Sheekh daahir ow cabdi oo caawa dadweynaha reer boosaaso ugu baaqay inay caawiyaan dadka ka barakacay muqdihso
By SomaliMirror on 9 Sep, 2009 10:15 PM in Main, Wararka
Sheekh daahir ow cabdi oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaanno soomaaliya oo caawa kalmad waano ah dadka uga soo jeediyay masjidka ramadaan ee magaalada boosaaso nasashadii u dhexysay rakcadaha taraawiixda ayaa tibaaxay inay la soo xiriirreen rag ka mid ah culimada ku howlan taakuleynta dadka barakacay ee daadsan inta u dhexeysa muqdisho iyo afgooye.
Sheekhu in kasta oo aanu carrabbaabin sheikha la soo hadlay waxaa laga fahmayay hadalkiisa inuu tilaamayay sheikh jaamac cabdisalaam oo madax ka ah guddiga taakuleynta dadka barakacay.
Sheikh daahir oo si muuqata dareenkiisa looga akhrisanayay xanuunka iyo tiiraanyada ay ku reebtay warbixinta laga siiyay xaaladda nololeed ee dadka barakacay ayaa dadka si weyn ugu boorriyay inay walaalohood u gurmadaan wuuxuna tilmaamay inay waajib tahay inuu farriintaas soo gaarsiiyo.
Sheikha oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in culimada u warrantay ay u sheegeen in in badan oo ka mid ah dadka barakacay roobku ku da’ayo oo ayna haysanin wax ay ka gabbaadsadaan iyada oo ay u weheliso gaajo iyo wax la’aan kale.
Sheekhu gabagabdii hdalkiisa wuxuu soo jeediyay in ugu yaraan sakaatulfidriga lacag ahaan culimda howsha ku jirta loogu xawilo si ay raashin dadkaas tabaaleysan ugu siiyaan ka dibna ugu qaybiyaan, wuxuuna sheegy in ay arrintaasi sharci ahaan bannaantahay,wuxuuna tilmaamay in culimada howshaas ku jirta ay wixii loo diro gaarsiin doonaan dadka tabaaleysan.
Daabaco

waa markii ugu horeysay ee shaqsi kasoo jeeda waqooyi galbeed ee soomaliya inuu u naxo shicibka koofurta, waxaase ayaandaro ah dad culimo isku sheegay ee ka aamusay dhibaatada ku haysata soomalida koofurta iyo kuwa tahriibka u aada inay yemen ka galaan gobolkaas.weligey ma arkim dad isku raacay culimo iyo caamo naceyb soomali kale.soona dhaweysta gaalada ethopian ka ah.masaakinta idiin soo qaxday aad bada ku tuurtaan ama aad nolosha xun geliseen lee uun ka dhaafa .kuwa koofurta alaa arzaqa dhibkana ka bixin doono insha alaah.wabilaahil towfiiq!
4.5 | Sep 10, 2009 | Reply
4.5
Sida magacaagu baadil u yahay ayuu warkaaguna been u yahay.
Geedi | Sep 10, 2009 | Reply
Asc wr wbr
Walayaal waa in lagu farxo shiikhu hadal u nosojeediyay, maxaa yelaay qofka ficil kiisa ba lagula dhaqmaa ileen uurka wax ugu jira ma ogini, qofka shiikha dacaayaadaybayd waa dad jiran oo qabiil ka buuuxo, ordaya sharif iyo cumar adaa.
mashaalaah rer puntland kaca meesha iska celiya ashahaada la dirirka iyo mamulka baas oo dinta u dagaalama
allahu akbar
Maxamad | Sep 10, 2009 | Reply
Maasha allah, ) alxamdulilaah. umadeena dibka haysto waxaa waaye diinta oon la baran oo eey u qaateen cilmiga diinta wax lagu dasho.) walaalayaal diinta oo la baran lagana tago dibka eey leedhahay waa aad aragteen ( meel kasto caalamka inaan ku dhibanahay. waxaana fiicnaan laheed inaan kutubta culamada,( tafsiirka quraanka, tawxiid) iyo ktubta kale ee quluubta, sida sheikh islaam ibn taymiyah,ibn qayim aan akhrisano si aan quluubena u nadiifino. Quluubta ( waa guriga tawxiidka, taqwada). gaari wada qarabin benzine ma ku shubi laheed. dadkeena inay is nacaan wax isku quurin aniga waxaan amin sanahay fahamki diinta saxaabada iyo culumadi horay aysan baran, yaa allah quluubteena diintaada jeceelkaada ka yeel. asc
Cabdalah | Sep 10, 2009 | Reply
asc ilaahay ajar ha kasiiyo shiikha wanaaga uu nagu baraarujiyey
Geedi baarakallaah.
Ilaahay ha dhigo arinta Somalia meesha ku haboon.
Cali_Dhagajuun | Sep 10, 2009 | Reply
aniga koofurta aad sheegyasid aan ka soo jeedaa, waana jooga, laakiin waxaan la yaabay unuka axaa naga qariyay wanaaga reer Bosasood ama Puntlandba, dad wanaagsan oo aad u badan ayay leeyihiin xataa haddii aad wax ka warheeysid wagii xornimada ayunkaa horseed ka ahaa, maamulkii dalka iyakaa ka ahaay, diin iyo dadnimo waa tan waqtigaan ay ku soo gaareen in aysan sida waxshinomo oo aan isu dilnay isuna qixinay, haddaan nasab nahay aan nabad degankeena ka dhalinno, sida isaaq iyo daarood xaan ugu qaraaraynaa, ar nasoo kaalmeeyo waa imtixaananahaye, tan kale xay maamulkooda ula dagaalaayaan, ar jamaaco aadi maysaane walle dayya, la ganacsan maa, la qurux badnaan maa, haddii aad maamulkiina la dagaashaan, annaka dhag hanoo dhiginaha nolol xabba kama ogine, haddii diin aa leedahay halka hadlaayoow dadka aa qixideen oo laydeen, dawlu maahee xaad ku laydeen, dhiigoora iyo maalmooda iyo mooradooda xaa ku banaysatay, waa jihaadaaa, walee mooryaanimo lee maahoo.
raalli ahaadha
calas dheere | Sep 10, 2009 | Reply
Sidaynu ognahay dadka gobolkani kasoo jeedaa waa dadkii aad utaageersanaa odaygii ama duqii cabdullahi yousuf iyo xasuuqii ay ethiopianku kageysteen muqdishu; sheekhu markaas kaddib miyuu dhashay?, hadda duco iyo deeq midnaba kaama rabno ee dadkii aad badda kudaadiseen ma layskaga hari doono; mana aha wax la inkiri karo
Muqdishaawi
Hurdaaye | Sep 10, 2009 | Reply
shiikhu waxa larabay inu ka hadlo abaaraha ba an ee ka jira puntland maxaa charity begins at home , somaaliduna waaxy tiraahda ki tiisa daryeela tu kale ku dara marka shiikh wa mahadsan yahay runti inu so jeediyo arinkaan lakin waxa iyana loo baahna inu abaaraha puntland ka jira ee iyana u istaagaan tankale ninka leh reer waqooyi uma istaagin qaxootiyada xamer dee waxa haboon hadal in la miisaamo reer muqdisho iyga dabka qabanaya waxkasta cida dhibku soo gaareysona wa iyaga marka waxa loo baahan yahay inaysan cida kale ku eedayne ee iaygu isku eedayaan…..
wabilaahi tow fiiq
ina owrweyne | Sep 10, 2009 | Reply
acww horta marka hore qofka magaciisa qarshay maaqaan in iyo naag wuxuu yahay oo culimada dacaayadayna alle caafiyo oo qof jirane tankale waxaan lee yahay arinta shiikh ka hadlay waa arin aad u muhiim ah in la caawiyo walaalaha dhibaataysan alle waxaan uga baryayaa in uu ka ajarsiiyo isaga iyo muslimiinta kale ee walaalahood caawina dadka muslimka ah ee dhibaataysan alle dhibka ha saaro iyo waxa ay ku jiraan
abumuxsin | Sep 11, 2009 | Reply
Sh. Daahir haddii uu intan qabtay waa masha Allah illayn ragga uu isaga ku jidho la waydiin maayo jihaadka iyo taakulayntiisa.
Hadii ay nooga aadaan waxtarka masaakiinta ceelasha biyaha iwm daadsan oo afkooda naga xidhaan waxaan leenahay jusiitum khayran.
Laakiin waxaa su’aal ah why Somalida ay u yihiin retroactive not proactive in time of crisis?
Ma jiro wax empowering programs joogta ah oo ku aadan
1) dadkan dhibaataysan ee Magaaladan Xamar
2) Qaxootiga daadsan gobollada Soomaliya
3) Tahriibayaasha iyo dhibka ay reer woqooyiga iyo Bariga kala kulmaan
4) Qaxootiga jooga yeman, Kenya ama Xabashida ama carabta kale
Waxaase oo dhan waxaa ka daran culimada Hargeysa iyo Burco ee barkinta dheer dhigtay oo aad mooddo inay la qabaan mooryaanta Hargeysa dhibka ku dhacaya masaakiinta gaalada Amison gumaadayaan inay tahay dal kale
Somali Islamist should have prewarning system for drought and method of gathering resources to alleviate the suffering of our people year round.
Allow khayrka nagu toosi.
Dr Ali Lamadage
Dr Lamadage | Sep 11, 2009 | Reply