Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo, dhawaana ku dhawaaqey inay qeyb ka yihiin Wilaayaadka Islaamiga ah ee hoos taga Xarakatu Shababul Mujaahidiin ayaa sheegay inay baaritaan ku wadaan dilkii xaley Magaalada Kismaayo loogu geystay Qof rayid ah.
Taliye xigeenka Saldhiga Ciidanka ee Magaalada Kismaayo Sh Abu-hureyra Cismaan oo ka waramayay Dilkii xaley Magaalada loogu geystay nin rayid ah ayaa sheegay Ciidamadoodu inay ku jiraan howl-galo ku baadi goobayaan cidii falkaa ka danbeysay.
Waxa uu sidoo kale sheegay inaaney jirin cid gaar ah oo ilaa iyo hadda falkaas ku tuhmayaan balse ay ku raadjoogaan, waxa uuna shacabka ugu baaqey inay arintaa wax ka qabashadeeda kala shaqeeyaan.
Dhinac kale waxa uu sheegay Amni darada Magaalada ku soo kordharey inay sabab uga dhigayaan ciidamada cusub ee Magaalada soo galey, balse Maamulka aanan qeybta ka aheyn.
Xaalad amaan oo dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ku driisadeen ayaa ka jirey intii muddo ahba.

Related posts:
a/w/w/ waxaa mahad leh ilaha ween muqadaska ah tan xigta shabaab iyo xizbul islaam waxay isku haysataan mahan wax diin ah waxayn la mid tahay mid somaliya ka socoto.
xizbul islaam waa nimnkii asamra ka yimid axmed mdoobe hotel ku yaalo ades ababa uu jiifay xasan daahir waa ree asmara sharifka ayay waxay u quuro waayeen kursiga waxay dheheen wa murtad
hadana axmed madoobe oo sharifku ka soo raacay adis abab oo jabuuti ka soo qaatay xildhibaan oo hada ka hor idacada mar uu ka hadlaya amanayay etoobiya si fiican ayay iila dhaqantay ayaa huugaminyo dagalka kaambooniyinta asgoo xizbul islaam ah kaambooniyinta waa ogadeen canoole wa ma jeerteen marka aniga inkastoo anan 2 bada urur midna tageersaneen oo raacasnahay amiirkii dawalda islamiga hadan waxaa markii la fiirsho ila saxan alshabaab maxa yeelay qabiil ma ka soo uraayo ilaheey hakala qaboojiyo koleey waa muslimin angana shartooda ee nala dul taganyihin alaha naga dul qaado soomalina waxaan leeyahay maalinbo sheekdu meel aya joogee shalay hadii ay diinta ka bexeen amiirkii iyo ragii kale ee qa,idinta ahaa sida shariif janqoow c/qaadir c/rixim ciise cadow halka murtadnimadii ka soolaabtay macoow waa yaab intee ku tala murtad waxaa la arki jiray ladilo lagu xukumee murtad hadana la la leeyahay nagu soo biir anaka lacga qaado duf ku baxa meesha danaa taalo wax kale ma jiraan w/w/w
muxsin alaha yaa cizak
waxaan maqalaa wiilsha mujaahdintaa hadii wiilla mujahidna yihin wiilsha la sheegayo maxe u dhimanayan magac xarko in loo dhinto ama mid qabiil kalitulhi hiyla culyaa miyaa xarko mageceed hoos tagto wax macquul ah maahan ilaah kacabsada oo fitnada umada kadul qaada
waxaan la yabanhay kan qoriga u wado kaambooniyinta iyo caanoole maa iksa dhoho ogadeen aan difaacaa iyo majeerteen sheedu waa iska nuucaas war isku xishooda dinta ilahee iyo kitaabka ha ku gambanina
mujahdin mahan waa mooryaan mujaahdid ma awodo in uu qorey walakis u soo qaato oo muslin ee cadiifad qabiil aa meesha ku jirto yaa la idn qaldin