Maamulka D/Buur-Hakaba oo ka warbixiyey Burcad sifeyn ay sameeyeen.

Published on September 19, 2009 by   ·   No Comments   ·   print

Maamulka Al-Xisbul Islaami ee Degmada Buur-Hakaba oo Maalmihii ugu Dambeeyey Howlo Burcad sifeyn ah ka waday Wadada isku Xirta Buur iyo Wanla-weyn ayaa Shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen Qaar kamid ah Burcada Gawaarida Jidka u gasha isla markaana ay waqti dhaw Wadada ka nafiidn doonaan Tuugada.

Gudoomiyaha Maamulkaas u qaabilsan Al-Xisbul Islaami Sheekh Axmed Haajir oo Saxaafada lahadlayey ayaa Sheegay inay soo qabqabteen Qeybo kamid ah Burcada Wadada u gasha Gaadiidka ku sufra Wadaaas kuna sooqabteen Hubkoodii howlaha burca sifeyntana dhawaan soo gabagabeyn doonaan.

Isagoo arimahaa ka hadalayana waxa uu yiri:“Maalmahaanba Howlgalo ayaan wadnay Waxaana gacanta lagu soo dhigay Tuugadii Qeyb kamid ah iyo Hubkoodii hadan waxaan dhihi karnaa arintaasi waxay mareysaa heer gaba gabo ah insha Allah waxaanan rajeyneynaa in waqti dhaw lawaayo Tuug jidka Istaago”.

Tiradii ugu Dambeeysay ee Burcada laga soo qabqabtay ayuu ku Sheegay inay gaarayaan 4 qofood oo ku eedeysan falal Burcad nimo ah.

Buracada Soo boodada loo yaqaano ayaa aalaaba dhibaato u geysta Dadka iyo Gaadiidka ku safra wadada isku Xirtay Buur-Hakaba iyo Magaalada Wanlaweyn.

WordPress Plugin Share Bookmark Email

Related posts:

  1. Ciidamada Amaanka D/Buur-Hakaba oo Howlgal Burcad Sifeyn ah fuliyey.
  2. Burcad laga qabtey Deegaano ku dhow Deg. Buur-hakaba
  3. Ciidamada Madaniga ah ee Degmada Buur-hakaba oo Gacanta ku soo dhigey Kooxo Burcad ah.
  4. Ciidamada Amaanka ee Buur-hakaba oo soo Qabtay kooxo ku eedaysan inay wadeen Amaan xumo.
  5. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira

Readers Comments (0)

Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Ciidamada Amaanka D/Buur-Hakaba oo Howlgal Burcad Sifeyn ah fuliyey.
  2. Burcad laga qabtey Deegaano ku dhow Deg. Buur-hakaba
  3. Ciidamada Madaniga ah ee Degmada Buur-hakaba oo Gacanta ku soo dhigey Kooxo Burcad ah.
  4. Ciidamada Amaanka ee Buur-hakaba oo soo Qabtay kooxo ku eedaysan inay wadeen Amaan xumo.
  5. Maamulka Islaamiga ee Buur-hakaba oo Fuliyay Xukuno Dil & Tacsiir isugu jira

Latest Headlines