Ciidamada loo yaqaan Ashahaado la dirirka oo xiray Maareeyihii Telecom ee Galkacyo

Published on September 9, 2009 by   ·   9 Comments   ·   print

Gal-kacyoAbbaare 12:00kii duhurnimo ayaa ciidamada Ashahaado la dirirku waxay weerareen shirkada isgaarsiinta iyo korontada ee Telecom, Ciidamadan oo aad u hubaysnaa watayna sadex gaari oo midi yahay tekniko ayaa markiiba taxaabay maareeyihii shirkada Cumar Cabdile Max,Ed (Cumar Dheere) waxayna ku xirteen xaruntooda.

Ma dhicin wax tacshiirad ihi intii hawshaasi socotey laakiin waxay xireen dhamaan wadooyinka soo gala shirkada.

Maareeyaha oo caanka ka ahaa magaalada Gaalkacyo ayaa xarigiisa waxaa aad uga carooday bulshada reer Gaalkacyood maxaa yeelay wuxuu ahaa xubin firfircoon oo aad uga dhex muuqata arin kasta oo bulshada wax loogu qabanayo asagoo kawada tirsanaa ganacsatada iyo aqoonyahankaba.

Sababta arintaan keentay ayaa lagu sheegay inay tahay in mudo dheer shirkadu ay kasoo saari wayday biilkii korontada guriga kooxdaani ay dagan tahay lacag aad u faro badana ay ku aruurtay, kadibna shirkadu ay goosatay  in dabka laga jaro gurigaas sida nidaamka shirkaduba yahay.

Waxay kaloo la sheegeen in sadex shaqaalaha shirkada kamida ay saakay horay u xirteen markay korontada ka jareen.

Waxaa xusid mudan marka dhacdadaas foosha xun dhacayso in magaalada uu ku sugan yahay dhamaan maamulkii ugu sareeyey Puntland, sida lawada og yahayna ciidamadaani ma hoostagaan maamulka ee toos waxaa u maamula oo maalgaliya oo abuurtay jihooyin ajnabi ah.

Waxay dhacdadani kusoo beegmaysaa ayadoo dhawaanahanba magaalada ay ka jireen dilal looga gol leeyahay in amniga magaalada lagu khalkhal galiyo oo ay ugu danbeeyeen maalinamadii daraad oo lagu dilay nin si qorshaysan loo khaarijiyey, halka isla shalayna wadada loo galay baabuur magaalada ka baxay oo kusii jeeday Garacad  dadkii saarnaa qaarna la lalaayey qaarna ay dhaawac ku fakadeen ayadoo jawaab looga dhigayo falkii daraad.



WordPress Plugin Share Bookmark Email



Related posts:

  1. Sheekh Cismaan Shire oo ay Ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS)M. Boosaaso ka qafaasheen
  2. Sarkaal ka mid ah Isbahaysigii Ashahaado la dirirka oo la khaarajiyay
  3. Abuu Mansuur “niman baa jira Barnaamijka Ashahaado la dirirka loo sheegay”
  4. Shirkada Isgaadhsiinta ee Golis Telecom oo Adeegeeda Gaadhsiisay Deegaano Cusub
  5. Maareeyihii Garoonka Muqdisho oo dib loo sii daayey

Readers Comments (9)

  1. maxamud says:

    waxaan ku hadlo magaranayo , haddii xaalka Galkacyo saas yahay maxay xal ah oo DGPL uhaysaa ? .
    beelaha xannaftu kadhaxayso waa in lawada hadalsiiyaa .

    midda kale , horta Ashahaado ladirir muxuu yahay ? ma cirkay kasoo daateen soo dad somali sheeganaya oo qabiilo kasoo jeeda maahan ? .
    waxaas wax dadka galaya maahan oo waa wax Puntland raali katahay , haddaysan raali ka ahayn haqabo illeen dhaqdhaqaaqyaday samaynayaan waa ku wa liddi ku ah horumarka Dalkee .

  2. osman says:

    maanta ma jecli in aan halkaan fikrad ka dhiibto balse codsi ayaan ka dhiibanayaa waxa aan rabaa in aan ka qeyb qaato wariyayaasha webkan maadaama aan aqoon u leeyahay suxufinimadda si tabarucaad ah weliba maadaama aan ka helay magaca webka oo ah somalimirror, ok si deg deg ah ayaan war idiinka sugayaa

  3. Geedi says:

    hala iska xirto dadkaan wadaadada sheegta ee puntland ku sugan iyagaa is dhigay war rag noqdo oo mooryaantuba wey hubeysan yihiin waxay doonaan beyna sameeyaane adinkoo dad wanaagsan ah maxaa idiin diiday inaad isdifaaci kartaan

  4. gawaafe says:

    osman.

    sidaan iyo meeshaan laguma soo gudbiyo wixii shaqsi ahaaned ee adiga aad uga baahan tahay maamulka webka.
    caqligaagana waaba muuqdaa uma qalantid in web heer international ah inaad ka shaqeysid , aqoontaada suxufinimona waxay ka muuqataa qaabka aad commentiga u qortay.

  5. Abdinur says:

    Awalan a.s.c.w/w/b/ bacdasalan walaalyal alla’ah baa mahad iska leh hadi an ugudbo fikraday kusabsan amanka galkacayo ani gu waxan rumay sanahay awalan inlagu gaarayo horumar iyo man kitaabka all’ah waxan kalo rumaysanahay inan xal lahelayn inta waxbi la’aadan u same yay xal lagaradinaayo putland ama somaliland dadka rumaysan iyo dimuquradiyad ayan tiig sanan waxan leyahay kuwii iniga horeyay ee hamigas kujiray kumay faa idin ee khasaren marka waxan leyahay haku hungobina xooga laynii seta dheeray naayo ee alla’ah kabaqay oo joojiya dadka musliminta ee aad dhibaysan waxa naa ogatan inu xaqu baqi ahaana yo baadil kuna sulaayo wabilahi towfiq

  6. ubumuxsin says:

    asalaamu caleykum salaan kadib waxaan layaab ah sida maamulka puntland u ogal yahay maamul kale oo aan ka amar qaadan oo wiliba hubaysan taasi diinta iyo caqli midna maaha tankale dadka la lee yahay waxay dirirayn diinta alle waa in wax laga qabtaa oo la iska dhacshaa maxaa yeelay qofkii diinta dirira iyo alle wayne iyo islaamka waxaa naga dhexeeya dagaal

  7. Awale says:

    Putland xooga hasarto sii cidamada bada alaaliyo loo badinlahaaa(burcad padetka) tankale rapshada inta ey dhicin aya lahor qaptaa guul Somaliweyn

  8. mohamed says:

    waa wax laga xishoodo in puntland ey ku dhex sugnaadaan maleeshiyo magacoodu yahay ASSHAADO LA DIRIRI,

  9. mohamed says:

    waa wax laga xishoodo in puntland ey ku dhex sugnaadaan maleeshiyo magacoodu yahay ASSHAADO LA DIRIRI,isla markaana ey shacabka kuwooda wax galka ah ey marwalba xirxirtaan, jirdilaan ama dhoofsadaan waxaan oran lahaa reer puntland ma aha maamulka daba dhlifka ah kaliya. shacabka halkaas haka kacaan hana ka hortagaan hadey dhayalsadaana waxaa imandoono wax ka weyn. waxaana ka rajeynayaa walaalaha puntland iney boorka iska jafaan ashahaada la dirirkana ey baabi iyaan.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Related

  1. Sheekh Cismaan Shire oo ay Ciidamada Ashahaado la dirirka (PIS)M. Boosaaso ka qafaasheen
  2. Sarkaal ka mid ah Isbahaysigii Ashahaado la dirirka oo la khaarajiyay
  3. Abuu Mansuur “niman baa jira Barnaamijka Ashahaado la dirirka loo sheegay”
  4. Shirkada Isgaadhsiinta ee Golis Telecom oo Adeegeeda Gaadhsiisay Deegaano Cusub
  5. Maareeyihii Garoonka Muqdisho oo dib loo sii daayey

Latest Headlines