Sh Axmed Islaam:“Qadiyada Kismaayo waa Qadiyad Sahlan oo u baahan in Caqligu ka taliyo oo Dadku Diintooda u noqdaan dhinacyada ay ka dhexeysana isaga yimaadaan”

Published on September 29, 2009 by   ·   38 Comments   ·   print

Sh Axmed IslaamSh Axmed Islaam oo kamid ah Saraakiisha Xisbul Islaam ayaa Sheegay in Qadiyada Kismaayo ka taagan haatan ay tahay mid sahlan oo u baahan inuu Caqligu taliyo isla markaana Maamukii Magaaladaasi Mas’uul ka yihiin waxataagan Isagoona ku eedeeyey Maamulka inay balntii ka baxeen Amaanadiina Dayaceen.

 

Sh Axmed Islaam

Sh Axmed Islaam

 

Sheekh Axmed Islaam oo Khadka Taleefoonka Shir jaraa’id ugu Qabtay Qaar kamid ah Saxaafada Soomaaliya ayaa Sheegay in Arimaha Kismaayo kajiraa ay buun buuninayaan Dad adeegsanaya Saxaafada isla markaana Xalkeedu dhaw yahay hadii ay kawada hadlaan dhinacyada ay ka dhexeyso.

 

Sh Axmed oo armahaa ka hadlayana waxa uu yiri:“wax badan baa labuun buuninayaa oo aan Saxaafada ka Maqlayaa Qadiyada Kismaayo oo waji aysanlaheyn la siinayo oo dhibaato Warbaahinta laga Abuurayo waxaan Doonayaa inaan arintaa Dadka uga Sheego Qadiyada Kismaayo waa Qadiyad Sahlan oo u baahan in Caqligu ka taliyo oo Dadku Diintooda u noqdaan dhinacyada ay ka dhexeysana ay isaga yimaadaan oo ay ka wada hadlaan wax hada Nin walba intuu dhexgalo uu Dilaal ka noqdo dhibaato badan loo siigeyto aynan aheyn baan u arkaa”.

 

Wax yabaaha ka jira Kismaayo iyo inay maanta kahadalaan Dad aan Shaqo kulehyn ayuu Ma’uuliyadeeda Dusha ka Saaray Maamulkii ka ariminaayey Magaalada Isgoo leh: “arinta Qadiyada Kismaayo waa arin aan u jeedinayo ama aan leeyahay dhibkeeda inta badan anoo Shabaab iyo Cidkale Midna ku leexineyn waxaa iska lahaa Maamulkii Magaalada ka talin jiray iyo balan daro Xagiisa ka timid intaa Wixii ka baxasan iyagaa u sabab ah inay Cid waliba Maanta fara galin ku sameyso taasbaan isleeyahay waa arin u baahan in sideeda looga hadlo taas oo keentay inay Maanta ka hadlayaan Xataa Dad aan eheh u heyn in Xukuumad aan jin oo aanaan Ictiraafsaneyn oo aan aaminsanahay inay tahay Xukuumad Saliibiyiin u Shaqeyneysa Ahdaaf kalane Fulineyso oo Dad Rido iyo Shayaadiin ahi lug ku leeyihiin aan isleenahay Barnaamijkooda waxbadan bey u Adeegeysaa Magaranayaan Xitaa kuwa ku jiraa Masaalixda iyo waxa Camalkaan uu yahay, Dadkale iyo Hey’ado kale oo Saliibiyiin ahi inay ka hadalaan ee kuwa kale oo gaalo ahina ay ka hadlaan oo raba Barnaamijkaan iyo Qadiyadaan inay waji kale u sameeyaan, intaas oo dhan waxaan isleeyahay waxaa baahiyey inay Qadiyadaan soo dhexgasho waa Dadkii Mas’uuliyada ka ahaa waxan Gaarsiiyena inay halkaa gaarto yaa arintaan Xumaanta iyo Fogaanta ah Gaarsiiyey”.

 

“Camalkaan  yaan God lagu sii ridine haloo daneeyo Camalkii Jihaadiga ahaa ee intaa soo socday yeynaan Khiyaameynin Shuhadadii yeynaan Been u Sheegin aytaamtii iyo Araamishii ay ka tageen aan ka run Sheegno wixii Shalay aan isugu nimid aan raadino Dowladii aan raadineyay iyo inaan Maanta Dowla Islaamiya ka taagno Soomaaliya hanoqoto hadafkeeno Mahan inaan Cid ku dulmino iyo inaan inagu isku dulmino toona kaliya intaa weeyey waxan u jeeinayo Dhalin yarada Mujaahidiinta ah iyo Urudada Islaamiyiinta ah ee Dagaalamayo kuligoodna inaan laga leexinin Camalkan Jihaadiga ah ee Dacwiga ah  oo aan Manhajkii inxiraaf lagu sameynin oo aynaan noqonin ninba ninka kale isla murano aaniraa aan isla soo dirirno kadibna umadu ay hoog iyo halaag ku dambeyso oo Maanta Qabqablayaal iyo waxaan horey uga soo gudubnay aan dib ugu Celino”. Ayuu hadalkiisa sii raaciey Sheekh Axmed.

 

 

Waxa uu sidoo kale Sheegay inuusan Maamul ka jirin Magaalada Kismaayo isagoo sabab uga dhigay balanlta looga baxay wuxuuna yiri:“Maamul Aslan hada maba jiro waayo Misdaaqiyadii uu lahaa iyo wixiisii oo dhan wuu lumiyey wixii leysku ogaana wuu ka baxay, marhaeyd arini sidaas noqotay Maamulba meesha kama jiro waxa keenayana waxaweeyaan waa wixii leyku ogaa Away Ninka Amaanada loo dhiibtay inuu waxa Milkiyadooda Sheegta maahan, wixii leysku ogaa marhadeysan Maanta jirin wax Maamul ah oo maanta jiraa majiraan , kaliya inaan Dadka iyo Barakac iyo Dhibaato iyo Dagaal midna aan diyaar u aheyn baa waxan isku dayeynaa inaan wax dajino oo Xasilino, laakin Maamulkii isagaa lumiyey Sharciyadii uu lahaa taasaana keeneysa in hadal iyo khilaafaad ay soo baxaan”.

 

Mar laweydiiyey inuu ku lugleeyey Khilaafka haatan ka Taagan Magaalada Kismaayo waxa uu ku Jawaabay Sh Axmed: “Magaalada Waan joogay inyar baan safar uga maqnaa Ciidankeeniina waa joogay Mas’uuliyiin badan waan daganeyn Magaalada Safarbaan uga baxnay Shaqo waanan ku soo noqonay hadey Dhibaato timaado Alle Maqadaree waxaa iska leh Amaanadii Dadka ka dhaxeysay ninka inta Jeebka ku ritay yiri anaa iska leh taas baan isleeyahay laakin aniga inaan arrintaas  dhibaato anigu aan sababay Dad Mujaahidiin ah oo shalay Safka ku wada jiray aan maanta Dhiigooda ay Daataan oo Dhibaato halkaa ka Dhacdo marnaba Diyaar uma ahi… waxaan unimidna waxaa weeyey in Xisbul Islaam Maamulkiisii Caanoole iyo laga Daayo Kaanbooniye Maamul Rasmi ah loo Dhiso Xisbiga Ciidan kooda leysku Daro”. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sh.Axmed Madoobe oo Galabta ka khudbeeyay Beerta Xrriyadda ee Magaalada Kismaayo
  2. DKMG ah oo ku baaqdey inaan la abuurin furas, Ciidamo Shisheeye ku yimaadaan.
  3. DKMG oo soo dhaweysay Isbadal ay sheegtay inuu ka dhacay Kismaayo & Maamulka Kismaayo oo Beeniyay inuu jiro wax Isbadal ah
  4. Xafiisyo cusub oo Maamulka Kismaayo ku dhawaaqey
  5. Ismaaciil Cadow oo ka digey Dagaal Kismaayo ka dhaca, Nabadna ku baaqey

Readers Comments (38)

  1. caloofi says:

    asc ilaah ha sahlo arrinka kismaayo ilaahna walaalaha ha iskusoo dumo

    Axmed Madoobe waxaa fiican in uu dhibka joojiyo magaalada muxuu ciidanka ulasoo galay haduu nin Nadiif ah yahay.

    wuxuu u egyahay Cumar Masale,Moorgan iyo wixii kale ee xukun doonka ah.
    hadii uu wax tabanayo muxuu si walaalnimo ah uweydiisan waaye walaalow ilaah ka cabso ha qasin wilaayadka islaamiga ah ee shacabka ku nasteen.

    gaalo ayaa weli wadankii haysata markaas ayaad xukun u ordee

  2. Maski says:

    Horey ayuu Sh Xasan Yacquub oo ah Afahayeenka Maamuka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo uu Sheegay in Sh Axmed Islaam Sabay Khilaafka ka jira Magaalada.

    maantana Dadkii Xaqiiqada way ka Dhaadhacday, ileen Ninku Xilka uu waayayo ayuu Diidanaa hadalkiisuna Wuxuu ahaa ( Hadal Xaq ah oo Baadhil loola Jeedo)

    Hadday Arinku Sidaa Noqotay , Yaan Cidna La Aaminin oo aan La Fiirin Salaadiisa & oohintiisa ee Waxa laysku Ogaado Qoraal Ha lagu Sameeyo. Si Ninkii Dabamara loo Garto.

  3. Samafale says:

    Alloow ur u bixi-

    Runtu waxaa weeye markiii horaan jirin heshiis meesha lagu tagay, dagaal aanan lagu tashanin ayaa meesha lagu qabsaday.
    Hadday bannaanka ku soo tashan lahaayeen way heshiin lahaayeen hadda, laakiin raqdii dusheeda ayay wadaadada ku heshiiyeen.
    Waa wax laga xumaado in maalinkasto dhalinyarada dhinac loo jeediyo oo dagaal aan macno lahayn lagu laayo.
    Allaaah ayaa ka abal marin cidkasto waxay dunidaan ka gaysato

  4. cabdi says:

    SI WANAAGSAN AYUU U HADLAY SHEEKH AXMED MADOOBE KUMA UUSAN DAYAN FUDEYDKA IYO MANSAB JACAYLKA AL SHABAAB EE UU SHEEKH XASAN YACQUUB LASOO BOODAY.

    WAXAA II MUUQDA OO LOO WADA JEEDAA BALLAN KA BIXIS, AWOOD ISU GAAR YEELID IYO MANSAB U DIRIR AY WADAAN AL SHABAAB.. WAXAADBA MOODAA AL SHABAAB INAY HILMAAMEEN TAAGEERADII LOO FIDIYAY AUGUST 2008 MARKII BARRE HIIRAALE LAGA SAARAYAY KISMAAYO..

    WAXAA MEESHA KA CAD KHILAAFKA INUUSAN GAARSIISNAYN MADAXDA SARE EE AL SHABAAB LAKIINSE WAXAA KU MADAX ADEYGAYA MILKIYADA KISMAAYO QOLO GAAR AH.

    AL SHABAAB ALLAAH HAKA CABSADEEN YUUSAN SHEYDAANKU KU XAMBAARIN DANBIYO WAAWEYN

  5. JugJug says:

    Axmed islaan warkii maanta aad bbcda siisay wuxuu ahaa war dhiilo leh, oo laga xumaado, xukunka ridada ee aad leedahay waa la iska tuurayaa iyo warka aad leedahay waa kaligay islaam ayay leeyihiin shabaab wuxuu cadaynayaa in ay faro kale kugu jiraan.

  6. abuu sayaaf says:

    waa ilaahay mahadii hadii maanta dadkii la khalday ay xaqii fahmeen oo khayaanadii alshabaab ay wadatay maanta la iska gartay ookhayaanadii iyo beentii ay diinta islaamka ka sheegijirtay la ogaaday rnti alshabaab maahan dad islaama waa dad loo soo diray inay diinta islaamka fadeexadeeyaan waa dad yuhuud u adeega waa dad khayaano badan waa dad dhiiga dadka islaamka dadiya

  7. kahdar ibrahim says:

    allaah haku xifdiyo sheekh axmed madoobe.

    allaah ha qaboojiyo arinta qadiyadu waxay salka ku haysaa dhaqaale.

  8. Cali says:

    Caloofi iyo jugjug

    ALLAAH ka cabsada oo malaha xun ee aad mujaahidiinta malaynaysaan joojiya.

    caloofi waxaa sintay moorgan iyo cumar masale iyo axmed madoobe allaah baan kugu dhaarshee ninka loo dhaawacay allaah dartiis xabsi u galay allaah jihaadkiis asagoo ku jira inaad adoo meel fadhiya tiraahdid waa moorgan oo kale maku qabataa?

  9. Cali Guure says:

    Si fiican ayuu u hadley Axmed \madooobe. Shabaab kismaayo waxay marti u yihiin Mucaskarka \kamboooni. Ballan ka baxa ay sameeyeen qaadan mayno. Wixii ka dhasha iyagaa ka masuul ah. Wallee waxay raacayaan Barre Hiuraale haddii aysan ka noqon.

    Runta ragga kama naxiso. Kismaayo loogu talin maaayo mujaahidiinta raskiyambooni. Haddi kale Godane iyo Afgaan waxay ka degi Arabsiyo iyo Gebileey.

    War dadku isyeel yeel badnaa. Gurigaada aan kuu taliyo oon ku qiyaameeyo diidnay.

    Dhiigga halkan ka dhaca waxaa ka masuul Godane iyo afqaan.

  10. khadar says:

    walaal iniga waxey ilatahey iney qaldan yihii al shabaab sabab too ah waxaa kadha xeysay balan ah marba inuu urur qabto maamulka meesh
    dabeed waxaa kabaxey balan kii alshabaab balan darana waa diin daro markaa waxaa qaladan alshabaa

  11. Xussendhere says:

    Sh Axmed madoobe waa saxsanyahay shabaabka ayaa qaldab wabilaahi towfiiq.

  12. Waddani says:

    Asc
    Codsi: Bahda somalimirror waxaan ka codsaneynaa, in ay dadka qabyaaladdu uurka uga buuxdo aan warkooda sumeysan akhristayaasha loo soo gudbin, fadlan webku ha noqdo mid talo wanaagsan la isugu soo gudbiyo oo kaliya.

  13. A xaaji says:

    war dadoow ogaada xaqa lagama saro maro asiga uunbaa soo haraya , bal u fiirsada hadalada ka soo yeeraya walalha musliminta ah ee isku haya xukunka iyo aduunya jecaylka mid kastahina wadada uu hayo daliilbuu saray waliba aaydo qur,an iyo axdiis ah lakin waxaa u qarsoon dantooda gaarka ah waxa laysku hayhi waa xukunka iyo dhaqlaha meesha lag helo ee layskuma hayo mas,alo diini ah marka dadka waxan uga digayaa ianay alle s/w u hogansaman aysan u hogansamin nin dan aduun uu cayrsanaya
    wabilahi toowfiiq

  14. Shaansham says:

    Illahay ha inoo danbi dhaafo sheekh axmed dhibta isgaa wada sababtoo hadduu isagu maamulka ka mid noqon waayo ma dagaalbaa?Tan kale CALI GUURE haddii GODANE IYO AFGAAN aanay magaalada ka bixin sheekh axmed na qabri-dahare ayu aadayaa sow ma ahan cadaalad darada joojiya khiyaaliga halaga gudbo sheekh axmed afmadow iyo dhoobley iyo b/dhadhe kaliya ayuu ka hadli karaa ta kale cabdqani kabajecel sow ina aderki ma ahan muxuu ugu biirey shabaab raggii kaambooniyiin iyo canole maamulka kaga jiray maxay ugu biireen shabaab?Saaxiib khiyaano ayaa ku jirtay meesha qabiil weeye KAAMBOONI wax la qurxiyo KAAMBOONI marka ay qabiil ka gudbaan maamul haka hadlaan inta ka horeysa KAAMBOONI maanta waxaa ku shaabadaysan magac qabiil lamana yeelayo qabiil baa laga saray magaalada qabiil in uu isa soo taago ma dhacayso xaquuqdii wadaadadii xabada ku bilaabay dagaal-ooge barre hiirale in la khiyano lana yiraahdo diintaan u adeegaynaa balanttina looga baxo ma xal baa?KAMBONI IYO CANOLE WAA QABAA’IL ha is qurxiyaan qabiilkana diintaa ka horeysa ee diinta aannu ku walaalowno.Walaahi walaalkay baa ku dhibtay dagaalkii ugu horeeyay ee dagaal-oge bare hirale lagu qaday maantana waxad lee dihiin isagaa iska dhintay war caqligu ha shaqeeyo.

  15. Cabdiraxman says:

    Sheikh Axmed – Allah kheir hasiyo waa nin wanaagsan oo karti badan. Waxaan dhageeystay wareesigiisii shalay ee BBCda iyo VOA-da hadana waxaan akhriyay Somalimirror aad baan oola dhacay.

    Walaalayaal Somali hadaan nahay waxaan ubaahanahay hogaan ninkan oo kale ah. War kitaabka aan unoqono oo aan wada hadalno, oo culumadeenii aan sharafno maxeey shabaab kudiidan yihiin?

    Ilaahow qowmkeena xaqa tus fainahum laayaclamuun

  16. Xaaji says:

    acww

    ilaahay xaqa ha ina tuso -dad badan waxaad moodaa in xaqii iyo baadilkii iska dhex galay , oo ay qabyaalad dhaga tirtay, somali inta diin ku dhaqmaysa wey yartahay , nin walba qabyaaladda ayaa kala xoogweyn diinta, marka lafihiina utura , waxaa lagu jira saban fidno , nimanka maanta ku heshiin la ,kismanyo miyaa umadda khayr usoo wada , maalinba mid ayaad sacabka utumaysaan idinkoon ogeyn meel uu sal ku leeyahay , marka hore dadka aad raacaysaan barta , oo fahma ujeedooyinka ay wataan , hadii kale weligiin meeshan iska caaya

  17. Geedi says:

    Caliguroow

    xogaa qabyaalad ah baa lagaa dareemayaa walaale horta allaah ka baq.

    mida kale kismaayo waa xarunta mujaahidiinta qabiil gaar ahna kama talin karo soomaali oo dhan baana degan.

    arinta loo baahan yahay waa in maamulka oo meerto ahaa ay walaalaha shabaab soo wareejiyaan kuna wareejiyaan walaalaha xisbul islaam.

    looma baahna in arinta qabiil iyo arabsiiyaad aadeysaa iyo halkaa lala aado dulmi weeye waxaasu.

  18. axmed yasiin says:

    alaahay dhexdiina ha islaaxiyo walaalayaal

  19. Abu Mohamed says:

    Ass/c
    war awliyadda afkiina ka leexiya oo waa sax sida wacan ee uu u hadlay sheikh ahmed mohamed islaan xafidahulaahu
    kuwa yar yarna way soo noqon doonaan insha’allaahu soomaliya ilaahay nabad ka haka dhaliyo oo umadda soomaalliyeed alahaa ka dhigo kuwo isku maamula kitaaba laaahi wa sunahhaa

  20. QURBAJOOG says:

    asc,kadib waxaan allah ka baryaa inay mujaahidiinta uu guuleeyo ,tan kalw waxan kula talinayaa ahmed madoobe in wanaaga uu ka shaqeeyo ,lama joogo waqti uu farfareeyo maamul shaqeeynaaya oo ku dadaalaya inay cadaalada u dhowaaadaan intay kari karaan ,ma fiicna fidno ,cadowgana waa ku farxayaa ,maamul dhibkiisa ayuu leeyahay ,mana fiicna in maamul degan aan cilad qabin la farfareeyo ,walaalaha u daa ,balaayo fadhida ha kicin ilaah ka baq ,maamul in la doono ma fiicno oo aan laguu dooran ,walaalaha haday khiyaamo,cadaalad daro iyo wixii lamid ah lagu arko waa meesheeda ,ha horkicin fidno ,ee sheydaanka ka cudubileyso ,ilaah kheerkissa kale dalab wscwwb.

  21. abu khalid says:

    asc marka hore waxaan leeyahay walaalaha nimanyahow wxaynu nahay dhalintii wadanka markaa aynu iska dayno qabyaalada oo kolba nin xildoonayaa yaanu dhiigaana isku daadin oynaan soo horyaacin ninkaleh godane iyo afghan imaamulimaayaan allaah ka cabsada oo mujaahidintaad kala gaynaysaan iska daaya oo qabyaalada iska daaya ina godane iyo afghan dhulka ka ma xigtaan oo waa dhul islaam islaamkuna dhulka ma kala laha waa hadaynu islam nahay weeyaan teeda kale al shabaab maaha niman dhul doonaaya waa mujaahidiin khulas ah ninkii caayaana ka faaidimaayo oo allaah ayaa arkaaya oo xisaabinaaya teeka kale axmed madoobe maaha nin la aamino maxaa yeelay ninka isagoo sarkaala ethiopia xidhay hadana so daysay waa wax lays waydiiyo hadaanu basaas ahayn mujaahiduuntu xaq bay uleeyihiin inay yidhaahdaan ku aaamini mayno oo ay ka shakiyaan wax laga shiyana wuu yahay maxaa yeelay dadkay ethiopia xidhay weli way haysaa oo ciyaal iyo haween ku jiraan markaa isagamaxaa lagu soo daayey oo loo hayn waaeyey haduu mujahid saxa yahay magalada qaska hakadaayo oo allaah ha ka cabsado teeda kale markiimagaalada la qabsaday isagu xaguu joogay wuu maqnaa mana ahyn nimanki hashiiska wada gaadhay markaa nimanka ogaadeen ee qabiilka ku hadlaaya allaah haka cabsadeen oo mujaahidiinta ayaanay faran labad ku furin

  22. Adoon Eebe says:

    Dhiig iyo dhimasho qof u buka waa inuu markasta wax WAHMI ah samaystaa si uu wax ugu dilo amd ugu dhinto waxaa dartiis….Eebe dhiig muslim hakala badbaadiyo belo wadane Eebe asagaa oge ha naga qabto…Alshabaab iyo kuwa kaleba Eebe xaqa ha fahamsiiyo hana ku sugo..Sunnada Nebigeena nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee ma ahayn inuu dad iyo dal midna qabsado waxayse ahayd inuu fariintii Eebe u soo dhiibey gaarsiiiyo. Qoladii ku qanacda oo qaadata xataa maamulkooda waxba laga bedelayn kii boqor ahaa, kii meel kale haystey midna..waayo arintani waxay keenaysaa in waxad u socotey ood balan eebe kula gashay wax kale ku khaldmaan taasaana keenaysa in lagaa aamin baxo..

  23. MUKACAB ALHIIRAANI says:

    ALLA WAXAAN NIYAD SAMI U WEYDIISANEYNAA INUU KALA BADBAADIYO WALAALAHA MUSLIMIINTA OO HADII EY MAANTA EY DHEXDOODA KADHALATO UU WADANKA GALAYO XAALAD GUMEYSI IYO KUFRIGII OO FURSAD UHELA ISBALLAARIN BADAN. ILLEEN KUWAN MAANTA ISKU CELCELINAYA HANALOO DAAYO WALAAYADA IYO MAAMULKA AAN HEYNO, IYO MAYA BALLANTII BAAD INOOGA BAXDEEN IDINKANA YEELI MEYNO, AYAA RUNTII AHAA KUWA KALIYA EE CUDUD KALA HORTAGAY GAALO IYO CIDII EY WADATAY, MAANTA HADII WARKIINU SIDAA KASII BALLAARTO WAXAA XAQIIQ AH (ALLA MAQADAREE) – IN DHIB INTAA KAWEYN AAD SABABI DOONTAAN AADNA NOQON DOONTAAN SIDA NINKII REERKA UDHAANSHAY{BIYO UDOONAY} DHAANKUNA AAD UGOGAA, DADKUNA DHOWRAYEEN SOO LAABASHADIISA, DHEXDANA OWR-KII KAGA LUMAY!!!!!!!!!
    WALLAAHI MAANTA WAXAAD UBAAHANTIHIIN, OO WELIBA BAAHDIDA LEYDIIN QABO KASAKOW AAD IDINKA KAGA BAAHI BADAN TIHIIN DADKA IDIIN SUGAYA EE AAD DIFAACOODA HUBKA UQAADEEN -WAA TAN KOOWAADE : ALLAH, OOD KABAQDAAN BAQDIN DHAB AH, CABSIDAA ALLANA EY IDIIN SABABTO IN MIDBA MID KALE KALE UU RA’YIGIISA KUTAGSIININ INUU MIDKA KALE KASAXAN YAHAY ( SI WALBA OO UU ISU ARKO INUU ASAGA KASAXAN YAHAY DHINACA KALE)
    TAN 2 BAAD TAWAADHUC DHAB AH IYO QADARIN WALAALTINIMADA ISLAAMKA, OO AAD USAWIRATAAN IS ARINKAN AAD ISKU HEYSATAAN UUSAN AHEYN WAX ASAL KULEH DIINTA ISKUQABQABSIGIISA SIDOO KALANA EYSAN SUURA GALEYSNIN IN HADII DHINAC UU GAARIWAAYO YOOLKA IYO DAMACA UU RABO IN TAASI EYSAN SHAQO KULAHEYN DHIIG UU KUBIXIYAA( TAAS MAAHAN ASTAAN NIN SHEEGTA INUU MUJAAHID YAHAY BALSE WAXAA MACRUUF KU’AH HOWSHAA QABQABLE IYO HOGAAMIYE KOOXEED)
    UGU DANBEYN, WAR SHABAABOW,ALLAH KACABSADA, DAAYA TEYDAA JIRTA ANIGAANA WAXWALBA AH, OO KASOO BAXA WALAALIHIIN BALLANTA EY IDIINKU SHEEGANAYAAN!!!! JOOJIYANA WAXA AAD ISKA UN SAMEYNEYSAAN IDINKOONAN TALO LAQEYBSAN MUJAAHIDIINTA KALE, OGAADANA KALIGIIN MATIHIDIIN MUJAAHIDIIN!!!!!!

    WAR XIZBUL ISLAAMOW,ALLAH KACABSADA, KALA BAXA CIIDANKA AAD SOO GELISEEN MAGAALADA,
    QALAD HADII UU HOREY UJIRAYNA OGAADA INAAD IDINKU HADA TIHIIN CIDA BAZIINKA KUSII SHUBEYSA WAAYO WAA MAXAY ULA JEEDKA AAD ULA SOO GASHEEN CIIDAN HUBEYSAN MAGAALO DAGAN AMNI AH, MACIIDANKAA AYAAD WAXAAD UKEENTEEN INEY XAD ALLAH OOFIYAAN ??/ MAYA WALLAAHI OODAAN UKEENIN ARINTAA!!!!! EE WALAALAYAAL CABSIDA AAD GELISEEN MAGAALADA IYO XAALADII OO AAD CIRKA KUSII SHAREERTEEN JOOJIYA OO KASAARA MAGAALADA CIIDANKA ,
    HAKALA SII JAJABININA ISLAAMKII.
    MUSLIMIINTA OO DHAN WAXAAN LEEYAHAY TALO IYO WAXWALBA NINKII KAGEYSAN KARA XALINTA WALAALAA DHEXDOODA LA’IMOW(WALAALO QALDAMAY WAA INEY LAHAADAAN WALAALO SAXA)
    ALLAHA YOW HADAYICIN MIRIHII AAN SUGEYNAY.
    ALLAHA YOW HAFARAX GELININ CADOWGA ISLAAMKA MUNAAFIQIIN TA IYO GAALADABA OY KU FARXAAN WALAALAHA ISLAAMKA OO ISDHIBAATEYNAYA. AAMIIN

  24. abu-yaxye. says:

    Waxaa xaqiiq ah in qadiyada kismaayo ee sahlantahay haduu caqligu shaqeeyo….awalana axmed madoobe kiisu shaqeeyo gartana in diinta illaahay inay xaaraan kutahay in maamul islaam ah oo meel kajira nabad ,xasilooni,kala danbayn iyo diin kudhaqa inta wiilal qabiil lagu soo aruursado in layiraahdo anaga meesha udhaleena xukunka nagu soo wareejiya meel diinta islaamka uga taalo axmed madoobaa lawaydiinayaa..anagu waxaa ku hayn diinta islaamka inuu nabi maxamad yiri c.s.w.. hadii amiir muslimiinta utalinayay qolo kale amiir iyo maamul kale magacaawdo in qoladaas lala dagaaalamo amiirkaaas labaadna ladilo…

    waxaan kaloo haynaaa in islaamku uu darajo siin nin dalbaday axmed iyo ragiisana waa darajo doon ee diindoon ma’aha…

    waxaa layaableh inuu axmed madoobe ku andacoonayo inay maamulka kismaayo kajira balantii kabaxeen waa balantee?. balantuu sheegayo…asagase balantaas markii lagalayay 4star hotel adis-ababa ayuu jiifay!!!.

    waxay utaalaa walaalihii wada galay hadana siyaadiyay waana walaalihii maamulka kuwada jiray oo markii hore jamaaca kasta lahaa markii danbana ku dhawaaqay inay walaalahoo al-shabaab lashaqeenayaan…ayagoo kanbooniyiin iyo caanoole qabyaalada ka guuxaysa arkay kana xoreebay….

    war iyo dhamaantiis soomaaliyeey xaq iyo baadil isuma ega maamulka kismaayo oo aan wax qabadkiisa aragno iyo kuwa qabyaalada ay isku soo bahaysteen shaatiga diineed usoo galiyay isku meel magalaan ee kala daaya…

    waxaan oranlahaa kuwa ayagu qabyaalada kutaageerayo illaahay kabaqo qabyaalad waqtigeedii waa dhamaaday…kuwa munaafiqiinta oo ayagu ku faraxsan in shalay dad diin kuwada dagaalamayay ay maanta ayagu islaayaana waxaanu leenaya (xasbunallaahu wanicman wakiilan)…

    waxaana ku qanacsanahay (wal caaqibatu lil mutaqiin)…..

  25. Alla Magan says:

    ASALAAMU C. W. W.
    ILAAHAY AAN KA CABSANO. HADDII MUJAAHIDIIN LA YAHAY HA LA MIDOOBO. ILAAHAY IYO RASUULKIISA ALLA ADEECO.SHAREECADA HA LAGU KALA BAXO.
    ILAAHAY WUXUU YIRI ” FATUQU LAAHA WA ASLIXOO DAATA BAYNIKUM” ” WAXCTASIMUU BI XABLI LAAHI JAMIICAN WALAA TAFARAQUU” IWM. HADDII LA DIIDO WAXAA LA IDINKU SHEEGAAYO AYAA DHAB AH MAAL IYO MANSAB AYAA DOONAYSAAN AAKHIRO MA RABTAAN HADDII KISMAAYO KU HESHIININ SIDEE SOMAALILYA OO DHAN UGU TALINAYSAAN. WAXAAN SOO BAXAY MIISAAKAANOO AH SHABAAB=BARRE HIIRAALE KAMBOONI = JEES CAANOOLE = MORGAN

  26. A/casiis shaqlane says:

    al shabaab tanaazulaad badan ayaa loo sameeyey iyo dulqaad maxishoodayaal weeye balan aan lahayn waxaa ka dhax guuxaya qabiil iyo dano shisheeye oo lagu heshiiyay,taas way soo dhammatey shiekh ahmed madoobe illahay ha xifdiyo waa nin nabad jecel,wuu awoodey in uu dabka saaro al shabab waa iyagii magaalada ka baxay markuu yiri anagu dagaal diyaar uma nihin ayay soo noqdeen,hadan hadii ay maamulka la dhisayo ka horyimaadaan iska sug waxa kudhacaa.wabillahi tawfiiq

  27. gatuzo hobyo says:

    war awalba xaq kuma socon ee xaqii ayaa isku diray waxey kaloo raban shacabka masaakenta ah oo kismayo dagan in aay bara kiciyaa qarna aay la yaan marka illaah haka qabto

  28. aniga says:

    abuu sayaaf ninka la baxayoow
    koley allaah ka baqi maysid maadaama aad diinta allaahba aadan baran markii horeba wax aan kugu tilmaamana garan maayo maadaama aad xataa sida gaalada ay u hadli jireen aad dhaaftay.

    axmed madoobe haddii aad mujaahid tahay maxaa afhayeen kaaga dhigay jaasuujka weyn ee ah xidig mise waxaagu waa ishaa falatayn.

  29. gatuzo hobyo says:

    aaway xaqii iyo diintii ma xaakenay in arinta qabiil loo badalo ma dhaqaale mise diin waxey u ekyihiin kuwo dhaqali doon ah oo diin aan shaqo ku laheen waxaa modaa in cil mamada ayaan taan danbe dadka lagu xasuuqo iyo garka weyn

  30. AXMED NUUR says:

    ASC ASLANBA WAXAA QALDAN IN MARKA HORE URUR URUR LOO DAGAALAMO TAAS WAXAY KEENAYSAA IN LAGU DAGAALAMO MANSABKA ADUUNYADA MAANTA KISMAAYO IN AAY U QAYLIYAAN RAASKANBOONI*(OGAADEEN AYAA TAAGEERO ) IYO CAANOOLE(MAJEERTEEN JACEELKA KISMAAYO) WALI WAXAA SII QAYBSAN XISBUL ISLAAM OO BARI AAY KA BAXI KARAAN KANBOONI CAANOOLE IYO INTA KALE HADANA WAXAY ISKU YIHIIN AL ITAXAAD WAA YAAB WALAAHI SAAS DIIN LAGUMA GAARO WAANA QIYAANO LA QAYAAMEEYAY RAGII GAALADA LA DAGAALAMAY MABDA’A IN LAYSKU RAACO AYAA FIICAN LAAKIN QABIIL IYO IYO DHULKAAN LEEYNAHAY XAQ MALAGU GAARAYO HADII AAY KANBOONI IYO CAANOOLE AAY RUN SHEEGAAYAAN MEEY SHABAABKA KULA HASHIYAAN MAGACA XISBUL ISLAAM MAXAY U LEEY YIHIIN ANAGOOW AH KANBOONI AMA CAANOOLE LAAKIN WAXAAN LEE YAHAY QABAA ILADA DAGAN MEESHAAS SIYAASADA AAD KU DOONAYSAAN IN UU QABIILKASTA QABSADA MAGAALADA YAAN XARAKAADKA LOO ISTICMAALIN DHALIN YARADANA HADII DAAN NADAAMKAAS

  31. MUJAAHID GEDO says:

    cidna xaq uma dirsan axmed madoobe waa nin jago doon ah oo mooryaan qabiilo soo abaabushay hadee halkii ay marean kaaba mooryaantii ka horaysay ayuuna mari doona insha allah

  32. Bashiir says:

    A/c,

    Axmed Madoobe intii uu ku mashquuli lahaa sidii cadawga dalka looga xoreyn lahaa maaha in uu soo guryo noqdo, inkastoo rag wax walba laga filan karo haddana aniga iyo inbadan oo kaleba ma fileyn , in inta ciidan la soo dhuro maamul shaqeynaya la dul dejiyo dhul iyo dad nabad ahna ay u cabsadaan in ay qaxaan , caqligu wuxuu tilmaamayaa in inta waxan oo juhdi ah iyo ciidan aan la aruurin in fadhi la isku wareysto, ka dibna xal lahelo, cida qaldan markaa ayaa la ogaan dad xakam ahna arinta ay galaan, hadase waxaa muuqaneysa in arinta ay meel ka tolan tahay,qaabka muuqdaana wuxuu u eg yahay in go’aamo lagaarey , fulintooda ay hor dhac u tahay. hadalka hadda lagu baaqayana waxaa ka weyn wixii loo ciidan urusadey, axmed mid ayaan oran , walaal nin la garanayo ayaad tahay hawshana qeyb ka ahaa marka waxaa wanaagsan haddii walaalahaa ay ka sed bursadeen kooxdaadii in aad u samartaan oo aad fiirisaan waxa la soo marey iyo xaaladu halka ay taagan tahay hadda , iyo nabada, barwaaqada ay dadku haystaan in badan oo dalka ka tirsana ay haysan, hadda ku ma doodeysid dadkii ayaa la dulminayaa oo maamul jaa’ir ah yaa meesha ka taliya, oo dulimi ayaan shacabka ka qaadayaa ma lihid , marka wax aad koox ama urur aad la dooneysaan, yeysan mujatac dhan ayaahooda galaafan, wixii la raadinayey ee maqasadka ahaana bur burkoda bilow ha u noqonina, mid dhib iyo shida la soo noqdeyna ha noqon, safafka hore ayaa lagaa sugayey ee kismaayo oo siraadan in aad tiraa koox ayaa ku takri faleysa , wax meesha qabta maaha yeysan kaa hoos bixin dariiqu waa dheeer yahay, walaalka axmed iyo ragiisa intaas ayaan lee yahay,

    Shabaabna waxaan lee yahay haddii walaalihiin meeshii idinku haystaan ha kula coleytamina hana isku seegina haddii aad aragtaan in xaalada ay baraka maleh tahay ka dareera, oo taanasula marnaba yeysan dhicin in aad ku dagaalantaan, hawlo badan ayaa idinsugaya dariiqana waa dheer yahay, ee dantiina raacda xabadii aad axmed iyo ciidankiisa aad ku ridi lahaydeen gaalo madowda dalka xooga ku joogta ku rida, xaalkuna yuusan noqon sidii hogaamiye kooxeed yadii dhihi jirey koox heblaayo waa nagu soo biirtey,inta ka harteyna wax magalaan. waxan maqlayey ama suuragal ah in raggii raaskambooni matalayey ee nidaamkii kismaayo loo sameeyey ku jirey ay xagiina soo mareen, waa wax wanaagsan waxase ka sii fiican in dhamaantiin aad hal meel isugu tagtaan midna aad noqotaan, waqtigana waa meeshiisa, haddii aad soo wada heli weyseen xujo ma noqoneyso in aad intii kale dhinac martaan , shalana dad wax qeybsadey ayaad ahayseen,waxaadna ogaataan haddii aad u sabartaan in ay markale gacantiina ku soo laabaneyso dhib la’aan insha allaah ee taas allaha idinku duwo.waxa kale oo aad ogaataan labadiina qoloba in aad hal cadow lee dihiin uuna idiin caalwaayey, uuna wax walba ku bixinayo in uu isku kiin dhufto, hadhowna siguud idinkaga hawlgalo marka taas ha u suuragelinina cadawgiina.

    dadka reer ksimaayana waxaan lee yahay tusaale waxaa idinkugu filan lixdii bilood ee maxkamadaha , adinka hadda waad dhadhamiseen waadna aragteen wanaaga ay lee dahay in sharciga alle lagu dhaqmo, markaa waxaa idnla gudboon in arinta soo korortay sida ay tahay u wajahdaan aadna ka shaqeysaan sidii nicmada aad haystaan aad u xagsan lahaydeen una sii hormarin lahaydeen,allaha idinku duwo, taas haddii ay idinseegtana ogaada in aad qabiil qabiil u kala safandoontaan birtana aad iska aslidoontaan sidii hore u dhici jirtey , taariikhdu waa qoran tahay kismaayo waa tii uun midkale maaha, alle maqadaro in kismaayo wixii soo marey ay dib ugu laabato.

    waxaa soo harey dadka fadhi ku dirirka ah ee dhibka dadka walaaha ka shaqeeya iyo kala geyntooda, oo qaarkiina ayba miir daboolmeen sidii ay balaayo u afuufayeen,waxaan idinleeyehey hadaalina amarka allaha awooda sare leh ayaa iska leh mar hore iyo mar danbaba ,shar iyo qeyrba cid aad wax yeeli kartaan ma jirto. ee nasta waa dantiina!!!

    wsc

  33. abu abas says:

    w/s
    waxaan odho is idhaa wadaad yare ayaa ii odhan jiraye maanta mee,
    walaalayaal qooramaynu caqliyaysanaa, midinla tahay nimanka hal magaalo isku daynwaayay inay isdaynayaan hadday dalka qabsadaan, takale dhakhtarnimadaba layskuma qabsado e hadduu nin aan waligii dhakhtar noqoni yidhaahdo waxbaan maanta qalayaa ma iska dawayn lahaydeen? waa maya haddaba maxaad diiinta u bahdilaysaan ee ninkii sunnaha muujistaba sheikh ugu odhanaysaan, nimaan dhakhtar ahayn oo dhakhtar iska dhigay qof kaliya ayuu dilaa, laakiin sheih nin iska dhigay waddan dhan ayuu rogaa sida afghanistaan iyo wadadaynu hayno,
    way fududahay sida loo gartaa qofku inuu diinta aqoon u leeyahay ,
    waa inaanu wax jeebadiisa kala soo bixine haddaladiisa uu u tiiriyaa kitaabka iyo sunaha iyo fahamkii salafka,
    haddan riddo ku celceliyo waddaad kuma noqonayo, laakiin maanta soomaliya taageerayaal ayaa lagu helaa

  34. SHEEKH SHARIIF says:

    Ahmad Madoobe waa nin wata Magaca awoowgii oo ah (Ina IslaaM) Ninka ay xurgufta ka dhaxayso waxaa la yiraahdaa {Ina Godane) waxaana ka dheehan kartaainuu yahay nin soo Qaloocnaa ilaa awoowihii oo aan waligii toosnaan

  35. caloofi says:

    wadaad Yare wuxuu Commenta dhiibtaa kaliya marka uu dhib dhaxyaal Mujaahidiinta marnaba kama hadlo Gumaadka shaacabka xamar oo ay gaysanayaan gaalada iyo Ridaada uu taageero.

    sheekh Madoobe waa Mas’uul caan ah oo Jubooyinka laga yaqaan xaq ayuu uleeyahay in uu talo ukeeno wilaayada laakin waa khalad in Amaankii iyo isku xukunka shareecada hub lalasoo dhaxgalo war ilaah halaga baqo hadii xukunka kismaayo larabo mujaahidiinta halagala hadlo oo hubka magaalada haka saaro axmed Madoobe.

    Madoobe waxaa ceeb ugu filan in uu Xukun dartiis walaac ugeliyo amaanka shacabka Kismaayo iyo Wilaayadooda Islaamiga ah.
    Shabaab way qaldami karaan laakin qaab aan xabad ahayn ugal

  36. jama says:

    KU:caloofi waxaan ku sheega yaa kismaayo ka saaray Bare hiraale ?
    marka aad dhahayso hala war qaado wilaayada yaa ku heshiiyay magacaa marka hore?
    waxaan u maleyna in aad run jacleyn aad rabto xab kaliya in aad wax ku fahanto wada hadal wax waa ku fahmi waaye ku aad jeceshahay lakiin wax kale ayee wax ku fahmayaan waana xabad
    shabaab hadii ay yihiin ciidan xaq u leh kismaayo in ay maamulaan
    Alle waxaa u yiri balamaha fuliya
    waa ayada in balanta la fuliyo
    dagaal dhaco gaalo ayaa ku farxeeso ee yaa gaalo laga farxinin gaalo waa cadow
    shabaab waxaan u sheega in ay nabad qaadan

  37. Abudi says:

    Assalamu aleikum

    Walaalayaasha Islaamka ah oo ay ka dhabtahay kolay way iska fahmayaan meesha uu dhibka ka socdo iyo qofka dhibaatada wado, Dadka islaamka ah balantooda ayaa xirta, Ninka inuu masuuliyad islaanimo iyo Jihaad sheegto hadana masuuliyaadii ugu horaysay ee loo dhiibtay balanteeda ka bixi waayay sidee lagu aamini? ninkaas Kismaayo kubalan furay sidee Somaliya loogu aamini? kolay madhahayo Alshabaab oo dhan waa wada xunyihiin, laakiinsa waxaan shaki kujirin inay Dad badan oo qurun iyo afkaar khaldan wato oo aan islaamka iyo soomaalida aan maslaxa oogu jirin ay kabuuxaan, weliba kaligood islaam iyo takfiirna kujiraan siiba madaxdooda, taasi waxaa cadaynayaa markii ay mujaahidiinta ay gogol ay dhigteen inay kumidoobaan sidaan looga faa’idaysanin inay Alshabaab oo kaliya kugacan sayreen, taasi waxay dhalinaysaa suaasha ah, Maxay ulajeedadoodu tahay? maxaase Mujaahidiinta jihaadakan kaga horaysay kaduway?

    Nimanka hortay hadalada kayiri maqaalkaan( inaan magacooda xataa xuso uma qalmaan) Qabiilka xunka ah ee idin kujiro meelna idin ma gaarsiinayee iska dhaafa waa iga naseexo, Mujaahidiinta dhabta ahna Afkiina huurada leh kaduwo…

    ALLAH waxaan kabaryayaa inay mujahidinta dhaxdooda maslaxo keeno intooda dhibka wadana jid kale katuuro…

    Wabillahi towfiiq

  38. maahir al xadari says:

    asc marka hore waaidiin salaamay salaankadib waxaadhihilahaa raigeyga sadaxda dhinanc iskudilaayo moqdisho waxaanunahay dad muslimiin ah ilaahna mabaneynin qofmuslin qofmuslin dilaayo marka tan waafursadii ugu dambeysay oo shacabka soomaaliya oodhan ee wada hadla sulxiga ayaa wanaagsan




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sh.Axmed Madoobe oo Galabta ka khudbeeyay Beerta Xrriyadda ee Magaalada Kismaayo
  2. DKMG ah oo ku baaqdey inaan la abuurin furas, Ciidamo Shisheeye ku yimaadaan.
  3. DKMG oo soo dhaweysay Isbadal ay sheegtay inuu ka dhacay Kismaayo & Maamulka Kismaayo oo Beeniyay inuu jiro wax Isbadal ah
  4. Xafiisyo cusub oo Maamulka Kismaayo ku dhawaaqey
  5. Ismaaciil Cadow oo ka digey Dagaal Kismaayo ka dhaca, Nabadna ku baaqey

Latest Headlines