Xaflad lagu soo gabagabeynayey tartan aqooneed diini ah oo ay qabatey idaacada Quraanka Alxikma ayaa lagu qabtey hoolka shirarka ee Amal Plaza ee magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.(Daawo Sawirada)
Tartankaasi oo ay ka qeybgaleen 12 gobol oo ka mid ah dalka Soomaaliya waxaa maalgeliyey shirkada isgaarsiinta ee GOLIS TELECOM, waxaana tartankaasi uu soo socday bishii Ramadan ee dhamaatey.
Xaflada lagu soo xirayey tartanka isla markaana abaalmarino lagu gudoonsiinayey goboladii ku guuuleystey kaalimaha 1aad, 2aad iyo 3aad ayaa waxaa ka soo qeybgaley masuuliyiin ka socotey qeybaha kala duwan ee bulshada, maamulka, culimo, isimo, madax ka socotey shirkada GOLIS TELECOM, ganacsato, aqoonyahano, madaxda jaamacadaha, tartamayaashii gobolada, iyo marti sharaf kale oo lagu martiqaaday munaasabada.
Waxaa tartankan diiniga ah ee ay qabatey idaacada Alxikma sanadkan oo ahaa kii ugu ballaarnaa guud ahaan Soomaaliya isugu soo haray saddexda gobol ee kala ah Bari oo heshey kaalinta 1aad ee tartanka, gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka oo heley kaalinta 2aad iyo gobolka Jubada Hoose oo heley kaalinta 3aad.
Munaasabada xaflad ahayd oo aad u qurux badneyd waxaa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jirey maamulka idaacada, guddiga tartanka dhexdhexaadinayey, masuuliyiinta shirkada GOLIS TELECOM iyo masuuliyiin la siiyey inay kalimaad soo jeediyaan.
Waxaana dhamaan dadkii hadlay ay ku dheeraadeen muhimada uu leeyahay tartan diini ah oo noocan oo kale ah oo loo qabtey dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka socotey 12 gobol, taasi oo noqotey markii ugu horeysey oo tartan heerkaasi ah la qabto tan iyo burburkii Soomaaliya 19 sano ka hor.
Maamulka idaacada iyo guddiga tartanka ayaa u mahadceliyey ugu dambeyntii saddexda gobol ee qaatay kaalimaha 1ad, 2aad iyo 3aad oo isla munaasabada lagu gudoonsiiyey abaalmarino isugu jira lacago, hadiyado iyo shahaadooyin ay ugu talo gashey shirkada GOLIS TELECOM.
Maareeyaha guud ee GOLIS TELECOM Aadam Sheekhdoon Cali oo ka hadlay xaflada ayaa isaguna ku dheeraaday dadaalkii ay muujiyeen tartamayaasha waxaa uu maareeyaha GOLIS balanqaaday inay sii wadi doonaan in GOLIS ay taageeri doonto tartamada noocaas oo kale ah.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Bari Mudane Yuusuf Muumin Bide oo isaguna munaasabada ka hadlay ayaa ku amaanay GOLIS TELECOM sida ay ugu dhiiratey inay dusha saarato hawsha baaxadaas leh, waxaana uu sheegay in maamulku uu taageerayo soona dhaweynayo tartamada ku saleysan aqoonta.
Tartamayaasha saddexda gobol oo iyaguna ka hadlay xaflada ayaa ka mahadceliyey tartanka dheer ee idaacada Alxikma ay u qabatey gobolada iyo shirkada GOLIS, waxayna saddexda gobl sheegeen inay diyaar u yihiin inay ka qeybqaataan tartamada noocaan oo kale ah sanadka dambe.
Shirkada GOLIS waxay sidoo kale shahaadooyin gudoonsiisay guddigii tartanka iyo daadihiyaasha barnaamijka tartanka mudadii uu socday.
Madax ka socotey shirkadaha ganacsiga ee Puntland oo iyaguna hadalo la siiyey ayaa sheegay inay aad u jeclaan lahaayeen in shirkadaha kale ee ganacsi laga qeybgaliyo hawlaha noocaan oo kale si bulshada oo dhan uga faa’iido, shirkadahana loo arko waxtarkooda.
Waxaa munaasabadaasi sidoo kale qeyb ka ahaa barnaamij bakhtiyaa-nasiib” ah oo ay martida ugu talogashey shirkada GOLIS kaasi oo lagu guuleysaney abaalmarino gaar ah oo GOLIS ay ku soo bandhigtey intii ay socotey xaflada. Waxaana kafaa’ideystey barnaamijkaasi oo hadiyado ku heley qaar ka mid ah dadkii martida ahaa ee ka soo qeybgaley xaflada.
Guud ahaan xafladan ayaa ku dhamaatey si heersare ah iyadoo abaare 11:00 habeenimo la soo gaba gabeeyey.

Dadweyne

Sheekh Cabdiraxmaanaw Ciise

Gudoomiye Yuusuf Mu'min

Jubadda Hoose

Martidda Golis

GARAASE.

BARI.

Gal-gaduud

No related posts.
No related posts.
asc wr
waxaa la yaqaaney dhallinyaro lagu tar tan siiyo ciyaaro iyo fan iyo heeso tani waa tallaabo cusub oo ku tusaysa inayan ummaddani meel kasta ka dhimane wax u fiyow yihiin,waa tallaabo mudan alle kadib in looga mahad celiyo dadkii qabanqaabiyey laguna dhiirri geliyo khayrka ay bilaabeen inay sii wadaan si dhallintu khayrka ugu tartanto insha allah waxaan idin leeyahay illahay khayr badan ha idinku abaal mariyo khayrkana ha ka daalina insha allah ducadana ku badiya in ilaahay qabiilka daawadiisa na tuso taasoo ah in diinta si dhab ah loogu dhaqmo wsc wr wb
GOLIS shirkad ku dayasho mudan lkin deeganada puntland waxaan filaa kaligeed aa ka shaqeyso
war maxaa tartan ka loogu koobay gobolada bari
iyo wixii ka sii shisheeya
oo loogu dari waayey
gobolada kale
sida gobolada ssc
MAASHAA ALLAAH
manshaa allaah somalaay nolaaw waxan hanbalyo qaasa umarinaa dhalinyarada rer galgaduud ee kaalinta 2 gashay anigoo somali isugu kay mid tahay hadana gobolkaan ku dhshay nooooooolaada walaalaha GALGADUUD
walaal aad iyo aad baad umahadsan tihin
sida aad ugu da daaleysaan diinta islaamka
waa arin muhiim ah
maansha allaah