Roobab Xoogan oo siweyn loogu diirsaday ayaa ka da’ay Deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya Gaar ahaa inta u dhexeysa Magaalooyinka Balad-Weyne iyo Buulo-Barde.
Roobabaka ayaa labadii Maalmood ee ugu Dambeysay ka Da’ay Dhowr Sacaacadood oo Xiriir ah Degaanada ay kamidka yihiin Booco, Cabdi Cagweyn, Dhagaxyaxoor iyo Deegaano kale oo halkaa ku yaal.
Dadka Deegaanadaas oo ah Xoolaley iyo Beeraley ayaa aad ugu Diirsaday isla markaana Farxad weyn ka Muujiyey Nimacada Rabi ugu Deeqay Xili ay aad ugu Baahnaayeen.
Roobabka ayaa la Sheegay inay Saameeyeen Xoolaha ku nool Deegaanadaas oo ay Abaaruhu horey u Naaafeeyeen waxaana lasheegayaa inay ku dhinteen Xoolo u badan Ari oo u adkeysan wayey Roobka Tabardari awgeed.
Inta badan Goblada Dalka Soomaaliya ayaa waxa ka jiray sanadihii ugu dambeeyey Roob la’aan iyo Abaaro Xoogan oo Saameyn Xun ku yeeshay Dadka iyo Xoolaha.

Related posts:
allah mahad iska leh naxaris iyo nabad galyo korkisa ha ahan nabi maxamed csw
roobka waa astaan lagu garto raxmada alle meshii roob la,aan ahna waa raxmad la,aan alle hasii gaarsiiyo gobolada kale ee abaarta ba,an kajirto amin amin
allaah ayaa kumadsan ilaahaw umadaada kalana aday ku sugaysaa ee ka farxi sidaa adoomahaaga uga farxisey,
ilaahay hanoo qaban waxa ay samaynayaan sufahada naga midka ah ee xumaanta dhulkaaga xuhaya
ilaahay midee cududda mujaahidiinta ilaahaw jabi isbahaysiga gaalada iyo munaafiqiinta
Allow u siyaadi dhammaan shacadka soomaaliyeed ee u baahan Raxmadaada, insha-allaah ilaahay Gobalada kalena waa gaarsiinayaa Roob-ka.
mahadsanidiin.