Xisbul Islaam & DKMG ah oo siyaabo kala duwan uga hadlay Gacan ku haynta Baladweyne

Published on September 29, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Ururka Al- Xisbul Islaami iyo DKMG ah ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Gacan ku haynta Magaalada Baladweyne, iyada oo ay DKMG ahi sheegtay inay Magaalada oo dhan wada haysato halka Xisbul Islaamna uu sheegay inay hal dhinac joogaan saacadaha soo socdana ay ka saarayaan.

Sheekh Aadan Sheekh C/salaam oo ka mid ah Saraakiisha Al-Xisbul Islaami u waramay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xeelad dagaal uga baxeen Magaalada si aysan shacabka wax khasaare ah u soo gaarin“Markii ay Magaalada Dagaal ku soo wajaheen runtii waan fikirnay waxaan is niri si fudud ayaad nimankaasi gacanta ugu dhigaysaane Tartiib Shacabka yaysan wax soo gaarin waan ka baxnay Magaaladii iyada oo aysan Dab ka dhicin oo Makhraati laga yahay anaga oo waliba ka ciidan badnayn oo ka hub badnayn”.

Sheekh Aadan wuxuu ku eedeeyay Ciidamada DKMG ah inay Bililiqo iyo Boob ka geysteen Magaalada“Bililiqo iyo Boob ayay ku Bilaabeen Magaaladii Dadkii Ganacsatada iyo iyagii ayaa is-dagaalay”

Isla sarkaalkaasi ayaa ku goodiyay inay saacadaha soo socda ka saari doonaan Ciidamada DKMG ah oo uu ku tilmaamay kuwo Daalimiin ah.“Qeybta Qoraxsin Ciidamo Mujaahidiin ah ayaa Gacanta ku dhigay, Barina Saacadaha oo aan ka badnayn Dhowr Saacadood oo dib inooga danbeysa insha allaahu waa lagu kala bixi doonaa, Shacabkana waa laga qaban doonaa nimankan daalimiinta ah”

Dhanka kale Afahayeenka DKMG ah ee Magaalada Balad-weyne Maxamed Nuur Cabdi ayaa ugu horey ku sheegay Cidda ay kula dagaalameen Baladweyne Macow iyo ciidamo kale oo uu watay“Waa Dadkii horey u joogay oo Nabad Diidka ahaay oo Ninkii Gudoomiyaha ka ahaan jiray Degmadaan Baladweyne iyo Gobolka Hiiraan oo dhan Macow iyo Wuxuu watay waxay yihiinba kuwaas ayaan kula dagaalanay”.

Maxamed Nuur wuxuu sheegay inay iyagu Gabi ahaanba Baladweyne haystaan “Degmada Balad-weyne Qeybaheeda kala duwan Bari iyo Qoraxsin Goobaha sida Gobolka, Saldhiga, Buundooyinka iyo Janta kundisho inta ay Degmada Baladweyne ka koobanyahay meel aysan Ciidamadeena joogin oo aysan ka talin ma jirto”. Wuxuuna intaa ku sii daray “laamiga inaan Marno oo aan Muqdisho tagno ayaa noo qorshaysan anaga”.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. DKMG oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  2. DKMG ah oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  3. Sh. Xasan Daahir oo siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiisyada Jalalaqsi & Jibouti.
  4. Maamulka Puntland oo Siyaabo kala duwan uga hadlay falkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso
  5. dadka ku dhaqan Puntland oo siyaabo kala duwan ugu hadlay is casilaadii C/laahi Yuusuf

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. DKMG oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  2. DKMG ah oo la wareegtay Gacan ku haynta Baladweyne
  3. Sh. Xasan Daahir oo siyaabo kala duwan uga hadlay Heshiisyada Jalalaqsi & Jibouti.
  4. Maamulka Puntland oo Siyaabo kala duwan uga hadlay falkii shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso
  5. dadka ku dhaqan Puntland oo siyaabo kala duwan ugu hadlay is casilaadii C/laahi Yuusuf

Latest Headlines