DKMG ah oo isaga Huleeshay Baladweyne.

Published on September 30, 2009 by   ·   3 Comments   ·   print

Ciidamada DKMG ah ayaa Xalay Saqdii dhexe Isaga Baxay Magaaladda Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo aysan wax Iska hor’imaad ahi ka dhicin ka dib markii ay labadii Maalin ee u danbeysay ay ku sugnaayeen.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidamadaasi ay u dhaqaaqeen dhinaca Deegaanka “Ceel-gaal” oo ku taala Waqooyi Magaalada Baladweyne oo ay Markii horeba ka soo duulaan tageen.

Isla ilahaas ayaa sheegay inay arkayeen Ciidamada DKMG ah oo Gaadiidkooda kala baxaya Magaalada Qaarkoodna ay lugaynayeen.

Lama garanayo Ujeedka rasmiga ah ee ka danbeeya Bixitaankaasi, balse waxay Warar qaar ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo ka tirsa Ururka Xisbul Islaam isla markaana uu wato C/raxmaan Macoow ay ku soo fool leeyihiin Magaaladda.

Xarunta Maamulka, Saldhiga iyo Buundooyinka ayaa ah kuwa Saaka Haawanaya oo aysan cidna Gacanta ku hayn.

Ma Jirto wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan Isbadalka cusub ee Magaalada Baladweyne.

Shalay ayay ahayd markii Afahayeenka DKMG ah ee Magaalada Balad-weyne Maxamed Nuur Cabdi sheegay inay Baladweyne haystaan ugana sii gudbi doonaan Muqdisho, balse aysan waxba ka soo naaso cadaan“Degmada Balad-weyne Qeybaheeda kala duwan Bari iyo Qoraxsin Goobaha sida Gobolka, Saldhiga, Buundooyinka iyo Janta kundisho inta ay Degmada Baladweyne ka koobanyahay meel aysan Ciidamadeena joogin oo aysan ka talin ma jirto”. Wuxuuna intaa ku sii daray “laamiga inaan Marno oo aan Muqdisho tagno ayaa noo qorshaysan anaga”.

Dhanka kale isla shalay ayuu Sheekh Aadan Sheekh C/salaam oo ka mid ah Saraakiisha Al-Xisbul Islaami sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Magaalada si aysan shacabka wax khasaare ah u soo gaarin, saacadaha soo socdana ay ka saari doonaan Ciidamada DKMG ah oo uu ku tilmaamay kuwo Daalimiin ah “Markii ay Magaalada Dagaal ku soo wajaheen runtii waan fikirnay waxaan is niri si fudud ayaad nimankaasi gacanta ugu dhigaysaane Tartiib Shacabka yaysan wax soo gaarin waan ka baxnay Magaaladii iyada oo aysan Dab ka dhicin oo Makhraati laga yahay anaga oo waliba ka ciidan badnayn oo ka hub badnayn”.

Wuxuu intaa raaciyay “Qeybta Qoraxsin Ciidamo Mujaahidiin ah ayaa Gacanta ku dhigay, Barina Saacadaha oo aan ka badnayn Dhowr Saacadood oo dib inooga danbeysa insha allaahu waa lagu kala bixi doonaa, Shacabkana waa laga qaban doonaa nimankan daalimiinta ah”.

Xaaladda Magaalada Baladweyne ayaa ah xiligani mid Degan oo aysan ka jirin wax Shaqooqo ah.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Xisbul Islaam & DKMG ah oo siyaabo kala duwan uga hadlay Gacan ku haynta Baladweyne
  2. Ciidamada MMIS oo isaga guuray Baladweyne
  3. DKMG oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  4. Faah Faahin:-Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Mag. Baladweyne
  5. Ciidamada DKMG ah oo 2 Qof ku Dhaawacay Baladweyne

Readers Comments (3)

  1. caloofi says:

    alaahu akbar Rucbi ayaa ku dhacay, Mujaahidiinta shacabka ayay u naxayaan kuwaas Mooryaanta ah shalay magaalada Xabad bay kusoo galeen.
    walle kala fiican Mooryanta iyo Mujaahidiinta alle

  2. siciid ahmed says:

    talo waxaan kula talin lahaa mujaahidiinta in ay midoobaan kana fogaadaan waxkasta oo keeni kara isku dhac taas oo hoos u dhigi karta taageerada shacabka soomaaliyeed ee islaamka ah tan beled weyne iyadu ku sas ma laha in maalinba qolo ka baxdo ee kismaayo hala dejo

  3. farah says:

    Waan ku raacsanahay saciid qawlkiisa.

    Balladweyne waa magaalada ugu istiraatijiyad wayn gayiga somalida, oo isku xirta dalkoo dhan, dalkana ku xirta itoobiya.

    Marna cadawga si sahlan ku sii dayn maayo ee kismayo dajiya.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Xisbul Islaam & DKMG ah oo siyaabo kala duwan uga hadlay Gacan ku haynta Baladweyne
  2. Ciidamada MMIS oo isaga guuray Baladweyne
  3. DKMG oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  4. Faah Faahin:-Ciidamada Gumeysiga oo isaga guuray Mag. Baladweyne
  5. Ciidamada DKMG ah oo 2 Qof ku Dhaawacay Baladweyne

Latest Headlines