Daahir Maxamuud Geele oo Arimaha Warfaafinta DKMG ah ugu qaabilsan oo Maanta Saxaafada Shir Jaraa’id ugu qabtey Xafiiska Cumar C/rashiid ayaa sheegay inay ka ticsiyadeynayaan Duqeyntii ciidamada AMISOM geysteen ee dadka badan ku dhinteen ee ka dhacdey Suuqa Bakaaraha, waxa uuna ka yiri:“DKMG ah way ka ticsiyeyneysaa aad iyo aadna way uga xun tahey cudur daarna way ka bixineysaa dhibaatadii meeshaa ka dhacdey, dadaalna way ka sameysay dhibaatadaa oo kale dib inaaney u dhicin”.
Waxa uu sidoo kale sheegay arintaa markii uu soo gaarey inay dadaal deg deg ah u galeen wax ka ogaanshihiisa kulamana la qaateen hogaanka sare ee Ciidamada AMISOM ugu baaqeen in la baarido “Ra’isul Wasaaruhu iyo Golaha Wasiiradu waxay bilaabeen dadaal deg deg ah in laga sameeyo arintaa markuu dhacey oo soo gaarey kulan waxa uu la yeeshay Hogaanka ciidamada AMISOM waxa uuna ka dalbadey ugu horeyn baaritaan in lagu sameeyo khaladkaas sida uu ku dhacey, dadka aan waxba galabsan ee wax mooga ahaa ee dhibku ku habsadey iyaga jawaab ayaa laga sugayaa, sidoo kale Ra’isul wasaaruhu waxa uu soo jeediyay in arimahan oo kale aad iyo aad looga feejignaado ayna dhicin arimahaas oo kale inay soo laabtaan oo dadka shibilka aan dhibaato loo geysan si kasta oo culeys u jiro cudur daarna waa uu ka bixiyay”.
Waxa uu sidoo kale sheegay in arinkaasi aanu aheyn mid DKMG ah ay raali ka tahey kana soo horjeedo, sida uu hadalka u dhigey.
Maaha markii ugu horeysya oo Mas’uuliyiinta DKMG ah raali gelin ka bixiyaan dhibaato ciidamada shisheeye ee AMISOM u geysteen shacabka, halkeedana ayna ku eekaan balse sii socoto dhibaatadu, Codka Shacabka ee ah in laga saaro ciidamada Shisheeyana ee dhibaatada ku haya aanan waxba laga soo qaadin.

Related posts:
AWW. cudur daarkan muxuu ka bedelaayaa dhibaatada ay dad weynahaa ay mar walba kala kulmaayaan amisoom ?dawlada shariifyo maxey dhaantaa tii cabdulahi yusuf ?mise iydaaba ka shar badan oo diinta ku so gabatey , badana ka iibsadey kenya?AWW
haddii hadalku daacad ka yahay ha bixiyeen khasaaraha naf iyo maalba leh. dibna ha u balan qaadeen in ay sharciga horgeynayaan haddii amisom ku kacaan falkan oo kale
Saqaajaanbaad tahay raaaligelintaadu waxay macquul ahaan lahayd adigoo kasoo baxa xeryaha gaalada ee aad ku jirto, oo aad ilaahay u tobadakeebto oo aad ku tidhaadidi Amison naga baxay magtii dadkaad layseena keena
YAA LAHAA MIN TACZIYATIN!!!!!
UMADAN SOOMAALIYEED ALLAHII ISLAAMKADHIGAY AYAA MAHAD USUGNAATAY OO QADARTA UU JAANGOOYAY RAALI UGA DHIGAY FILILAAHIL XAMDU AWALAN WA’AAKHIRAN.WAXEYNA UMADAN MUSLIMKA AH OGYIHIIN INUUSAN RABIGOODA DAYICIDOONIN GAFAFKAN WAAWEYN EE AY KAGALAYAAN SHARIIF IYO SHAYAADIINTIISA (QAMARJISOM) MAALINNA UU ALLA UGU RAAXEYN DOONO INDHAHOODA IYAGOO DULLEYSANOO DUFKUBAXAY,MAALIN EY NADAAMO WAXBA UTAREYNIN-NA EY FARAHA ISKA QANIINI DOONAAN. IDINKA ALLAH.
MAXISHOODAYAASHAN, ORANAYA WAANKA TACSIYADEYNEYNAA WAXAAN LEEYAHAY AMA TACSIYADEEYA AMA HATACSIYADEYNINA BUUGIINA WUXUU LABUUXSAMAY, DIIN LA’AAN, DHIIG LA’AAN , DAMIIR LA’AAN!!!!! WAXAAN ALLAH IDIINKAGA BARYEYNAA INUU IDIIN SOO DADAJIYO CIQAABTA AAD KAMUDAN TIHIIN EE LEYDIIN KAGA AAR GUDAYO UMADAN MADIXIINA ULA’ANAYA.
SANBAGAF SHIIRBADANOO SHEYDHAAN KURARAN YAHAY, SHIRKUU RABO KURUSHEEYA SHARAARTA AGTIISA TAALA,
SHAR IDIIN MA HARIN SHARIIFOW,
SHIB WAX KUGU SIIYOO SHUBAN KAAGA BILOWDO.
SHAKUURAAN ALLAAN USHEEGANAY SHAHAADADAAS!!!
kuwa dowlada sheega kuwa alshabaab isku sheega kuwa xisbul Islaam isku sheega etc…kuligood wax umada soomaaliyeed kanaxaayo majirto, shacabka soomaalida badankood ayagana dhibka loo geesanaayo maalin welba qeeyb weeyn ayeey kuleeyihiin laftirkooda ;
. Dowlada kuwa sheegata waxeey raali kayihiin in amisom masaakiinta madaafiic ku garaacdo markastoo xabad lagu soo rida, hal maalin sheekh shariif ama c/rashiid hosbitaalada dadka guryahooda laga barakiciye eg ceelasha biyaha jooga ayagoo utagaayo lama arag, gargaar umafdin magacodane maalinkasta aduunka lacag uga cunaan hotelana kujiiftaan.
. Alshabaab kuwa sheegata wixi ayaga kasoo haray waa murtadiin iwm dhiiga dadka daadintiisa ayuuna dhiigooda kushaqeeyaa.
.Xisbu islaam kuwa sheegat meel eey ujeedaan maba yaqaanaan dagaal iskawad ayeey uun uga dhegtay fikirkoodana sifiican uma cadda.
.Shacabakana, maalinkasta korkooda lagu dagaalama 20sano kudhawaad ayeey mareeysa waxaa laga rabay ama laga rabaa ineey nimankaan dhiigooda baneeyste iska celshaan! maalinwalba cawaad wax mataraayo waa ineey degma degma isku abaabulaan kaxoreeyaan dadka nabada udiidan eeyna midoobaan, nimanka dagaalamaayo cirka kama imaanin wax ladhalay laladheshay qaraabo ah waaye kuligood guri uunbee kayimaadeen waa in shacabka iska qabtaan oo ehelnimo iyo qabiilnimo lagu taageerin.
GABAY DARWIISH SAYID MAXAMED AYA AHA
HADAA TIDHI ANAA WADA QUDH JARAY QAAFADII LETAY DIB HAW QOOMAMAYN ABID WAXAD QIRATAY WAA HOOGE KHAAINULWADAN DHIIGA DADKISA KU MACAASHA AYA TAHAY ADIGA IYO JAALAYASHADA BILA DAMIIRKA AHIBA WAXANA HUBA INAA GUUL DARAYSANAYSA IDINKA ALLAH OO AAD AAKHIRANA HALAAGMAYSAN SIDA AAN ILAHAY KA RAJAYNAYNO DADKAYGA DHINTAY WA SHUHADO IALAHAY AYAAN UGUA BARYAYNA INU UGU BEDELO NOLOSHODI ADUUNKA MID KA WACAN OO AKHIRO
doofaar ma daahiro.ma haduu biloowday xasuuqa umada soomaliyeed loo geytay. mise hada america baa awoodi weysay inay ku hayso ciidanka amisom qarashkii ku bixi lahaa?maxay tahay sababta ay uga hadli waayeen xasuqyada ay geystaan gaalo madoow iyo mooryaantii waa isla iyagii e.mala yaabaa inaad ku uur jilicsataan shicibka aad xoriyada ka qaadeen hadalkaas maanta idinka soo yeeray. mida kale ee shakiga weyn iga gelineysa odoyaasha dhaqanka hawiye aa ah. ma aysan ka hadli jirin xasuuqyadii lasoo dhaafay sida dayniile iwm .maxaa hada ka hadalsiiyay hadii aysan iska war qabin iyaga iyo dowlad ku sheega. ma CIA baa usoo wada dhiibtay inay wargeysyada isku waqti ka wada hadlaan dhaleeceeyaana “walaalahood amisom”war meesha caruur ma joogaanee umada ka hor leexda iyo mujahideenta afkiina aman halaga helo.
RAALI GALIN KA BIXISAY!!.
Waa maxay hadalka noocaas ah?
Ma canug dhagax soo tuuray bay ka raali bixinayaan?
Alla shacabka somaliyeed sabar badanaa; war heedhaha, iska dulqaada duliga baas.
Ilahow dulee gaalo iyo gaalo raacyo weliba meelwalba lataagan cuna qabataynta hubka halaga qaado dee hubka la doonayo in shacabka lagu gumaado weeye intuu gaalo daba ordayo shacabka gaalada ayaa kag sharafmudan waayo marka gaalo wax layeelo meelkasta hakujiree wuu qaylinayaa macaal wuu ku wareegaa meelaha lagulaayo gaalada. dhiiga masaakiinta iyo mujaahidku waa isku mid waxaan leeyahay gaalo dan iniima hayso meel ayjoogtabadee ilaahay lakaashada oo mujaahidiinta isgarab istaaga sida aad ula dirirteen ethopa uladiriira markaas ilaahay inii naxariisanayaaye
a s c cudurdaarka waxaa ka fiicnaa iyagoo u hambalyeye sidii caadada u ahayad hadii ay run sheegayaan may dalka ka saaraan