La-taliyaha Sharciga ee G. Wakiilada S/land oo sheegay in cadaadis la saaray intii uu hayay Mooshinka Maamuus ka xayuubinta Riyaale
By Somalimirror on 9 Sep, 2009 9:57 PM in Main, Wararka
La-taliyaha dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiilada Axmed Cali Kaahin, ayaa ka jawaabay laba Mooshin oo Shirguddoonka Golahaasi ugu gudbiyay in uu ka soo talo-bixiyo, kuwaas oo mid ka mid ahi yahay maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne. Waxaanu sheegay in intii uu gacanta ku hayay Mooshinnadaas uu cadaadis la kulmay.
Axmed Cali Kaahin oo fadhigii shalay ee Golaha Wakiilada ka horjeediyay talo-soo-jeedintaas, ayaa Aayado Quraan ah iyo Xadiis uu hadalkiisa ibo-fur uga dhigay ka dib, wuxuu gudo-galay in uu ka talo-bixiyo laba Mooshin oo kala ah, Maamuus-ka-xayuubin Madaxweyne iyo wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. “Waxaan horraysiinayaa Mooshinka Maamuus-ka-xayuubinta..Markaan arkay qodobka 37aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 34aad, faqraddiisa 3aad iyo Afraad ee Xeer-hoosaadka Golaha. Markaan arkay qodobka 14aad, faqraddiisa 3aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada iyo qodobka 3aad, faqradihiisa 1aad, 13aad, 14aad, iyo 16aad ee Xeer-hoosaadka Golahan Wakiilada. Markaan arkay qodobbada 9aad, 37aad, 38aad, 14aad, 54aad, 55aad, 83aad, 96aad iyo 129aad ee Dastuurka Qaranka. Markaan tixgeliyay dhacdooyinka ku xusan Mooshinkan, waxa ii caddaatay;
-In uu Dastuurka, Xeer-hoosaadka Golaha iyo Shuruucda kaleba uu waafaqsan yahay.
-In Goluhu xaq u leeyahay in uu ka dodo oo uu qodobo ka soo saaro.
-Waxa u bannaan in la tixgeliyo xaaladda Siyaasadeed ee dalka.” Ayuu yidhi La-taliyaha Sharciga ee Wakiiladu Axmed Cali Kaahin oo ka talo-bixinayay Mooshinka xil-ka-qaadista Madaxweynaha.
La-taliyuhu waxa kale oo uu halkaas ka sheegay talo-soo-jeedin kale oo la xidhiidha Mooshinka labaad ee wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha. “Markaan arkay qod 37aad ee xeer-hoosadka Golaha Wakiilada. Markaan arkay qod 34 (xubinta 3aad iyo 4aad )ee Xeer-hoosadka. Markaan arkay qod.14 (xubinta 3aad ) ee xeer- hoosadka. Markaan arkay qod 3aad (Xubiinta 1aad)iyo ( xubinta 13aad) iyo (xubinta 14aad) iyo (xubinta 16aad) ee Xeer-hoosaadka. Markan arkay qodobka dasturka ee 64aad . Markaan arkay Qod 22aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markaan arkay Qod 16aad ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda. Markan tixgeliyeey nuxurka soo jeedinta oo ah habka xilka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha Wakiiladda.
Waxa ii cadaatay:
1-Soo jeedinta Mudanayaasha Golaha ee kor ku xusan waxay si toos ah u khusaysaa Qod 22aad (xubnihiisa 3aad & 5aad) ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda oo u dhigan sidan;
A)- Guddida Joogtadu wuxuu awood u leeyahay muddada jiritaanka Golaha in uu soo jeediyo wax ka bedelka ama wax ku kor-dhinta xeer – hoosaadka Golaha iyo fasiraada qodobada Xeer-hoosaadka.
B)-Guddida joogtadu waxay u xilsaaran yihiin wixii ka yimaada isqabad iyo tarjumaada Xeer-hoosaadka iyaga oo la tashanaya la – taliyaha sharciga ee Golaha.
Haddaba maadaama oo si cad ay u qeexan tahay habka sharci iyo maamul ee lagu dhaqayo soo jeedinta noocan ah, waxaa haboon in:-
I-Loo gudbiyo Guddida Joogtada iyo Anshaxa soo jeedintan sida waafaqsan Qod 22aad ee xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda.
II-In Guddida Joogtada u xilsaaran tahay wixii isqabad iyo tarjumida xeer hoosaadka iyaga oo la tashanaya la taliyaha sharci ee Golaha Wakiiladda.
2-Waxaa kale oo u banana Golaha in uu si toos ah u gudo galo xil-ka qaadista xubnaha Shirgudoonka Golaha, ayna u codeeyaan 55 mudane sida naska xeer-hoosaadka u qoran yahay waqtiga la joogo. Waxaa haddaba xusid mudan in qodobo xeer-hoosaad ama dastuur ee wadanka Somaliland qaatay lana wadaagto Dawlado badan oo aduunka ah in xil u magacaabidu ay ku ansaxdo cod hal-dheeri ah (simple majority). Laakiin marka ay timaado xilka qaadista loo baahdo aqlabiyad ka badan 2/3 majority (absolute majority).
3-Waxaa kale oo u banana in Golaha Wakiiladdu uu tixgeliyo duruufaha iyo waaqaca siyaasadeed ee maanta taagan.”
Dhinaca kale, Axmed Cali Kaahin oo Warbaahintu wax ka waydiisay sharcinimada xadhigga Xukuumadda ee Xarunta Baarlamaanka, ayaa wuxuu sheegay inay sharci-darro tahay. Sidoo kale mar la waydiiyay in uu jiro cadaadis uu la kulmay intii uu gacanta ku hayay Mooshin-nada, ayaa wuxuu ku jawaabay, “Dad aan garanayaa way jireen inay ila soo xidhiidheen labada dhinacba, laakiin waxaan u sheegay in Jidka la marayaa uu yahay uun Sharciga iyo sida uu dhigayo.” Waxaanu baaq u jeediyay Umadda Somaliland iyo Mudanayaasha Golaha oo uu ugu baaqay inay nabadgelyada ilaaliyaan iyo midnimada.
Daabaco

melez wifes oo bistoolada iskula soo baxay lol
somaliland goormeey ka xoroobaayaan samaroon iyo melez looooooool
4.5 | Sep 10, 2009 | Reply
Ninka hadalka iiga horreeyey magaran karayo waxa uu ujeedo; laakiin axmed ali kaahin wuu ku mahadsan yahay inuu caddeeyey wixii rag ku heshiiyey; ninkii jebinayaana isagay utaallaa!!.
KHAALID
Hurdaaye | Sep 10, 2009 | Reply
Sxb Samaroon waxaan u aqaanaa reer Soomaaliyeed oo shacab wanaagsan leh waxaana fiican in waxaa meesha ka socda aan reerna dusha laga saarin ciday u yihiinba waase hawlo ka dhexaya danaysatayaal. Sidaad ogtihiina marka danaystaha hawshu ku qaloocdo ama laga wado wadooyin kale ayuu isticmaalaa iyo qabiil si dadka maangaab ka ah uu u maangado. Melez ninka la yiraahdaana waxuu gaalada wakiil uga yahay geeska africa maamulada ka jiraan waa wada ogol yihiin waxaa keliya oo diidan waa shacuubta oo ay ku jiraan inta ay xooga ku haystaan iyo Eriteria dawlada maamusha. sidaaas darteed shucuubtu waxay u baahan yihiin in sheydaankaas laga xoreeyo fikirka uu ku shaqaynayona geeska laga nadiifiyo iyadoo si xikmad leh loo wajahayo arintaas guunka ah.
Adoon Eebe | Sep 10, 2009 | Reply
1960kii mar ay rabshado ka dhaceen Muqdisha waxaa loo dalbaday oo xasilloonida soo celiyey ciidamadi (Camel Corps) ee waqooyiga Soomaaliya. Hadana waxay u muuqata in wax qabadkii dadka gobolkan aan laga fursanayn hadii la rabo in xal waara loo helo dhibka Soomaaliya hareereeyay. Dadka Soomaaliya meel walba oo ay joogaan waa ay tabayaan kaalintii weynayd ee gobolkaasi ku lahaa midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.
Waxaa fiicnaan lahayd in gobolkan la baxay Dhulkii Soomaaliya (Somaliland)ay dhinac iska dhigaan riwaayadan aan dhamaanayn ee ka socota gobolka. Natiijo fiican laga gaari maayo nimdaam ku dhisan qabyaalad iyo gobolaysi markiisa horeba. Qofkii aan runta iska indha tirayn waa uu garan karaa in ninka hada la baxay Rayaale (barigii hore wuxuu ahaa magaciisu Riyaale/goat keeper)dadka awalba hormoodka ka dhigtay ayan meel wanaagsan u socon.
Sidaas waxaan u leeyahay dadka waqooyiga Soomaaliya waxa ay markii hore Soomaaliya uga carareen, Siyaad Barre ayaa dhib noo geestay. Ha yeeshee, macna samayn mayso arrintaasi hadiiba aad hogaanka u dhiibateen jaajuuskii u shaqaynayey ilaa ina Siyaad Barre markuu wada cabay. Taasi waxay la mid tahay bakhtiga ma cuno laakiin fuudkiisa ayaan cabaa.
Allemagan | Sep 10, 2009 | Reply
ninka la baxay allemagan waxan leeyahay hadalkaagasi wax macne ah uu u ku fadhiyaa ma jiranaa waxan aflaagdo iyo cayaalo suuqnimo ahayn mana jeclayn in aan kuu jawaabe lakin talo ayaan ku siinayaa
hadaad wax sheegay sid lagama tago xishood
looma baahna in aad iska aflagaadaysid dad aanad gaadhayn ookaa sharaf badan
dadka waqooyi waa dadka soomali ugu mudan
waxa kaa hadlinayaa waa xaasidnimo iyo faqash ka hadheen aaad tahay
waxaad ka hadashaa meeshan gubanaysa maqbarada caalmaka noqotay ee malin walba 100 ku dhimanayaan aydhiskana lagu qaybinayo iyo meeshan kale budhcad badeedo ka dilaacaday meelahan ka hadal bilaa karaamada ah
intaad dadka xalasha ah ee sharafta leh xaasidnimada iyo calool xanuunka kula dhacayso
sxb waad bugtaa dawadaada lama haye sidaa ayaad qabirgana ku galaysaa
somaliland waleegd way jirayasaa shacabka waqooyi madax kor u hayaan
adoonbaad tahay xabshi jiidjidayso
kooshin | Sep 10, 2009 | Reply
Kooshin,
Walaal Kooshin, cay ay aflagaado looma baahna in hadalka lagu wadaago. Xaashaa lillaah. Waqooyiga Soomaaliya runtii waaban amaanay hadii aad dulucada hadalkayga fahantid. Maxaad walaal sidan u la diirtay?
Tan labaad, Kooshin, aydhiska iyo burcadnimadu aad Soomaali kale ku cambaaraynaysid, ogow meel fog kaama jirtee. Hadii gobolada aad tilmaantay cudurka noocaas ah ka dilaaco Alle ha na samata bixiyee, Hargaysa meel fog kama jiro ayadana. Maxaa wacay, ninkii Subaxnimadii jooga Kismaayo Hargaysa ayuu u hoydaa oo waad ogtahay. Soomaali oo dhana waa dad wada dhashay wayna isku dhaxdaa ee taasna meesha ku dar.
Waa wax lagu qoslo markii la yiraahdo war yaan Soomaalinimada laga tegin, in qofka lagala horyimaado xaasid baad tahay. Kooshinow, Soomaalida inteeda kale kaa gaynmayso Barasaab Ingriis ah ayaa qarnigii la soo dhaafay noo talin jiray. Bal eeg macna darrada magaca aad u xaglinaysid waa Dhulkii Soomaaliya (Somaliland). Malaha marka afka Ingriiska lagu sheego ayaa magacaas la mooda wax gaar ah.
Hadaan ku xusuusiyo, naagtii Barasaabkii Ingriiska ee waqooyiga Soomaaliya ayaa waxay raashin ku qaybin jirtay xeryo miyaga ku yaal oo loo yaqaanay “Miskiin” markii la waayay Soomaali lagu aamino. Maantana sidii ayaysan jirin cid la aamino oo maato u naxaysa meeshaas. Goor iyo ayaan qayla dhaan iyo dadbaa abaaraysane ha nala soo gaaro waa taa lagu hayo ayadoo waliba la leeyahay dowlad ayaa meeshaas ka jirta. Ingriis tegye maxaa raaxa ah oo ku soo kordhay Saraar iyo Togdheer?
Kooshin, inkasta oo yara Soomaalidu is dhaanto maanta, runtii dandarradu waa ina wada haysataa. Waxba yaynaan duurka isku xulin. Waataa dhallinyaradii Soomaaliyeed gobol kasta ha ka timaadee, badwaynta India maalin walba tartarabta u soo tufayso.
Kooshin runtii wax aan adiga iyo nin kale oo Soomaali ah aan maanta ku xasdo hadaan Eebe ka yaabo iima muuqdaan. Malaha sidaada ayaanan riwaayad iyo khayaale iska dhaadhicin karin oo runtaa ii muqadata. Soomaaliduna waxay ku maahmaahda “runi rag kama nixiso”.
Allemagan | Sep 11, 2009 | Reply