12 Qof oo Soomaali ah oo ay Dowlada Yemen ku eedaysay Burcad Badeednimo isla markaana laga qabtay Gacanka Cadmeed ayaa Maanta la soo taagayaa Maxkamad ku taala Magaalada Cadan ee Dalkaasi.
Eedaysanayaasha ayaa maalintii ugu horeysay ee la soo qabtay la soo taagay Maxkamad ku taala Caasimada Yemen ee Sanca ka dib markii lagu eedeeyay inay afduub u geysteen Markab Shidaal oo Yemen laga leeyahay 26 April 2009 xili uu marayay inta u dhaxeysa Dekadaha labo Magaao oo koonfurta Yemen ku yaala.
Xoghayaha Guud ee Maxkamada maanta la soo taagay Eedaysanayaashaasi Mahdi Al-Dhabibi ayaa sheegay in kalfadhiga maxkamada lagu sheegi doono eedaymaha loo haysto Dadkaasi.
Mahdi ayaa yiri “Waxay Afduubteen mid ka mid ah Gaadiidka Badda oo ah Markab Shidaal oo Yemen laga leeyahay xili uu ka soo shiraacday Mukalla una socday Cadan, waxayna si xoog kala hor yimaadeen Ciidamada Yemen ka dib markii ay isku dayeen inay ka soo dhiciyaan markabkaasi, wuxuuna keenay Afduubkaasi inuu dhinto mid ka mid ah Shaqaalihii Markabka oo lagu magacaabo Salaax Al-Qaciidi, waxaana la waayay 2 Bad maaxiin kale”.
Shabakadda Al-Jazeera oo aanu ka soo xiganay warkan ayaa iyadu sheegtay in Ninka la yiraahdo Al-Qaciidi la aaminsanyahay in ay dileen Burcadu halka Shariif Cali nin lagu magacaabana uu ka mid yahay tiro kale oo la la’yahay ka dib markii ay isku dayen inay Badbaadiyaan markabkooda iyo Shaqaalihiisii.
Eedaysanayaashan oo 12 Qof ayaa la soo qabtay 27 Bishii April ee la soo dhaafay, waxaana iyaga laftooda laga dilay 2, 3 kalana waa laga dhaawacay intii ay socotay is-rasaaseyntii dhex martay iyaga iyo Ciidamada Badda Yemen oo iyaguna uu ka dhaawacmay Hal Askari 5 kalana ay ka Dhaawacmeen.

Related posts: