Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ayaa si kulul u Canbaareysay Xasuuqii Arxan daradda ahaa ee ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Weyn ee Bakaaraha Qeybta Dahablaha oo ah goob ay ku Badanyihiin Dumarka ka ganacsada Dahabka.
Wakiilka Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Duqeyntii ay AMISOM ka geysteen Bakaaraha ay ku xasuuqeen Dad Maati ah, wuxuuna yiri “Duqeyntii ka dhacday Suuqa Bakaaraha Gaar ahaan Qeybta Dahablaha, oo lagu xasuuqay Dad Maati ah oo Soomaaliyeed oo Muslimiin ah, Islaamo iska Ganacsanaya oo Howlahoodii Iska watoo, Halkaasi uu ku Xasuuqay Cadowga”
Sheekh Cali ayaa sheegay inaysan Xal kale lahayn AMISOM aan ka ahayn in loola dagaalamo sida ay inoola Dagaalamayaan, haddii kale ay imaandoonaan Suuqyada, Guryaha iyo Masaajidda“Cadowga inaan la dagaalano sida ay iyaguba inoola Dagaalamayaan, waa arin Alle inagu Waajibiyay, sidoo kale Hadaanan Cadowga la dagaalanin oo aan iska fariisano nama dhaafayaan, Guryahay noogu imaanayaan, Suuqey noogu Imaanayaan, Masaajidkay inoogu Imaanayaan, waa inaan marka Cadowga la Dagaalano iska Erino xoog iyo Caqli iyo Xeelad waxaan heli karno iskugu geyno, si Cadowgaas isaga dul-qaadno”.
Suuqa Bakaaraha ayuu Sheekh Cali ku sheegay Meel Dad Shacab ahi joogaan oo iska Ganacsado “Waxaan Ognahay in Suuqa Bakaaraha Meel Dad Shacab ahi joogaan oo iska Ganacsado oo Islaamo Waayeel ah oo Hooyooyin ah, waxay galabsadeen jirin iska fadhiyo oo iska ganacsanayo ayuu meesha ku xasuuqey(AMISOM) Cid ay dhaafayaan, Cid ay u turayaan iyo Cid ay u Naxariisanayaan inaysan jirin ayaga iyo kuwa Dibada ka soo dirayba”.
Waxa uu isweydiiyay waxa loogu Baroordiiqayo Ciidamada AMISOM marka wax la gaarsiiyo, Shacabka Soomaaliyeedna looma Ooyaanka ka dhigay“Waxaan ognahay markii iyaga lagu sameeyo wixii lagu sameeyay oo ay Dhowr Meesha Uga Bakhtisay, waxa Aduunyo Qeylisay oo Buuq sawaxan ka yeeray waad Maqlayseen Maalintii Dhaweyd ee loo baroordiiqayay gaalada Meel ay joogtaba way Cabaadaysay, laakiin Hooyooyinka Soomaaliyeed marka la laayo oo Dhiigooda meesha ku baxo Cid ka hadlaysa iyo Cid u Barooraneysa iyo Cid Hadalkooda soo qaadaysa ma jiro”.
Ugu Danbeyntii Sheekh Cali wuxuu DKMG ah ku eedeeyay inay ku Andacoonayaan in Meelaha la duqeynayo Hoobiye laga soo riday, wuxuuna arintaasi ku tilmaamay mid Muujinaysa Cadowtinimada ay u qabaan Dhiiga Soomaaliyeed “Qoladaan Ridada ah ee Sheegtay Dowlad Soomaaliyeedna waad arkayseen inay ku andacoonayeen Meesha Hoobiyaa laga soo riday Madfac ayaa laga soo riday, taasina waxay ku tusinaysaa Cadowtinimada Nimankaan ay u qabaan Dhiiga Soomaaliyeed sidii Hamuunta ugu qabaan iyo Sida u rabaan in Dadka Masaakiinta ah ee Shacabka ah ee Muslimiinta Soomaaliyeed laayaan”.
Isniintii ayay ahayd markii Ciidamada AMISOM ay Duqeyn Daran oo Darandoori ahi la dhaceen Suuqa Bakaaraha Gaar ahaan Suuqa Dahabka lagu iibiyo, halkaas oo uu sheegay Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaarah Cali dheere inay ku geeriyoodeen in ka badan 30 qof 70 kalana ay ku dhaawacmeen.

Related posts:
allahu akbar sheekh jazaakallahu khayran , sheekh waa sidaa aad sheegtay walaahi hadii lajihaadi waayo ilaahaybaan ku dhaartee cadawgu ina daynmaayo , waa in lagu jihaadaa gaalada iyo murtadiintaba.
Asc waa run Sh.cali hadal kiisa xaqiiqda ayu kahadlay run ahanti majiro cid udamqaneysa ama unaxariisaneysa shacabka masakinta ah ee dhibatada gadhay dowladan kahadleyn caalamkan ka hadleyn waxa kahadlayo majiran lakin galada dhibka gaaro waa wala wada qeylinaya waa loo baroordiiqaya caalamka ayaa aad uga caroonaya xita waxan aragnay in sheekh shariif sheekh axmed uu ku booqdo shacabka somaliyed dhimashadu ay malinle unoqotay dhawacuna isbitalada buux dhafshay xitaa uusan u tacsiyen booqasho iskadaye xita waxa jirta qalab caafimad ee soo dhiibay wadama caalamka qaarkood uguna talagalay hospitada magalada muqdisho ee dhawacyada shacabka yaalan si ay ukalmeysatan walow ayasan qalab ku filan heysan qalabka caalamka ugu deeqayna hospitalada shacabka ay dowlada si xoog ah kula wareegtay qalabkaas shacabka loogu talagalay taasi xaqq miya bina,adanmino kabax waye waxan hadaleyga kuso gabagabeynaya walaheyga mujahidiinta alshabab iyo xizbul islaam shacabka somaliye dad udooda iyo dad udiirnaxo maheystane adinka dad koodi ah udiirnaxa hospitalada ku booqda gaar iyo gacan siiya si aad u hanatan inta harsan mar hadii shabka indin wada racana waad guleysaten tuhunka jirana xaliya islamka dhexdisa ay is diriray dhagaha shacabka wey dhibeysa hishiiya oo midowba cadowgiina iyo cadowga ilahey meel ugasoo wada jeesta
asc wr wb alaha unaxariist0 inti kunaf wayday inti ku dhawacantayne alaha cafiyo cadow kugu soodulay midnimo aya looga hortaga koox kaliya halgan wax sa usiwayn kama qaban karto e waxan leyahay mujahidinta ha midooban is qab qabsiga dhaxdoodane ha iska dayaan wa bilahi towfiq
WAXA MEESHA LASUGU KEENAY WAX MUJAAHIDIIN AH MAKU JIRAAN EE EEBE HA KABAQAAN
waxaan ayaantaan aqrinayey buug aad soo qorteen oo aad u bixiseen ambaqaad waxaan filaayey in wax walba siday yihiin rag u qora aad tihiin lakin waxaa maanta iisoo baxday inaad wax badan oo run ah xadaftaan marka halkaas ayaan ku joojin maadaama aanan waxba ka faaiideeyn oo akhbaarihii aan islahaa wad ka helin aad qaar xadfaysaan