21, Dhimasho & 40 Dhaawac ah oo uu Marayo Khasaarihii ka dhashay Qaraxyadii lala beegsaday AMISOM.
By Somalimirror on 19 Sep, 2009 10:46 AM in Main, Wararka
Waxaa sii kordhaya Qasaarihii AMISOM iyo DKMG ahba ka soo gaaray Qaraxyadii lala beegsaday Khamiistii la soo dhaafay Fariisinka Xalane, waxaa ku dhintay 21 Qof oo 17 ka mid ahi yihiin Ciidamada AMISOM, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 40 Qof, sidaasna waxaa Shaaciyay U qaabilsanaha Midowga Afrika Arimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira.

Taliyihii Ciidamada Burundi ee Qaraxa ku dhintay & Muuqal kore oo ah Qaraxii
Bwakira oo Saxaafadda la hadlay ayaa yiri “Waxaa ku dhintay 21 Qof oo 4 Soomaali tahay, 5-na Ugandhiis 12-na Burundhiis”.
Sidoo kaloo wuxuu Cadeeyay inay Qaraxyadaasi ku dhaawacmeen ugu yaraan 40 Qof “29 ka mid ah Diyaarad waxay u soo Qaaday Nairobi”.
Wakaalada Faransiiska ee AFP ayaa Sheegtay in Diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Faransiiska ay Jimcaddii(Shalay) ka Duushay Muqdisho iyada oo Qaaday 17 Dhaawac Askarta Uganda ah, kuwaas oo ku Dhaawacmay Qaraxyadii Khamiistii sidaasna waxaa sheegay Afahayeen u hadlay Ciidamada Faransiiska oo lagu magacaabo Admiral Christophe Prazuck.
Admiral Christophe wuxuu yiri “Diyaarad Nooceedu yahay C -130 ayaa ka soo Kacday Djibouti iyada oo ay la socdaan Shaqaale gaaray 11 Qof oo ay ku jiraan 3 Dhakhtar, waxaana loo gudbiyay Dhaawacyadaasi Nairobi halkaasi lagu Daweynayo Isbitaal hoos taga Ciidamada Midowga Afrika oo ku yaala Nairobi”.
Mid ka mid ah Dhaawacyadaasi ayuu sheegay inuu Halis yahay ka dib markii uu si xun u kala googo’ay.
Dadka Qaraxyadaasi ku dhintay waxaa ku jira Taliyihii Ciidamada Burundi Gen. Juvenal Nyonguruza Burundi oo ahaa Taliye ku Xigeenka Ciidamada AMISOM.
Sidoo kale waxaa ku dhintay Sarkaal kale oo Burundi ah oo Taliye u ahaa Guuto ka mid ah Ciidamadaasi waxaana lagu magacaabaa lieutenant.
“Arinkani waxba ka badali mahayo Qorshayaga, balse wuxuu noqonayaa Mid ay Beesha Caalamku ku sii cusbooneysiiso go’aankooda” ayuu yiriNicolas Bwakira.
Nicolas wuxuu intaa raaciyay “Waxaan ugu Baaqeynaa Beesha Caalamka inay sii labo Jibaaraan Taageerada Ciidamada AMISOM, waxaan u Baahanahay Maalgalin aad u weyn xag Dhaqaale, Maadi iyo Qalab oo Amniga ah” wuxuuna sii yiri “Ma Doonayno in lagu gaabsado Hadalo, waxaan Doonaynaa Maalgalin la Taaban karo”
Qaraxyadii Khamiista lala beegsaday Xaradda Xalane waxaa Sheegtay Mas’uuliyadeeda Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin, waxaana uu Noqonayaa midkii ugu Khasaaraha Badnaa ee AMISOM ka soo gaara Magaalada Muqdisho tan iyo markii ay Cagaha soo dhigeen March 2007.
Daabaco

waa sax in laqarxyo
cali | Sep 19, 2009 | Reply
Allaaht akbar waa guul iyo farxad uso hoyatay umada musliminta oo idil. Walaalaha ku shahiiday gaalada alle ha u aqbalo shahiidnimo . Umada muslimka ahow alle ka baqa oo maalkiina iyo naftiina kubixaya jihaadka alle .naftana waxaa ka horeeya xolaha oo labixiyo
Muscab | Sep 19, 2009 | Reply
asalamu caleykum waraxmatulahi wabarakatu ramaadan kariim alaaha jabiyo gaalada iyo wixii uu gargaaro aamin aamin,aad ayaan ugu hambalyeynaya walaalahena islaamka ah guusha ay ka gadhen arsiigi ay uusameeyen walaalkena islamka ah salaax cali salaax,qabriga ilaahay haw nuuriyo,ta kale mujaahidinta al shabaab waxan ku gubaabinayaa in aanay joojin dagaalka ay kula jirraan gaalada iyo daba dhiilifkoda insha alah weyna jabi doonan kuwa uu gargaraya gaalada,waa kuma islaamka saxda ahii waa ka ka naxa dhawaca mise dhimashada la gadhsiyo walaalkisa islamka ah meel kasta ha jooge,ciraq afganistan falistan chinaha filibiin iyo mid kasto o islam ahi meelkasta ha jooge lakin ka ku farxay dhimashadii mujaahid salaax cali salaax, imiinka ha ka naxo baqtiga iyo burburka gaalada fuuqa waa weyn ee xalane hoos yaalo iyo jiidka airobka,insha alaah weynu guuleysan doona
xamse abdi | Sep 19, 2009 | Reply
asc waxaan doonayaa in lagu sookordhiyo web ka barnaamij su aal furan oo todobaatle ah waxaan aqriste ku kuxiran web ka somalimirror waxaan rajeynayaa inaad aqbali doontaan codsigeyga byyy asc wrw
cismaan | Sep 19, 2009 | Reply
alaahu akbar waa guul islaamka iyo umada somaliyeer usoo hoyotay ilaah baana mahadaas iskaleh
ladane | Sep 19, 2009 | Reply
A.sc wali wax kale ayaa la qarinayaaa lakin kuwa soomalida ah lama sheegayo miyaa waxan ogaanay in ay wax la qiimeeyo ahayn
saalax abuukar | Sep 19, 2009 | Reply
Waa guuuuul us00 h0yatay umada islamka gar ahan umada s0maliyeed 00 dhib badan lagu hayay ilahne waxan kabaryena in u u gargaara umadisa 00 h0ganka uhes0 mujahidinta gushane us00 dadajiy0 amiiiiin
Waxgarad | Sep 19, 2009 | Reply
asc all walaalaha xaqa jecel waa mahad alle ee ilaah aan ku mahdino mida kale Munaafaqiinta somaliyeed ma soo hadli garaan caro ayay ku maqan yihiin mar kastaa muslimiinta ayaa ilaah la jiraa allaahu akbar
abuu ayman | Sep 19, 2009 | Reply
aad iyo aad ayaan uga xunahay waxa walalaheen AMISOM loo geestay waana aarsan doonaa haduu alle idmo
al ansaar | Sep 19, 2009 | Reply