La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada S/land oo sheegay in cadaadis la saaray intii uu hayay Mooshinka Maamuus ka xayuubinta Riyaale

Published on September 9, 2009 by   ·   6 Comments   ·   print

HARGEYSALa-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada Axmed Cali Kaahin, ayaa ka jawaabay laba Mooshin oo Shirguddoonka Golahaasi ugu gudbiyay in uu ka soo talo-bixiyo, kuwaas oo mid ka mid ahi yahay maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne. Waxaanu sheegay in intii uu gacanta ku hayay Mooshinnadaas uu cadaadis la kulmay.

Axmed Cali Kaahin oo fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ka horjeediyay talo-soo-jeedintaas, ayaa Aayado Quraan ah iyo Xadiis uu hadalkiisa ibo-fur uga dhigay ka dib, wuxuu gudo-galay in uu ka talo-bixiyo laba Mooshin oo kala ah, Maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne iyo wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. “Waxaan horraysiinayaa Mooshinka Maamuus-ka-xayuubinta..Markaan arkay qodobka 37aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 34aad, faqraddiisa 3aad iyo Afraad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Markaan arkay qodobka 14aad, faqraddiisa 3aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 3aad, faqradihiisa 1aad, 13aad, 14aad, iyo 16aad ee Xeer-hoosaadka Golahan Wakiilada. Markaan arkay qodobbada 9aad, 37aad, 38aad, 14aad, 54aad, 55aad, 83aad, 96aad iyo 129aad ee Dastuurka Qaranka. Markaan tixgeliyay dhacdooyinka ku xusan Mooshinkan, waxa ii caddaatay;

-In uu Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo Shuruucda kaleba uu waafaqsan yahay.
-In Goluhu xaq u leeyahay in uu ka dodo oo uu qodobo ka soo saaro.
-Waxa u bannaan in la tixgeliyo xaaladda Siyaasadeed ee dalka.” Ayuu yidhi La-taliyaha Sharciga ee Wakiiladu Axmed Cali Kaahin oo ka talo-bixinayay Mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweynaha.

La-taliyuhu waxa kale oo uu halkaas ka sheegay talo-soo-jeedin kale oo la xidhiidha Mooshinka labaad ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. “Markaan arkay qod 37aad ee xeer-hoosadka Golaha Wakiilada. Markaan arkay qod 34 (xubinta 3aad iyo 4aad )ee Xeer-hoosadka. Markaan arkay qod.14 (xubinta 3aad ) ee xeer- hoosadka. Markaan arkay qod 3aad (Xubiinta 1aad)iyo ( xubinta 13aad) iyo (xubinta 14aad) iyo (xubinta 16aad) ee Xeer-hoosaadka. Markan arkay qodobka dasturka ee 64aad . Markaan arkay Qod 22aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markaan arkay Qod 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markan tixgeliyeey nuxurka soo jeedinta oo ah habka xilka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladda.
Waxa ii cadaatay:

1-Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha ee kor ku xusan waxay si toos ah u khusaysaa Qod 22aad (xubnihiisa 3aad & 5aad) ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda oo u dhigan sidan;

A)- Guddida Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka bedelka ama wax ku kor-dhinta xeer – hoosaadka Golaha iyo fasiraada qodobada Xeer-hoosaadka.

B)-Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo tarjumaada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya la – taliyaha sharciga ee Golaha.

Haddaba maadaama oo si cad ay u qeexan tahay habka sharci iyo maamul ee lagu dhaqayo soo jeedinta noocan ah, waxaa haboon in:-

I-Loo gudbiyo Guddida Joogtada iyo Anshaxa soo jeedintan sida waafaqsan Qod 22aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda.

II-In Guddida Joogtada u xilsaaran tahay wixii isqabad iyo tarjumida xeer hoosaadka iyaga oo la tashanaya la taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda.

2-Waxaa kale oo u banana Golaha in uu si toos ah u gudo galo xil-ka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha, ayna u codeeyaan 55 mudane sida naska xeer-hoosaadka u qoran yahay waqtiga la joogo. Waxaa haddaba xusid mudan in qodobo xeer-hoosaad ama dastuur ee wadanka Somaliland qaatay lana wadaagto Dawlado badan oo aduunka ah in xil u magacaabidu ay ku ansaxdo cod hal-dheeri ah (simple majority). Laakiin marka ay timaado xilka qaadista loo baahdo aqlabiyad ka badan 2/3 majority (absolute majority).

3-Waxaa kale oo u banana in Golaha Wakiiladdu uu tixgeliyo duruufaha iyo waaqaca siyaasadeed ee maanta taagan.”

Dhinaca kale, Axmed Cali Kaahin oo Warbaahintu wax ka waydiisay sharcinimada xadhigga Xukuumadda ee Xarunta Baarlamaanka, ayaa wuxuu sheegay inay sharci-darro tahay. Sidoo kale mar la waydiiyay in uu jiro cadaadis uu la kulmay intii uu gacanta ku hayay Mooshin-nada, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Dad aan garanayaa way jireen inay ila soo xidhiidheen labada dhinacba, laakiin waxaan u sheegay in Jidka la marayaa uu yahay uun Sharciga iyo sida uu dhigayo.” Waxaanu baaq u jeediyay Umadda Somaliland iyo Mudanayaasha Golaha oo uu ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan iyo midnimada.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. La talitaha Sharciga ee Wakiilada oo ku soo talo bixiyay in Mooshin Maamuus ka xayuubinta Shirgudoonka & Madaweynaha ay Sharciga waafaqsan yihiin.
  2. Fadhigii G/ Wakiilada S/land oo La Horgeeyay Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Madaxweyne.
  3. Qalalaase ka dhex dhacay Golaha Wakiladda ee S/land & Booliska oo xoog kula wareegay xaruntoodii.
  4. Golaha wakiilada M/mulka S/land oo canbaareeyey Go’aankii Q.M,ka soo saartay hoos u dhaca Amaanka S/land.
  5. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/land oo Maamulkiisa ugu Baaqay in la soo Qobto Dadkii ka dambeeyey Dilalkii Ceel-bardaale.

Readers Comments (6)

  1. 4.5 says:

    melez wifes oo bistoolada iskula soo baxay lol
    somaliland goormeey ka xoroobaayaan samaroon iyo melez looooooool

  2. Hurdaaye says:

    Ninka hadalka iiga horreeyey magaran karayo waxa uu ujeedo; laakiin axmed ali kaahin wuu ku mahadsan yahay inuu caddeeyey wixii rag ku heshiiyey; ninkii jebinayaana isagay utaallaa!!.

    KHAALID

  3. Adoon Eebe says:

    Sxb Samaroon waxaan u aqaanaa reer Soomaaliyeed oo shacab wanaagsan leh waxaana fiican in waxaa meesha ka socda aan reerna dusha laga saarin ciday u yihiinba waase hawlo ka dhexaya danaysatayaal. Sidaad ogtihiina marka danaystaha hawshu ku qaloocdo ama laga wado wadooyin kale ayuu isticmaalaa iyo qabiil si dadka maangaab ka ah uu u maangado. Melez ninka la yiraahdaana waxuu gaalada wakiil uga yahay geeska africa maamulada ka jiraan waa wada ogol yihiin waxaa keliya oo diidan waa shacuubta oo ay ku jiraan inta ay xooga ku haystaan iyo Eriteria dawlada maamusha. sidaaas darteed shucuubtu waxay u baahan yihiin in sheydaankaas laga xoreeyo fikirka uu ku shaqaynayona geeska laga nadiifiyo iyadoo si xikmad leh loo wajahayo arintaas guunka ah.

  4. Allemagan says:

    1960kii mar ay rabshado ka dhaceen Muqdisha waxaa loo dalbaday oo xasilloonida soo celiyey ciidamadi (Camel Corps) ee waqooyiga Soomaaliya. Hadana waxay u muuqata in wax qabadkii dadka gobolkan aan laga fursanayn hadii la rabo in xal waara loo helo dhibka Soomaaliya hareereeyay. Dadka Soomaaliya meel walba oo ay joogaan waa ay tabayaan kaalintii weynayd ee gobolkaasi ku lahaa midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

    Waxaa fiicnaan lahayd in gobolkan la baxay Dhulkii Soomaaliya (Somaliland)ay dhinac iska dhigaan riwaayadan aan dhamaanayn ee ka socota gobolka. Natiijo fiican laga gaari maayo nimdaam ku dhisan qabyaalad iyo gobolaysi markiisa horeba. Qofkii aan runta iska indha tirayn waa uu garan karaa in ninka hada la baxay Rayaale (barigii hore wuxuu ahaa magaciisu Riyaale/goat keeper)dadka awalba hormoodka ka dhigtay ayan meel wanaagsan u socon.

    Sidaas waxaan u leeyahay dadka waqooyiga Soomaaliya waxa ay markii hore Soomaaliya uga carareen, Siyaad Barre ayaa dhib noo geestay. Ha yeeshee, macna samayn mayso arrintaasi hadiiba aad hogaanka u dhiibateen jaajuuskii u shaqaynayey ilaa ina Siyaad Barre markuu wada cabay. Taasi waxay la mid tahay bakhtiga ma cuno laakiin fuudkiisa ayaan cabaa.

  5. kooshin says:

    ninka la baxay allemagan waxan leeyahay hadalkaagasi wax macne ah uu u ku fadhiyaa ma jiranaa waxan aflaagdo iyo cayaalo suuqnimo ahayn mana jeclayn in aan kuu jawaabe lakin talo ayaan ku siinayaa
    hadaad wax sheegay sid lagama tago xishood
    looma baahna in aad iska aflagaadaysid dad aanad gaadhayn ookaa sharaf badan

    dadka waqooyi waa dadka soomali ugu mudan

    waxa kaa hadlinayaa waa xaasidnimo iyo faqash ka hadheen aaad tahay

    waxaad ka hadashaa meeshan gubanaysa maqbarada caalmaka noqotay ee malin walba 100 ku dhimanayaan aydhiskana lagu qaybinayo iyo meeshan kale budhcad badeedo ka dilaacaday meelahan ka hadal bilaa karaamada ah
    intaad dadka xalasha ah ee sharafta leh xaasidnimada iyo calool xanuunka kula dhacayso
    sxb waad bugtaa dawadaada lama haye sidaa ayaad qabirgana ku galaysaa

    somaliland waleegd way jirayasaa shacabka waqooyi madax kor u hayaan

    adoonbaad tahay xabshi jiidjidayso

  6. Allemagan says:

    Kooshin,

    Walaal Kooshin, cay ay aflagaado looma baahna in hadalka lagu wadaago. Xaashaa lillaah. Waqooyiga Soomaaliya runtii waaban amaanay hadii aad dulucada hadalkayga fahantid. Maxaad walaal sidan u la diirtay?

    Tan labaad, Kooshin, aydhiska iyo burcadnimadu aad Soomaali kale ku cambaaraynaysid, ogow meel fog kaama jirtee. Hadii gobolada aad tilmaantay cudurka noocaas ah ka dilaaco Alle ha na samata bixiyee, Hargaysa meel fog kama jiro ayadana. Maxaa wacay, ninkii Subaxnimadii jooga Kismaayo Hargaysa ayuu u hoydaa oo waad ogtahay. Soomaali oo dhana waa dad wada dhashay wayna isku dhaxdaa ee taasna meesha ku dar.

    Waa wax lagu qoslo markii la yiraahdo war yaan Soomaalinimada laga tegin, in qofka lagala horyimaado xaasid baad tahay. Kooshinow, Soomaalida inteeda kale kaa gaynmayso Barasaab Ingriis ah ayaa qarnigii la soo dhaafay noo talin jiray. Bal eeg macna darrada magaca aad u xaglinaysid waa Dhulkii Soomaaliya (Somaliland). Malaha marka afka Ingriiska lagu sheego ayaa magacaas la mooda wax gaar ah.

    Hadaan ku xusuusiyo, naagtii Barasaabkii Ingriiska ee waqooyiga Soomaaliya ayaa waxay raashin ku qaybin jirtay xeryo miyaga ku yaal oo loo yaqaanay “Miskiin” markii la waayay Soomaali lagu aamino. Maantana sidii ayaysan jirin cid la aamino oo maato u naxaysa meeshaas. Goor iyo ayaan qayla dhaan iyo dadbaa abaaraysane ha nala soo gaaro waa taa lagu hayo ayadoo waliba la leeyahay dowlad ayaa meeshaas ka jirta. Ingriis tegye maxaa raaxa ah oo ku soo kordhay Saraar iyo Togdheer?

    Kooshin, inkasta oo yara Soomaalidu is dhaanto maanta, runtii dandarradu waa ina wada haysataa. Waxba yaynaan duurka isku xulin. Waataa dhallinyaradii Soomaaliyeed gobol kasta ha ka timaadee, badwaynta India maalin walba tartarabta u soo tufayso.

    Kooshin runtii wax aan adiga iyo nin kale oo Soomaali ah aan maanta ku xasdo hadaan Eebe ka yaabo iima muuqdaan. Malaha sidaada ayaanan riwaayad iyo khayaale iska dhaadhicin karin oo runtaa ii muqadata. Soomaaliduna waxay ku maahmaahda “runi rag kama nixiso”.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. La talitaha Sharciga ee Wakiilada oo ku soo talo bixiyay in Mooshin Maamuus ka xayuubinta Shirgudoonka & Madaweynaha ay Sharciga waafaqsan yihiin.
  2. Fadhigii G/ Wakiilada S/land oo La Horgeeyay Mooshin Maamuus Ka Xayuubin Madaxweyne.
  3. Qalalaase ka dhex dhacay Golaha Wakiladda ee S/land & Booliska oo xoog kula wareegay xaruntoodii.
  4. Golaha wakiilada M/mulka S/land oo canbaareeyey Go’aankii Q.M,ka soo saartay hoos u dhaca Amaanka S/land.
  5. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada S/land oo Maamulkiisa ugu Baaqay in la soo Qobto Dadkii ka dambeeyey Dilalkii Ceel-bardaale.

Latest Headlines