Al-shabaab oo Maamul Islaami ah G/Jubooyinka u Magacaabay

Published on September 30, 2009 by   ·   33 Comments   ·   print

Xarakatu Shababul Mujaahidiin ayaa uga dhawaaqey Gobolka Jubooyinka, Maamul Islaami ah oo hoos tagaya, waxaana magacaabista Maamulkan iclaamiyay Afhayeenka Xarakada, Sh Cali Maxamuud Raage.

 

Afhayeenka oo Shir jaraa’is Saxaafada u qabtey ayaa sheegay inay Gobolada Jubooyinka u magacaabeen Maamul Islaami ah oo hoos taga Xarakatu Shababul Mujaahidiin.

 

Ujeedka Maamulkan loo magacaabey ayuu ku sheegay Sh Cali Maxamuud inuu yahey sidii loo dhameyn lahaa khilaafka, tafaraaruqa iyo kala shaqeyntii ka dhex jirey.

 

Intaa ka dib waxa uu akhriyay Magacyada Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Jubooyinka kuwaas oo kala ah sidatan:-

 

1-     Waaliga Walaalayada Islaamiga ee Jubooyinka :-Sheekh Abuu Bakar Al Saylici

 

2-     Kuxigeenka W/Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Sheekh Xuseen Cabdi Geedi

 

3-     Taliyaha Xisbada Guud ee Walaayada Jubooyinka:-Sheekh Aadan Salaad C/raxmaan.

 

4-     Taliye Ku Xigeenka Xisbada Walalayada jubooyinka:-Sheekh Ciise Sheekh Max’uud.

 

5-     Masuulka Dacwada Walaayada gobolada Jubooyinka:-Sheekh C/raxmaan M.Nuur

 

6-     Ku xigeenka Masuulka Dacwada Jubooyinka:- Sheekh c/naasir Yuusuf Cabdule

 

7-     Masuulka Maaliyadda Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Cabdi Wali aadan Max’ed

 

8-     Ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Jubooyinka:-Yuusuf Saciid Tooxin

 

9-     Masuulka Warfaafinta ee Walaalayada Jubooyinka:-Sheekh Xasan Yacquub Cali

 

10-Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta ee Jubooyinka:-C/Fitaax Ibraahim Cali

 

11-Masuulka Hormarinta Walaayada Jubooyinka:- Sheekh Farxaan Daahir Warsame

 

12-Ku xigeenka Masuulka Hormarinta Jubooyinka:-Sheekh C/raxiin Cali Muudeey

 

13-Masuulka diiwaanka Sakada ee gobolada Jubooyinka:-Sheekh Fu’aad Sheekh Axmed.

 

Sidoo kale Sh Cali waxa uu sheegay in Magaalada Kismaayo si gaar ah iyana maamul Islaami ah oo kan Jubooyinka ka tirsan loo magacaabey. Waxa uuna bogaadiyay Maamulkii hore oo uu sheegay inuu wax badan soo qabtey. Waxa ayna kala yihiin Xubnaha Maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo:-

 

1-     Gudoomiyaha degmada Kismaayo:-Ugaas Max’ed Ugaas Cabdule

 

2-     Taliyaha Ciidanka Xisbada ee Kismaayo:-Sheekh C/raxmaan Cali Axmed

 

3-     Taliye ku xigeenka Xisbada Kismaayo:-C/raxmaan Wacdi Barre (Carab)

 

4-     Masuulka Dacwada ee Maamulka Kismaayo:-Sheekh Ibraahim C/raxmaan

 

5-     Masuulka Garsoorka degmada Kismaayo;-Sheekh C/raxmaan Xuseen Jarato

 

Ugu danbeyntii Sh Cali Maxamuud Raage, waxa uu sheegay in  Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf Kaba-Jecel oo horay u ahaa ku xigeenka waaliga Magaalada Kismaayo laga dhigey ku xigeenka Waaliga Gobolka Sh/Hoose. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Al-Xisbul Islaam oo Maamul u gaar ah ka sameynaya Jubooyinka
  2. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub ka sameeyay Luuq & Al-Shabaab oo ka hadlay
  3. Maamul Islaami ah oo si wada jir ah Xisbul Islaam & Al-shabaab uga dhiseen Deg. B/Xaawo
  4. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub u Magacaabay Buur-Hakaba.
  5. Maamul Islaami ah oo loo dhisey Magaalada Baydhabo.

Readers Comments (33)

  1. caloofi says:

    masha’laah ilaahow ka dhig mid sii xoojiya Midnimada qabaa’ilada gobalka ilaahow kuwa hadda Qudhunka qabiilka soo celinaya hanuuni oo umadda ka qabo.
    Liiskan waxaa ka muuqdo dad kheyr badan, Xayaka’alaah,C/raxiin Muudeey,yacuub

    iyo akhiyaar kale oo Maxaakimtii goob joog u ahaa Jihaadka masha’alaah

  2. ali says:

    a/s waa musiibo umadaan ku soo korortey , walaahi waa maalin madow , habeen madoow iyo halaag umadaan alle la maagey , waa xalkii ugu danbeeyey ey soomali gashey maanta , marba hadii dadkii salfiyiintii ahaa saas maan ta noqdeeyn oo dhiiga dad ehlu towxiid iyo asxaaabul manhaj saas isugu goodinyaan illaahoow intaad na fidneen laheyd na oofso dhiiga walaalahana kala qabooji ,maxaan caamada u sheegeynaa ma in aan shareeco wadno , walahi laa wa alfu laa a/s

  3. ali says:

    walaahi maanta wey iiga xuntahay subaxaan ku jabney boosaaso iyo garoow wey iiga xuntahay maalintii gedo nalaka soo saarey wey iiga xuntahay maalintii itoobiyaan wadankeenii qabsadey ,tanaasula la,aan is dhex yaac foowdo aniga saxaan , yaa allaah ceeb baan maanta lugaha la galney soomalini maanta ka dib uma sheegi karno alle diintiisii ayaan wadnaa caamana naga yeeli meeyso , soomaliyana wadadii halaaga ayey cagta saaro a/s

  4. X.s.c says:

    Ya salaam raayada alle hala raaco

  5. Yaxye says:

    Allow umada ka qabo kan fitnada wado iskuna diraayo mujahidinta

  6. feeri says:

    asalaamu calaykum .
    waxaan rabaa in ay ugaadaan qof walba uu caqli leh in ayasanba markee hore xizbul islaam iyo alshabaab aysan u soconin diin in ay wax ku dhaqaan laakiin ay rabeen in ay wax maamulaan .
    waxaa arkaysaa in meel ay kuuxe maamushu ay kuuxe kale sheeganayso maamul ayada umadax banaan in uu ka jiro meesha .
    hadee ay markee hore ay guul kuuda uu ahaa in ay wax ku dhaqaan diinta maxaa u deeday in ay isla wada shaqeeyaan .
    maxaa yeelay muusan ahayn guul kuuda in ay wax ku dhaqaan diinta laakiin waxaa ay rabeen in ay dad badan ay laayaan si ay u noqdaan dad wax xakuma .

    digniin:-

    ninkee taageersanaa alshabaab iyo xisbul islaam waxaan u sheegayaa in ay intaan kugu filantahay in aad taageertu labadaas urur(hogaamiye kuuxeedyada) waxa ay u socdeeyn ay ahayd in ay dadka laayaan .

  7. Somali says:

    Waxba isma dhaamaan waxaa cadaatay in ay diin u dirireenin oo jago doon ay yihin qaar badan oo iyaga kamid ah

  8. Sh/Hoose says:

    Waxaan aad iyo aad usoo dhoweyn Walaayada cusub ka curatay Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, waxaan soo dhoweyn dhamaan Mujaahidiinta loo magacaabay xilalka.

    Waxaan aad usoo dhoweyn Waliga Jubbooyinka ee Sheekh Saylici iyo Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf Kaba-Jecel oo laga dhigey ku xigeenka Waaliga Gobolka Sh/Hoose.

    Allaahu Akbar Khawaaja Cadawul Muslimiin!

  9. lasanod says:

    dhalinyarada ka niyad jabsan khilaafka labada garab ee aan ka sugaynay inay xal keenan waxan leyahya niyad ilaah ha inoo hagaajiyo ilahayna inagama dhigo kuwo riyadooda u rumoobiwaydo oo khasaara wa guulaysanayna haday nunahay somalida caadiga ah ee damiir iyo diin ba leh wallalyaal waxani wa cashar socda wana ka faaidaysanayna lakiin wa inan diwaan galina waxi qalad ah intaas aya karaankena ah wa inan xasuusna markasta walaldeni udhintay koraynta diinta allah iyo xornimo kunolaanshah ayah ee somalia soamli mirrorna waxan leyahay dadka afkaartoda waxi an dinta iyo sharciyadina wax udhimaynin soo qora aniga marmar waxan arka qoralo aan so qoro oo la tuuro sababta ma aqano lakiin ilahay ayaan karajaynayna inu ina toosiyo mida xigta qofku isaga oo kamidaha ama la aragti ah koox ayuu dhaliilikara sida darteed wa ian tixgelisaan dhaliisha dhalinayarada somalida

  10. HAGAAG says:

    MAASHAA ALAAH MAXUMA HADII MAAMUL LA MAGACAABEY
    WAXAA FILAYA INA JAGOYINKA AY DHAMAANTEEN NWADA DEEQIN EE QOF UN KUU TALIN LAHAA MAAMULKAA FARAHA HALAGA QAADO WAA MEESHA KALIYA EE SOOMAALI HADA U FAYOW EE HA LAGA LEEXDO DADYAHAY ISHKU XISHOODA.

    XASAN TURKI MAAHA NIN JAGO DOON AH EE WAA XAL DOON WAXAA FILAYAA INUUSAN WAX BA KA QABIN MAGAABISTA

  11. yasin says:

    To: Feeri

    Sxb waxa socdaa maaha waxfiican ee waxaa inala gudboon inaynu dadka muslimka ah uducayno.

    Digniin: waxaan kaaga digayaa inaanad noqon sidii Munaafiqiinta oo markay arkaan in dhibi dhacday odhanaaya waa waxaan idiin sheegaynay, marka wanaag dhacana odhnaaya waanu idinkula jirnaa!

    Wassalaamu Calaykum

  12. cabdi yare says:

    aree fitnadaan waa taa wadeen ee marka sheekh Cagoweyne la dilay asagoo dhiigiisii dhex jiifa aad soo qorayseen Allahu akbar,idinkoo ku faraxsan isaga iyo kuwii la midka ahaaba.haddaba qofkii damiir leh hore ayaa naxdin iyo ilmoba uga dhammayseen..haddii jeelkiinii yaraa ee aad isku xidheen ay idiinku soo gashay,dhadhamiya,xoogna u soo qora Allahu akbar cadaw allaa la gawracay,marka culimada iyo shabaabka saxwada inta hartay la bireeyo.ileyn ilaahay buu khilaafay ciddii rayigiina khilaaftaaye….

  13. Adoon Eebe says:

    xal waa jiraa lamase rabo…kitaabka hadaad run ka sheegeysaan joojiya waxaad wadaan haddii kale kitaabkaa idin qabanaya.waana idin qabanayaa goor ay noqotaba waayo waxaad ka beensheegteen ummaddii idin aaminteyna waa khayaanteen.

  14. u fiirsade says:

    asalaamu calaykum aniga dadka waan la yaabanahay waar Axmed Madoobe ha laga qabto Kismaayo

  15. maxamad ibrahim says:

    bismillaah…..ammaa bacd wallaalayaal maanta waxeyba aheyd in aan faraxno wallaah maadaama jubooyinka oo dhan loosameeyay maamul islaami ah oo kamadaxbanaan qabiil iyo qabqable oo ey usameeyeen mujaahidiinta mukhlisiinta ah oo gaalada meel kagaliweysay,oo xittaa hadey maqlaan magaca al shabaab rucbi iyo murugo kudhacdo illaahbaa mahad leh,
    ammaa qolada hada wada qabyaaladii lagasoo gudbay xiriirkana laleh murtadiinta baarlamaanka murtadiintana sihoose ugu jirtabi idni llaah meelbey maridoonnaan xisbul islaamna wuukabarinoqanayaa ama wuu raacayaa wax udhaxeeyo malahan..
    illaahow quwey mujaahidiinta muqlisiinta kuu ah oo gaalada kakaadkaadiso …aaammiiin

  16. abuu naciima says:

    Ahmed madoobe iyo qabiilka uu wato waa la iska qabanayaa meeshuu indha cadana lamariyaa lamarsiinayaa isaga iyo qabiilka uu kugoodinayo dhibkana xisbul islaam ma wadee waxa wada waa ninkaa ookaliya dadka dhahaayo xiisbul islaam iyo shabaab baa is haysta beenta iska daaya ninkaa dhiilka soo qaatay weeyaan dhibka doonayana inuu iskudiro annagu marnaba aamini mayno ahmed madoobe haduu masuul uyahay xisbul islaam iyo hadii kale xaq waxaan uleenahay ninkaan kashakino inaan kafeejignaano ee ma aha inaan fidna lawado hadeey daacad yihiin xizbul islaam ninkaa way ujeedaan waxuu samaynayo ha iska qabtaan hana kajoojiyaan daalimnimada ay oogu hiilinayaan diina ma ahan in qof loogu hiilliyo dulmi inuu dulmi wadana qofkastaa ujeedo hadaba walaalayaal xaqa waa ladifaacayaa oo dulmigaa laga difaacayaataasna ma fidno ee ninka fidnada wada qabta hadaad run sheegaysiin wax kastoo dhacana qabiil gadoodsan udabci mayno kismaayana waligeed waxaa lagu maamulayaa qaab wanaagsan hadaba qabiilada gadoodsanow ilaahay kacabsada oo nabada allah inawada siiyay ku mahdiya waxaan qancinaynana allah ha noqdo

  17. xaamuud says:

    Alaahu akbar
    Alaahu akbar
    Alaahu akbar

    Ha la raaco mujaahidiinta hadalna u ma furna fitna wade

  18. adoontii allaah says:

    asc
    feeri hadii xukun cid raadiso yaa kaga fiican in uu raadiyo mid diin islaam u nasabsheeganaya?
    mase aragtay adigu wax dhaama labadaas xisbi?

    xagee baad dadka u tilmaamaysaa?

    mise way kaawareersan tahay oo waadan kala garankarin wax sax ah iyo wax khalad ah?

  19. QALBINUURIYE says:

    ASALAAMU CALAYKUM
    HORTA MA AHAN MEEL LAGA HADLI KARO LAAKIIN OGAADA RAXMADA ALLAH LAGAMA QUUSTO WAXAANA WAA ISKA FITNO WAANA LAGA GUDBAA NINKA RAGAAN WAX INUU KA SHEEGO RABOOW YAAD WADAA HALAGU ARKEE OO AAD LEEDAHAY WEEY KA FIICANYIHIIN ALLE MA QADARO DAGAAL LAAKIIN HADII AY DAGAALAMAAN IYO HADII KALEBA IYAGAA WADANAKAAN IYO DIINTAAN U HARAAYA DAGAALNA SAXAABAA LAKALA BAD-BAADIN WAAYAY GAALA RAACOOW MEEL CIDLAAN KU FARXAYSAA DADKA DIINTA JECELOOW OGAADA MARKII LAGAARO MATAA NASRULLAAHI AYAY GUUSHU DHOWDAHAY INSHAA ALLAH WALI NASRIGA ALLAH AYAAN SUGAYNAA KAMA QUUSANAYNO INTEEY NAFTU NAGU JIRTO.
    WALAALKA MUSLIMKA AHOW KU DUCEEYSO SUJUUDA OO DHEH ALLOW MUSLIMIINTA KALA BADBAADI GAALANA JABI IYO CAMIILKOODA AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  20. shanle says:

    mashaa allaah waa wax lugu farxo lana soo dhaweeyo xaqii ayaa soo daahiray qabiilkii iyo baadilkiina meesha ayey ka baxeen. calaacalka iyo qabiil jacaylka ha lajoojiyo. sharcigana ha loo hogaansamo. abilaahi towfiiq

  21. almacsum says:

    s/c walaalaha waxaan usheegiyaa waxa mesha yaal in ey tahay oo kaliya nabsi ey galeeyn nimanki maxkamadaha ahaa marki dowladi xiliga jirtey ay kadalabtey heshiis watey diden dabadeedna wadanka halaag galiyen.
    sharif oo ahaa ninki shalay didey heshiiska ayaa laso dortey isagina waxaa didey o kahor yimid sxbadii shalay talada lagooyey mantana waxeey heysataa xisbul islam marka somaliyey waxaadideyso kafiirso rabi dontidaadna ma ogide
    ilahow xaqaaga u hiili
    ilahow xaqaga uhiili
    ilahow xaqaga uhiili
    ilaahow kuwi ku fitnowa hanaga dhigin tan somaliya iyo aduunkaba manta kasocota
    aamin aamin aamin

  22. Liibaan says:

    AMISOM iyo xukuumadda Sh. Shariif Sh. Axmed kismaayo miyey u guureen ?

    Aaway kuwii dhihi jiray : Waxaan la dagaalameynaa AMISOM iyo Sh. Shariif ?

    AMISOM iyo Sh. Shariif meesha ay joogaan waa taqaanaan ee umadda beenta ka daaya.

  23. nimcale says:

    ma aniga waalan mise cadan baa laga heesayaa waxa la yaab leh shalay jihad ayan wadnay diin ayana wax ku mamulaynaa inan kismayo mamulo maxad uga carotay hadi ad adiga mamushana maxey dhib ah ayey leedahay madama an sheganaynay inan diin wadno micnaheda waxey tahay marki horaba baadil ayan wadnay markasta xaqa wu so dahira somalina qabil kama marno ee waxan ka naxsanahay carurta bilashka lagu laayay sanado ka hor maxa hooyoyin fara badan loo gablamiyay maxa hablo badan lo garobeyay caruur badana lo agoomeyay hadi sidan wax loo waday
    dulucda warka:-
    wadaad salafi ah ama mid diin ku gambanaya intas ayan ku baranay hogamiye koxedyo aya naso maray way gudben maxakim aya naso martay way gudben amxaro iyo ina yusuf sido kale way gudben kuwana way iska dhamanayan dadkana ayaga hada kadib dantoda fahmaya dowlad islami ah dhisanaya wadad dan qaas ah watana lug iyo gacan is dhaaf ah ayaa laga jarayaa insha Allaah

  24. anbuulo says:

    asw/ww

    nin baa laga sheegey hala rooran run moodey taa waxaan uga dan leyahey ilaa malinkii dacawadan labilaabey in diinta dhaqankeeda la barto waxay nagu soo gaadhey ama umadu u qadatey iyadoon dhiig ku daadan waxaan ka hadlayaa somaliya 1980 wixii kadanbeyey in umada somaliyeed ilaahey nasrigiisu si fudud ugu soo dajiyey oo xataa gabdhihii surwaalkii dhigeen iyagoon cidina amarin taana ay ku timi dadaalkii iyo dacwadii socotey, hadaba maxaa isbadaley waxaan filayaa waxa isbadaley waa wixii aan ka dhaxleyney Bosaso, Gedo, iyo Muqdishoo ugu danbeysey markii ilaahey nasrigiisu dib ugu soo noleyey hanan wayey, intaas oo mar xaldood waxay ku dhumiyeen fudeyd in dad muslim ay baneystaan dhigooda ama gaalo ka dhigaan qofkaan xisbigooda ahayn, walaalaha somaliyeed waxaan walaalaha ugu baqaayaa in rabi loo noqdo xaq iyo badlinku way kala miirmi qofwalbow naftaada jihaadka kabilow iyo ehelkaaga ilaahey baa naga og maslaxada umada somaliyeed x/islam iyo shabab midna ma oga as

  25. Waddani says:

    Jahliga iyo tashi xumadu waxay kuu keentaa marar badan, in camalkaaga oo dhan hal bacaad lagu lisay uu noqdo.
    Imaaradda ay sheegayaan waa tii Sarqaawi ka dhisay Anbaar oo kale oo dhexda ka jabisay muqaawamadii ciraaq, waayo waxay ku dhisneyd isoo raac ama iga soo horjeenso,halkaas oo ay ka dhalatay isku duubni la’aan iyo kala shaki dadkii dagaalamayey.

  26. abu-yaxye. says:

    to: feeri..

    saaxiib dadka caqliga u saaxiibka adiga wax kuma waydiinayaan waayo adigaaba jaha loo socdo kala garan la’a waxaad kala garan la’dahay dagaal ooge iyo diin ooge…

    teeda kale qasab ma’aha in hal magac lawada sameesto hadii hal mabda’a loo socdo..saxaabadii nabigana c.s.w muhaajiriin iyo ansaar ayaa lakala oran jiray hal-goolna way lahaayeen.

    saaxiib hurda kujirtaa toos oo illaahay diintiisa baro ayadaa caqli kuu siyaadineesee,xaqa iyo baadilkana ku kala tuseesa..

    ogoow goolka mujaahidiinta soomaaliyana waa in illaahay diintiisa lagu xukumo soomaliya oo kaliya…qillaafna bani-aadam ayay uyihiin..

    wabillaahi tawfiiq.

  27. xaaji macow says:

    allah waxaan ka baryaynaa intii fidno iyo dadkaan inay diitiisa iyo mustaqbalkiisaba lumiyaan rabta inuu ka qabto

  28. eng=al balcadi says:

    waa maaalin mugdi ah waayo mujaahidiinta ayaa xabadoodii isku soo jeediyay aad ayaan ugu xumahay maxaa yeelay cadowgii ayaa ku farxaayo taas ayaa qalbi jab igu keentay walaahi ashahaado la dirirkii iyo cadowgii hada ayey mindidoodii afaysanaayaan markaasaa anagana isku soo jeedinay xabadeenii aniga waan lasocdaa kismaayo yaan liska indha tirin dad ayaa dhiigoodii u daatay marka indhaha yaan laga laabanin arintaas ee waxaan dhihi lahaay waa in la joojiyaa dagaalka ka dhaxeeya walaalaha muslimiinta ahi loona laabtaa shareecada isla

  29. Abuu Nimco says:

    AC,

    Hadaan Salafiyiin nahey Culimadeena mar hore ayaan ugu digney Soomaalida Alitixaad iyo akhwaan muslimiin iney dacwada Soomaaliya qar ka tuurayaan oo waxdiin la dhaho nimankaas shuqul kuma leh maxaa yeeley xaq iyo baadil is ma raacaan. Culimada Salafka waxey nooga digeen wax yiraahdo XISBIYo iyo Firqooyin. Umada Soomaaliyeed waa umad Muslim ah oo Suni ah waxeyna ubaahanyihiin diinta barashadeede wadadii salafka saxda.

  30. Muslim Ibnu Muslim says:

    ACWW dhaman walalyaal!
    waxaan iswaydiin mudan labada wiil oo dagaalka Kismayo maanta kasocdo kudhimata iyagoo xabadda isku ridaya ma ( al qaatilu wal maqtuulu finnaariya) mise waa laba mujahid oo labaduba janno karaadinaya dagaalka saaka socda?
    miday tahayba jawaab aan caadifad ku dheehnayn ayay ubaahantahay.ilaahow xaqqa natus raacidiisana nagu arzuq baadilkana natus kafogaashihiisana nagu arzuq,
    Waxaan iiin dardaarmaya Allah in laga cabsado oo waxaa kudoodaysaan aad iska fiiri saan laakiin aysan taageero inla fogaan. ogow qabrigaga cidkula gali doonta majirto.
    ACW

  31. am says:

    asc

    Nin Hargeysa ku caweynayey ayaa laga sheegay “war ma anigaa waalan mise cadan baa laga heesayaa”
    waa yaab, Soomaali Qarannimo ku heshiin weyday, oo Qawmiyad ku heshiin weyday, oo Diin ku heshiin weyday, oo Dan ku heshiin weyday, oo dhibaatada haysata darteed ku heshiin weyday …
    Dhallinyaradii Soomaaliyeed waxa ay ku dhimanayaan badaha, saxaraha, xeryaha qaxootiga, waxa ay ka buuxaan kaniisadaha, Hay’adaha kiristaanka,… Shacabka Muqdisho dawladoodii ayaa ku garaacaysa madaafiic … dhimashada, dhaawaca & barakacu waxa ay marayaan meel aan xad lahayn… gobollada sheegta in ay nabad yihiin waxa dabada ka wadda itobiya, oo soomaali jiif & joogba u diiday !!!! Markaa, si loo gaaro horumar & ku dhaqanka shareecada islaamka, shabaab & xisbul islaam waxa ay isku haystaan Kismaayo, allaahu akbar, allaahu akbar, Subxaan allaah …

    Ilaahow ummaddan u naxariiso oo dhibka ka dulqaad, anta weliyun calaa thaalika, walqaadir caleyhi !!!

  32. Abu Wac Wac says:

    Hasan Yacqub baa ka masul ah wixi dhaca.

  33. xog-ogaal says:

    khilaafka u dhexeeya Xarakatul Shabaab iyo Alxisbul Islaami hadda ma bilaaban balse waxa uu soo taxnaa muddo badan
    gaabiska ku yimid dhaqdhaqaaqii Xisul Islaam waxa sabab u ahaa talaabooyin khaldan oo hogaanku qaatay kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen 3-dan qodob.
    -Siyaasad & Maamul Xumo Xagga Hogaanka ah oo muddo ragaadiyay.
    -Wada hadalo la la furay Dowlada Oo aan dhab laga aheyn Oo Lagu guul guulaayay Hogaanka Shababka.
    -Madax furashadii laga qaatay Ninkii Fransiiska ahaa oo la isku koobay taasoo ka caraysiisay Xarakatul Shabaab iyo kalsoonidii Shababka ku qabeen Xisbiga oo halkaasi ku luntay.
    -Shabaabka oo aan aaminsanayn Hoggaanka sare ee Xisbul Islaam marka laga reebo Xasan Daahir oo aad isugu muujiya in uu taageero la garab taaganyahay, waxa ay taasi keentay in Shabaabku shaki ka qaadaan Ujeeddooyinka Xisbiga isla markaana ay tartiib-tartiib isaga durkiyaan la shaqayntooda.
    Ugu damnbayn waxa la odhan karaa Labada Urur waxa isku haya oo isku khasbaya dagaalka ka dhanka ah labadooda iyo halka cadaw ee ay wada leeyihiin waxaana maalmaha dagaalada ay isu kaalmaystaan si fiican waanay wada jiraan, laakiin marka aanu dagaal jirin isku si wax uma wadaan waxaanad taa ka garan kartaa in la isku dan gaarayo ee aan mabda’ ama Mawqif lagu wada socon.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Al-Xisbul Islaam oo Maamul u gaar ah ka sameynaya Jubooyinka
  2. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub ka sameeyay Luuq & Al-Shabaab oo ka hadlay
  3. Maamul Islaami ah oo si wada jir ah Xisbul Islaam & Al-shabaab uga dhiseen Deg. B/Xaawo
  4. Al-Xisbul Islaami oo Maamul Cusub u Magacaabay Buur-Hakaba.
  5. Maamul Islaami ah oo loo dhisey Magaalada Baydhabo.

Latest Headlines