysaa alle u noqo balantii haka bixin waxaan waaa aduun horaad dad u leyseen diin xageed maanta ka towbad keen sideedana (DILAA KASTO DIL AYUU SUGAYAA) maalin uun waad dhiman

  4. Xussendhere says:

    Walee xaalku ma fiican Xoghayaha Warfaafinta ee Xsibul Islaami oo hada aan dhagaystay isagoo shirjaraaid xamar ku hayana wuxuu yiri waa dulmi warka shabaab axmed madoobana inaga ayuu naga tursanyahay waana difaaceynaa, allow xaalka astur

  5. sharci says:

    yaa Raabi aslix amuural muslimiin idaa araaduu aslixalixaka u gar gaar haday doonaan gargaarkaaga taasina waa balanqaadkaage. Aamin…

    SHABAAB WAA INAY OGOLAADAN XUKUN WADA JIRA, SIDAY ULA LEEYIHIIN DAD KA BAXSAN SOMALIA.

    wabillaahi towfiiq.

  6. Duceysane says:

    Waxa yab ah axmad madobe wuxu donayo marki kismayo la qabsanayey wuxu jogay hotel ku yala adis ababa hadana wuxu donaya inu si fudud kula warego la yab! Mida kale hadi qabii lagu warejinayo wa in barre hiirale lagu warejiya asaga xog ku hayste marki hore ayago ay daganayen besha axmad madobe u kaso jedo hada ama xarakada mujahidinta alshabb halo daayo ayaga u dagalamay iyo intii u hiilsay aya xaq u leh xisbul islam axamad madobe bari haka noqdan maxa yelay wa nin qabyalad rabo

  7. DIGGE says:

    WAXAA WANAGSAN IN AAN LA DAGALIN OO LA WADA HADLO ISKU DUBMAAN DABDEEDNA DOWLADA HISHIIS LA GALAAN WAA HADDI GARADKU SHAQEYNAYO LAKIN HADDII MARKA HOREBA EY AHAAYEEN SIDI HOGAAMIYA KOOXEDYADI OO KALE DAGAAL UNBAA U DANBEYN WAXA RAGGA ISKU ARKAYNA WAA DEKADDA KISMAYO SIDII TII MUQDISHABA HOGAAMIYA KOXEDYADII ISKUGU HEYSAN JIREEN ,, IN BADAN AYEEY DAD MUSLIN AH DHEHEEN WAA KU JIHAADEYNAA HADDDNA MA IYAGAA ISKU JIHAADI DOONO WAA YABE

  8. caloofi says:

    asc horta qoladaan Dowlada KMG ah ha xoojiso dhankeeda kasoo jeestaano.
    ama ha is cadeeyaano Nimankaan Kismaayo qaska ka wado.
    ama magaalada Kismaayo inta ay ka baxaan wada hadal ha u diyaar garoobaano.
    looma ogolaanayo in ay magaalada dhin ka wadaan walaalayaal

  9. QOSLAAYE says:

    SHABAAB waxaa ku soo fool leh qatar, beesha uu ka dhashay AXMED MADOOBE waa beel lafdhabar u ah mujaahidiinta, waa in aan beeshas la dayacin, oo si walaalnimo ah , loo qanciyaa, waxaan ogaa qaybtii ay ku lahayeen dagaalkii IIDAALE, yaanan la eegin AXMED MADOOBE ee hala fiiriyo beesha uu ka dhashay, anigu markaan sidaas idin leyahay ogaada inaanan ahayn beeshaas

  10. wadaad yare says:

    Saaxiibayaal

    Shabaab waxey u baratey oo dulmi ah ayey wadaa, mar kastana dad dulmigaas ku garab siiya oo waa runtood yiraahda ma waayaan.

    Kaarka Qabiilkee ay marsanayaan yeysan idinka hoos bixin. Qabyaalada raga kale lagu eedaynayo macnaheedu waa fariin qabiilooyinka kale loo dirayo oo la leeyahey qabiilooyinbaa magaaladii qabsanayee iska dhiciya. (Alladii yaquulu halakannaasu fahuwa ahlakuhum) qofkii yiraahda dadbaa qabiil wada isagaa qabiil wada. Dadka la rucleynaya sida xishood la,aantaa Raaskaambooni iyo Caanoole waxey wadaan qabyaalad, macnaheedu muxuu yahey?

    Hadalka Afhayeenku hadal xikmad iyo xaqiiqo ka tarjumaya maahane waa nin dagaal u cararaya. Wuxuuna ka tarjumayaa manhajkii dagaal oogenimada ahaa ee ururkiisa lagu yaqaaney.

    Anigu labada kooxood midkoodna ma taageero, laakiin garta cad oo banaanka iska taala oo la jaah wareerinayo ayaan ka xumahey iyo dadka shaahidu zuurkaa oo xaqa aysan laheyn isi siinaya.

  11. waamo says:

    saaxiib ducaysane axmed madoobe adisababa dalxiis uma uusan tagine isagoo maxbuus ah oo 12xabadood kutaallo ayaa la geeyey.haduuse yiri aan wada hadalno soow kama fiicna kan dagaalka iclaaminaya.

  12. lasanod says:

    horta wax layidhi xog mooge xaajo waa dilaa xogbadan umahayo sababta khilaafkan marka laga reebo wax aan kamqalay saxafda iyo waxan webabka ka arkay lakiin hadaan fekerkoban ka dhiibto arinta kismaanyo
    waxay muujinaysa sida aysan shabaabka iyo xulufadoduba ulahayn awood iyo aqoon iyo karti mamul oo ka ay kaga baxi arana xalada adag wana isa dabiici in qofka aan caqliga badanlahayne awooda yar e gacantisa kujirto kalia h uu kuxisaabtamo inkastonan jecelayn eedaynta cid sheeganysa inay metelaan islamka iyo diinta allah ee samaawiga ah misna runti siyaasadu wa lagama marmaan dadkan aduunka lagu ururiyayna wax kali ah ee ay kuwada nolyihin wa siyaasad
    sharciga ialahyna ma diidin in dadku ay caqligoda aqoontoda iyo wayo aragnimadoda ay kaashadaan marka maxa diiday inay shabaabku wax kabrtan wax taariikhdubarayso
    inaksto guud ahan somalidu ayasan ahayn dad leh siyaasad degan iyo caqli siwacan ushaqeeya taasna ay markhaati katahay heerka ana kaga jiro calamka misna islamiyintu wayba kasi xagjiraan oo waxay ruamysan yihin inay qaladami karin madama ay slaada tukadaan soman cibadad ialahayna ay si ikhlaas ah u gutaan fekerkaasina wa mid aan sax ahayn qofka khalaiska ahi waxu kala mid yahay qaladka qofka aan aqoon ilahay sababtoa h allah dadka isku si ayu u abuuray waxan kusoo gunaanaday qoraalkayga xulufda kismaanyo iyo kuwa joga meelaha kale ee somaliyba ee dagalamaya inay dib isugu labtaan hadii ay rabaan inay guulaystaan
    kismaanyana wax leyahay
    kismaanyoy kaskaagi
    xagee kuu kuyahay kayd
    kolkastaba waxa dhaca
    kibir iyo dhibaato
    lagugu kadede
    koh miyaadan odhanayn
    kola aadaan diidayn
    in korkaga lagu cuno
    kumanan dhashaada ah
    kaydkaga maalkana
    ku keelto loo dhaqo
    asc

  13. Birqaaye says:

    As/C.!!! Waxey ila tahay dhamaan kooxaha somaliya ee diin baan dabaqeynaa leh in ey yihiin, xukun doon. Waayo? maxaa keenay Kismaayo oo nabad ah in ey isku qab qabsanayaan? Cimrigeena ma qax iyo barakac ayaan ku dhamaeysanaa?? Heshiiya tuf ku baxa, Hadii xaalkiinu sidaas yahay, isku jihaada,shabaab & xisbul islaam, maadaama hadafkiinu noqday, 0+o= Wax aad dheertihiin, malah, Dowlada & AMISOM,!! waad nawada dhibteen hadaan nahay shacabka somaliyeed!

  14. mustaf says:

    asc
    walaal wan idin salaamey salaan kadib ragan haddii alla laga baqayo waa dad ilaahey ku been abuurtay ilaahey waxuu ciqaab ugu dhigay in ayaga laftigood is gaaleysiiyaan aygoo maslaxdooda ee gaya culimada islaamka aad taqaney ee soomaliya mid dalka ma ka joogo wey baxsadeen ayagaan buriyay ayaga waxey mas uul kayihiin arinka sidaan uu noqdo
    marka arinta haddii aan ulaabto reer kismaayo waxaan lee yahay waayahay wax ha idin baranaa
    kismao wadahadal nabad ma ku noqotey waligeyd waa maya marka ragaan iyo ragii hore waxaa shar badan kuwan sabatoo ah ilaahey ayay ku been abuurteen ficilkood iyo qolkood ma is laha walaal yaal ilaah barya dhana arrinteen aqyaartaad u dhiib

  15. Mohmed says:

    A/c Walaalaha Muslimiinta waxaan idin leeyayahay Alle u noqdo oo iska daaya khilaafka waxaa inaga faa iideysanaya gaalada iyo gaala raacyada. mideeda kale waad aragtaan gaalada ayagoon isku dhinac uwada socon in eey islaamka u midoobeen sideey u leyn lahaayeen waad aragtaan kuwaan loogu yeero amisom in eysan waligood is qab qabsanin war adinkoo muslim ah suni ah ahlu towxiid ah bidca aan aheyn in aad is qabsataan wax lal yaabo waaye warcadawga islaamka aad ayuu u farxayaa ee inaga daaya sidaan Towfiiqda Allaah hana waa fajiyo Aamiin Aamiin…………..

  16. Abu muhammad says:

    Salam alaikum.
    ikhwani fillah… wan idin salamaya mel walbod jogtaan…
    Allah haloo noqdo halaga toobad keeno wax walboo la qalday iyo dhiig walboo xaq daro iyo dacayad lagu daadiyay…waxa muuqda in nimankan isku haya kismayo ay kalki horena xaq daro u heshiyen hadana ayagii dhaxdoda ka tafan tahay… qabri ayaa idinka horeya ee dadow rabigiin u laaabta oo dambi dhaaf waydiista…

  17. SH.Madoobe aad Villa Somaalia says:

    Walaalayaal Xaga yaa laga Tanaazulin..

    Axmad Madoobe Waxaa ku leeyahay hadii aad rijaal tahay xamar tag ee ka dagalam…

    meesha lagaa rabo in aad mamul ka dhisto waa vila soomaliya

  18. cabdulaahi gureey capetown says:

    shiq axmadad madow allah kabaq oo oo imaarada nidaamsan dagaal ha uhorseedin adiga oo shilimaad fiirinaayo hadii jihaadku dhab kaayahay oo ilaah dartii aad qoriga usidatid
    waayo sida muuqata walaalaha shabaab way isku dhajiyeen imaarada waxa ayna ku andocoodeen in magaalada ayaga ay qabsadeen idinkana aad usoo nusreeyseen marka adinka oo allah ugu dhawaanaaya qalbiga muslimiinta mujaahidiinta taageersan ku qabooyinaaya camalka jihaadkaa ka ilaalinaaya in uu shaki galo taas masameen kartaan bilaahi calaykum mase waxaas oo dhan waxaa inkaaga fiican shilanka alshabaab idiin diiday in aad laqeebsataan waxaad ogataan hadii kismaayo dagaal kadhaco in aytahay fidno miisaan weyn leh sida muuqata ayada oo allaah nooga cilmi badanyhay waayo alshabaab iyo xizbigu gobolada dhan way wada joogaan waxaana muuqata haduu alle sikale uqadarin in gobaladaas oodhan dagaaladu kufaafayaan cadawgunaku ilqaboowsan doono sheydaan oo dhan waxay usaqri doontaa sidii uu camalka jihaadka uxumeeyn lahaa oo dadbadan shaki ugu abuuri lahaa
    sida muuqata alshabaab balantii dhiig joojinta way kabaxeen ilaahbaana iiga cilmi badan oo iiga ogaalbadan arinkaas lakiin hadii ay ayagu doorkii uu ciyaaray mucaawiye xilgii ay cali ishayeen aymaantu ayaga cayaareen idinku ma idiin muuqan waayay doorkii uu ciyaaray wiilkii sayid cali ee ahaa in uu mucaawiye utanaasulay asaga oo ilaalinaayo midnimada kana fogaahaayo dhiiga islaamka iyo fitnada taasoo lo ogaa in ilaah islaamkii kubarakeeyay oo diintiina kufaaftay maadaama islaamkii dhinac kasoo wada jeestay maanta waxa muuqdo oodad isigu dhaw haba kala barnaamij duwanaadaanee waa adinka iyo mujaahidiinta alshabaab marka in ayagii sii kala firxadaan hasababina biri waxay noqotaba maanta waxaa lagu badbaadin karaa in aad kasamirtaan shilimaadka aad alshabaab kuladhagantihiin si ilaahdartiis hadii taas idiin muuqanweyso oo indhihiinu shilimaadka kuqancaan waxaad noqoteen cabdu diiraan wataciba cabdu diinaar
    wabilaahi toqfiiq

  19. Muslim says:

    Ninka Leh Reer Raskambooni Baan Kismaayo Ka Difaaci waxaana u arkaa in ay Diin Tahay waxaan waydiinayaa Goormaad Diinta Soo Gasahay? Yaase Towxiidka luu Laqinay? ama kuu Saxay Adigoon X & H kala Aqoon?
    Yaa tawxiidka ku baray? Yaa Jihaadka Kuu Sheegay? Yaa ku Baray Xalaasha & Xaaranta
    Waynu is Naqaanaaye Kamsuma Tel Haka soo Dirine Magaalada Imow oo Adigu Xabadda Rid , Maxaad Wiilasha u Caraabin, Anigu Diin uma arko in Lagula Dagaalo waxaase Ballan qaadayaa Haddaad Gacan qaado inaan Labada Kaagooyaa

    Sidaa ayay Inoo Tahay

  20. cabdi yare says:

    salaamu calaykum.
    ugu horrayn waxa aan u hanbalyaynayaa Soomaali mirror sida ay beryahan danbe u joogteeyeen in ay cidda hadashay wixii ay dhahday soo qoraan,ee aanay soo qorin fahamkeeda,taas oo kor usoo qaadaysa kalsoonida aqristaha warku siduu u jiro raba ee wax uun uu ka helo inuu maqlo aan doonayn..
    Arrinka dagaalka shabaab iyo xisbigu wax uu kaga duwanyahay ma jiro dagaalkii muqdisho ay ku qaadeen alshabaab iyo xisbigu ee ay ku laayeen ama ku dhaawaceen boqllaalka ka tirsanaa maxaakimta ee xufaadda iyo mutadayiniinta ahaa…dhiigaa ay galeena ilaah ka abaal mariyaa waa joogaa qaabkuu doonaba isagaa awoodee..
    waddadii uun baa la hayaa lagu bannaystay dhiiggii mujaahidiintii hore.horena waan ugu qoray halkan in mutadiintu badan doonaan..
    goorma ayaynu tosaynaa?((Bacdamaa Ahlaknaa alxatha Wannasla..)

  21. ahmed says:

    wdaadka yacquup shiekh ma dhihi karee waad aragtaan sidii uu ugu naaxay xoolo dadow,ayuu guduutay marka waa waajib in uu dagaalamo si uu u difaaco shraftiisa xoolo doonka ah

  22. shaakir says:

    MAAMULKA ISLAAMIGA AH EE KISMAAYO WAXA FITNADA KA WADA WAA AXMED MADOOBE…. WAXAAN LEENAYAHAY AXMED MADOOBE FITNADU WEY HURUDAA EE HA KICIN…

    XIZBUL ISLAAM NA WAXAAN LEENAHAY AXMED MADOOBE INTEY GOORI GOOR TAHAY GACANTA QABTA OO HAKU SII DEYNINA HANA KU TAAGEERINA DULMIGA UU KU WADO KISMAAYO.

  23. Muhsin says:

    Ninka iyo nimanka la shaqaysta ee Kismaayo jooga u malayn maayo in ay Shabaabku ku waafaqsanayahy arimihan quracan iyo colaadan sokeeye ee ay hurinayaan, waayo;.

    Shiekh Raage oo ah Afayeenka ururka Shabaab markii u hadalay wuxuu ku hadlay hadal macquul ah oo islaanimo ku dheehantahay, wuxuuna ku baaqay in wixii jira lagu xaliyo wada hadal iyo in tixgalin la siiyo Shiekha aabaha u ah Jihaadka ee Hassan Turki.

    Yaseyeeshee, nimanka Kismaayo jooga ee Shabaabka ah waxaad moodaa in hadalkaa wanaagsan in aysan dheg jalaq usiin. Waxay soo socotaba maantana dagaal la iclmaaiyo.

    Aniga waxay ila tahay in Kaambooni ay Barre Hiiraale danbi ka galeen, waayo nimanka ay uga hiiliyeen ee Shabaab waxaabad moodaa in uu isagu dhaamay.

  24. Xeebta kismaayo says:

    As.c walalayal xaqa ALLAHA nagu hanuuniyo arinta kismayo uu ka wado axmed madobe iyo raga la fikirka ah e doonaya in ay qabyalad magalada ku xukuman waxan leyahay idinma surobeyso damacina ku saleysan qabiilka umadana dhib ha u horsedina. Xizbul-islamna yeysan ku deg degin tagerida rag damac qabiil sita

  25. Abuu Khalid says:

    Dad badan ku haaya Al=shabaab iyo Xisbi Islam waxay galeen balan. Taas bal dib ugu noqda oo caqliga bal ka shaqaysiiya. Markii magaalada la qabtay Xizbi Islam maba jirin oo weli lama abuurin. Axmed Madoobena Hotel Adis ku yaal buu hurdey. Dadka maamulka ku heshiiyey waxay ahaayeen Raaskanbooniyeen/Canoole oo dhinac ah iyo Al-shabaab.

    Qoladdii Raaskanbooni maamulka ugu jirteyna waxay la dhaceen Al-shabaab kala danbeyntooda waana ku biireen. Laakiin weli waxaa la oran koraa heshiiskii waa sidiisii maadaama ragii ay meesha Raaskanbooniyiiintu geysteen ku jiraan maamulka.

    Marka Axmed Madoobe halala taliyo…Ninkastoo qabiil iyo diin isku qasa waxaa u danbeysa makaanka uu maanta taagan yahay Indha Caddee.

  26. mohamed says:

    Kulla fitna cinda Geel buu yiri carabkii…….

    Mushkiladda oodhan waa Qolada maamulka kismayo Ee marba Taargada bedelanaysa, wad aragtan oo xisbul islam nabad iyo wada-hadal bay ku baaqayaane may kuwana sidoo kale nabadda qatan oo wixii khilaf ah wada hadal ku dhamaystan mar haddii aan Mabda’ la isku hayn….. bal isu fiiriya hadalka afhayeenka Kismayo(waakan shabab ku biiree) iyo hadalka Xizbul islam,wuu kala dhadhan wanaagsanyahay…..
    haddii ay dad islam ah yihiin oo ay maslaxad raadis yihiin maxay iskaga Haystaan Magalo yar iyadoo dalkii kale oodhan sugaayo??????????????????????????????

  27. mohamed says:

    ASC

    weligay igama dhaadhicin koryeelid diin Alle ayaa loo dagaalamayaa marka laga reebo wiilal aan talada wax ku laheyn oo u dhintey ama isu qarxiyey oo daacad u ahaa wixii loo sheegay. ragga hogaaminayey ama madaxda u ahna waxa ay rabaan waa xukun iyo maal markii runta loo laabto waana mida maantan la isku qoomey laakiin dadkii u jadbeysnaa una doodi jirey maxay la tahey arintu oo lagaba yaabo maal iyo afba in ay ku taageeraan?

    wa bilaaahi tawfooq.

  28. abu-yaxye. says:

    jazaaka allahu khayran khayral jazaa’a: walaalkeen xasan yacquub..warkiisa waa cadaa munaafaqad waa kamarnaa waana xaq in laga difaaco imaarada islaamiga ah ee kismaayo kajirta qolo kasta oo kusoo duusha magacay rabaan ha wateenee..

    waxaa shaki badan kujirin duulaanka kismaayo lagu soo duulay inuu ahayn mid wax lagu hagaajinayo … ee uu yahay mid maamul dhisan lagu duminayo..

    waxaase haboon in qofkastoo caqli u saaxiib uu iswaydiiyo maxay tahay xaqiiqda dhabta ah ee kadanbaysa duulaankaan kismaayo lagu soo yahay waxay dhagaheenu maqlaan oo kaliya ayadoo kuwa duulaanka ahi ay ku andacoonayaan xarakatul al-shabaabul mujaahidiin balan lagalay ayay kabaxeen…cajiib!!! balanta lagalay maxay ahayd lama sheegin…runtii walaalaha balantii lala galay marna kamay baxin say ahayd ayay u fuliyeen maamulkana waxaa lagu qaybsaday sidii loo dagaal galay qola kastana maamulka qaybteedii ayay kaqaadatay..laaakiin markii ay dad ayagu dana gaaraleh oo meela kale laga soo abaabulay card qabiilna isticmaalaya ay soo baxeen ayay walaalihii maamulka kuwada jiray ay ku dhawaaqeen inay walaalahood al-shabaab lamidoobeen xasuusnoow maamulkaas wuxuu ka koobnaa dhamaan xarakaatka kismaayo jooga raaskanbooni iyo caanoolan ragbaa uga jirayee.alshabaabna way ubadnaayeen maadaama dagaalkii lala galay bare hiiraale ay ubadnaayeen…

    su’aasha kale in la’is waydiiyo ubaahan ayaa ah hadii maamulka kismaayo uu u arkay in xaltahay inay lamidoobaan walaalahood xarakutul mujaahidiinal alshabaab ayna sad bursadeen laakiin magaaladii iyo shacabkii xasilooni nabad iyo kale danbeen ukeenay maduulaanbaa lagu soo qaadayaa?…oo waxaa lakala tuuray wanaagii ay dhiseen mansabaa waynay aawadeed….jawaabtaas hadii ay haa noqoto waxaanu leenahay kanbooniyiin iyo caanoole waxaad tihiin mansab doon ee diin-doon matihiin…

    hadii jawaabtu maya noqotana dagaalka iyo duulaanka aad tihiin joojiya oo shacabka iyo walaalaha hoosha idinka xigsaday u daneeya haku dhibinee..

    jawaab: munaafiqiinta ayagu ku faraxsan isku dhacaas walaalahaas..kuwaas ayaga ah oo qaarkood ay xarakooyin kale matalayaan amaba qabyaaladi ka guuxayso…waxaanu leenahay u dhinta nacaybkiina..insha’allaah saad rabtaan wax uma dhacayaan…xarkatul al-shabaab mujaahiin,mucaskarka kaanbooni,caanoole waa wada walaala isku meel usocda damacana qaar gali karana waa wax illaahay ku abuuray bani’aadamka…kuwa ayagu ka qayrbadanu ayuu illaahay kulaahaa (MINKUM MANYUURIDUL DUNYAA–WAMINKUM MAN YUURIDUL AAKHIRAA)..ILAAHAYNA WAXAA WAYDIISANEEN INUU NAGA QABTA KUWA FITNADA WADA MAGACAYDOONAAN HAWATAANEE..AMIIN..

    XASBUNALLAAHU WANICMAL WAKIILAN..

  29. abu abas says:

    W/S
    SH XASSAN YACQUUB WUXUU YIDHI WAXAAN AAMINSANAHAY INAY WAAJIB TAHAY IN LA difaaco maamulka islaamiga ah ee kismaayo,
    marka hore waxaad aaminsantahay dadka lagulama dagaalamo e waxa xaqqa ah ayaa lagu dagaalamaa,
    marka xigtana sidii shacabka reer muqdisho aad u qixiseen miyaydaan ka damqanayn dadka dhimanaya iyo kuwa qaxaya markuu dagaalku dhaco. waxaad tidhi haddii uu hubka axmad madoobe hub islaam yahay maxay meelaha gaaladu joogaan u tagi waayeen , mafhuumul mucaakasku wuxuu yahay hub gaalo weeyaan,
    durba diintii dabada ma ka dhigtay?

  30. JAMAC YARE says:

    bismilaah asc yaamuslimiin.
    WAR BAL HORTA SHAYDAANKA ISKA NAARA SOOMAALIYEEY. DEG DEGA BADANA ISKA DAAYA.
    HADII LABADAAN QOLO AY DIINTU DHAB KATAHAY,ARINTU WAAFUDUDAHAY. “FA’INTANAAZACTUM FI SHEY’IN FARUDUUHU ILALAAHI WARASUULI”. DADKU WAA BASHAR WAA OO MALAAIG MA’AHAN. MARKA LABADA DHINACBA KHALAD WAA KA IMANKARAA. LAKIIN HADII AAD QIIMAYSID SIDA AY HADA XAALKA U WADA DHIGAYAAN WAXAA KA WADA MUUQATA,KHIBRADYARI IYO BISAYLA’AN BAAHSAN.ALOW SAHAL AMUURAHA.

  31. cabdixakiim says:

    waar nimankan shabaab dantoodaa ka wayn diintooda anigu hada ka hor waan taageeri jiray laakiin waxaan ogaaday inay fidno mooyee aanay wax kale wadin maantaase loo yaabaa al shabaab

  32. Qaman Bulxan says:

    Alshabab ha ogaadaan in Raaskambooni aanay ahayn ciidamada sharif ee ay bursadan.

  33. u fiirsade says:

    assalaamu calaykum dhamaan walaalayaal. ANIGA WAXAAN IDIIN WEYDIINAYAA SHEEKH AXMED MADOOBE MUXUU UGU MUUQDAA NIN KELIGIIS SOCDA AAWAY WADAADADII KALE EE WAAWEYNAA SIDA SIDA SH XASAN DAAHIR IYO SH XASAN TURKI. AAWAY MADAXDII XISBUL-ISLAAM. ANIGA XISBUL ISLAAM WAXAAN DHIHI LAHAA SH AXMED MADOOBE QABTA. ANIGA SH AXMED MADOOBE MA AAMINSINI IN BOQOLKIIBA BOQOL LA AAMINI KARO XAALADUHUU SOO MARAY AAWADOOD. ITOOBIYAA QABATAY KADIBNA SI FUDUD AYEY KU SOO DAAYEEN. NIN WUXUU U MUUQDAA ITOOBIYA AY SOO TALLAASHAY.HADALLADII MARKUU IMAANAYEY KISMAAYO UU KA JEEDIYEY MOWQIF BOQOLKIIBA BOQOL UU TAAGEERSAN YAHAY KAMA MUUQANIN. DADBAA U ARKA INUU YAHAY SHARIIFKA JUBOOYINKA.

  34. Fatxun Qariib insha Allah says:

    To: wadaad Yare kan la baxay
    Insha Allaah ma dhacayso allana ma qadaro in mujaahidiintu hubkooda isku foorariyaan waxaase muuqata geed dheer & geed gaabanba inaad u fuuleyshay bunbuuninta & isku dir mujaahidiinta laakiin Ogoow mujaahidiintu inay fahmayaan makriga Calool ka xaasidka iyo kan cadawgooda.

    Allahumma Aslix dtaata baynihim, wa allif bayna quluubihim Yaa samiicu ducaa wayaa mujiibu dacwaat.

  35. xaq u dirir says:

    marka hore dhaman aqyarta wan salamaya ka dib waxan lee yahay musiibo aya ka soo socota meshan waxana keenay warkii culumada oo la diiday 26 culumaa’udin aya fatwa soo sartay warkodi wa la diiday waxana loo bixiyay culuma’u suu marka marki culumada warkoda la diidana musibo aya ka dambaynaysa wa sida hada ino muqata shekhnimadu maha in gar la daysto iyo in khamis la qaato somali hadi anu nahay dad ayan dinta uga dambaynay kuwi warkoda aya la diiday marka bal ciribteda an eegno meshay ku dambayso

  36. farah says:

    Diinta aad dadka ugu yeeraysaan horta adinka ku dhaqma. aayat baa leh WACTASIMUU BIXABLILAAHI JAMIICAN WALAA TAFARAQUU? SADAQALLAHUL CADIIM KA DHEH, ee dabadeedna ku dhaqan aayadda.

    Waajib diini ah ma aha in Kismayo la difaaco, ee aayadda kor ku xusan baa waajib diiniya in lagu dhaqmo.

    La tasho Xasan Turki iyo Sheekh xasan Dahir Aways, ugu yeer inay keensadaan rag kale oo magaalada u maamula aan ahayn ninkan qaabka darran ee Axmad madoobe.

  37. farah says:

    Haddad is waashaana, oo aad isku dhacdaan, kulligiinba waxaa xeebta idiin taagan shayaadiintii ragga qaawin jirtay,oo bahdalaysan jirtay, ee ku tashada taas.

    Kulli waa la idin soo qaqaban ee iska dugsada cadawga xeebta fadhiya iyo kuwa somali ee villa somaliya ay dhigteen oo la shaqeeya.

    Ilaahay guul buu idin siiyay, waanad ku
    ballan furteen oo xoog baad isu adeegsanaysaan.
    bal eega munaafiii waddayare ahaa suu u damaashaado.

  38. farah says:

    Sheekh Turki iyo sheekh Aways waa inay baaraan in Axmad madoobe ku dhacay gacanta cadawga oo uu ijaar yahay iyo in kale.

    Waxaa marag ma doonto ah in haddii labada sheekh ay ku dhici lahaayeen gacan cadaw oo markab maraykan iyo jeel xabashi gali lahaayeen
    aysan ka soo baxeen iyagoo bad qaba.

    Madoobe muxuu ku doortay jidkaan qalloocan, ma lacag baa la soo siiyay iyo ballan qaadyo gaaleed?

    Maxaysan caradiisa ugu taagnayn ragga xirtay, oo uu kismayo rageeda ugu arkaa khatarta ugu wayn iyo xaqdarrada ugu xun?.

  39. Cali Guure says:

    Soomaali mirroor

    Maxaad ii af jikteen. Ma runtaad diiddan tihiin? Wataa xabbaddii ay shabaab billaabeen ee wax ha ka heleen?

    Xasan Yacquub inta daba qabiil gashadey uu ku sheegaa Axmed Islaan inuu qabiil yahay.

    Godane ha bari doqno kuwan Kismaayo jooga. haddii kale Arabsiyo iyo Hargeysa ayuu ka sheekaynaa,

    Shabab warqad qabiil bay wataan ee maha warqad diin. Axmed madoobana waa ku fahmay wuunna diiday. Gurigiisa ninna loogu talin maayo. warku waa intasi.

  40. farah says:

    CALI GUURE,

    QABIILKA ADAA WADA, EE AAN KULA QASTEE BAL
    DHAGAYSO.

    KISMAYO HADDII CID SHEEGANAYSO WAA CIDDA LA YIRAA JAREER IYO BAAJUUN.

    INTA KALE WAA KOOYTO SOO KALA HORAYSAY, EE MADOBE
    OGADENYA YAAN LAYGU TALIN HA KU YIRAA XABASHIDA?
    ARABSIYA CADAW SOMALI INAY YIHIIN LAGUMA OGAYNEE DOQON YAHAW.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh. Xasan Yacquub “Khilaafka haddii uu Muuqdo waa miduu Axmed sameeyay”
  2. Afahayeenka Maamulka Kismaayo Sh. Xasan Yacquub oo si kulul uga hadlay Dagaalkii Dhexmaray Xoogaga Islaamiyiinta Jubooyinka iyo Jabhadda ONLF
  3. Xasan Yacquub “Dowladii ay Ummaddan ku taameysay iyada oo aan dhalan Jihaadkaan istaag maayo”
  4. Sh.Axmed Madoobe oo Galabta ka khudbeeyay Beerta Xrriyadda ee Magaalada Kismaayo
  5. Sh Xasan Yacquub oo weerarey soo jeedinta Q.M ee khadka cagaaran

Latest Headlines