Sh. Shariif oo Wareysi Dheer siiyay New York Times “Dowladdan waxaa soo Wajahay Caqabado aan horay loo arag”

ShariifShabakadda Warbaahinta Somalimirror waxay idiin soo Gudbinaysaa Waraysi ay ka Tarjuntay Wargeyska “Newyork Times” oo uu la yeeshay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo lagu weydiinayo Su’aalo dhinacyo badan Taabanaya.

Waraysigiina wuxuu u dhacay sida tan:-

Su’aal:- Aan ku bilowno cadawgaada. Waad garanaysaa nimankas waadna la soo shaqaysay sida Xassan Daahir Aweys iyo Abu-Mansuur, maxaad ula heshiin la’dahay maxayna kuugu adkatay in aad keento miiska wada hadalka?.

Shariif:- Waa run waana su’aal muhiim ah waxaan door bidaayay maadaama aan xilligii maxkamadaha soo wada shaqaynay aan haddana wada shaqayno.

 Dadku waxay maraan marxalado, mararka qaarna waxay u weecdaan jiho khaldan. Musoo biirid la’aanta hanaanka nabadda ayaa ka dhigay kuwo wadadii ka luntay haddana kama soo laaban karaan halka ay gaareen.

Su’aal:- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Hillary Rodham Clinton waxay tiri waxaa muhiim ah in kooxahaad mucaaradka ah lagaaro lana soo xera galiyo. Maxaad arrintaas ka yeelaysaa?

Shariif:- arrintaas aad ayaan muddo ugu mashquulsanayn qaybtii ugu muhiimsanayd Xizbul Islam waxay ku soo biirtay Dowladda kuwo kalena waxay ka yimaadeen Al-Shabaab.

Su’aal:- Sidee suura gal u tahay isku dayga in aad wax ka dhaadhiciso?

Shariif:- waxaa jira dad ka tirsan dowladda oo xiriir la leh kooxahaas iyo dad kale oo soomalai ah, dowladda Albaabkeedu waa mid furan waxayna haystaan Khiyaar ah in ay dib u eegaan Mowqifkooda.

Su’aal:- Goormee kuugu danbaysay oo aad lahadasho Aweys?.

Shariif:- Ma Xasuusto, xilli hore ayay ahayd.

Su’aal:- Ma wici kartaa?

Shariif:- wax dhib ah iguma haso taasi, balse ma filayo in xilligan ay sax tahay iyo in wicitaan uu wax isbadal ah keenayo.

Su’aal:- Maxay tahay Riyadaada ku aadan in aad Nabad Keento? Bal tafaasiil kooban inaga sii?

Shariif:- Dowladdu waxay isku dayaysaa in ay wada hadal ku soo jiidato inta badan ururada, In ay kasbato Shacabka, taasina waxay naga caawinaysaa dhinacyo kala duwan, laakiin Xibul islaam & Ashabaab waxay hayaan wado mugdi ah.

Su’aal:- Maxay Dowladdu qabatay tan iyo markii ad Madaxweynaha noqotay bishii February?

Shariif:- Dowladdan waxaa soo wajahay caqabado aan horay loo arag. Waxaan la tacaalaynay Argagixisada Caalamiga ah ee goobo kale dhibaato ka abuuray.

Qorshahoodu wuxuu ahaa in ay ridaan dowladda isla markii ay timid. Dowladdu waxay sugtay jiritaankeeda. Waxa ay dowladdu doonayso waa u cadahay dadka soomaaliyeed iyo Beesha caalamka. Waxaan xoogga saaraynaa dhinaca amaanka, waxaan ka shaqaynaynaa dib u dhis, samafalka, Maamul wanaag dhamaanna arrimahaasu waxay u baahan yihiin dhaqaale.

Su’aal:- Haddii aadan helin kaalmda aad u baahan tahay maxaa dhici doona?

Shariif:- Wax badan ma samayn doono, wax sidaa ahna ma hirgelayaan.

Dowladdu waxay la tacaalaysaa umuuro badan. Waxaan isku dayaynaa in aan dejino Maamulka, waxaan isku dayaynaa in aan dib u qabsano qaybaha ay ka taliyaan Xagjirku, waxaan ka shaqaynaynaa dib u heshiisiinta, Dagaalku culays badan ayuu nagu hayaa.

Su’aal:- Soo dhaqsasho intee qaadanaysa ayaad rabtaan? Miyaysan Dowladdu sii jrayn haddii aysan helin Taageero badan?

Shariif :- dhibaatada gurmadka caalamiga ah leeyahay waxaa ka mid ah in uu soo daahid iyo yaraan. Shaki kuma jiro dowlad curdan ah oo aan helin dhaqaale ku filan in aysan taagnaanayn, marka Soomaaliya miyay ka badalan tahay?

Su’aal:- Maxay Ahlu Sunna Wal Jamaaca [ Suufiyada] ay ugu suura gashay in ay Al-Shaab jabiyaan adigana aad u awoodi weyday?

Shariif:- Farqi ayaa u dhexeeya magaalooyinka iyo gobollada. Maxkamaduha oo kaliyah ayay Muqdisho gacanta u gashay. Dabcan waxaa nalooga baahan yahay wax badan. Mucaaradku waxay aad ugu mashquul san yihiin weeraro ay dowladda ku hayaan Muqdisho gudaheeda, taas oo fududaynaysa in gobollada laga qabsado maadaama ay muqdisho xoogga saarayaan.

Su’aal:- Ma tihid nin milatery ah, taas oo dad badan ay kugu amaanayaan. Wakhti intee le’eg ayaad ku beerdaraysaa Arrimaha Milateryga?

Shariif:- inta badan wakhtigaana waxaan ku bixinaa arrimaha la xiriira Amniga.

Su’aal:- cel-celis ahaan intee wakhatgaada kamid ah?

Shariif:- 75% oo kamid ah wakhtigeena.

Su’aal:- ma heshay Istiraatiijiyad Milatry oo wanaagsan?

Shariif:- ma dhihi karo Sidaas?

Su’aal:- Ma ka walwalsan tahay soo xoogaysiga Ahlu Sunna?

Shariif:- Dariiqada Suufiyada caadi ahaan dagaal ma galaan, dhiigana ma daadiyaan, culumada Suufiyada ee hore waxay isku howli jireen Ruuxaaniga. Waxa aan ka cabsi qabo waa in ay qabatimaan wadada dagaalka, markaas way ka guuraysaa mabaadii’daas.

Su’aal:- Sidee yahay isku dhawaan shihiina. Mar aan tagay Dhusa mareeb iima muuqan wax xiriir ah oo ka dhexeeya dowladda iyo Ahlu-Sunna gabi ahaan?

Shariif:- Inta badan Soomaalidu waa Suufiyo. Ahlu Sunna gaar ahaan waxay ka gadoodeen gacanta Alshabaab, waxay xaq u leeyihiin in ay isdifaacaan, haddii ay ka baxaan booska isdifaaca markaas ayay su’aal ka imaanaysaa.

Su’aal:- Taas micnaheedu maxay tahay? Difaac way ka tageen waxay qabsanayaan dhul horleh.

Shariif:- Taas waxaan u aragnaa in ay isdifaaca ka mid tahay.

Su’aal:- bal ka hadalno Shareecada. Baarlamaanka wuxuu isku raacay in Shareecadu noqoto marjica dastuurka. Laakiin qaab noocee ah?

Shariif:- Shareecadu isma badasho. Waxa is badalaya waa dadka fulinaya. Waxa halkan xooga aan ku saarayno waa maxaa u roon dadka dantooduna ku jirtaa Aduun iyo Aakhiraba.

Su’aal:- fadlan haddii aad sii faah faahiso. Gabdhahu si wada jir ah wiilasha iskuulka ma ula aadayaan si isku mid ahna wax ma loo barayaa?

Shariif:- Taasi waa hal dhinac, wax dhib ah oo arrintaas ku saabsan kama jiraan Soomaaliya waxaa la helayaa dumar waayeel ah oo ka mas’uul ka ah Wax barashada.

Su’aal:- kawaran Xijaabka? Ma loo ogolaan doonaan gabdhaha soomaaliyeed in ay dariiqyada maraan ayaga oo aan Xijaabanyn.

Shariif:- Tafsiirka Xijaabku guud ahaan islaamku wuxuu farayaa dumarku in ay daboolaan jirkooda ujeedada laga leeyahayna waa in laga hortago fitnada IWM.

Su’aal:- laakiin mararka qaar soo lama rabo in la diyaariyo sharci? Turkiga lagama ogola in dumarku xirtaan Xijaabka, Sucuudiga waa laga ogolyaahay, dhankee soomaaliya geysaa marka la eego Xijaabka?

Shariif:- ujeedadu waa in la helo in dadku rabitaankooda ugu qancaan arrinta, waxaad tiraahdaa 80% oo Dadka kamid ah. Dowladdu waxay buuxinaysaa inta soo hartay. Dhaqanka nabigeena SCW ma ahayn in uu dadka awaamir siiyo asaga oo aan marka hore u diyaarin.

Su’aal:- laakiin Soomaaliya maanta arrintaas micnaheedu muxuu yahay? Dastuurku wa wuxuu dhihi doonaa Dumarku ha xirteen Xijaabaha mise maya?

Shariif:- Haddii aad eegto xaaladda Soomaaliya maanta arrintan waxay noqonaysaa mid laga muhiimsan yahay, marka la’eego dhibaatooyinka kale ee na horyaalla tan ma noqonayso arrin culays leh, waxaan ka shaqaynaynaa sidii aan u badbaadin lahayn nafta Dadka Soomaaliyeed taas oo aad uga muhiimsan arrintaan.

Su’aal:- Maxaad ka malaynaysaa Al-Qacida iyo lugta ay ku leedahay halkan?

Shariif:- waxaan aaminsan nahay in uu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya Alqaacida iyo dad halkan jooga, dadka hogaaminaya Dagaalka. Xiriirka Alqaacida lala leeyahay waa mid la wada ogsoon yahay, Alqacida ayada ayaa sheegatay, dagaal yahanada maxaliga ahna way sheegteen. Haddii aad aado goobaha ay ka taliyaan mucaaradku waxaad arkaysaa dagaal yahano Ajnabi ah, calaamadahooda iyo Calamadooduna sidoo kale waa buux.

Su’aal:- Markii aad ka tirsanayd Maxkamadaha 2006-dii, ma arkaysay in arrintanu soo kobcayso?

Shariif:- waxaa jiray dad badan oo tahniyaynayay hididiilana muujinayay soomaaliya xilligii maxkamadaha islaamiga ah. Balse ma jirin wax la oran karo wuxuu ahaa bilowgii Al-Qacida iyo wax lamid ah wakhtigaas.

Su’aal:- laakiin taa ka gadaal Maraykanku wuxuu ku waydiisanayay nin aad ka caawiso soo gacan gelinta Fazul Cabdullah Mumaxed iyo dad kale oo looga shaki qabay in ay ku lug leeyihiin Argagixisada Al-Qacida. Ma Aadan samayn taas, waxayna sabab u noqoay in maraykanku Ethiopian-ka ku riixo in ay soomaaliya qabsadaan. Dib ma eegi kartaa oo ay kuu muuqan kartaa si aad ku baajin kartay in aysan dhicin taasi?

Shariif:- Maya ma jirin wax aan falno oo aan ku bajin karnay arrintaas.

Su’aal:- Sabab?

Shariif:- waxaa jiray Macluumaad kooban oo ku saabsan dadkaas. Waxaan u baahnayn wakhti?

Su’aal:- Muxuu yahay khaladkii ugu weynaa ee kaa dhaca madaxweyne ahaan?

Shariif:- hadda ayaan bilow nahay wax wakhti ah oo aan dib isugu eegno wali maanan gaarin.

Su’aal:- Haddii dib laguugu celiyo 2006-dii, ma jiraa wax aad si ka badalan sidii hore u samayn lahayd?

Shariif:- Waxaan hubaa in ay jiraan waxyaalo badan. Balse midda la rabo in aan tix gelino waxay tahay xaaladda xilligaas jirtay iyo waxa quman ee ay ahayd in lagu dhaqaaqo. Haddii arrintaas la gaaro iyo haddii kale waa su’aal kale.

Su’aal:- dadka qaar waxay moodaan in xoogga la saarayo dowlad hoos laga soo dhisay oo ahmiyaddeedu tahay maamulada maxaliga ah. Waxaan tagay dhawaan gobollada mana arkin wax muuqda oo tusinaya dowlad dhexe, maxaad ka leedahay arrintaas?

Shariif:- qorshaha dowladda waxaa qayb ka ah dhismaha maamulada gobollada.

Su’aal:- maxay tahay ulajeedada arrintaas? Iskuullada, cisbitaalada, iyo caawimaad milatery, Halkee ayaad ka bilaabaysaa?

Shariif:- dhismaha maamul buuxa.

Su’aal:- Halkee doonaysaa in aad ka bilowdo?.

Shariif:- Waxaan doonaynaa in aan is balaarino.

Su’aal:- Sidee kuula muuuqataa in aad sanadihii la soo dhaafay awoodda ka ahayd banaanka iyo hadda oo aad tahay Madaxweyne? Hadda xataa ma furtid albaabka gaarigaada, qof kale ayaa kuu qabanaya.

Shariif :- waxaa malaynayaa haddii aan albaabka furto iyo haddii cid kale ii furto wax sidaas ah ma keenayso. Waxa muhiimka ah waa in aan ballan qaadnay in aan dalka u shaqayno.

Su’aal:- Sidee kuula muuqataa in aad hadda la shaqaynayso Ameerikaanka oo Itoobiya ku caawiyay in ay kaa takhalusaan?

Shariif:- Su’aasha si kale ayaan u dhigayaa, waxa aan u dagaalamaynay waxay ahayd in aan helno soomaaliya oo nabad ah oo la jaanqaadi karta Caalamka intiisa kale.

Su’aal:- intee sano ayaad jirtaa?

Shariif:- waan hilmaamay cumrigayga intii aan ku lug lahaa dagaaladaan.

Su’aal:- Runtii

Shariif:- waxaan dhashay 1966

Su’aal:- intee caruur ah ayaad leedahay?

Shariif:- Koonfurta soomaaliya waxaa laga isticmaalaa haddii lagu waydiiyo caruurtaada waxaan dhahnaa “ waan wanaagsanahay”marka intaas waa kugu filan tahay ayaan filayaa.

Su’aal:- Ma waxaad jirtaa 42 mise 43 sano? Bishee dhalatay?

Shariif:- Su’aashan maxaa ku jira? Maxaa muhimad ah oo ay leedahay?

Su’aal:- Jariidadda aan u shaqeeyo, laguma qoro “1966” sanad ahaa waxaan ku qornaa Da’da Saxda ah sanad ahaan.

Shariif:- Haye waxaan dhashay Janaayo 1966-dii.

www.somalimirror.com

Daabaco Daabaco

8 Comment(s)

  1. Allaahu akbar .shariif murtadow udhawaaq walaalahaa gaalada ah ayagaa kaaga so keeya alle oo waad diiday allihii ku aburtay. Shariif murtad ogoow mujahidinta allaa ku filan waxaad doonto la imoow oo ah hub ama ciidan ah. Waxaa ku filan walaalaha mujahidinta eebe asigaana ugu fiican inta latalo saarta alle. Shariif murtadow insha allow adiga iyo kuwa kuso dirsadayba weyjabi donaan duf kubax .shariif murtadow gaalnimo waandiidnay . Waxan leyahay walaalaha mujahidinta allaa idiinku filan kujihaada gaalo iyo gaalo raac waad guleysaneysaan haddaad udagaalantaan alle dartii .dhagarta gaalada iska jira .allow mujahidinta guul dag dag sii .allow gaalo jabi. Umada muslimka ahow alle dartii utageera mujahidinta.

    Caseyr | Sep 19, 2009 | Reply

  2. Waraysigani hadduu u jiro sida halkan uu ugu qoran, shariifku waa isku dhexyaacay..Waraysigaana waxaa waqtigaan loogu soo aadiyey inuu warwar horudhac sii siiyo dadka uu kula kulmi doono Newyork marka uu shirka u tago maadaama uu yahay nimaan aad loo aqoon. su’aalaha la weydiinayo ayeyna ka muuqataa…Sida Shareecada..xijaabka..tacliinta gabdhaha..

    Adoon Eebe | Sep 19, 2009 | Reply

  3. marka hore waad salaamantihiiin dhamaan bahda shabakadda warka salaan kadib walalayaal sidaan ognahay madaxweyni shariif waa nin markii sharaf kulahaa mudda islaam kaa dhexdeeda haddana waa unoqday idib ee walaalihii mujaahidiiinta ka dhexbaxay markaa haddana haduu naftiisa rabo xilka hayska dhigo sideg deg

    cabdirisaaq maxed aadam | Sep 19, 2009 | Reply

  4. as wr wb

    Walee gaalo waad is haysaan, waan kugu shaqaysanayaan, oo dhiig ayay gacanta kuu galinayaan, waana kugu maqan yihiin, oo kuma aminayaan, ilaa ay mucatab kuu xiraan.

    Hada hal waa ay kaaga guulaysteen
    1_dhiiga dadkaaga
    2_islamka oo aad arga gixiso ku tilmaanto.

    waxaa kuu dhiman oo ay hada wadaan, kan muuqata waraysigay kula yeesheen.
    1_xijaabka ma rabno

    2_sida usa iyo yurub ayaan noqonaynaa.

    qaabkaad ku socotana hadaynan afka kaaga yeedhsiin , qoraal iyo hoos ayaad u kala qaadanaysaan. waaba haddii ay dhacdo,

    maba rajaynayee insha alaah.

    birmaroojiye | Sep 19, 2009 | Reply

  5. War dayaay Siduu u aflagaadaynayo mujaahidiinta iyo wariyaha xunka ah ee gaalka ah ugu ogolyahay inuu futada farta kagaliyo.ah!!!? ah!!!

    Alfiye | Sep 19, 2009 | Reply

  6. ALOW NA SUG, OO HANA SINBIRIXNEN YAA ALLAH
    GAALO NINKAU HESHO WAXAY KA SAARI DIINTA,TAASI RAG AYAY HOREY UGU DHACDAY

    GAALO HADA AYAY KUGU BILOWDAY CEEBEYN,BAL ARAGG HADABIIBA WAXAA LA BILAABAY IN AY DHAHAAN XIJAABKA MA OGOLAAN DOONTAA.MAXUU KI JWAWABAY MUHIIMADA MAAHAN!!!!!!!!!!!!!!
    IYO ARAGAGIXISO CAALAMI AH——SUBXAANALAAH

    ALLAHUMA THABAT KHULUBKA CALAA DIINAG.

    mayama | Sep 19, 2009 | Reply

  7. Murtad cadaystay ayaad tahay shaydhan shariifow allah calaamad dagdag ah kaa soo bixiyo baqti ayaad tahay oo quran ah ma muslimiinta baad argagixiso ku tilmaamtay mana is waydiisay dadkan maxay isku qarxinayaan waa diintooda iyo mabdaooda ALLE GARABKOODA HA GALO macasalaama

    Mujaahid | Sep 19, 2009 | Reply

  8. meeshan iyo meel kadaran in gaaladu geyneeyso waa loosheegay sharif intuusan kasootegin saaxibadii. ninki tiriyay gabayga DAABKII MASAARTA sidi uusaadaaliyay ayaa shariif ku dhacday. Aloow diinta nagusug.

    shuayb | Dec 2, 2009 | Reply

Fikrad ka dhiibo