s Midowga Yurub oo Qorshaynaya inay DKMG ah u Tababaraan Ciidamo Booliis & kuwo Nabad Sugid.

Published on September 30, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Qafiyeer Solana U qaabilsanaha Midowga Yurub Arimaha Siyaasadda Dibada ayaa sheegay in Wasiiradda Gaashaandhiga Midowga Yurub ay isla garteen Talaadadii Shalay inay Maalgalinayaa Qorshaha lagu Tababarayo Ciidamada Nabad Sugidda DKMG ah kaas oo ka dhacaya Dalka Dibadiisa.

Solana ayaa u sheegay Wariyayaasha ka dib markii uu soo Idlaaday Kulan ay wada Qaateen Wasiiradda Gaashaandhiga Midowga Yurub oo ka dhacay Magaalada Gothenburg ee Wadanka Swedan in la soo jeediyay in Tababarka la siiyo Booliiska DKMG ah iyo Qeyb ka mid ah Ciidanka Nabad Sugida isla markaana lagu qabto Dalka Djibouiti oo ay joogaan Ciidamada Faransiis ah oo tababar hada ka hor u sameeyay Ciidamo ka tirsan DKMG ah.

Qafiyeer Waxa uu sidoo kale sheegay inay suurtagal tahay in tababarkaasi lagu qabto Wadanka Uganda.

Solana wuxuu yiri “Guud ahaan, waa Fikrad Mudan in la Qaato, laakiin wali maana dhex galin arimaheeda” wuxuuna cadeeyay in Fikradaasi ay Hogaamiyayaasha Midowga Yurub uga wada hadli doonaan Shirka Bisha November inagu soo fool leh dhici doona.

Ujeedka Tababarkan ayuu ku sheegay Mas’uul ka tirsan Midowga Yurub mid lagu dhisayo Ciidankii Nabad Sugidda Soomaaliya sidoo kalana lagu yaglelo Awood Ciidan Booliis oo gaareysa 10 Kun iyo 5 kun oo Amni ah.

Qafiyeer Solana wuxuu kaloo yiri“Suuro gal inooma aha inaan anaga kaliya xalino Mushkiladda, Midowga Yurub si dhab ah ayuu ula socdaa Xaaladda Amaan, Dowladaha kale iyo Maraykankuba waa inay ka qeyb qaataan arinta”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Midowga Yurub oo Tababarayaal Ciidan DKMG ah u soo diraya
  2. Midowga Yurub oo Dhaleeceeyay Weerarkii Ciidamada AMISOM lala beegsadey.
  3. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda
  4. Midowga Yurub oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  5. Midowga Yurub oo DKMG ah ugu balan qaaday 60 Milayn oo Yuuro

Readers Comments (1)

  1. Khawla says:

    iimaanka iyo arzaaqda alle kaa qaad.gaal nin naf ka doonay faaiido malahan .umada soomaliyeed uu u golaaday inay gaalo xasuuqdo ilahay haka qabto khaa,inul wadanyadaan dhiigyo cabka wada ah. aameen




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Midowga Yurub oo Tababarayaal Ciidan DKMG ah u soo diraya
  2. Midowga Yurub oo Dhaleeceeyay Weerarkii Ciidamada AMISOM lala beegsadey.
  3. Midowga Yurub oo isku raacay la Dagaalanka Burcad Badeeda
  4. Midowga Yurub oo Canbaareeyay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM
  5. Midowga Yurub oo DKMG ah ugu balan qaaday 60 Milayn oo Yuuro

Latest Headlines