Gudi wax u qabta Dadka Abaaruhu saameeyeen oo Baay iyo Bakool laga dhisay.

Published on September 22, 2009 by   ·   1 Comment   ·   print

Maamulka Islaamiga ah ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa Magacaabay Gudi ka shaqeeya Kaalmeynta iyo wax u qabatka Dadka ay saameeyeen Abaaraha ka jira Goboladaas, Gudigaas  oo ka kooban 17 Xubnood.

 

 

Gudoomiyaha Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolada Baay iyo Bakool Sheekh Mahad Cumar C/Kariin oo Magaalada Baydhabo ku qabtay Shirjaraa’id ayaa Sheegay inay Magacaabeen Gudi wax u aruuriya Dadka ay Abaaruhu dhibaateeyeen.

 

Sh Mahada oo ka hadalay Magacaabsta kudigana waxa uu yiri:“Bay iyo Bakool waxay ku dhawaaqeysaa gudi ka kooban 17 Ruux   gudigaas oo u istaagayo Dadkaasi walaalahood ah inay wax gaarsiiyaan Dakana Alle S.W markii ay weydiistaan  oo ay Ilaahey isu duleeyaan kadib waa inay iyagu isku tashtaan waa inaysan cidkale wax k sugin waa inay gacamo kale wax ka dhowrin waa inaysan meelkale u hanqal taagin  waa inay iyagu iskaalmeeyaan kuwooda ganacsatada ah iyo kuwa aan aheyn intaba ninka kiilada bariiska ah ah heysto waa inuu walaakii wixii kaluu gaarsiin karo gaarsiiyo n nin liitar Biyo ah heysto waa inuu liitarka waxka qoondeeyo, gudigaasna waxa gudoomiye u ah Sh Axmed C/Salaan waana Qeybaha kala duwan ee bulshada”.

 

Waxa uu sidoo kale Dadka ugu baaqay inay Alle u Khushuucaan oo ay Baryihiisa Badiyaan isagoona Sheegay inay qaban qaabin doonaan Anaanbax roobdoon ah wuxuuna yiri:“waa inaan Ilaahey isu duleyno oo aan isu Khushucino Alle S.W inaan weydiisano inuu naga qaado dhibka aan maanta ku dhexjirno in guud ahaan arimahaa Dadka ogaadaan waxaan rajeyneynaa Maalmaha soosocda roobdooon guud oo Ilaahey S.W aan weydiisaneyno inuu umada waraabiyo”.

 

Sanadihii ugu dambeeyey waxaa ku soo noqnoqday Inta badan Goonfurta Dalka Soomaaliya Abaaro Xoogan oo Saameeyey Dadka iyo Xoolahaba. 



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. MMI ee Gobolada Baay & Bakool oo ugu Baaqey Hay’adaha inay isa soo diiwaangaliyaan
  2. Maamulka islaamiga ee Deg. Rabdhuure oo ku baaqrey in loo gargaaro dadka Abaaruhu taabteen.
  3. Dadka ku dhaqan Bay & Bakool Qaarkood oo ka cabanaya Abaaro halkaasi ku dhuftay.
  4. Golaha Culima-udiinka Gobolada Baay & Bakool oo Baaq soo saarey
  5. Gudi u qeylo dhaan-taga Dadka dhibaateysan oo Muqdisho looga dhawaaqey.

Readers Comments (1)

  1. abu fatima says:

    madaxda wanaagsan saa saa lagu yaqaan in ay ilaahay baryaan kadibna wixi ay istari karaan istaraan kaas weeye midka aan doonaynaa maahan hanqaltaag ilaahay qayrkiis baryada alle waa cisi katagista baryada alena waa duli




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. MMI ee Gobolada Baay & Bakool oo ugu Baaqey Hay’adaha inay isa soo diiwaangaliyaan
  2. Maamulka islaamiga ee Deg. Rabdhuure oo ku baaqrey in loo gargaaro dadka Abaaruhu taabteen.
  3. Dadka ku dhaqan Bay & Bakool Qaarkood oo ka cabanaya Abaaro halkaasi ku dhuftay.
  4. Golaha Culima-udiinka Gobolada Baay & Bakool oo Baaq soo saarey
  5. Gudi u qeylo dhaan-taga Dadka dhibaateysan oo Muqdisho looga dhawaaqey.

Latest Headlines