Maamulka MMI ee Gobolka Hiiraan ayaa Dadka Reer Hiiraan ugu baaqay inaysan isku khilaafin Ciida Nagu soo Wajahan isagoo u Cayimay labo Barood oo ay Salaada Ciida ku Tukadaan Shacabka ku nool Magaalada Balad-Weyne ee Xarunta u ah Gobolkaas.
C/raxmaan Ibraahim Macow oo Gudoomiye u ah Maamulkaas oo Warbaahinta Baaq ugu Diray Dadka ku dhaqan Magaalada Balad-Weyne ayaa kadigay Khilaaf kuna baaqay in si mideysan loo Ciido Farxad iyo Qalbi Furaana lamuujiyo.
Macow oo arimahaa ka hadalyana waxa uu yiri:“Waxaan rabnaa inay Dadweynuhu ilaaliyaan Nidaamka oo ay ilaaliyaan Khilaafak Islaamka Gudihiisa aan ku habooney in lawada waardiyeeyo oo sidii Bishaas Barakeysan dhamaadkeena aan u hubino aan si sharaf leh oo qiimo leh reer Hiiraan hadaanahay aan ugu wada Ciidi laheyn”.
Dadka kunool Magaalada Balad-Weyne ayuu u Sheegay inay Salaada Ciida ku kala dukadaan Fagaarayaasha Lamagalaay iyo Suuqa Xoolaha ee Bariga iyo Galbeedka Magaaladdda isagoo leh:“Meelaha larabo in lagu Ciido oo Ciida lagu Tukado labo barood oo waaweyn oo waa meeshii Lamagalaay iyo meeshii kale ee Suuqa-Xoolaha aheyday labadaas meelood baan rajeyneynaa Insha Allahu in lagu Tugado… Qof walba waa inuu ka qeyb qaato sidii Bulshadaas uu Qilaafak uga Ilaalin lahaa ama Quluubtooa uu u hagaajin lahaa oo leysugu Tahniyadeyn lahaa Maalintaas Ciida ah insha Allahu waan rajeyneynaa inaan noqono kuwii Qilaaflaan Ciida”.
Hadalkan ayaa Imaanaya Xili ay nagun soo wajahantahay Ciida Ciidul Fidriga.

Related posts:
asc sheekh Macoow ilaah kheyr haku siiyo adiga iyo beeshaada mujaahidiinta la heshiisay.
ilaah xaqa hanawada tuso