Ergooyin Isugu Jira Culimo, Aqoonyahan Iyo Wax-garad Ka Kala Yimi Gobolada oo bayaan ka soo saaray xaalada taagan.

Published on September 25, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

culimo1263 Ergay oo ka kala yimi Gobolada Maamulka  Somaliland, isla markaana isugu jira Cilmo-awdiin, Aqoonyahanno iyo Wax-garad maalmihii ugu dambeeyay Shir uga socday Magaaladda Hargeysa, ayaa maanta soo saaray baaq ka kooban qodobbo ay u arkeen in lagaga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee ka dhexeeya Xisbiyada Mucaaridka ah, Maamulka  oo ka dhashay dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada iyo dhammaadka Wakhtiga Daahir Riyaale iyo Ku-xigeenkiisa.

Ergadan oo shalay  Shir Jaraa’id ku qabtay Huteel Hadhwanaag ee  Hargeysa, waxa ay halkaa Warbaahinta uga akhriyeen qoraal ay ku qoran yihiin magacyada 63-kaas Ergay ee isaga yimi Gobolada dalka, waxa ay kula hadleen Maamulka iyo Xisbiyada, Golayaasha Sharci-dejinta, Ergooyinka ku hawlan xalinta khilaafaadka siyaasadeed iyo Shicibka.
 
Baaqan Qoraalka ah ee ay Ergadani soo saartay, ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan:- “Hordhac:-    Ka dib markii la arkay xaaladda khilaafka siyaasiga ah ee keeni karta halis, markay muuqatay khilaafkaa cabsidiisu oo joog iyo jiifba u diiday bulshada reer Somaliland, kuna beegantay wakhti adag oo waddanku ku jiro, sida Abaaro iyo dhaqaale-xumo, ay ku soo biirtay cabsi siyaasadeed. Markay muuqatay wakhtigii Muddada madaxtooyada  oo soo koobmay iyo natiijo la’aan ka mauuqatay dedaalka Guddiyadii is-xilqaamay ee dhexdhexaadinta. Wer-werkaasi waxa uu dhaliyay inay isu baaqaan isuna yimaadaan dadkii samo-kataliska ahaa ee Gobolada , kuwaasoo ka kooban Culimo, Wax-garad iyo Aqoonyahan. Kuwaasoo ah raggii wadanka lahaa, kana damqanayay lexejecladiisana lahaa.

Ujeeddo:

Ergadan ujeedadoodu maaha inay abaabulaan shir-beeleed lagu bedalayo Golayaasha, balse ujeedadoodu waxa weeye.

1-       ilaalinta iyo xoojinta nabadda oo ah waxa ugu qiimaha badan ee ay haysato Somaliland maanta.

2-       Midaynta dedaalka Guddiyada isku xilqaamay dhexdhexaadinta khilaafka siyaasiga ah ee jira.

3-       Maaraynta iyo xal u helidda khilaafka siyaasiga ah ee taagan.
 
Baaqa Shirka:-

Shirkan oo socoday 21-kii bishan ilaa 24-kii bishan, isla markaana ay ka soo qaybgaleen Ergooyinka aynu kor ku soo sheegnay, ayaa markay qiimeeyeen xaaladda, kana dhagaysteen warbixinno kala duwan Guddiyadii dhexdhexaadinta ku jiray iyo dadkii Xog-ogaalka ahaa, waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda:

1-       in lagu fara-adaygo nabadgalyada ay ku caana-maaleen bulshadani , lagana hortago wax Allaale wixii dhaawacaya nabadgalyada, xasilloonida iyo midnimada Somaliland.

2-       Waxaanu ugu baaqaynaa kuna adkaynaynaa Maamulka  iyo Axsaabta Mucaaridka ah ee isku haya talada dalka, inay khilaafkooda si deg-deg ah ugu dhameeyaan wadahadal iyo isutanaasul oo aanay sabab u noqon burburka iyo kala go’a Gobolada

3-       Waxaanu ugu baaqaynaa Golayaasha loo doortay ilaalinta masaalixda ummadda, inay Rabbigood ka baqaan oo ay xilkooda u gutaan si xilkasnimo ah, kana fogaadaan wax kasta oo masuuliyad-darro iyo sharaf dhac ku keeni kara.

4-       Ergadu waxay isku raacday in Culimadu tahay cidda ku munaasibka ah dhexdhexaadinta, bulshada inta kalena ku daba-joogto kuna taageerto.

 5-       Ergadu waxay ugu baaqaysaa labada beelood ee walaalaha ah ee isku haya Ceelbardaale inay nabadgalyada ilaaliyaan, arrinta dhexdoodana ay iyagu gudahooda ka heshiiyaan. Maamulka Somaliland-na waxay Ergadu ugu baaqaysaa inay masuuliyaddeeda ka gudato oo ah inay nabadgalyada iyo xal kama dambays ah oo heshiisiin ah inay ku dhamayso colaaddaas Ceelbardaale. Sidoo kale Ergooyinkii ku jiray hawshaas waxa lagu boorrinayaa inay sii wadaan dedaalka xilkasnimada ah ee dhexdhexaadinta labada Beeleed ee Ceelbardaale.
Dardaaran:

Iyada oo waddanku ku jiro duruufo adag waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqaynaa, inay Illaahay u toobad-keenaan, baryadiisana badiyaan, waddanka iyo nabadgalyadiisana ilaashadaan. Cidday xilka u dhiibtaanna ku karaameeyaan kulana xisaabtamaan.”

 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Guddida dhexdhexaadinta Khilaafaadka Maamulka S/land oo soo saaray warsaxaafadeed.
  2. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixidda oo Bayaan ka soo saaray kala Qabsiga Magaalooyinka & Arimo kale.
  4. Kulan Ceelbarde ku dhex marey Saraakiil Soomaali & Itoobiyaan isugu jira.
  5. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Guddida dhexdhexaadinta Khilaafaadka Maamulka S/land oo soo saaray warsaxaafadeed.
  2. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixida oo Bayaan ka soo saaray Xaalada Dalka
  3. Gudiga Culimada Musaalaxada & Sixidda oo Bayaan ka soo saaray kala Qabsiga Magaalooyinka & Arimo kale.
  4. Kulan Ceelbarde ku dhex marey Saraakiil Soomaali & Itoobiyaan isugu jira.
  5. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira

Latest Headlines