
724 Qoys oo ka mida, Barakacayaal ku kala dhaqaan Deegaanada loo qaxey ee Ceelasha Biyaha iyo Xaafada Tiida ee Degmada Dayniile ayaa la gaarsiiyay Deeqo lacageed oo Soomaalida Qurbaha ku nool uga timid.
Deeq lacageed oo gaareysa $3700 kana timid Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhaqan Dalka Cenada ayaa la gaarsiiyay 500 Qoys oo ka mida dadka u barakacey Xaafada Tiida, Degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Qoysaskan oo Deeqda lacageed loo kala gaarsiiyay sida ay u kala dhibaato badan yihiin ayay isugu jireen dadkii ka faa’iideystay, Caruur, Haween, Waayeel iyo Curmaayiin kuwaas oo deeqdan aad ugu farxay.
Sidoo kale deeq lacageed oo kale oo gaareysa $1400, kana timid qaar ka mida Soomaalida ku dhaqan Dalka Ingiriiska ayaa iyana la gaarsiiyay 224 Qoys oo ka mida dadka Deegaanka Ceelasha Biyaha iyana u barakacey.
Waxaana deeqdan danbe qeybinteeda loo soo wakiishey Sh Maxamed Yaasiin oo sheegay sida dadku u kala dhibaato badan yihiin u kala gaarsiiyay.
Intaa ka dib Sheekha ayaa baaq wax is tarid ah u jeediyay Soomaalida meel walba oo ay kala joogaan, waxa uuna sheegay xilligan dadku inay ku jiraan dhibaatooyin kale duwan.
Dadkii kale duwanaa ee Deeqaha lacageed ka faa’iideystay ayaa u duceeyay Walaalahoodii u soo dhiibay, waxa ayna Ilaahey uga baryeen badel ka khery badan inuu ugu bedelo iyana ku anfaco.
Maaha markii ugu horeysay oo deeq noocan oo kale ah la gaarsiiyo dadka rayidka ah ee dhibaatooyinka kale duwan la soo gudboonaadeen gaar ahaan kuwii ka qaxey Magaalada Muqdisho.
Geesta kale, Maamulka Gobolka Banaadir ugu qaabilsan Xarakatu Shababul Mujaahidiin ayaa 6 Fuusto oo Shidaal ah maanta gaarsiiyay Isbitaalka keysaney oo ka mida Isbitaalada fara ku tiriska ah ee Magaalada Muqdisho ka howl galo xilli Baahiyo Daryeel Caafimaad jiraan.
Mas’uulka Arimaha Bulshada Gobolka Banaadir ee Al-shabab, Sh Saalax Maxamed Cali ayaa sheegay iyaga oo ka jawaabaya dalab horey Maamulka Isbitaalka uga soo gaarey inay Shidaalkan Isbitaalka u soo gaarsiiyay.
Waxa uu sidoo kale sheegay inaaney intaa deeqdan oo kale ku eekaan doonin ee ay sii wadayaan. Maamulka Isbitaalka ayaa Maamulka Al-shabab ee Gobolka Banaadir arintan uga mahadceliyay.

Related posts:
waxaan aad iyo aadugu farxasanahay sida aad isku hilqaaten waxaan indin soo diraya hambaliyo diran sidaas iyo nabad galiyo
maasha alaah qurba joogta sida gabdhaha reer canada iyo alshabaab maalinta qiyaamo bay idin anfaceysaa.wanaaga aad umda dhibaateysay u gasheen. taariiqdaa idin xusi doonta.wabilaahil towfiiq!