Kulan balaaran oo maanta ka dhacey Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabeelada Hoose, ayna ka soo qeyb galeen qaar ka mida Mas’uliyiinta ugu sareysa ee Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed iyo qeybaha kale duwan ee Bulshada ayaa lagu magacaabey Maamul Islaami ah oo Al-Xizbul Islaami hoos tagaya.
Maamulkan oo loogu magac darey Maamulka Islaamiga ah ee Deegaanka Lafooye, ayaa ka ariminaya inta u dhaxeysa Deegaanada Garas-baaley & Lafoole ee Gobolka Shabeelada Hoose.
Khudbado kale duwan ayaa goobta laga jeediyay waxaana ka mida dadkii halkaa ka hadley Sh Xasan Daahir Aweys oo ah Gudoomiyaha Xizbiga Islaamiga Soomaaliyeed.
Sh Xasan Daahir ayaa Maamulkan kula dardaarey Sabar, Calaad iyo dhaqan gelinta Shareecada Islaamka, maadaama uu Maamulku ku magacaaban yahey Maamul Islaami ah.
Dhinaca kale baaq ayuu Dadweynaha deegaanada uu Maamulku ka arimanayo ku dhaqan u jeediyay, waxa uuna ugu baaqey inay Maamulka la shaqeeyaan toosintiisana qeyb ka qaataan.
Waxa uu sidoo kale ugu baaqey Cadowgooda iyo Xaasiibkooda inay kala gartaan Dagaalada Ciidamada Shisheeye iyo kuwa waheliya looga soo horjeedana qeyb ka noqdaan.
Intaa ka dib wareegtida Maamulkan lagu magacaabey waxaa goobta ka akhariyay Xog-hayaha guud ee Al-Xizbul Islaam, Sh C/laahi Khadaad, waxa ayna u dhigneyd sidatan:-

Wareegtada Maamulka Islaamiga ah ee Lafoole

Related posts:
Waxaan baa Sharaf iyo islaamnimo lagaa yiraa xisbul islaami noolaada ilaah ayaa idin doortay anaguna waan idin jecelnahay hadaan somalida islaamka ah nahay, cadaalada iyo diinta wanaagsan ee aad nagu maamuleysaan waan idinku ogolnahay waxaanan idinka codsaneynaa inaad naga dhaqdaan dhibaha ay noo gesteen kuwa diinta sida qaldan u isticmaalaya Insha allah. Ilaah diinteena ha xoojiyo idinkana kuwii nagu maamula xisbul islaamoow alaha idinka dhigo.
waxaad u dhaqmeysaan sidii xisbiyada oo kale , laakiin yaan diinta lagu gaban, cajiiiiiiiiiib qofkii rabaa waa is sharixi karaa, laakiin erayada yaabka leh ha la iska daayo oo ay ka mid yihiin CADAWGA ILAAHEY, WAA RIDOOBAY iyo kuwa kale oo la mid ah meeshaan waxaanu isku haysanaa kursiga, cajiiiiiiiiib
asc walaalayaal sidaan dan uma ahan shacabka in maamul ladhiso waa ok gaar ahaan deegaanadan hadda maamul loo dhisay waa wax fiican.
sheekh Xasan Jazaka’alaah laakin sheekh Xisbiga Madaxdiisa maamul ayay uwada waasheen waxa loo Jihaaday ma maamul bay aheed war ilaah halaga baqo Nimankaas xukunka u Ordaya.
War Ninkan Axmed Madoobe ah gacmaha ka qabta
XIZBUL ISLAM MA JAGO AY USOO JIHAADEYSAY?KISMAAYO MIDEEY KA WADAAN IYO INAY QOF U MAGACAABAAN GOBOLADA. ASMARA GROUP MARKAAD ASMARA JOOGTEEN ALSHABAAB BAA JIHAAD KU JIRTAY. HADA WAXAA CADEYSATEEN IN AAD KURSI U JIHAADEYSEEN.WABILAAHIL TOWFIIQ.
??????? ????? ????? ???? ???????. XIZBUL ISLAAM WAXAAN LEEYAHAY ILAAHAY KA CABSADA SHACABKANA U TURA HADAFKA AAD ICLAAMKA KA AKHRISAANA BEEN HAKA SHEEGININA OO AH INAAD JIHAAD UGU JIRTAAN ILAAHAY DARTIIS UJEEDKA AAD DOONAYSAAN WAA LA WADA GARANAYAA WAA INAAD XUKUN DOON TIHIIN WAA TAA MAANTA AY IDINKA GAYN WAYSAYN INAAD KA SOO DABA GUR GUURATAAN DADKAAD HORAY U SOO BARAKICISEEN OO MADAAFIICDA AAD RIDAYSEEN KA SOO QAXAY OO AAD LEEDIHIIN MAAMUL SIYAASADDA XIZBIGA FULIYA AYAAN KA DHISAYNAA BUUSHASHKII BARAKACAYAASHA DHEXDOODA TAAS OO AY SUURTA GAL TAHAY CADOW KALE OO MAANTA KA SII JEEDA UMMADA SOO QAXDAY INAAD KU SOO JEEDISAAN OO AYAGUNA KU MAR MARSIYOON KARA ARGA GIXISO AYAAN RAADINAYNAA WAANA HUBAALA INAAD BUUSHASHKA HADHOW MADFAC KA DHEX RIDAYSAAN HADII KUWA AAD SABAB U TIHIIN MEELAHA KA SOO DHOWAADAAN WAAYO HAL HAYSKII GUDOOMIYAHA XISBUL ISLAAM AYAA AHAA DADKA WAXAAN ISKU NAHAY (KALLUUN IYO WEBIGII UU KU DHEX DHUUMAN LAHAA) MARKA UJEEDKIINA WAA LA GARANAYAAYE ILAAHAY UGA CABSADA UMADDA SIIBA GUDOOMIYAHA YAANAY DHAL DHALAALKA ADUUNYADA IYO DHEEF RAADISKU ILAAHAY AWAAMIRTIISA IDIN SEEJIN.??????? ????? ????? ???? ???????