Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed, ayaa Warsaxaafadeed cambaareyn kulul xambaarsan ka soo saarey Duqeyntii khasaaraha badan geysatey ee shaley Ciidamada AMISOM ka geysteen Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Golaha oo ka kooban Beelaha Daarood, Digil & Mirif, Direed, Jareer-weyne iyo Banaadiriga ayay ku tilmaameen Duqeyntii AMISOM mid waxashnimo ah oo Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan lagu gumaadayo.
DKMG ah ayay ugu baaqeen inay wax ka qabtaan Xasuuqa ba’an ee Ciidamada AMISOM u geysanayaan Shacabka Soomaaliyeed.
Tacsi ayay Odayaasha Golahu u direen shacabkii Eheladoodu uga waxyeelowdey Duqeyntii shaley. Ugu danbeyna Baaq guud ayay Shacabka u direen, waxa ayna ugu baaqeen in Ilaahey loo noqdo si dhibaatada Umada uga dul qaado, Midnimada Umadana laga shaqeeyo.
Nuqul Warsaxaaxafeedka Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ka mida oo na soo gaarey ayaa u qornaa sidatan:
Golaha Dhaqanka ee Beelaha Soomaaliyeed.
Ujeedo: Warsaxaafadeed.
Shir ay isugu yimaadeen Golaha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed Maanta oo ay Taariikhdu tahay 29/09/2009, Beelahaas oo kala ah Beelaha Daarood, Beelaha Digil iyo Mirif, Beelaha Direed, Beelaha Jareer-weyne iyo Beelaha Banaadiriga kaas oo ay kaga hadleen Xasuuqii Shalay Ciidamada AMSIOM u geysteen Shacabka Soomaaliyeed waxayna ka soo saareen Qodobadan:
Canbaareyn:
Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Waxay Cambaareyn u soo jeedinayaan Ciidamada AMISOM ee sida waxash nimadama leh u gumaaday Shacabka aan waxba Galabsanin kuna Garaacay Madaafiicda aan loogu talagalin Bani’aadamka.
Dhanka kale waxay u soo jeedinayaan Odoyaashu Xukuumada KMG ah inay wax kaqabato Gumaadka ay Shacabka Soomaaliyeed Marwalba u geysanayaan Ciidamada AMISOM.
Tacsi:
Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed waxay Tacsi Teeraanyo leh u dirayaan Dhamaan Shacabkii Dhimashada iyo Dhaawacu ka soo gaaray Xasuuqaas iyagoo aad uga Xun Duqeyntii Madaafiicda ee Naxariis Darada Leheyd ee ay Geysteen Ciidamada AMISOM kuna laayeen Dad aan Dambi laheyn oo Xamaalato ka ah Suuqa Bakaaraha oo kala ahaa Dumar, Caruur, Odoyaal iyo Masaakiin kale, Eheladii iyo Dadkii ay ka Geeriyoodeen iyo Dhamaan Umada Islaamka ah ee Soomaaliyeedna waxaan Alle uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo iyagana Janatul Firdoosa ka waraabiyo, intii ku dhaawacntayna inuu Alle Caafiyo.
Baaq:
Odoyaasha dhaqanku waxay Baaq u soo jeedinayaan Umada Soomaaliyeed Meelkasta oo ay joogtaba in Alle loo noqdo leysna Cafiyo Midnimana la yimaadaan, waxay Cadawgooda uga hortagi karaan waa Midnimo.
Wabilaahi Towfiiq.
Gudoomiyayaasha Beelaha:-
1. Gudoomiyaha Beelaha Digil & Mirif, C/kariim Ibraahim Ibro.
2. Gudoomiyaha Beelaha Daarood, C/salaam Axmed Tunyar.
3. Gudoomiyaha Beelaha Direed, Macalin Axmed Max’ed Barre.
4. Gudoomiyaha Beelaha Jareer Weyne, Ing Faarax Cabdi Guure.
5. Gudoomiyaha Beelaha Banaadiriga, Max’ed Ibnu Cali Uunsane.

Related posts:
walaalayaal ilaahay waxa aw idnka dhigay madaxii umada ee kaca oo hadla hadaynina halamar ilainta naftu idinku jirto war waxaan idnmagala yaqaanaan beel iyo muqaawamo iyo rayad radyaha wixxi laga maqlo ayeey ku faraxaan waa niman ku caan baxay xasuuq baahasan oo bahaliin ah mayaqaan wax layiraah birimagaydo gaaladas illahay uga cabsada oo farta umada ugu fiiqa inaan wax dawlad iyo nabad ilaalin layiraa jirin tani nbad ilalin maahan walayaaal tankale dadku ilaha ha u toowbad keenaan dhamaan markaas ayaa ilaha mashaqada uga gargarahe
ASC waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan walaalaha somaalimirror iyo umadda soomaaliyeed oo muslimiintaah, intaas ka gadaal waxaan halkan tacsi uga dirayaa dhamaan ummadaha muslimiinta ah meel kasta ay joogaan khaasatan ummadda soomaaliyeed dhibaatada iyohagardamada ay cadowga iyo cadow kal kaalku u gaysanayaan maalin walba waxaana leyahay alle janadiisa haka waraabiyo inta mudan intii dhimatay inta noolna alle qaatumada ha u wanaajiyo aamiin.
Waxaan halkan dhaliil aad u baaxad weyn uga jeedinayaa odayaashii dhaqanka Hawiye oo kaalintooda u muuqda in ay ku lahaayeen arrimah waddanka ka socda ka seexday waxaana leeyahay taariikhdu way soconaysaa dhibaataduna bi’ idni laahi way dhamaan doontaa ee doorkiina u kaalaya.
Waxaan uga mahad cellinayaa gudomiyeyaasha dhaqanka beelaha kor ku xusun waxxaan leeyahay alle ha idinka aqbalo dadaalkiina meeshaasna kasii wada sabarna muujiya arrintuna insha’allah way dhamaan dootaaye.
Wabillah a tawfiiq.
walaalkiin dhaamiye.
waar canbaarayni cidna wax u tari mayso ama dagaalka cadawga lagula jiro soo gala ama ilaahay cadaabkiisa suga. umada waxaa sidaa u galay waa oday dhaqameed caado qaate ah waxay ku leeyihiin waa in dawlada loo sheegaa gumaadka shacabka ay sangadhuudhidu samaynayaan wayna og yihiin inay kuwada socdaan in sidaa la yeelo umada. markaa maxaad ka canbaaraynaysaan waad la qabtaan arinta ee suga waxa idinku dhaca qudhhiina .
A.s.c baaq wax ma taree nimankan dalka ha laga saaro haddii kale maalin kasta saan ayey wax yeelayan
Waxa uu car diiqaha ka dhigay
waa cashiiradaye
cudud iyo hadaan lagu dayayn
guluf ku cii reeya
ood calaa cal moo deen dadnimo
ceebna idin raac day
cisadi iyo karaamada walee
waad cidlay see nee
hayee shee ilaah caa diloo
caafiyaa jiraye
niman kaa caruuraha diliyo
caabuq iyo maato
ciroolaha nimankaan hanbayn
iyo curyaan kiina
codkaloy maqlaa yaan majiro
cadawga diin teenu
aswrwb–baaq waxba matro wadanka anaga iska leh hanooga baxaan odaysha intaad baryootameysan maad maad jahadaka gashay oo aad iska dhicisan dadka idnku soo dulay oo marwaba matada leynaayo as wr wb