94 HAB OO LOO TARBIYEEYO CARUURTA {Q.2-aad}

52- Is bar bar dhig waxa aad ilmaha ku Tarbiyaynayso iyo Garaadkiisa.

53- Tarbiyadu Hal dhinac yaysan Noqonin.

54- Haddii aad Ilmaha Shay farto ku dabo gal fulintiisa, sida inuu Bisinka ku bilaabo markuu Cuntada cunayo, Gacanta Midigna wax kunayo, Adkaartana akhristo, Guriga markuu soo galayana Soo idan qaadanayo, IWM.

55- Horumari Hamiga ilmahaaga Talooyinkana ku kaalmee.

56- ha barin inaad ilmaha Mar walba oo uu wax Dalbado in la siiyo.

57- Gabdhaha iyo Wiilasha mid walba Tarbiyada ku Haboon bar.

58- Talooyinka, Amaradda, iyo waxyaabaha ilmaha laga reebayo ha noqdaan kuwo ku xiran Alle SW, hana u tusin wax Caado ah ee ka dhig wax Cibaado ah.

59- Ilmaha Jeclaysii ilaahay Sifo ahaan iyo in Nimco walba uu u tiiriyo inuu Alle Siiyay.

60- Ilmaha jiheyntiisa u adeegso damac galin ka badan cabsi galinta.

61- Ilmahaaga Madariso iyo Xaafad Wanaagsan u dooro, gaar ahaan Xaafad u dhaw Masjid si ay Qoyska u dhageystaan Aadaanka Salaada, Khudbadaha, iyo Duruusta ka baxaysa Masjidka.

62- Isku day inaad wax ka ogaato Aragtida ilmahaagu ka qabo Mas’alooyinka Qaar si ay kuugu suuro gasho inaad Si saxan u toosiso.

63- Ilmahaaga u ducee Halkii aad ka habaari lahayd.

64- Wiilasha ka qeyb gali kulamada Dadka waaweyn, si ay uga faa’iidaystaan Khibradooda iyo Cilmigooda.

عن ابن عباس- رضي الله عنهما- قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:((البركة مع أكابركم)).

65- Ilmaha si uu u barto Qaadida Mas’uuliyada u dhiib Mas’uuliyado yar yar oo uu ka soo bixi karo.

66- Aabuhu yuusan si toos ah ilmaha wax u farin, balse ha sameeyo Camal, ama wax ha akhristo wuxuu arkayaa ilmaha oo isna Camalkii kula sameynaya waxna kula akhrisanaya.

67- Ilmaha Dariska, Qaraabada iyo Saaxiibada yaan wax xun looga sheegin, hana barin ilmaha Xanta iyo Daniga xun.

68- Ilmaha uga dig inuu sameeyo Xad gudub, ha ahaado mid Diimeed ama Qadiyado kale.

69- Iska ilaali in aad ilmaha ku badiso Digniinta waxay arintaasi ku beeraysaa Fulaynimo.

70- Xumaanta ilmaha oo la qod qodo waxay fasaadisaa Xiriirka ilmuhu la leeyahay labada Waalid.

71- Ilmahaaga hadaad wax u balan qaado u oofi, Tusaale haddii aad tiraahdo waxaan kuu soo gadayaa Xalwo, ama Meel hebel ayaan kuu sii qaadi markaan soo laabto ama Baabuur baan kuu soo gadi u samee si Balan oofinta uu u barto Beena uusan kaaga baran isaguna u baran.

72- Bar ilmahaaga in Markii Wanaag Dadku u sameeyaan uu u Mahadceliyo si guud gaar ahaana Hooyada iyo Aabaha.

73- Bar ilmaha inuu Naftiisa ku kalsoonaado oo uu xoogiisa iyo Maskaxdiisa Adeegsado, howlihiisana uu isagu fushado oo uusan cidna u dabo fariisan.

74- Waligaa Caruurtaada ha is-bar bar dhigin oo ha dhihin kan ayaa fiican kana waa Doqon ahbal ah, arintaasi waxay caruurta ku abuuraysaa inay Dhexdooda Colaad isku qaadaan.

75- Labada waalid waa inaysan u muujin caruurtooda ama aysan ka dareemin Muranka soo kala dhex gala labadooda (Aabaha iyo Hooyada).

76- ”Ka hor tago wuxuu ka wanaagsanyahay Daweynta” ilmahaaga inta uusan xumaanta sameyn isku day inaad ka hortagto, Cudurada Nadaafad xumida laga qaadana ka hortag intaysan cudur u keenin.

77- Ilmaha ku Tarbiyee Tawaaduca iyo inuu Aqbalo Xaqa oo uusan inkirin marka loo sheego ama laga garyeesho.

78- Si ilmahaaga aad si wacan ugu Tarbiyayso la Tasho Ahlul Cilmiga iyo Mutakhasisiinta Cilmiga Tarbiyadda.

79- Marar Qaar ilmahaaga la ciyaar si Qalbigiisu Farad iyo kalsooni dheeraad ah u gasho.

80- Haddii ilmahaagu Dhulka ku dhaco ha ku Qoslin hana ku Qeylinin, kana dhig Kalmada ugu horeysa ee uu kaa maqlo “بسم الله ” kana codsi inuu uu yiraahdo mar walba oo uu kufo ama meel ka soo dhaco.

81- Ilmahaagu haddii uu Khalad Galo si Naxariis ah u Dareensii, hana u Ciqaabin haddii Khaladkaasi yahay midkii ugu horeeyay oo uu galo.

Kula balan ilmaha inuusan Mar kale Khaladkaasi oo kale galin una sheeg inuu yahay wax aan wanaagsanayn.

عن عمرو بن شعيب عن أبيه عن جده رضي الله عنهم قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( ليس منا من لم يرحم صغيرنا ويعرف حق كبيرنا ) رواه أبو داود والترمذي

82- Mar ha ka ogolaanin Ilmahaaga inay Waalidiinta ugu yeeraan Magacyadooda iyaga oo aan Raacin Hooyo ama Aabo, sababtoo ah waxaa ka dhumaya Qadarintii Waalidiintii.

83- ku Tarbiyee ilmahaaga inta uu yar-yahay Nadaafadda iyo Is-Qurxinta, Bar sida loo weysaysto kuna dhiiri gali markii uu si wacan u weysaysto ama uu Jirkiisa iyo dharkiisaba Nadiifiyo, sidoo kale bar inuu Cidiyaha iska jaro gacmahana dhaqdo marka uu cuntada cunayo iyo marka uu dhameeyo ka dib, (Hadaad rabto inaad Ogaato Nadaafadda Hooyada fiiri ilmaha ay dhashay Nadaafadooda) (Hadaad rabto inaad ogaato Diinta Qoys fiiri Caruurtooda).

84- Uga Dig ilmahaaga inuu Gaalada isku ekaysiiyo, xagga Dhar xirashada, Timo jarashada, xuska ciidahooda iyo dhamaan wixii Hab dhaqan ah oo iyaga laga soo min guuriyay.

85- Marka aad ilmahaaga u Naseexaynayso si hoos wax ugu sheeg, Waligaana Dadka hortooda ha ku ciqaabin hana ku canaananin.

86- Ilmahaaga marka uu wax kuu sheegayo Dhageyso, aragtidiisana, iyo Taxliilkiisana ixtiraam, waligaa ilmahaaga hadal ha ku celin haba xumaado haduu rabee.

87- Usamee Caruurta Mid walba Firaash u gooni ah haddii ay suuro gal tahay, waxaana haboon in Qolalka loo kala duwan Wiilasha iyo Gabdhaha haday labada waalidi awoodaan waxaana arintaasi ka dhalaneysa in la dhowro Akhlaaqda iyo Xishoodka Caruurta.

88- Ilmaha inta uu yaryahay bar Aadaabta Seexashadad sida:-

 Inuu xirto Dharka u gaarka ah Jeefka ka hor inta uusan firaasha tagin.
 Inuu soo salaamo Qoyska kheyrna u rajeeyo.
 Inuu Firaashkiisa iska nadiifiyo ka hor inta uusan ku seexanin.
 Inuu Naftiisa xisaabiyo intuusan hurdin ka hor gaar ahaan wixii uu maalintaasi sameeyay.
 Waa inuu dhinaca Midig u seexdo Adkaarta ka soo aroortay Nabigeenana(NNKH) Akhristo.
 Marka uu hurdada ka soo kacana waa inuu Akhristaan Adkaarta.
 Waa inuu Cadaysto
 Waa Inuu iska badalo dharkii uu Habeenkaasi ku seexday
 Waa inuu Waalidkiisa iyo Qoyskaba guud ahaan salaamo.
 Waa Inuu wax uun ka Akhristo Qur’aanka.

89- Bar ilmaha inaysan Wasaqda ku tuurin Wadada Gurigana dhex dhigin, ku bar-baarin in wixii Dadka dhibaato ku ah wadooyinka uu ka qaado, kuna Tarbiyee inaysan Fiicnayn in Wasakhda lagu tuuro ama la dhigo Meelaha aan loogu talo galin, arintaasna ilmaha waxay dhaxalsiinaysaa inuu barto Qaadida Mas’uuliyada.

90- Yuusan Baranin ilmaha inuu “ilaahay ku dhaarto” run iyo Beenba waxayna arintaasi dhaxalsiinaysaa ixtiraamida Allaah iyo weynayntiisa, haddii arintu noqoto mid Muhiim ah ilmaha waa inuu ku dhaarto oo kaliya wixii run ah.

91- Ilmaha ku tarbiyee Aadaabka Idan Qaadashada sida:- Salaanta, inuu Magaciisana Sheego ama Sifo ama Naaneys, inuu Saddex mar idan qaato, inuusan Al-baabka si xoogan u garaacin, inuu Albaabka dhinac ka istaago oo uusan Badhtanka isku aadin, in marka la dhaho soo gal uu soo galo.

92- Bar ilmaha Aadaabta loo maro Wadada gaar ahaan marka uu gaaro 6 sano.

 Wadada ha u maro si Degenaansho ah oo feejigan.
 Ha Salaamo Dadka uu la kulmo hana ka radiyo Salaanta Qofkii salaama.
 Ha ka qaado wadada wixii dhibaya dadka sida:- Dhalo jabtay, Masaamiirta, Dhagaxaanta.
 Inuusan Codka kor u qaadin
 Labada dhinac Midig iyo Bidix ha iska fiiriyo ka hor inta uusan laamiga gooynin.
 Inuusan faragashan wuxuusan shaqo ku lahayn.
 Inuusan dadka indha la sii raac raacin.

93- Ka hor tag inuusan ilmahaagu Baran carabkiisa Hadalka Laqwiga ah, Lacnada iyo cayda oo dhan, Tarbiyaynta ilmahana waxaa Asal u ah in la dhowro waxa afkiisa ka soo baxaya iyo wuxuu sameynayo.

94- Ilmaha ku tarbiyee Marka uu Madarisada galo Aadaabtan:-

 Inuu ixtiraamo Macallinkiisa iyo Saaxiibadiisa.
 Inuu Macalinka si wanaagsan u dhageysto marka uu Casharka Sharaxayo oo uu san meelo kale fiir fiirin ama uusan farakaciyaarin.
 Inuu si wanaagsan Su’aalaha u weydiiyo Aabaha, Hooyada iyo Macalinka ka dibna u Mahadceliyo marka looga Jawaabo.
 Inuu si wanaagsan u Nidaamiyo Wakhtigiisa (wakhti waxbarasho, Wakhti Ciyaar, Wakhti Jiif IWM).
 Inuu Saaxiibadiisa jeclaado si wanaagsana uu kula dhaqmo marka la joogo Fasalka iyo Garoonka Ciyaaraha.

Waxaa Tarjumay waxna ku kordhiyay C/raxmaan Maxamed Siigaale (Abuu Camaar)Isha: – http://saaid.net/tarbiah/90.htm

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

2 Comment(s)

  1. waxaan kugu salaamay salaanta islaamka asalaamu calaykum waraxma tulaahi wa barakaatuhuu
    walaal anigu waxaan ka mid ah hooyooyinka somaliyeed ee aad u dhegaysta figraadaha lagu tarbiyaynayo caruurta isla markaana waxaan akhristay maqaalkan waxaadna moodaa ama ay tahayba inaanay isla qabsanayn caruurta joogtawadankeeena si kasta oo loogu dadaalo iyo mawduucyadan aad halkan ku soo qorteen caruurta waxaad moodaa inay tahay caruur adadag oo aan uba dhega taagayn awaamirta aad siinayso waalidka iyo macalimiinta .
    waxaad iiga soo jawaabtaan idinkoo mahadsan sida loogu dabaqayo mawduucaa ciyaalka ku nool somalia?
    waad mahadsantihiin

    luul | Oct 28, 2009 | Reply

  2. ilaahay hakaa abaal mariyo

    c/qaadir axmed c/lle | Nov 30, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo