Dagaalka Lacagaha Aduunka Maxaad Kala Socotaa??
By Somalimirror on 30 Sep, 2009 5:08 PM in Dhaqaalaha, Maqaallo
Waxaa mar walba soo rumoobaysa in nidaamka dhaqaale ee reer galbeedka aay hagto gacan qarsoon (The invisible Hand). Aragtidaan waxaa aabe u ahaa oo alifey dhaqaale yahankii reer Egland Adam Smith..
Buug Magaciisa la yiraahdo “The Currency War” oo uu qorey Song Hongbing oo ah aqoonyahan Shiineys ah wax ku bartay mudo dheerna kasoo shaqeeyay Shirkadaha lacagaha iyo Maaliyada ee Maraykanka ilaa uu ka noqday khabiir ka faallooda ayaa waxuu noqday mid buuq iyo xiiso baaxad leh ka abuurey xayndaabyada lagu falan-qeeyo dhaqaalaha iyo maaliyadaha aduunka. Buugaan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha dadka wax akhriya ee Shiinaha gaar ahaan dabaqada hogaamisa siyaasada iyo hantiileyda dalkaas.
Qoraaga Buugaas Song Hongbing ayaa si qoto dheer ugu doodey inay jirto khiyaamo reer galbeedku guud ahaan gaar ahaan Maraykanku la maagan yahay sidii jilbaha dhulka loogu dhufan lahaa dhaqaalaha soo hanaqaadaya ee Shiinaha. islamarkaana loo xakamayn lahaa cudduda dhaqaale iyo falsafada horumar ee Shiinahu lasoo banbaxay sanooyinkii tegay laguna suuq-geeyay hal-hayska ah (Beijing Consensus) taasoo u sahlaysa inuu dalka Shiinuhu noqdo quwad caalami ah oo yeerisa siyaasadaha Dunida lagu maamulayo.
Qoraagu waxuu aaminsanahay in wadada loo marayo kufinta maroodiga dhaqaale ee Shiinuhu aay tahay wax isdhaafin laga sameeyo isbedelada lacagaha iyo ka ganacsiga saamiyada maaliyadaha.
Buugaan oo dabcadii u horeysay aay soo baxday 2007 hase yeeshee waxuu si fiican u gadmay suuqyadana qabsaday daabacaadiisii labaad ee 2009. Sirta Caan baxa buugani waxaa sabab u ah inay run noqotay saadaal uu sameeyay xiligaas 2007 in Dalka Maraykanka sanadka 2008 aay ku habsan doonto khaakhuul maaliyadeed oo saameeya suuqyada maaliyadeed ee dalkaasi.
Buugaani“ The Currency War” “Dagaalka Lacagaha” waxuu noqday mid si macquul ah aay usoo dhaweeyeen Dadka Shiinaha iyagoo si mug leh u liqey sheekada dhagarta lala maagan yahay dhaqaalaha Shiinaha. Waxuu ku booriyey go,aan gaarayaasha dhaqaalaha Shiinahu inay indha-furan kula socdaan siyaasadaha lacagta iyo hagardaamooyinka hoose ee la isku mariyo. Isagoo tilmaamay inay u diyaar garoobaan wax uu ku tilmaamay dagaal aan dhiig-ku daadan(bloodless War).
Qoraaga buugaani waxuu si weyn ugu dheeranayaa faalooyin taariikhi ah oo uu ku sugayo in dhaqaalaha reer galbeedka aay u taliyaan koox bangiley ah oo iska leh bankiyada private-ka ah ee waawayn kuwaas oo si dadban u maamula Bankiyada dhexe ee waawayn islamarkaana iyagu ah kuwa maamula dhaqaalaha. Heyada maaliyadeed ee Bangileydaasi jaraha u miiqeen oo aay la wareegeen taladooda waxaa ugu weyn uguna saamayn culus Bankiga Dhexe ee Maraykanka(Federal Reserve Bank).
Waxuu qoraagu si gaar ah u iftiiminayaa doorka mugdiga badani ku jiro ee qoysaska iska leh Bangiyada gaarka loo leeyahay gaar ahaan Qoyska Rothschild’s-ka ee Yuhuuda ah.Bangileydaan gaamurtey ayuu qoraagu ku eedeynayaa inay dhaqaalaha aduunka aay sidey doonaan u dhigaan waana raggaan kuwa uu ka digayo inay ku khamaaraan mustaqbalka dhaqaale ee Shiiinaha.
Buugaani waxuu dib u xusuusinayaa dhaqaalayda Aasiya burburkii duufaantii dhaqaale burbur ee sida lama filaanka ah ugu habsatey Wadamada Koonfur-Aasiya(Thailand, Indonesia, Singapore, South Koreia, Philippine ,Brunei ,Hong Kong ,Malaysia iwm). oo xiligaas ku jirey koboc dhaqaale oo ka yaabiyey Dunida Hodanka ah kaasoo xanuunkiisa weli wadamada qaarkood Sida Indonesia aay kasoo kaban la,ayihiin. Halka kuwa kalena uu kaga tegay saamayn dheer Sida Thailand.
Duufaantaas waxaa la aaminsan yahay inay ka shaqaysatay gacantii qarsoonayd ee dhaqaalaha reer galbeedka maamuli jirtay(The invisible Hand).
Buuggaan oo warbaahinta reer galbeedku aay canbaareeyeen una arkeen inuu ka tarjumayo buufis siyaasadeed oo haysta Shiinaha oo ka baqayaan qaabkii aay ula falgali lahaayeen dhaqaalaha caalamiga ah uguna furi lahaayeen Suuqyadooda Maaliyadeed Maalgashi Caalami ah.
Buugu ma dhiirigalinayo Shiinahu inay sameeyeen falcelis u muuqda is-qaawin siyaasadeed oo aay kaga hortagaan cabsiyahaas waxuuse riixayaa in la xirfadeeyo oo si hoose loo daraaseeyo jalaafooyinka illi-ma qabatida ah ee la isku adeegsanayo.
Xirfadaha illi-ma qabatida ah ee shakiga badan ka muuqdo una eg kuwo la isku wanjalayo waxaa kamid ah gulufka reer galbeedku waayadaan shaqada ka dhigteen ee illaalinta deegaanka iyo heshiisyada caalamiga ah ee sida xawliga leh loo riixayo in lagu saxiixo.
Arintaan waxaa dowlado badan oo Shiinahu ka mid yahay u arkaan mid khiyaamo hulaaban. waayo reer galbeedku markii aay gaareen horumar warshadeed oo aad uga horeysa dunida inteeda kale waxii aay hawo wasakhayn kareena aay wasakheeyeen ayay iminka waxaay doonayaan dowladaha soo kobcaya ee doonaya inay galaan xayndaabka horumarka warshadaynta in lagu dabro balamo iyo heshiisyo caalami ah oo ku aadan illaalinta degaanka!!.
Si kastaba ha ahaatee waxaa buugaani uu daah-furayaa in dhaqaalaha aduunku uu noqday meelaha ugu khatarsan ee awoodii caalamku iskugu tagtay islamarkaana dagaalka runta ahi maanta uu yahay cudduda dhaqaale. Waxaana markhaati ma doonto ah in dagaalo badan oo maanta dunida meelo badan ka holcaya kuwaasoo la huwinayo shaatiyo Diimeed ama Siyaasadeed nuxurkoodu uu yahay lagdan loogu jiro kheyraadka iyo fursadaha dhaqaale.
W.Q.Siciid Xuseen Ciid.
Gudoomiye Kuxigeenka Rugta Ganacsiga Puntland.
Aragtida Qoraalkan waxaa leh Qoraaga ku saxiixan.
Daabaco


As Cal War
Walaal Somalimirror aad bey u mahadsanyihiin sida wacan ee aay bulshada dhanka kasta ugu wacyi galiyaan oo indhaha u fura umada Muslimka kuna baraarujiya khiyaamooyinka dadkaa meesha ku xusan Umadaha ALLE ku lug gooynayaa.
Aad buu u mahadsanyahay qoraaga RABBI haka abaal mariyo qeybtaa uu Ummada Muslimka uu ugu aadan yahay waxaana leeyahay sidaa u wada Albaab baad inoogu aadan tahay ee inaga xiji Albaabkaada niyadana ha ilaawin ileen Camalka waa niyada ee si aad Ajir badan u heshid.
Jabril | Oct 1, 2009 | Reply
maanta (24/10/2009) bangiyada maraykankee falisay waxay marayaan 106 bangi oo awelba XAARAAN iyo RIBO iyo DHIIGA muslinku ka buuxay iyo BATROOLkoodu. dagaalkana way ku jabayaan iyagiyo labada shariif..
Hadaanu gaal is-dhiibayn
waa inuu dhamaadaa!!
buuya naakh | Oct 24, 2009 | Reply
aad baan ugu mahadcelinayaa somalimirror. waxaan sidoo kale mahad taas la mid ah u celinayaa qoraaga maqaalkan. waxaan kuu rajaynayaa in ilaah kaa abaalmariyo waxtarkaaga wanaagsan. run baad ka hadashay, waadna noo faa’idaysay
oday bari | Feb 4, 2010 | Reply